Home Blog Page 45

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda XFS oo waddanka Turkmenistan ugu qaybgalay shir muhiim ah

0

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa ka qayb galay shirkii 3aad ee Qaramada Midoobay ee wadamada aan xeebaha lahayn, kaas oo lagu qabtay magaalada Awaza ee waddanka Turkmenistan.

Shirkan ayaa looga hadlayay sidii loo horumarin lahaa isku xirnaanta iyo fududeynta isu socodka dadka iyo badeecadaha wadamada xeebaha leh iyo kuwa aan xeebaha lahayn.

 

Bariirre oo lagu jabiyay khawaarijta

0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM oo ay garab ka helayaan saaxiibada caalamka ayaa jab culus gaarsiiyay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire, gobolka Shabeellaha hoose, kadib howlgal qorsheysan oo guul leh.

Khawaarijta ayaa isku dayday in ay laba gaari oo miineysan ku soo weeraraan ciidamada, si ay u fuliyaan weerar naf-halignimo ah. Balse Ciidanka ayaa si feejigan iyo geesinimo leh uga hortagay weerarkaasi, waxaana ay guuleysteen in ay si nabad ah u burburiyaan labada gaari ka hor intaysan waxyeello geysan.

Howlgalkan oo qeyb ka ah ololaha “Duufaanta Aamusan”, ayaa si toos ah loogu beegsaday saldhigyo istiraatiiji ah oo ay kooxda Khawaarijta ku lahaayeen gudaha magaalada, waxaana lagu jebiyay difaacooda. Intii uu socday howlgalka, in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay.

Howlgalka oo socday muddo afar maalmood ah, ayaa lagu gaaray guulo muhiim ah, inkastoo ay ku shahiideen 2 askari oo ka tirsan CXD, halka 12 kale ay dhaawacyo fudud soo gaareen, kuwaas oo si degdeg ah loogu sameeyay daryeel caafimaad.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay si gaar ah u bogaadineysaa geesinimada, feejignaanta, iyo naftu-hurnimada Ciidanka Xoogga Dalka, ciidamada Uganda, iyo taageerada joogtada ah ee saaxiibada caalamka. Wasaaraddu waxay mar kale adkeynaysaa go’aanka cad ee ah in dalka laga ciribtiro Khawaarijta meel kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan.

Dab qasaare maaliyadeed oo ka socda Suuq-bacaad

0

Dab qasaare maaliyadeed oo baaxad leh gaystay ayaa ka socda Suuq-bacaad oo ah suuqa 2-aad ee ugu weyn magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dab-damiska iyo Booliska ayaa ku hawlan hawsha daminta dabka, si loo yareeyo qasaaraha hantiyeed ee uugaysan karo.

Wixii war ah ee ku soo kordha kala soco SONNA

Wasiirka maaliyadda oo kulan la qaatay danjiraha UK

0

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Mr. Charles King, kadib kulan ka dhacay xarunta safaaradda Ingiriiska ee magaalada Muqdisho.

Intii uu socday kulanka waxaa diiradda lagu saaray dadaallada horumarineed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda Dan-qaran ay ka wadaan dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka, kobcinta dakhliga gudaha, iyo horumarinta fursadaha maalgelin ee labada dal iska kaashan karaan.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa ah saaxiib dhow oo door muuqda ku leh horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-habaynta maaliyadeed iyo taageerada dhaqaalaha dalka.

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo saxiixay hab-raacyo tayada adeega sare loogu qaadayo

0

Agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay habraacyo muhiim ah oo lagu hagaajinayo adeegyada ay hay’addu siiso bulshada Soomaaliyeed.

Ujeedada habraacyadan ayaa ah in la dardargeliyo hannaanka adeeg-bixinta, lana xaqiijiyo hufnaan, isla xisaabtan, iyo adeegyo tayo leh oo la jaanqaadaya baahida shacabka.

Munaasabadda saxiixa habraacyadan oo ka dhacday xarunta dhexe ee HSJ waxaa ka qeyb galay Agaasime Ku-xigeennada Guud, Lataliyeyaal, Agaasime Waaxeedyada, iyo saraakiil sare oo ka kala socday xafiisyada hay’adda. Kulankan wuxuu muujiyey midnimo iyo ka-go’naansho dhab ah oo ku aaddan hirgelinta isbeddelada la xiriira adeegga.

Habraacyada la saxiixay ayaa daboolaya dhammaan adeegyada ay Hay’addu bixiso, waxaana ka mid ah:

• Habka dalbashada iyo bixinta baasaboorka Soomaaliyeed

• Maamulka socdaalka iyo xuduudaha, si loo hubiyo dadka dalka soo galaya ama ka baxaya

• Maamulka shaqada iyo shaqaalaha

• Maaraynta maamulka guud ee Hay’adda

Yaraynta Waqtiga Dalabka Baasaboorka

Mid ka mid ah tallaabooyinka ugu waaweyn ee ka dhashay habraacyadan cusub ayaa ah yareynta waqtiga la sugayo baasaboorka caadiga ah. Tani waxay si toos ah u anfici doontaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan adeegyo degdeg ah oo hufan.

