Home Blog Page 475

One of the Most Media Manager in Somalia” Bashiir Baarbe.

Golaha Wasiirrada oo soo bandhigay in 70% hoos loo dhigay weerarradii ay Khawaarijtu ka geysan jireen dalka.

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyey heshiiska Adeegga Duulista iyo Hawada ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo lagu lafa-guray guulaha ay ciidamadu ka gaareen xasillinta Caasimadda iyo xoreynta dalka.
Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidamadu ka gaareen xorreynta dalka oo suurta-gelisay in 70% hoos loo dhigay weeraradii ay argagixisaduka geysan jireen dalka, waxaana lagu guuleystay xasillinta caasimadda oo sababtay in si nabad ah ay shacabka Soomaaliyeed u cibaadeystaan bishii soon.
Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey heshiiska Iskaashi ee Adeegga Duulista iyo Hawada ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo dib u cusbooneysiin ay ku sameeyeen labada dal.
Golaha ayaa warbixin ka dhagaystay Guddiga Wasiirrada ah ee loo xil saaray soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayirmay dagaalka Suudaan, iyada oo lagu guuleystay in 1198 qof oo u badan arday wax ka baranaysay Suudaan lagu soo celiyo dalka, welina ay soconayaan howlaha daadgureynta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Golaha ayaa soo dhaweeyey tallaabada hoos loogu dhigay qiimaha lacageed ee sannadkan ay ku tagi doonaan Xajka muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ka yar qiimihii sannadkii hore, taas oo ku timid tartan daah-furan oo ay galeen shirkadaha doonaya adeegga xujeyda.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kormeerey Dhulalka Dowlada ee Duleedka Baydhabo.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kormeerey Dhulalka Dowlada ay Leedahay ee ku yaala Duleedka Magaalada Baydhabo kuwaasi oo Dowlada ay Qorshaysay in Dhowaan laga dhiso Xarumo loogu adeegayo Bulshada ku nool guud ahaan Koonfur Galbeed.

Olole Nadaafadeed oo laga sameeyay Degmada Hodan. {SAWIRO}

Gudoomiyaha Dagmada Hodon ee Gobolka Banaadir Cali Fahle ayaa Olole nadaafadeed ka sameeyay isgooyska shaleema Al-nasri, isbitaalka masaarida ilaa tarabuunka si sare loogu qaado bilicda dagmada gaar ahaan laamiga dheer ee isku xira tarabuunka ilaa shaleema Al-nasri kaas oo saamayn uu ku yeeshay Robobkii caasimada ka da’ay.

Gudoomiye Cali Fahle oo ka hadlay bilicsoocelinta Dagmada ayaa yiri

“waxaana ka qaadnay qashinkii, ciidii iyo dhiiqadii ay sababeen roobabkii ka da’ay magaalada, waxaana u taganahay in ka shaqayno dagmo nadiif ah oo amni ah sidoo kale, shacabkana waa in ay ka digtoonaadaan in qashin lagu qubo wadooyinka”

Waxaa igu wehliyay agaasimaha nadaafadda maamulka gobolka Benadir iyo guddoomiyaha waaxda Oktoobar, sidoo kale waxaa gacan wayn naga siiyay howshaan nadaafadeed Companiga Kheere qabe construction maamulaha. guud mohamed ali siyaad. Reer tarabuun waxaan leenahay fura wadooyinka nadaafaddan ku dadaala.”

Maalinta caalamiga ah ee saxaafadda oo Baydhabo laga xusay.

Wasiirka Warfaafinta KGS ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay 3 May oo ah maalinta xuriyada warbaahinta Aduunka.

Munaasabadan lagu xusayay 3may oo sanadkasta la xuso maalinta xuriyada Warbaahinta Aduunka ayaa waxaa Baydhabo ku qabtay Ururka Saxafiyiinta Koonfur Galbeed oo taageero ka helayo UNSOM, waxaana ka soo qeybgalay xeerilaaliyaal ka socda koonfur galbeed, bulshada rayidka iyo bahda Wariyaasha Koonfur Galbeed .

Gudoomiyaha ururka wariyaasha Koonfur Galbeed muxidiin xasan maxamed xusni ayaa ka sheekeyey sanadkan wixii wax yaabihii dalka ka dhacay iyo sida wariyaasha horumarka uga shaqeyn lahaayeen .

