Home Blog Page 45

WARSAXAAFADEED: Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Gobolka Banaadir ku bogaadinaysaa qabsoomidda doorashadii taariikhiga ahayd ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, oo si guul leh u dhacday 25-kii Diseembar 2025. Wasaaraddu waxay hambalyo u diraysaa dhammaan xubnaha ku guuleystay doorashada Golaha Deegaanka.

Doorashadan waxay astaan u tahay horumarka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo dowladnimada, hannaanka federaalka iyo maamul-wanaagga. Waxay muujisay bisayl siyaasadeed, wacyi bulsho iyo ka-qaybgal ballaaran oo ay muujiyeen shacabka Gobolka Banaadir.

Doorashada waxaa si xor ah oo xalaal ah ugu tartamay ururro siyaasadeed oo diiwaangashan, iyadoo si weyn looga dareemay ka-qaybgalka dadweynaha iyo kalsoonida buuxda ee lagu qabo hannaanka dimuqraadiyadeed. Tirada codbixiyeyaasha ka qayb qaatay doorashada waxay caddeyn u tahay rabitaanka shacabka ee ku aaddan in ay si toos ah uga qayb qaataan hoggaaminta iyo go’aanka heer deegaan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta waxay si gaar ah u bogaadinaysaa Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, kuwaas oo ku guuleystay inay si hufan, daah-furan, isla markaana xirfad leh u maamulaan doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ammaan iyo mahadnaq u jeedinaysaa hay’adaha amniga qaranka, kuwaas oo si xilkasnimo, feejignaan iyo karti leh u sugay amniga doorashada, taasoo horseedday in geeddi-socodku u qabsoomo si nabad ah, hufan, isla markaana guul ku dhammaatay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta waxay sidoo kale uga mahadcelinaysaa saaxiibada caalamiga ah ee taageeray hannaanka doorashooyinka, isla markaana taageeray natiijada iyo in si dimuqraadi ah dadka Gobolka Banaadir loogu celiyo awooddooda.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ee la doortay uu door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta isla-xisaabtanka, kor u qaadista maamul-wanaagga, iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo si toos ah u taabanaya nolosha iyo danta shacabka Gobolka Banaadir.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho rasmi ah ku jooga Riyaadh, ayaa la kulmay dhiggiisa Sacuudiga

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa booqasho rasmi ah ku jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu gelinkii dambe ee maanta magaalada Riyaadh kula kulmay dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Faisal bin Farxaan bin Cabdullaahi Al-Sacuud.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Intii uu kulanku socday, Wasiir Cabdisalaan ayaa muujiyey mahadnaq qoto dheer oo uu u hayo mowqifka taageerada leh ee Sacuudi Carabiya ay ku garab taagan tahay Soomaaliya, isaga oo boggaadiyey garab-istaagga joogtada ah ee ay Boqortooyadu la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo midnimada dalka.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa mar kale xaqiijiyey taageerada buuxda ee Boqortooyadu u hayso madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyey ballan-qaadka Riyaadh ee ku aaddan amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, isla markaana muujiyey diidmada cad ee ay ka taagan yihiin tallaabo kasta oo khatar keeni karta.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka laba-geesoodka ah ee dhinacyada kala duwan, iyadoo la isla soo hadal qaaday xaaladaha gobolka iyo arrimaha dan-wadaagga ah.

Ciidamada Kumaandooska Gor Gor oo howlgal qorsheysan fuliyay

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad, Guutada 20-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Jawad Ari ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid si gaar ah loogu beegsanayay kooxda Khawaarijta, ayaa inta uu socday ciidanka waxa ay gacanta ku dhigeen qaraxyo khawaarijta ku dhibaateen rabtay shacabka Soomaaliyeed iyo agabyo kale oo ay ka carareen, waxana ciidanka sidoo kale soo bandhigeen goobo gabaad u ahaa khawaarijta oo ay iskaga firxadeen.

Howlgalka waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 203-aad, Guutada 20-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Sayidnuur Daahir (Afgub), iyo Kaaliyaha Ururka, Xasan Axmed Gaabow (Xasan Yare).

Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka socda howlgallo culus oo jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta. Geesiyada isgarabsanaya ee Ciidanka XDS ayaa guulo waaweyn ka gaaray howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolkaas.