1. Dalbashada baasaboorka cusub – Waqtiga sugitaanka waxa laga dhigay 7 maalmood, halkii uu markii hore ka ahaa 15 maalmood.

2. Cusboonaysiinta baasaboorka dhacay ama lumay – Waqtiga sugitaanka waxa laga dhigay 4 maalmood, halkii uu markii hore ka ahaa 10 maalmood.

Agaasimaha Guud, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in habraacyadan ay saldhig u yihiin isbeddelka ay hay’addu hiigsanayso. Waxa uu tilmaamay in ay si cad u dejinayaan hannaan shaqo oo mideysan, hufan, kuna dhisan isla xisaabtan. Waxa uu intaa ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay mudan yihiin adeeg sharaf leh, degdeg ah, oo aan carqalad lahayn.

Wasiirka arrimaha dibadda oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Venezuela

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Isniin ah, kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo, Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Bolivaria ee Venezuela, Marwo Moravia Peralta Hernandez.

Wasiirka ayaa u rajeeyay Danjire Moravia Hernandez in ay ku guulaysato howsha loo igmaday, isaga oo caddeeyay muhiimadda weyn ee ay leedahay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee joogtada ah iyo xushmad is-dhaafsiga ka dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah ee Soomaaliya iyo Venezuela, isaga oo muujiyay baahida loo qabo qoto-dheereynta iskaashiga labo geesoodka iyo xoojinta wax-wadaag wax-ku-ool ah oo looga gol leeyahay horumarinta dano wadaagga, si sare loogu qaado iskaashiga dhammaan dhinacyada kala duwan ee muhiimadda u leh labada dal

Wasiirka arrimaha dibadda oo warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay safiirka Mexico

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Isniin ah, kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo, Safiirka cusub ee Gobollada Midoobay ee Mexico, Mudane Alejandro Ives Estivill Castro.

Wasiir Cabdisalaan ayaa u rajeeyay safiirka inuu ku guuleysto howlaha loo igmaday, iyo xoojinta iyo ballaarinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah ee Soomaaliya iyo Mexico, isagoo carabaabay in falgalka diblomaasiyadeed ee cusub uu daaha ka qaadi doono wadashaqayn sal-ballaaran, ujeedkeeduna yahay dhisidda wax-wadaag xooggan oo sare-u-qaadaya nabadda, amniga iyo kobaca waara.

Guulaha dowladdu ka gaartay la dagaalanka maaliyadeed ee argagixisada (Faallo)

0

Soomaaliya waxay muddo dheer wajahaysaa khatar joogto ah oo ka imaanaysa Al-Shabaab – koox xag-jir ah oo soo if-baxday horaantii 2006, taasoo ka faa’iidaysatay nuglaanta dowladnimo ee dalka ka jirtay xilligaas. Al-Shabaab waxay ku guuleysatay in ay la wareegto qaybo muhiim ah oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya, halkaasoo ay kusoo rogeen nidaam ay ugu yeeraan xukun Islaami ah.

Kooxdani waxay dhaqaale sharci-daro ah ka heshaa ilo dhowr ah, sida lacagaha baadda ay ka qadaan Ganacsatada Soomaaliyeed oo ay uga magacdareen (Zakawaat), taasoo noqotay il dhaqaale oo muhiim u ah sii jiritaankooda iyo qaadidda weerarada lagu beegsado dadka rayidka ah iyo xarumaha dowladda .

Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib loogu doortay xilka Madaxweynaha bishii May 2022, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab u qaabaysay istiraatiijiyad saddex-geesood ah: mid ka dhan ah fikirka xagjirnimada, mid ciidan oo milatari ah, iyo mid dhinaca maaliyadda ah oo lagu beegsanaayo ilaha dhaqaale ee ay kooxdani ku tiirsan tahay.

Maqaalkani wuxuu iftiiminayaa guulaha muhiimka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dagaalka maaliyadeed ee ka dhanka ah Al-Shabaab intii u dhaxaysay 2022 ilaa July 2025. Waxaa si gaar ah u falanqeynayaa dib-u-habeynta sharciyadeed ee la sameeyay, tallaabooyinka lagu curyaamiyay dhaqaalaha Al-Shabaab, iyo horumarka laga gaaray xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda ee u xilsaaran la dagaalanka lacag-dhaqidda iyo ka hortagga maalgelinta argagixisada (AML/CFT).