Aadan mayow oo aqaanyahanada ka mid ah ahna gudoomiyaha Jaamacada Bay iyo agaasimaha tvga Cumar Mustaf ayaa maalintan ka hadlay.

Xeer ilaaliye ku xigee ka koonfur Galbeed Raxma …. ayaa sheegtay in aysan iska dhicin in wariyaasha iyo warbaahinta lagu xad gudbo.

Wasiirka warfaafinta KGS Cfatax Cali Yuusuf ayaa balan qaadey in koonfur galbeed si gaar ah u ixtiraameyso wariyaasha iyo Warbaahinta, isagoona farey iney bulshada dhinaca wanaagga wax ka tusaan .

Sanadkasta ururka wariyaasha Koonfur Galbeed waxay xusaan maalintan oo kale sedaxda May maalinta xuriyada warbaahinta aduunka

Dowladda Maxay ku dooratay in dalalka safka hore ay la kaashato dagaalka Khawaarijta?

Madaxweynaha Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka Khawaarijta Al-shabaab ay u kaashanayaan cid kasta oo wax kala qabanaysa, si loo soo gabagabeeyo dhibaatada ay ku hayaan bulshada gobolka.

Mudane, Xasan Sheekh oo ka qeyb galayay kulan Dad weyne oo lagu qabtay Muqdisho kana jawaabayay su’aal ahayd sababta ay dowladdu u door bidday in ay dagaalka khawaarijta ka qeyb qaataan dowladaha safka hore ayaa sheegay in waddamada jaarka iyo kuwa naga fogba ay kaashanayaan maaddaama uu cadowgu yahay mid caalami ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in howlgalka la qorsheeyay ee ay wada geli doonaan dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada dalalka safka hore uu noqon doono sagaashan Cisho oo keliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidanka ATMIS uu yahay mid madax bannaan kana tirsan AU oo hoos taga Qaramada midoobay, sidaa awgeedna aysan u howlgeli karin sida aan rabno ama sida ay doonayaan dowladahooda, kuwaas oo u hoggaansami kara ammarkeenna iyo wixii ay dowladahooda faraan.

“Ma heli karno inaan dhahno AMISOM ha naloo soo badiyo, ma heli karno AMISOM sida annaga aan rabno in ay u shaqayso, dowladahoodiina kalama heshiin karno sababtoo ah AMISOM waxay ku jirtaa United Nations Security Council iyo African Union, dowladahoodii xitaa wax badan kama baddeli karaan , kuwo annaga aan dhihi karno waddadaan baan rabnaa inaad martaan, ayaguna ay dowladahooda dhihi karaan waddadaas ay dowladda Soomaaliya codsatay mara waaye kuwa aan maanta haysanna”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tusaale usoo qaatay bulshada bariga Afrika oo ay Soomaaliya dooneyso in ay ku biirto iyo waddamada xubnaha ka ah, kuwaas oo aan wax lala wadaagi karin haddii aan la helin amni, sidaa daraaddeedna ay kaashanayaan cid kasta oo ka caawineysa la dagaallanka kooxaha khawaarijta.

Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay horumarinta Muqdisho iyo mataanaynta labada Caasimadood

Agaasimaha Xiriirka Dibadda iyo Hey’addaha Caalamiga Mudane, Maxamed Xasan ayaa kulan la qaatay Kusimaha Danjiraha Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya ahna Safiir Kuxigeenka Mudane, Naasir Cali.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta Barnaamijyada Gargaarka bani’aadanimo ee Dowlada Qatar ka fuliso Gobolka Banaadir, sidii dowladda Qatar ay maamulka Gobolka Banaadir ugu gacan siin lahayd arrimaha horumarinta Caasimadda iyo in laga wada qeyb qaato shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale kulanka ayaa la iskula soo qaaday dhismaha Dugsiyada farsamada gacanta, tababaridda shaqaalaha Dawlad hoose ee Xamar iyo dabagalka heshiisyada mataaneynta Muqdisho iyo Doxa.

