Home Blog Page 458

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka kaqeybgalay Shir looga hadlayay dadaallada dib u xorreynta dalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Axmed Macallim Fiqi, oo safar shaqo kujooga Norway ayaa kaqeybgalay mid ka mid ah fadhiyada Madasha Oslo, oo lagu falanqeeyey “Wejiga Soomaaliya ee dadaallada dib u xorreynta kadib”.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi, ayaa ku dheeraaday hannaanka dib u xorreynta dalka, howlaha xasillinta iyo mashaariicda kala duwan ee loogu talogalay deegaannada la xoreeyay iyo kuwa la xorreynayo dhawaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa ka mid ah wufuud caalami ah ee  qeybta ka ah “Madasha Norway” tirsigeeda 20-aad, oo xoogga lagu saarayo arrimaha xallinta khilaafaadka, nabadeynyta iyo dimoqoraadiyadeynta dalka.

Qaramada Midoobay oo sheegtay in tirada barakacayaasha Caalamka ay gaartay heerkii ugu sarreeysay

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga, Filippo Grandi, ayaa sheegay in tirada dadka ku barakacay dagaalada ka socda qeybo ka mid ah caalamka ay gaartay 110 milyan oo qof, taasi oo uu sheegay in ay sabab u tahay xaaladda dagaal ee ka taagan dalalka Ukraine,  Suudaan  iyo meelo kale.

UNHCR , ayaa warbixin ay soo saartay maanta oo Arbaca ah, ku sheegtay in kororka ku yimid Qaxootiga Caalamka ay ka dhigantahay inuu gaaray heerkii ugu sareeyay abid, taasi oo uu Grandi, sheegay inay ugu wacan tahay colaadda  ka taagan Suudaan, Ukraine dalal kale.

Filippo Grandi, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Geneva,  ayaa  sheegay in asal ahaan Barakaca ay sababaan arrimo ay ka mid yahiin colaadda, cadaadisyada kala duwan, takooridda, rabshadaha joogtada ah iyo isbeddelka cimilada, balse tobankii sane ee la soo dhaafay uu korar ku yimid tirada barakaca yaasha Caalamka.

Warbixinta ayaa lagu xusay in qiyaastii kala bar tirada guud ee qaxootiga Caalamka ay ka kala yimaadeen dalalka Suuriya, Afgaanistaan, Ukraine iyo Suudaan.

Ugu danbeyntii, Grandi, ayaa walaac ka muujiyay sharciyada adag ee ka dhanka ah qaabilaadda Qaxootiga iyo dib u celinta, isagoo aan magacaabin dalal arrinkaasi ku eedeeysan.

 

Taxanaha Taariikhda Tacliinta Soomaaliya (qeybtii 2-aad)

Waxaan qeybtii hore kaga soo hadalnay Taxanaha Taariikheed ee Tacliinta Soomaalida ee Xilliyadii Gumeysiga, haddana waxaan ku soo qaadanayaa qormadaan Tacliinta Soomaaliya ee Xilligii Xukuumadaha Rayidka ahaa:-

Tacliinta Soomaaliya Xilligii Xorriyadda

Waxbarashada iyo xilligii ka dambeeyay gobannimada Horumarinta Waxbarashada ayaa markiiba noqotay waxa ugu horreeyay ee la dardargaliyay markii xornimada la qaatay ee dhidibbada loo taagay Jamhuuriyadda Soomaaliya sannadii 1960-kii. Fikradda ah kaalinta Waxbarashadu ay ka gali karto horumarka shakhsiyeed iyo tan bulshaba-ba ayaa markiiba lagu muujiyay hees wadani ah oo uu allifay gabayaagi waynaa ee Soomaaliyeed Cabdullaahi Qarshe, miraheedana ay ka mid ahaayeen “Aqoon la’aani waa iftiin la’aane”, hase ahaatee, isbedallada dhabta ah ayaa ahaa kuwa ishu aysan qaban oo aad nuxuus u ah, horumar koobanna waxaa lagu sameeyay aqoontii yareyd ee laga dhaxlay gumaysiga .

Sababaha ay dawlaaddii cusbayd dib u habeyn ugu samayn weyday una ballaarin weyday Waxbarashada Waddanka ayaa loo tiirin karaa dhowr caqabadood:-

1– iyada oo ay Waddanka ka hirgashanaayeen labo nidaam oo Waxbarasho oo kala duwan ayna kala keeneen laba gumeeyste oo waawayn, Ingiriiska iyo Talyaaniga, oo ku kala gaddisnaa luqadda wax ku qoran yihiin.

 2– Manhajka la baranayo oo aan wax shaqo isku lahayn, waxayna ahayd howl aan marnaba sahlanayn midayntooda.

