Home Blog Page 475

Dowladda Burkino Faso oo dalka ka ceyrisay sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay

Dowladda Milateriga ah ee Burkina Faso ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku amartay isuduwaha howlaha gargaarka bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay Barbara Manzi inay si deg deg ah dalka uga baxdo, iyadoo aan la sheegin sababta rasmiga ee loo eryay.

Xiriir lala sameeyay, afhayeen u hadlay dowladda isla markiiba ma uusan sheegin sababta ay ugu calaamadisay Manzi, isuduwaha Qaramada Midoobay ee Burkina Faso, “persona non grata” oo ay ka dalbatay inay baxdo Jimcihi ishalay.

Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaan isna isla markiiba ka jawaabin codsi ah inuu faahfaahin ka bixiyo ceyrada Manzi.

Burkina Faso oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan caalamka ayaa waxaa ka socda kacdoon ay wadaan kooxo xiriir la leh Al-Qaacida iyo ISIS, kuwaas oo dilay kumannaan shacab ah, ayna ka abuureen mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee qaaradda sida xawliga ah u sii kordhaya.

Ku dhawaad laba milyan oo qof ayaa barokacay oo degan xeryo cooshado ka sameysan, oo badi ay maamusho Qaramada Midoobay, kuwaas oo ku yaal baadiyaha oomanaha ah.

Rabshadaha, oo soo jiitamayay muddo ku dhow toddobo sano, ayaa ka dhacaya waqooyiga iyo bariga, taasoo curyaamisay dhaqaalaha maxalliga ah, oo sababay gaajo ballaaran, isla markaana xaddiday helitaanka hay’adaha gargaarka.

Reuters.

Masuuliyiin iyo saraakiil Ciidan oo kormeer ugu tagay xooggaga xoreynta deegaanka Daaru Naciim ee gobolka Shabeellada dhexe

0

Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ay wehliyaan Taliyaha ciidanka xoogga,Sanatar Afcadey, Taliyaha ciidanka dhulka, guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer dhiiri galin ah ugu tagay xooggaga xoreynta deegaanka Daaru Naciim ee gobolka Shabeellada dhexe.

Masuuliyiinta ayaa maalmahaanba kormeer ay ugu kuur galayaan xaaladda deegaanadii Cadowga laga xoreeyay ku marayay deegaano gobolkaas ka tirsan.

Weerar toogasho ah oo ka dhacay bartamaha Paris

Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay bartamaha magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska, halkaasi oo uu ku dilay labo qof tiro kalena uu ku dhaawacay.

Toogashada ayaa ka dhacday meel ku dhow xarun dhaqameed ay leeyihiin Kurdiyiinta.

Eedaysanaha oo da’diisu lagu sheegay 69 jir ayaa waxaa gacanta ku dhigay booliiska.

Maamulka ayaa ka codsaday dadka inay ka fogaadaan aagga xarunta Rue d’Enghien, ee degmada 10-aad ee Strasbourg-Saint Denis.

“Waa argagax, waxaan isku soo xirnay gudaha,” ayuu yiri mid ka mid ah dukaanleyda oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Qof goob jooge ah ayaa sheegtay in ay maqashay todobo ilaa sideed xabadood oo qarxay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku dhawaaqay in howlgalka Xoreynta uu dhawaan ka bilaabanayo Koofur galbeed iyo Galmudug.

Madaxweynaha JFS Mudane Hassan Sheikh Maxamuud ayaa Maanta Khudbad dhinacyo badan tabaneysa waxa uu ka jeediyey Masjidka Madaxtooyada Isaga oo hadalkiisa diirada ku saaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab.

Madaxweyne Hassan ayaa ugu horeeyn Cambaareeyey dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay isaga oo ku baaqay in miiska wadahadalka lagu dhameeyo xiisadaas.

Dhanka kale Madaxweynaha oo ka hadlayey dagaalka Al-shabaab ayaa sheegay in dhawaan howlgalo ka dhan ah khawaarijta Al-shabaab laga bilaabay deeganada Maamulka KGS isaga oo xusay in ciidamadii qaadi la ahaa howlgalkaas qaar kood la geeyey deeganada maamulkaas halka kuwa kale la dhamestiri doono.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in isna deganada Galmudug laga bilaabayo howlgal lamid ah midkaan oo ka dhan ah khawaarijta AL-Shabaab.

Guddoomiyaha BFS oo si kulul uga hadlay dagaalkii Baydhabo ka dhacay

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa war saxaafadeed ka soo saaray dagaalada ka socdo magaalada Baydhabo, isagoo dhinacyada dagaalamaya faray in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa lagu sheegay in uu aad uga xun yahay shaqaaqada Maanta ka dhacday magaalada Baydhabo, isaga oo u tacsiyadeeyay ku dhintay dagaalka.