1. Ansixinta Shuruucda Muhiimka u ah La Dagaalanka Maalgelinta Argagixisada

Kadib ku dhawaaqista Madaxweyne Xasan Sheekh ee “dagaalka dhinaca maaliyadda ah” oo lagula jiro ururada argagixisada, DFS waxay hirgelisay shuruucda muhiimka u ah curyaaminta awoodda dhaqaale ee kooxaha xagjirka ah.

Markii ugu horeysay waxaa wax-ka-beddel lagu sameeyay Sharciga La Dagaalanka Lacag-Dhaqidda Iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagixisada (AML/CFT ACT 2016), iyadoo lagu soo daray qodobo cusub oo muhiim ah si uu sharcigu ula jaanqaado Talooyinka Caalamiga ah ee kooxda FATF. Dib-u-eegistan cusub waxay si weyn u xoojisay awoodda Xarunta Warbixinada Maaliyadeed (FRC) iyo Hay’adaha Fulinta Sharciga si ay si hufan uga hortagaan dambiyada la xiriira lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.

Sidoo kale, sannadkii 2023, DFS waxay ansixisay laba sharci oo muhiim ah oo xoojinaya awoodda dalka ee ka hortagga Maalgelinta argagixisada:

• Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman (2023): Iyadoo lagu saleynaayo Qaraarada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCRs 1267 iyo 1373), sharcigan wuxuu awood u siinayaa dowladda in ay soo saarto liis qaran oo xayiraad maaliyadeed lagu beegsanayo hogaamiyeyaasha kooxaha argagixisada, si waafaqsan xeerarka iyo waajibaadka caalamiga ah ee ay Soomaaliya saxiixday.

• Sharciga La-Dagaalanka Argagixisada (2023): Sharcigan wuxuu si weyn u ballaariyay awoodaha laamaha baarista iyo hay’adaha garsoorka, isagoo u oggolaaday qabashada iyo xayiraadda hantida ay leeyihiin shakhsiyaadka ama kooxaha lala xiriirinaayo argagixisada.

Shuruucdaan ayaa noqday tiir muhiim u ah istiraatiijiyadda DFS ee la dagaalanka maalgelinta argagixisada, waxayna dhidibada u taageen hannaan sharciyeed oo la jaanqaadaya xeerarka caalamiga ah.

2. Adkeynta Hanaanka Qaran ee La-Dagaalanka Lacag-Dhaqidda iyo Ka-Hortagga Maalgelinta Argagixisada (AML/CFT)

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay dejisay habraacyo wada-shaqeyn oo hufan oo lagu xoojinayo la-dagaallanka maalgelinta argagixisada, iyadoo hoggaanka hawshan ay leeyahay Guddiga Qaranka ee La-Dagaalanka Lacag-Dhaqidda iyo Ka-Hortagga Maalgelinta Argagixisada (NAMLC). Guddigan ayaa si gaar ah u qaabilsan ilaalinta nidaamka maaliyadeed ee dalka si looga hortaggo in kooxaha xagjirka ahi u isticmaalaan ujeedooyin argagixiso.

NAMLC waxay soo saartay qaraaro iyo farriimo wacyigelin ah oo si toos ah ugu wajahnaa ganacsatada iyo bulshada rayidka ah, iyadoo uga digaysa bixinta taageero maaliyadeed ama mid agab ah oo lagu gaarsiiyo kooxaha argagixisada. Sidoo kale, NAMLC waxay ku boorrisay dhammaan bulshada iyo ganacsatada in ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha dowladda, isla markaana ay soo gudbiyaan warbixin kasta oo ay uga shakiyaan inay la xiriirto maalgelinta argagixisada.

Mid ka mid ah guulaha istiraatiijiyadeed ee la gaaray ayaa ah soo saarista liisaskii ugu horreeyay ee Cunaqabateynta Maaliyadeed Ee Heer Qaran, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday saraakiil sare oo ka tirsan Al-Shabaab. Liisasakan oo la shaaciyay bilaha Abriil iyo Luulyo 2024, waxaa xayiraad maaliyadeed lagu soo rogay 17 horjoogayaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baadda ah, boro-bogaandada, weerarada iyo qaraxyada.

Kadib soo saaridda liisaskan, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) waxay fuliyeen howlgallo qorsheysan oo lagu dilay saddex kamid ah horjoogeyaashii liiska ku jiray:

• Maxamed Mire Jaamac (Mire)

• Nuur Xasan Rooble (Nuunale)

• Bakar Shariif (Baashe)

Tani waxay muujinaysaa sida cunaqabateynta maaliyadeed iyo xogaha istiraatiijiga ahi u horseedi karaan guulo la taaban karo oo dhinaca amniga iyo siyaasadda ah, taas oo qayb ka ah dagaalka dowladda ee ka dhanka ah maalgelinta argagixisada.

