Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Hambalyo u diray Ciidanka Cirka Xuska Sanad-guuradii 66-aad

Date:

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), kuwaas oo maanta u dabaal-degaya sanad-guuradii 66-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskooda.

Taliyaha ayaa ku ammaanay Ciidanka Cirka doorkooda muhiimka ah ee ay kaga jiraan difaaca qaranka, ilaalinta hawada dalka, iyo ka qeyb-qaadashada howlaha amniga iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Cirka ee XDS oo maanta u dabaal-degaya xuska sanad-guurada 66-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda,” ayuu yiri Taliye Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa ku boorriyay Ciidanka Cirka inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda, isla markaana xoojiyaan wadajirka iyo heeganka ay u hayaan difaaca dalka, si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta.

Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo la aas-aasay 15-kii Feberaayo sanadkii 1960-kii, ayaa muddo dheer laf-dhabar u ahaa difaaca hawada dalka, inkastoo ay soo mareen marxalado kala duwan oo dib-u-dhis iyo tayeyn ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...