Waxbarashada iyo xilligii ka dambeeyay gobannimada Horumarinta Waxbarashada ayaa markiiba noqotay waxa ugu horreeyay ee la dardar galiyay markii xornimada la qaatay ee dhidibbada loo taagay Jamhuuriyadda Soomaaliya sannadii 1960-kii. Fikradda ah kaalinta Waxbarashadu ay ka gali karto horumarka shakhsiyeed iyo tan bulsha-ba ayaa markiiba lagu muujiyay hees wadani ah oo uu allifay gabayaagi waynaa ee Soomaaliyeed Cabdullaahi Qarshe, miraheedana ay kamid ahaayeen “Aqoon la’aani waa iftiin la’aane”, hase ahaatee, isbedallada dhabta ah ayaa ahaa kuwa ishu aysan qaban oo aad nuxuus u ah, horumar koobanna waxaa lagu sameeyay aqoontii yarayd ee laga dhaxlay gumaysiga.

Sababaha ay dawlaaddii cusbayd dib u habayn ugu samayn weyday una ballaarin wayday waxbarashada waddanka ayaa loo tiirin karaa dhowr caqabadood:

(1)- Iyada oo ay waddanka ka hirgashanaayeen labo nidaam oo waxbarasho oo kala duwan ayna kala keeneen laba gumeeyste oo waawayn, Ingiriiska iyo Talyaaniga.

(2)- ku kala gaaddisnaanta luqadda wax ku qoran yihiin.

(3)- manhajka la baranayo, oo aan wax shaqo isku lahayn, waxayna ahayd howl aan marnaba sahlanayn midayntooda, waxaana aad u adkaatay in la helo istiraatijiyad wax ku ool ah oo bulsho aad u ballaaran oo reer miyi u badan lagu gaarsiin karo Waxbarasho.

Xornimada ka dib waxaa jiray dugsiyo ay dawladdu maamusho oo ay ka mid ahaayeen (Scoula media centerale) oo ku yaallay Magaalada Muqdisho walina jira oo hadda loo yaqaan Dugsiga Bartamaha Xamar, sidoo kale waxa jiray Machadka daraasaadka Islaamka, Machadka Macallimiinta iyo dugsiyo farsamo oo lagu baran jiray Ganacsiga, Warshadaha iyo Culuunta Badda.

Xilligaasi dugsiyada Sare ee Jamhuuriyadda ka jiray waxaa lagu qiyaasay ilaa 25 dugsi oo luuqadaha wax lagu bartana ahaayeen Ingiriis, Talyaani iyo Carabi, ma aysan jirin wax jaamacad ah dalka oo dhan, sidaasi darteed ayay Ardayda Soomaaliyeed dibadda Waxbarasho ugu baqooli jireen, tusaale ahaan Sanad dugsiyeedkii 1962/1963 Ardayda Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa wax ku baranayay waxay gaarayeen 1.500 oo Arday, intooda badanna waxay ku sugnaayeen dalalka Masar, Talyaaniga iyo Ruushka, taasoo markii dambe laga dhaxlay kala duwanaansho dhanka aqoonta iyo dhaqanka ah, waxayna ka dhex muuqatay Xisbigii leegada ama SYL oo markaas talada hayey.

La soco qeybta 3-aad

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geystay dalka Uganda

Burcad hubeysan oo u dhashay dalka Uganda ayaa magalada Kampala  ee Caasimadda dalkaasi Uganda, ayaa waxaa dil iyo dhawac loogu gestay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku noolaa halkaas.

Kooxdan Burcadda ah ayaa sida la sheegay tiro dhalinyaro Soomaali ah ku weeraray guri ay daganaayeen oo ku yaalla magalada Kampala, waxaana weerarkaas ku geeriyooday hal ruux, halka mid kalana uu ku dhaawacmay.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda, gaar ahaan kuwa degan Magalada Kampala ayaa wajahaya cabsi ka dhalatay weerarkaan ay geysteen kooxdan Burcadda ah.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Uganda ayaa sheegay in Ciidamada Boolisska ay tageen halkii uu falka ka dhacay, ayna ku howlanyahiin baaritaanno ku saabsan dadkii weerarka geystay iyo waxyaabaha sababay weerarkaas.

Shir madaxeedka IGAD oo laga soo saaray war-saxaafadeed taageeraya Soomaaliya

Shir madaxdeedka dalalka ku midaysan urur goboleedka IGAD oo dalka Jabuuti ka furmay 12-June ayaa gabangabadiisa laga soo saaray war-murtiyeed taageero siinaya dowladda Soomaaliya, kaas oo nuxurkiisu ahaa:

1. In Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD uu noqdo Soomaali ay soo magacawdo Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka muddo 4 sano ahna xilka loo kordhiyey Mudane Workneh Gebeyehu oo ah Xoghayaha haatan ee IGAD.