3. Hoos u Dhaca Awoodda Dhaqaale ee Al-Shabaab

DFS ayaa qaaday tallaabooyin muhiim ah curyaaminta dhaqaalaha argagixisada, iyadoo si toos ah u bartilmaameedsatay ilaha dhaqaale, marinada ay mariyaan lacagaha baadda ah iyo meelaha ay ku keydiyaan. Tallaabooyinkaas oo ay hormuud ka ahayd xarunta FRC, waxaa lagu guuleystay in:

• Xayiraad lagu sameeyay xisaabaadka bangiyada (Banka Accounts) iyo kuwa Ganacsiga (Merchant Accounts) ee lala xiriirinayo argagixisada.

• Xiritaanka lambarrada moobilka ee lagu ururin jiray lacagaha baadda iyo kuwa lagu kaydin jiray lacagaha sharci darrada ah.

Sida ay baahisay SNTV, intii u dhaxaysay 2022 ilaa June 2025, waxaa la xayiray ku dhawaad 3,000 oo ay isugu jiraan xisaabaad banki, kuwa ganaciso iyo taleefan lambaro oo ay kooxaha Al-shabaab u isticmaalaayeen uruurinta iyo keydinta lacagaha baadda ah.

Tallaabooyinkan ayaa horseeday hoos u dhac qiyaastii 30% ah oo ku yimid dakhliga sanadlaha ah ee kooxda Al-Shabaab, taasoo muujinaysa guulaha Dowladda ee curyaaminta dhaqaalaha kooxaha argagixisada.

4. Xukunkii Ugu Horreeyay ee Maalgelinta Argagixisada ee Soomaaliya:

Bishii May 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaartay guul taariikhi ah, iyadoo markii ugu horreysay ay maxkamad Soomaaliyeed ku xukuntay dad lagu helay dambiyo la xiriira maalgelin argagixiso. Tani waxay calaamad u tahay biseylka hay’adaha dowliga ah iyo awooddooda wada shaqeyn ee ku aaddan la dagaallanka maalgelinta argagixisada.

Xukunadaan ayaa ka dhashay iskaashi dhow oo dhex maray Xarunta Warbixinta Maaliyadeed (FRC), Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud (XIG), iyo Hay’adaha Garsoorka. Iskaashigan ayaa suurtageliyay in xogaha maaliyadeed loo bedelay cadeymo maxakamdeed oo horseeday in xukuno lagu rido shaqsiyaadka lagu soo eedeeyey maalgelin argagixiso.

17-kii May 2024, Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay Cali Xuseen Isaaq (70 sano jir) ku xukuntay 7 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $3,000, kadib markii lagu helay in uu ku lug lahaa maalgelin argagixiso. Maalmo kadib, haweenay lagu Magacaabo Ayaan Abuukar Maxamed (27 sano jir) ayaa lagu xukumay 8 sano oo xarig ah iyo ganaax dhan $8,000, iyadoo lagu helay inay fududeysay lacago la xiriira maalgelin argagixiso.

5. Qiimayntii Ugu Horreysay Khatarta Qaran ee la xiriirta lacag dhaqid iyo Maalgelin argagixiso (National Risk Assessment)

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay hirgelisay hannaan ku saleysan qiimeynta khatarta (risk-based approach) oo noqday tiir u dub dhaxaad u ah qorshaha qaran ee lagula dagaalamaayo lacag-dhaqidda (ML) iyo maalgelinta argagixisada (TF).

Mid ka mid ah guulaha muhiimka ah ee laga gaaray dadaalkan waa soosaarista iyo daabacaadda Qiimayntii Ugu Horreysay ee Khatarta Qaran (NRA) ee la xiriirta ML/TF, taasoo si rasmi ah loo baahiyey sanadkii 2022. Qiimeyntaan ayaa ahayd tallaabo istiraatiijiyadeed oo lagu waafajinayo hannaanka qaranka ee AML/CFT iyo xeerarka caalamiga ah ee ay dajisay kooxda Financial Action Task Force (FATF).

Xogta Qiimeynta Khataraha Qaran (NRA) ayaa bixisay falanqeyn qoto dheer oo ku saabsan:

• Khataraha sare iyo meelaha u nugul;

• Caqabadaha hay’adaha iyo nidaamyada;

• Qaybaha ama hay’adaha u nugul in lagu takri-falo ama loo isticmaalo maalgelin argagixiso.

Natiijooyinka kasoo baxay NRA-du waxay saldhig u noqdeen:

• Dejinta siyaasado istiraatiijiyadeed;

• Dardargelinta kormeerka hay’adaha maaliyadeed;

• Horumarinta barnaamijyo lagu dhisayo awoodda hay’adaha.