Waxqabadka Dowladda ee Toddobaadlaha

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay kulan dadweyne oo shacabku ay ku weydiinayeen su’aalo ku saabsan waxqabadka iyo hawlaha horyaalla dowladda.
2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ,Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Cunnada Adduunka Marwo Cindy McCain ayaa ka wadahadley horumarinta barnaamijyada cunnada Soomaaliya, taageerada hay’adda cunnada adduunka iyo wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay saameynta isbedelka cimilada ee ku saabsan cunna yarida.
3- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqey qiimo dhimis kharashka lagu xajinayo sannadkan 2023-ka.
4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgaley daah-furka Geeddi-Socodka Wadashaqeyneed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, oo dhabbaha u furaya iskaashi cusub oo dhex mara labada dhinac, labada sano ee soo socota.
5- Ra’’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeybgaley munaasabadda daah-furka Barnaamijka Tirakoobka Dadka iyo Guryaha Soomaaliyeed.
6- Boqolaal muwaadiniin ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya dib ugu soo celisay dalka, iyagoo laga soo badbaadiyay colaadda ka aloosan Sudan.
7- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dhowaan magacawdey guddi heer wasiiro ah oo isku dubbaridaya samatabixinta muwaadiniinta ku xaniban Sudan.
8- Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Cabdiraxmaan Maxamed Anas.
9- Soomaaliya oo soo dhoweysay go’aamadii ka soo baxay Shir Madaxeedka Waddamada ay Ciidammadda ka joogaan Soomaaliya oo ay ka mid yihiin dhimista Ciidanka ATMIS ee Midowga Afrika, iyo diyaargarowga Soomaaliya in ay amnigeeda la wareegto dhammaadka sanadka soo socda ee 2024.
10- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo hawlgal ka dhacay degaanka Cali Qaboobe ee gobolka Mudug ku dilay 60 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.
11- Maamulka gobolka Banaadir oo mamnuucay ka ganacsiga maandooriyaha oo khatar ku ah amniga iyo nolosha shacabka caasimadda.
12- Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan oo agab caafimaad ku wareejiyay dowlad goboleedyada, tallaabadaas oo qeyb ka ah qorsha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee baahinta adeegyada caafimaad ee geyiga Soomaaliya.
13- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo dalka Morocco uga qeybgalay shirka sannadlaha ah hay’adaha maaliyadda dalalka Carabta, xilli Soomaaliya ay horumar weyn ka sameyneyso dib u habeynta dhaqaalaha iyo hirgelinta barnaamijka deyn cafinta.
14- Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa khadka fogaan aragga kula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, isagoo uga warbixiyay waxqabadka iyo horumarka dowladda, iyo weliba siyaasadda dowladda ee qurba joogta.
15- Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka oo gurmad u fidisay qoysas ay saameeyeen roobabkii xoogganaa ee Muqdisho ka da’ay.
16- Ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay walxo qarxa iyo dhagar qabihii waday Xasan Cali Nuur oo Khawaarijta ka tirsanaa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Ruushka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay danjiraha Ruushka u qaabilsan Soomaaliya iyo Jabuuti Amb. Mikhail Golovanov.
Guddoomiyaha iyo danjiraha ayaa kawada hadlay xiriirka labada baarlamaan ee dalalka Soomaaliya iyo Ruushka. Safiirka ayaana dhambaal salaan ah oo uu ka siday Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Ruushka Mudane Vyacheslav Volodin soo gaarsiiyay Guddoomiyaha, isagoona sheegay in la xoojiyo cilaaqaadka labada dal.
Sidoo kale Danjire Mikhail Golovanov ayaa xusay In xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ka qeyb galeen Shirka Baarlamaanka Ruushka iyo Afrika, kaas oo looga hadlay xiriirka Saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Dawladaha Afrika iyo Ruushka si loo adkeeyo wada shaqeynta wadamada Afrika iyo Ruushka.

Guddoomiyaha Aqalka sare oo qaabilay safiirka Ruushka

Guddoomiyaga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ruushka u fadhiya Soomaaliya Mikhail Golovanov.

Danjire Mikhail Golovanov ayaa ugu horreyn Guddoomiyaha la wadaagagay warbixin ku saabsan halka uu marayao xiriirka labadal, isagoo xusay in dowladda Raashiya Soomaaliya ay u tahay saaxiib dhow oo istaraatiiji ah, kana go’an tahay xoojinta xiriirka labadal iyo iskaashi dhexmara golayaasha Baarlamaanka labada dal.

Dhankiisa, Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Danjiraha la wadaagay xiriirkii soo jireenka ah oo ay lahaayeen Soomaaliya Raashiya iyo sida ay uga go’an tahay Soomaaliya inay dalalka caalamka la yeelato iskaashi miradhal ah oo ku dhisan is-qaddarin iyo wax-wada-qabsi aan mugdi ku jirin.