Halkaan kala Akhriso

Wafdi uu Hoggaaminayo Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo Gaaray Deegaanka Al-kowsar

0

Wafdi uu Hoggaaminayo Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan Taliyaha ciidanka dhulka iyo Wasiir-Dowlaha Gaashaandhigga ayaa maanta kormeeray Magaalada Al-kowsar ee gobolka Shabeellada dhexe oo dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta.

Wefdiga taliyaha ayaa waxaa Al-Kowsar ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe iyo Qeybaha Bulshada magaaladaas.

General Odawaa ayaa Bulshada Reer Kowsar uga mahad celiyay soo dhaweynta diiran iyo sida Ciidamada ugu garab istaageen in Khawaarijta laga Ceyriyo magaalada.

Jarmalka oo gacanta ku dhigay shaqaale ka tirsan hay’addeeda sirdoonka dibadda oo u basaasayay Ruushka

Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa xiray shaqaale ka tirsan hay’addeeda sirdoonka dibadda ee BND iyaga oo looga shakiyay in uu sirta dowladda u gudbiyay Ruushka. Eedeysanaha, oo magaciisa lagu sheegay Carsten L, ayaa lagu xiray Berlin ka dib markii looga shakiyay kiis suurtagal ah oo khiyaano qaran ah.

Maamulka ayaa baaray gurigiisa iyo goobtiisa shaqada iyo sidoo kale guriga qof kale leeyahay. Madaxa sirdoonka dibadda Bruno Kahl ayaa sheegay in sii deynta tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan kiiskaan ay faa’iidi karto Moscow.

Carsten L ayaa xabsiga lagu sii hayay maalintii Khamiista, maalin ka hor markii lagu xiray caasimadda Jarmalka. Waxaa looga shakisan yahay in sannadkan uu Ruushka la wadaagay xogta oo uu helay intii uu ku guda jiray hawlihiisa shaqo.

Dacwad oogayaasha federaalku ma aysan faah faahin in taasi ay ahayd ka hor ama ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine.

Chancellor Olaf Scholz ayaa lagu wargeliyay arrinta dhowr toddobaad ka hor, sida laga soo xigtay website-ka Spiegel, waxaana amar lagu soo xirayo la soo saaray 16 December.

Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay dagaal xoogan oo ka dhacay Magaalada Baydhabo

0

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay ka xun tahay shaqaaqooyinka gacan ka hadalka ee saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

Dowladda Federaalka waxay ku boorineysaa dhammaan qeybaha siyaasadda inay miiska wadahadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaanshahooda, isla markaana ay ka fogaadaan in dhiig la daadiyo.

Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Ammaanka iyo Kooxo taageersan siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan muddo kororsiga Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed ( laftaagreen)

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo kulan casho ah la yeeshay Hobollada Qaranka Waabari

0

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa xalay kulan casho ah la yeeshay hobollada Qaranka Waabari ee ku su nool Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Kukanka waxaa ka qeyb galay Qunsulka Jamhuuriyadda Soomaaliya Ingiriiska mudane Dayib.

Agaasimaha ayaa Hobollada Qaranka kula dardaarmay in ay xoogga saaran isla markaana ka qaataan door muhiim ah wacyi galinta Bulshada iyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee dalka ka ka socda..

Repatriation of Somali Troops Trained in Eritrea to Continue..

0

Mogadishu, 22nd December 2022: The Federal Government of Somalia wishes to announce that the repatriation of Somali troops who underwent training in Eritrea which kicked off yesterday will continue for the coming few weeks until all of them are back home.

Around 5,000 Somali soldiers have undergone military training in the last three years, thanks to the brotherly country of Eritrea which imparted to them much-needed, high-level skills.

The President of the Federal Republic of Somalia Dr. Hassan Sheikh Mohamud who put efforts to ensure the safe return of the troops has indicated that the forces will play a major role in the ongoing fight against the terrorist Khawarijite group of Al Shabab.

‘’ The arrival of the first batch of Somali forces trained in Eritrea has given fresh impetus to the heroes of the Somali National Forces who are determined to rid the country of the Al Shabaab menace once and for all.”

The Federal Government of Somalia expresses its heartfelt gratitude to the President and people of Eritrea for their generosity in hosting such a big number of Somali forces in their country, despite the challenges presented by such a big mission.

The Government maintains that fighting terror is its foremost priority even as its charts the course towards recovery, development and normalization of the lives of citizens who have endured more than a decade of terror and destruction visited by Khawarijite Al Shabab terrorists.

Finally, the Federal Government of Somalia and its people hail the unwavering support received from neighbouring countries and the rest of the world in this crucial period of fighting an enemy who is not only a threat to Somalia but to the region and to the rest of the world.