Qiimeyntan waxay caddeysay sida DFS uga go’an tahay dhismaha nidaam maaliyadeed oo hufan, lehna awood uu kaga hortaggo khataraha la xiriira dambiyada abaabulan iyo maalgelinta argagixisada, iyadoo loo maraayo hannaan waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

6. Hirgelinta Waajibka Aqoonsiga Qaran (National ID)

Si looga hortago nuglaanta la xiriirta aqoonsiyada been abuurka ah, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) ayaa 29-kii Luulyo 2025 soo saaray qaraar waajib ka dhigaya in la adeegsado Aqoonsiga Qaran (National ID) marka la furaayo ama la cusboonaysiinaayo xisaabaadka bangiyada.

Amarka Hirgelinta Aqoonsiga Qaranka wuxuu xaqiijinayaa:

• in laga hortaggo isticmaalka aqoonsiyo been abuur ah.

• In la xoojiyo waajibaadka “Baro Macmiilkaaga” (KYC) iyo Hawlaha Hubinta Macaamiisha (CDD).

• In la hagaajiyo raadraaca iyo isla xisaabtanka dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed.

6. Xoojinta Iskaashiga Gobolka iyo midka Caalamiga ah

Soomaaliya ayaa xoojisay iskaashiga ay la leedahay gobolka iyo caalamka intaba, si loo kordhiyo wax-ku-oolnimada dagaalka ka dhanka ah lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, waxayna xubin firfircoon ka noqotay Ururka La Dagaalanka Lacag-Dhaqidda ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika (MENAFATF). Soomaaliya waxay haatan ku jirtaa hannaanka qiimeynta is-weydaarsiga (Mutual Evaluation Process), taasoo lagu qiimeynaayo dhameystiranka shrucuucda dalku u dajiyey la dagaalanka lacag dhaqidda iyo Maalgelinta argagixisada iyo heerka ay gaarsiisantahay wada shaqaynta hay’adaha u xilsaaran howlahaasi.

Dhanka kale, Soomaaliya waxay si rasmi ah u bilowday dadaallada ku aaddan ku biirista Kooxda Egmont, si ay uga mid noqoto shabakadda caalamiga ah ee FIUs, taasoo suurta gelinaysa is-weydaarsiga xogaha sirdoonka maaliyadeed oo ammaan ah (Secure Financial Intelligence D). Si loo gaaro yoolkan, FRC waxay horumar la taaban karo ka samaysay dhanka sharciga, dhisidda awoodda hay’adeed, iyo tayeynta hababka falanqaynta xogta.

Intaas waxaa dheer, FRC waxay saxiixday heshiisyo is-afgarad ah (MoUs) oo ay la gashay hay’adaha dhigeeda ah (FIUs), si loo xoojiyo is-weydaarsiga xogta, falanqaynta khatarta wadajirka ah, iyo iskaashiga farsamo.

7. Talooyinka Istiraatiijiyadeed oo lagu Xoojinayo Dadaallada Soomaaliya ee Ka Hortagga Maalgelinta Argagixisada

Si loo adkeeyo guulaha jira loona wajaho khataraha cusub, Soomaaliya waa in ay mudnaanta siisaa qodobbadan soo socda:

• Kordhinta wacyigelinta dadweynaha iyo ka qaybgalka bulshada

• Xoojinta iskaashiga hay’adaha dowliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay

• Kobcinta awoodda hay’adaha iyo horumarinta tiknoolajiyadda

• Cunaqabataynta joogtada ah ee hogaamiyeyaasha Al-Shabaab

• Ka faa’iidaysiga tiknoolajiyadda iyo xakameynta khataraha cusub

• Xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

Guulaha dowladdu ka gaartay la dagaalanka maaliyadeed ee argagixisada (Faallo)

Soomaaliya waxay muddo dheer wajahaysaa khatar joogto ah oo ka imaanaysa Al-Shabaab – koox xag-jir ah oo soo if-baxday horaantii 2006, taasoo ka faa’iidaysatay nuglaanta dowladnimo ee dalka ka jirtay xilligaas. Al-Shabaab waxay ku guuleysatay in ay la wareegto qaybo muhiim ah oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya, halkaasoo ay kusoo rogeen nidaam ay ugu yeeraan xukun Islaami ah.

Kooxdani waxay dhaqaale sharci-daro ah ka heshaa ilo dhowr ah, sida lacagaha baadda ay ka qadaan Ganacsatada Soomaaliyeed oo ay uga magacdareen (Zakawaat), taasoo noqotay il dhaqaale oo muhiim u ah sii jiritaankooda iyo qaadidda weerarada lagu beegsado dadka rayidka ah iyo xarumaha dowladda .

Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib loogu doortay xilka Madaxweynaha bishii May 2022, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab u qaabaysay istiraatiijiyad saddex-geesood ah: mid ka dhan ah fikirka xagjirnimada, mid ciidan oo milatari ah, iyo mid dhinaca maaliyadda ah oo lagu beegsanaayo ilaha dhaqaale ee ay kooxdani ku tiirsan tahay.