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Ku-simaha Safiirka Boqortooyada Ingiriiska

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, ahna Ku-simaha Safiirka, Danjire Sam Thomas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarrada, iyo wada-shaqeynta la dagaallanka argagixisada.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray fariisimada Ciidanka Xoogga ay ku leeyihiin ee magaalada Beledweyne

0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kormeeray fariisimada Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, gaar ahaan Guutooyinka 5aad iyo 29aad ee qeybta 27aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka kula dardaarmay xoojinta difaaca Qaranka, iyo inay dardargeliyaan waajibadka shaqo ee loo idmaday, oo ay kow ka yihiin howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta.

Booqashooyinkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku dhiirigelinayaan, kuna xoojinayaan doorka Ciidamadu ku leeyihiin difaaca qaranka iyo xasilinta amniga dalka.

 

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe

0

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay hawlgal culus oo xalay ay Ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay xalay fuliyeen hawlgal gaar ah oo si qorsheysan loo beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

Hawlgalkaas ayaa lagu dilay 15 dhagarqabe, halka 8 kale gacanta lagu dhigay. Hawlgalka oo dhacay xilli habeen ah ayaa muujinaya kororka awoodda hawlgaleed ee Ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan adeegsiga gaadiidka cirka, taas oo suuragelisay in la ballaariyo hawlgallada laguna gaaro cadowga goob kasta iyo waqti kasta

 

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo xaqiijiyey hawgalo lagu dilay horjoogeyaal khatar badnaa

0

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalim Fiqi oo goordhowed la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgalo is xig xigay oo Ciidanka qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ahi ka fuliyeen gobolada dalka.

Wasiirka ayaa ugu horayn xaqiijiyey in la khaarajiyey horjooge sare Eng Cabdullaahi Cismaan Maxamed Abuukar oo loo yaqaanay kooxda guddaheeda( Eng Ismaaciil) kaas oo kooxda Khawaarijta u qaabilsanaa qaraxyada,amniga guddaha iyo hawlgalada dibadda ayaa lagu dilay hawlgal ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubadda dhexe halkaas oo xarun u ah kooxda khawaarijta ahna goobta khawaarijta ku bixiso tababbarada ay siiso naftood haligeyaasha, Eng Ismaaciil ayaa loo diyaarinayey inuu noqdo horjoogaha bedeli doona horjoogaha khawaarijta Axmed Diiriye.

Qaraxyada uu fuliyey Eng Ismaaciil ayaa waxa ka mid ahaa qaraxii ceelgaabta ee ka dhanka ahaa madaxweyanaha qaranka,weerarkii godka jilacow,qaraxii ka dhacay kuliyadda jaalle Siyaad, qaraxii Zoobe 2017,hargaha iyo saamaha iyo qaar kale oo badan kuwaas oo lagu halaagay kumanaan shacab ah oo waxba galabsan.

Horjoogaha labaad ee hawlgalkan lagu dilay ayaa ah Cabdikariim Maxamed Xirsi Qoorleex,ninkan ayaa ka tirsanaa qaybta Khawaarijta u qaabilsanaa qaybta dibedda isagoo hawlgalo argagixiso ka fulin jiray dalalka dariska intii ninkan la dilay waxa kooxdka khawaarijta ku dhacay khal khal iyo isku dhex yaac baahsan taas oo khatar gelinaysa jiritaankooda.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa si weyn ugu mahadceliyey Haya’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo keentay xogta horjoogeyaashan wasiirka ayaa sidoo kale u mahadceliyey hawlgalka la dagaalanka argagixisadda ee dowladda Maraykanka.

Dhinaca kale wasiirka wuxuu xaqiijiyey in hawlgal xalay ka dhacay deegaanka Buulla-fuleey ee gobolka Baay lagu dilay 20 horjooge sidoo kalena lagu burburiyey Idaacadii dadka lagu marin habaabin jiray ee kooxda khawaarijta ee Andulus,wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyey in shalay weerar ka dhacay Wargaadhi Khawaarijta looga dilay in ka badan 20 sidoo kale laga dhaawacay 30 halkaas oo si weyn loogu jabiyey khawaarijta,wasiirka ayaa dhinaca kale xaqiijiyey in ciidanka Dowladda go’doomiyeen 500 oo khawaarij ah oo ku jira meel u dhow Jabad Godane kuwaas oo dowladda ugu baaqday in ay isa soo dhiibaan hadii ay isa soo dhiibi waayaana dowladda soo afjari doonto maalmaha soo socda.