Maqaalkani wuxuu iftiiminayaa guulaha muhiimka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dagaalka maaliyadeed ee ka dhanka ah Al-Shabaab intii u dhaxaysay 2022 ilaa July 2025. Waxaa si gaar ah u falanqeynayaa dib-u-habeynta sharciyadeed ee la sameeyay, tallaabooyinka lagu curyaamiyay dhaqaalaha Al-Shabaab, iyo horumarka laga gaaray xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda ee u xilsaaran la dagaalanka lacag-dhaqidda iyo ka hortagga maalgelinta argagixisada (AML/CFT).

1. Ansixinta Shuruucda Muhiimka u ah La Dagaalanka Maalgelinta Argagixisada

Kadib ku dhawaaqista Madaxweyne Xasan Sheekh ee “dagaalka dhinaca maaliyadda ah” oo lagula jiro ururada argagixisada, DFS waxay hirgelisay shuruucda muhiimka u ah curyaaminta awoodda dhaqaale ee kooxaha xagjirka ah.

Markii ugu horeysay waxaa wax-ka-beddel lagu sameeyay Sharciga La Dagaalanka Lacag-Dhaqidda Iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagixisada (AML/CFT ACT 2016), iyadoo lagu soo daray qodobo cusub oo muhiim ah si uu sharcigu ula jaanqaado Talooyinka Caalamiga ah ee kooxda FATF. Dib-u-eegistan cusub waxay si weyn u xoojisay awoodda Xarunta Warbixinada Maaliyadeed (FRC) iyo Hay’adaha Fulinta Sharciga si ay si hufan uga hortagaan dambiyada la xiriira lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.

Sidoo kale, sannadkii 2023, DFS waxay ansixisay laba sharci oo muhiim ah oo xoojinaya awoodda dalka ee ka hortagga Maalgelinta argagixisada:

• Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman (2023): Iyadoo lagu saleynaayo Qaraarada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCRs 1267 iyo 1373), sharcigan wuxuu awood u siinayaa dowladda in ay soo saarto liis qaran oo xayiraad maaliyadeed lagu beegsanayo hogaamiyeyaasha kooxaha argagixisada, si waafaqsan xeerarka iyo waajibaadka caalamiga ah ee ay Soomaaliya saxiixday.

• Sharciga La-Dagaalanka Argagixisada (2023): Sharcigan wuxuu si weyn u ballaariyay awoodaha laamaha baarista iyo hay’adaha garsoorka, isagoo u oggolaaday qabashada iyo xayiraadda hantida ay leeyihiin shakhsiyaadka ama kooxaha lala xiriirinaayo argagixisada.

Shuruucdaan ayaa noqday tiir muhiim u ah istiraatiijiyadda DFS ee la dagaalanka maalgelinta argagixisada, waxayna dhidibada u taageen hannaan sharciyeed oo la jaanqaadaya xeerarka caalamiga ah.

2. Adkeynta Hanaanka Qaran ee La-Dagaalanka Lacag-Dhaqidda iyo Ka-Hortagga Maalgelinta Argagixisada (AML/CFT).

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay dejisay habraacyo wada-shaqeyn oo hufan oo lagu xoojinayo la-dagaallanka maalgelinta argagixisada, iyadoo hoggaanka hawshan ay leeyahay Guddiga Qaranka ee La-Dagaalanka Lacag-Dhaqidda iyo Ka-Hortagga Maalgelinta Argagixisada (NAMLC). Guddigan ayaa si gaar ah u qaabilsan ilaalinta nidaamka maaliyadeed ee dalka si looga hortaggo in kooxaha xagjirka ahi u isticmaalaan ujeedooyin argagixiso.

NAMLC waxay soo saartay qaraaro iyo farriimo wacyigelin ah oo si toos ah ugu wajahnaa ganacsatada iyo bulshada rayidka ah, iyadoo uga digaysa bixinta taageero maaliyadeed ama mid agab ah oo lagu gaarsiiyo kooxaha argagixisada. Sidoo kale, NAMLC waxay ku boorrisay dhammaan bulshada iyo ganacsatada in ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha dowladda, isla markaana ay soo gudbiyaan warbixin kasta oo ay uga shakiyaan inay la xiriirto maalgelinta argagixisada.

Mid ka mid ah guulaha istiraatiijiyadeed ee la gaaray ayaa ah soo saarista liisaskii ugu horreeyay ee Cunaqabateynta Maaliyadeed Ee Heer Qaran, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday saraakiil sare oo ka tirsan Al-Shabaab. Liisasakan oo la shaaciyay bilaha Abriil iyo Luulyo 2024, waxaa xayiraad maaliyadeed lagu soo rogay 17 horjoogayaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baadda ah, boro-bogaandada, weerarada iyo qaraxyada.