Golaha Shacab BJFS oo ansixiyey hindise sharciyeedka daawada

0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta yeesheen ku ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Sharciga Daawada.

Hindisahaas waxaa oggolaaday 141 xildhibaan, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, mana jirin xildhibaan diiday.

Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)

0

Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dalalka iyo hey;adaha caalamiga ah ee sida xilkasnimada leh u hor-istaagay damaca Israel ee ay ku doonaayeen in ay aqoonai u fidiyaan Maamulka Soomaaliland. Qoraal ay soo saareen Dowladda Soomaaliya ayaa mahadcelin ballaaran logu jeediyay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageeray madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Xukuumadda XFS oo ka duulaysa mas’uuliyadda dastuuriga ah ee saaran, waxa ay mudnaan gaar ah siisay adkaynta midnimada dalka, iyada oo qaadday tallaabooyin siyaasadeed, kuwo sharci iyo hab diblomaasi ah oo lagu ilaalinaayo wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida Qaranka Soomaaliya.

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ayaa 1-da bisha Janaayo ee sanadka 2026-a si rasmi ah ula wareegtay guddoominta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxayna muddada bisha ee lagu guda jiro noqon doonta dalka shir-guddoominaya Golaha Ammaanka, waxaana la filayaa in ay hagaan kulamada muhiimka ah ee looga hadlayo nabadda iyo amniga caalamka. Tallaabadan ayaa ah mid taariikhi ah oo muujinaysa kororka doorka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo sida ay uga muuqanayso go’aannada caalamiga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xilkaan uu yahay fursad qaali ah oo lagu muujinayo in Soomaaliya ay diyaar u tahay hoggaan iyo kaalin muuqata oo caalami ah, iyadoo Guddoominta Golaha Ammaanka ee QM uu si wareeg ah ugu dhacdaa waddamada xubnaha ka ah bil kasta, waxayna Soomaaliya ay haatan hoggaanka u hayso markii ugu horreysay muddo tobannaan sano ah. Tani waxay astaan u tahay dib-u-soo kabashada iyo horumarka laga gaaray xasilloonida iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiye mudane Rajab Dayib Erdogan ayaa mar uu Salaadii Jimcaha ee shalay ka hadlayey Masjid Cali Bin Abii Dhaalib ee magaalada Stanbul ayaa Natanyahu ku tilmaamey Fircoonka Xiligaan sidaa darteed maalin waa loo Ciqaabi doonaa Caruurtii, Haweenkii iyo dadkii uu ku Xasuuqey Gaza.

“Annagoo ka shaqeyneyna ka difaacidda dalkeenna kuwa doonaya in ay ku xadgudbaan madaxbannaanidiisa iyo midnimadiisa, haddana taasi nagama mashquulineyso in aan ka shaqeyno soo saarista khayraadka dalka oo shidaalku ka mid yahay, si shacabkeennu u gaaro horumar iyo barwaaqo”, sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha JFS Dr> Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Istanbuul ee dala Turkiye oo ku qabtay shir jaraa’id oo wadajir ah, kaddib wada-hadallo qotodheer oo ay si gaar ah u yeesheen dhiggiisa mudane Rajab Dayib Erdogan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye uu ku saleysan yahay difaaca midnimada iyo madax-bannaanida dalka, la dagaallanka argagixisada iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo awood leh, kuwaas oo saldhig u ah horumar waara iyo kor u qaadista nolasha shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jahmuuriyadda ayaa ku dhawaaqay in natiijooyin rajo-gelin ah laga gaaray sahminta Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee badaha Soomaaliya, kuwaas oo astaan u ah marxalad cusub oo ku wajahan soo kabashada dhaqaale, abuurista shaqooyin iyo maalgelinta adeegyada aasaasiga ah.