Kadib soo saaridda liisaskan, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) waxay fuliyeen howlgallo qorsheysan oo lagu dilay saddex kamid ah horjoogeyaashii liiska ku jiray:

• Maxamed Mire Jaamac (Mire)

• Nuur Xasan Rooble (Nuunale)

• Bakar Shariif (Baashe).

Tani waxay muujinaysaa sida cunaqabateynta maaliyadeed iyo xogaha istiraatiijiga ahi u horseedi karaan guulo la taaban karo oo dhinaca amniga iyo siyaasadda ah, taas oo qayb ka ah dagaalka dowladda ee ka dhanka ah maalgelinta argagixisada.

3. Hoos u Dhaca Awoodda Dhaqaale ee Al-Shabaab

DFS ayaa qaaday tallaabooyin muhiim ah curyaaminta dhaqaalaha argagixisada, iyadoo si toos ah u bartilmaameedsatay ilaha dhaqaale, marinada ay mariyaan lacagaha baadda ah iyo meelaha ay ku keydiyaan. Tallaabooyinkaas oo ay hormuud ka ahayd xarunta FRC, waxaa lagu guuleystay in:

• Xayiraad lagu sameeyay xisaabaadka bangiyada (Banka Accounts) iyo kuwa Ganacsiga (Merchant Accounts) ee lala xiriirinayo argagixisada.

• Xiritaanka lambarrada moobilka ee lagu ururin jiray lacagaha baadda iyo kuwa lagu kaydin jiray lacagaha sharci darrada ah.

Sida ay baahisay SNTV, intii u dhaxaysay 2022 ilaa June 2025, waxaa la xayiray ku dhawaad 3,000 oo ay isugu jiraan xisaabaad banki, kuwa ganaciso iyo taleefan lambaro oo ay kooxaha Al-shabaab u isticmaalaayeen uruurinta iyo keydinta lacagaha baadda ah.

Tallaabooyinkan ayaa horseeday hoos u dhac qiyaastii 30% ah oo ku yimid dakhliga sanadlaha ah ee kooxda Al-Shabaab, taasoo muujinaysa guulaha Dowladda ee curyaaminta dhaqaalaha kooxaha argagixisada.

4. Xukunkii Ugu Horreeyay ee Maalgelinta Argagixisada ee Soomaaliya:

Bishii May 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaartay guul taariikhi ah, iyadoo markii ugu horreysay ay maxkamad Soomaaliyeed ku xukuntay dad lagu helay dambiyo la xiriira maalgelin argagixiso. Tani waxay calaamad u tahay biseylka hay’adaha dowliga ah iyo awooddooda wada shaqeyn ee ku aaddan la dagaallanka maalgelinta argagixisada.

Xukunadaan ayaa ka dhashay iskaashi dhow oo dhex maray Xarunta Warbixinta Maaliyadeed (FRC), Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud (XIG), iyo Hay’adaha Garsoorka. Iskaashigan ayaa suurtageliyay in xogaha maaliyadeed loo bedelay cadeymo maxakamdeed oo horseeday in xukuno lagu rido shaqsiyaadka lagu soo eedeeyey maalgelin argagixiso.

17-kii May 2024, Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay Cali Xuseen Isaaq (70 sano jir) ku xukuntay 7 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $3,000, kadib markii lagu helay in uu ku lug lahaa maalgelin argagixiso. Maalmo kadib, haweenay lagu Magacaabo Ayaan Abuukar Maxamed (27 sano jir) ayaa lagu xukumay 8 sano oo xarig ah iyo ganaax dhan $8,000, iyadoo lagu helay inay fududeysay lacago la xiriira maalgelin argagixiso.

5. Qiimayntii Ugu Horreysay Khatarta Qaran ee la xiriirta lacag dhaqid iyo Maalgelin argagixiso (National Risk Assessment).

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay hirgelisay hannaan ku saleysan qiimeynta khatarta (risk-based approach) oo noqday tiir u dub dhaxaad u ah qorshaha qaran ee lagula dagaalamaayo lacag-dhaqidda (ML) iyo maalgelinta argagixisada (TF).

Mid ka mid ah guulaha muhiimka ah ee laga gaaray dadaalkan waa soosaarista iyo daabacaadda Qiimayntii Ugu Horreysay ee Khatarta Qaran (NRA) ee la xiriirta ML/TF, taasoo si rasmi ah loo baahiyey sanadkii 2022. Qiimeyntaan ayaa ahayd tallaabo istiraatiijiyadeed oo lagu waafajinayo hannaanka qaranka ee AML/CFT iyo xeerarka caalamiga ah ee ay dajisay kooxda Financial Action Task Force (FATF).

Xogta Qiimeynta Khataraha Qaran (NRA) ayaa bixisay falanqeyn qoto dheer oo ku saabsan:

• Khataraha sare iyo meelaha u nugul;

• Caqabadaha hay’adaha iyo nidaamyada;

• Qaybaha ama hay’adaha u nugul in lagu takri-falo ama loo isticmaalo maalgelin argagixiso.

Natiijooyinka kasoo baxay NRA-du waxay saldhig u noqdeen:

• Dejinta siyaasado istiraatiijiyadeed;

• Dardargelinta kormeerka hay’adaha maaliyadeed;

• Horumarinta barnaamijyo lagu dhisayo awoodda hay’adaha.

Qiimeyntan waxay caddeysay sida DFS uga go’an tahay dhismaha nidaam maaliyadeed oo hufan, lehna awood uu kaga hortaggo khataraha la xiriira dambiyada abaabulan iyo maalgelinta argagixisada, iyadoo loo maraayo hannaan waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

6. Hirgelinta Waajibka Aqoonsiga Qaran (National ID).

Si looga hortago nuglaanta la xiriirta aqoonsiyada been abuurka ah, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) ayaa 29-kii Luulyo 2025 soo saaray qaraar waajib ka dhigaya in la adeegsado Aqoonsiga Qaran (National ID) marka la furaayo ama la cusboonaysiinaayo xisaabaadka bangiyada.

Amarka Hirgelinta Aqoonsiga Qaranka wuxuu xaqiijinayaa:

• in laga hortaggo isticmaalka aqoonsiyo been abuur ah.

• In la xoojiyo waajibaadka “Baro Macmiilkaaga” (KYC) iyo Hawlaha Hubinta Macaamiisha (CDD).

• In la hagaajiyo raadraaca iyo isla xisaabtanka dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed.

6. Xoojinta Iskaashiga Gobolka iyo midka Caalamiga ah

Soomaaliya ayaa xoojisay iskaashiga ay la leedahay gobolka iyo caalamka intaba, si loo kordhiyo wax-ku-oolnimada dagaalka ka dhanka ah lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, waxayna xubin firfircoon ka noqotay Ururka La Dagaalanka Lacag-Dhaqidda ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika (MENAFATF). Soomaaliya waxay haatan ku jirtaa hannaanka qiimeynta is-weydaarsiga (Mutual Evaluation Process), taasoo lagu qiimeynaayo dhameystiranka shrucuucda dalku u dajiyey la dagaalanka lacag dhaqidda iyo Maalgelinta argagixisada iyo heerka ay gaarsiisantahay wada shaqaynta hay’adaha u xilsaaran howlahaasi.

Dhanka kale, Soomaaliya waxay si rasmi ah u bilowday dadaallada ku aaddan ku biirista Kooxda Egmont, si ay uga mid noqoto shabakadda caalamiga ah ee FIUs, taasoo suurta gelinaysa is-weydaarsiga xogaha sirdoonka maaliyadeed oo ammaan ah (Secure Financial Intelligence D). Si loo gaaro yoolkan, FRC waxay horumar la taaban karo ka samaysay dhanka sharciga, dhisidda awoodda hay’adeed, iyo tayeynta hababka falanqaynta xogta.

Intaas waxaa dheer, FRC waxay saxiixday heshiisyo is-afgarad ah (MoUs) oo ay la gashay hay’adaha dhigeeda ah (FIUs), si loo xoojiyo is-weydaarsiga xogta, falanqaynta khatarta wadajirka ah, iyo iskaashiga farsamo.

7. Talooyinka Istiraatiijiyadeed oo lagu Xoojinayo Dadaallada Soomaaliya ee Ka Hortagga Maalgelinta Argagixisada

Si loo adkeeyo guulaha jira loona wajaho khataraha cusub, Soomaaliya waa in ay mudnaanta siisaa qodobbadan soo socda:

• Kordhinta wacyigelinta dadweynaha iyo ka qaybgalka bulshada

• Xoojinta iskaashiga hay’adaha dowliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay

• Kobcinta awoodda hay’adaha iyo horumarinta tiknoolajiyadda

• Cunaqabataynta joogtada ah ee hogaamiyeyaasha Al-Shabaab

• Ka faa’iidaysiga tiknoolajiyadda iyo xakameynta khataraha cusub

• Xoojinta iskaashiga caalamiga ah

Qoraa:  Cabdiwahab Maxamed Cabdirahman

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Ghana

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Isniin ah, xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Ghana u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Robert Afriyie.

Wasiir Cabdisalaam ayaa si diirran u soo dhoweeyay Danjire Afriyie oo guda-galaya howlaha loo igmaday, isaga oo diiradda saaray xiriirka saaxiibtinimo iyo is-fahanka dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah, carabaabayna rajada uu ka qabo soo banbixinta dhabbooyin iyo habab cusub oo kor loogu qaadayo xiriirka iyo iskaashiga labo dhinac laha.