“Sidii aan horay u ballan qaadnay waxaan u howl galnay sidii loo ogaan lahaa, loona soo saari lahaa khayraadka dalkeenna oo shidaalku ugu horreeyo. Alla mahaddii maanta waxaa noo bilaabatay miradhalka howshaas iyo ka faa’iideysiga khayraadka dalkeenna. Waa guul weyn oo taariikhi ah. Guusha sahminta shidaalka waa guul qaran oo taariikhi ah, waxayna fure u tahay dib-u-dhiska qaranka iyo barwaaqada shacabka Soomaaliyeed,” ayuu sii raaciyay.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in kheyraadka dabiiciga ah uu leeyahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana maamulkiisu uu ku dhisnaan doono isla-xisaabtan, caddaalad iyo ilaalinta xuquuqda jiilasha mustaqbalka, waxaana shalay lagu shaaciyay magaalada Istanbuul in uu soo dhaqaaqi doono Markabkii qodo lahaa Gunta hoose ee Badda, si uu u soo saaro Shidaalka iyo Gaaska ceegaaga Badaha Soomaaliya, waxaana sidaasi shaaciya Wasiirka Tamarta ee Turkiye.

Turkiga ayaa sidoo kale soo gaba gabeeyay suurta galnimada iyo naqshadeynta Deked ay ka hirgelin doonto Soomaaliya, waxaana la bilaabay Wejigii koowaad ee dhismaha.

“Maalgashigii hore ee Turkiga ayaa u furay suuqa Soomaaliya si toos ah maalgashi shisheeye, gaar ahaan Shidaalka iyo Gaaska, iyadoo Soomaaliya ay qarka u saaran tahay inay noqoto waddan laga soo saaro Saliidda”, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay Warbaahinta qaranka Turkiga.

Dr. Xsan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii haysato taageerada beesha caalamka, inkastoo Israa’iil ay aqoonsan tahay Somaliland, balse Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in arrintani ay tahay mid xasaasi ah marka loo eego falkii ay Israa’iil dhawaan ka fulisay Bariga Dhexe, oo aan ahayn Falastiin oo keliya, balse sidoo kale Suuriya iyo Lubnaan, taasoo kor u qaaday welwelka ku aaddan ku lug lahaanshaha ay ku leedahay Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika, oo uu ugu yeeray “gobol aad u kacsan,” iyadoo Soomaaliya ay horay ula dagaallameen Daacish (Daacish) iyo Al-Shabaab.

Waxaase is weydiin mudan waa maxay sababta mar walba oo ay Soomaaliya tallaabo horumar ah qaado ay u soo if baxa carqado badan ama loo qulbaa, kaasi oo ka yimaada dalal shisheeye?, sida kii Is Afgarad beenaadkii ay maamulka Soomaaliland la gashay Itoobiya 1-dii bishii Janaayo ee sanadkii 2024-kii, haatanna waxaa soo dig tiri Sahyuuniyadda Yahuuda, taasi oo ictiraaf beenaad damacsan inay siiso qeyb ka mid ah Gobolada Waqooyi Galbeed ee ka tirsan dhulka Soomaaliyeed oo ay dhammaan caalamku ka hor yimid arrintaasi.

Su’aashaasi jawaabteeda waa iska caddahay, oo Dadka arrimahaan odorasa ayaa waxay ku soo koobeen sidan, “waxay diidan yihiin inay Soomaaliya noqono dowlad awood badan ee ka dhisan dhinacayada siyaasadda, Millitari iyo dhaqaale, kadibna si weyn uga dhex muuqata fagaarayaasha caalamka, islamarkaana Tubta horumarka qaadda.

Ciidanka xoogga oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ayaa hawlgal ka fuliye Buula fuleey

0

Ciidamada gaarka ah ee Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa xalay fuliyay hawlgal gaar ah oo si heer sare ah loo qorsheeyay, kaasi oo ka dhacay deegaanka Buula Fuleey ee gobolka Baay, oo ka mid ah xarumaha ugu waaweyn uguna muhiimsan Khawaarijta.

Ciidamada ayaa beegsaday xarumo ay deggenaayeen horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta, waxaana intii uu hawlgalku socday lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad halkaas ku sugnaa.

Sidoo kale, ciidamada ayaa burburiyay idaacad ku hadasha afka Khawaarijta oo ku taallay deegaankaas.

Hawlgalkan oo kusoo dhammaaday si guul ah, ayaa faahfaahin dheeraad ah laga sii wadaagi doonaa dadweynaha, Insha’Allaah.

Hawlgalkan ayaa imaanaya iyadoo laba maalmood ka hor gobolka Jubbada Dhexe lagu beegsaday qaar ka mid ah horjoogayaashii ugu sarreeyay kooxda, isla markaana shalay lagu jabiyay Khawaarijta duullaan ay kusoo qaadeen deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.