2. In dib u habeyn lagu sameeyo hannaanka maamul ee dallada IGAD, iyadoo si siman ay u shir guddoomin doonaan sannad kasta mid ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah.

3. Madaxda IGAD ayaa bogaadiyay guulaha laga soo hooyay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, iyagoo sidoo kalena ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, taas oo caqabad ku ah dagaalka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay kula jiraan argagixisada Al-Shabaab.

4. Madaxda ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba lagu siiyo meelmarinta go’aammadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya.

5. IGAD ayaa dhinacyada dagaalka Laascaanood ugu baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dirirta, iyo in wadahadal lagu xalliyo kala aragti duwan

Taliska Ciidanka XDS iyo Africom oo ka wada hadlay dar-dar gelinta la dagaallanka khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas, Odawaa Yuusuf Raage ayaa kulan laqaatay taliyaha ciidamada Mareeykanka ee howlgalka Africom Gen, Micheal  Langley.

Sarreeye Gaas, Odawaa Yuusuf Raage iyo Gen, Micheal  Langley ayaa ka wada xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya laba qeybood iyo dar-dar gelinta cirib tirka kooxaha khawaarijta.

Maxkamadda gobolka Bari oo xukuntay shan dhallinyaro ah

Maxkamadda derejada koowaad ee degmada Boosaaso ayaa xukun xabsi ah ku ridday shan nin oo dhallinyaro oo loo haysto in ay ku xad-gudbeen qoys ay gurigooda ugu dheceen xilli habeen ah kana duubeen muuqaal iyaga oo handadaya, todobaadkii hore.

Maxkamadda ayaa hoggaamiyaha kooxda oo lagu magacaabo, Yuusuf Axmed Cali oo 18 jir ah ku xukuntay lix sano oo xadhig ah, halka afarta kalena lagu xukumay min shan sanno oo xarig ah.

Waxa dhammaantood sidoo kale lagu xukumay min $4,000 oo doollar oo ah magdhowga muuqaalka ay faafiyeen iyo min $1,000 doollar oo kale oo ganaax guud ah.

Maxkamaddu waxa ay sheegtay in xukunkan uu ka furan yahay racfaan muddo soddon cisho ah, kaasi oo ay qaadan karaan eedaysanayaashu.

Muwaadin fashiliyey qarax khawaarijtu ku dhibaatayn rabeen shacabka Soomaaliyeed oo abaal marin la guddoon siiyey

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoonsiiyey lacag dhan 20kun oo dollar muwaadin Soomaaliyeed oo soo sheegay mooto Bajaaj siday qarax ay kooxaha Khawaarijta ah doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Sooamaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in tallaabadani ay ku timid wadashaqeynta iyo kalsoonida ay bulshada Soomaaliyeed ku qabaan hay’addaha ammaanka, isagoo ku ammaanay muwaadinkaas dhiiranaanta iyo wadaniyadda uu muujiyey ee uu ku badbaadiyey nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda Muwaadinkan abaal marinta lagu guddoon siinayey ayaa waxa qayb ka ahaa Agaasimaha Haya’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Mahad Maxamed Salaad.

 

Madaxweyne Lafta gareen oo qaabbilay wafdi ka socda QM

-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed,  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabbilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire, Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Ergeyga Cusub Qaramada Midoobay kala hadlay arrimo ay kamid ahayeen Taageridda Wajiga 2-aad ee dagaalka Khawaarijta, xoojinta hirgelinta mashariicda hormarineed iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha kusoo noq-noqday degaannada Koonfur Galbeed.

Danjire Ilyaas: Waa muhim in waddamada Carabta , kuwa gobolka iyo Caalamkuba ay iska kaashadaan ka hortagga argagixisada

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna Wakiilka joogtada Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta, Ilyaas Sheekh Cumar ayaa sheegay in ay muhiin tahay in Waddamada Carabta, kuwa gobolka iyo Caalamkuba ay iska kaashadaan ka hor tagga musiibada kooxaha argagixisada ay ku hayaan dunida gaar ahaan dalalka Islaamka.

Safiirka oo ka hadlayay Shirkii 2-aad ee wasiirrada Arrimaha Dibedda Ururka Jaamacadda Carabta iyo waddamada Jasiiradaha Baasifigga oo lagu qabtay magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudiga, kuna matalayay Soomaaliya ayaa intaa ku daray in xasillooni ka hirgasha goobaha ay argagixisadu aafeysay ay horseedi doonto in ay taabba gasho himillada ay hiigsanayaan dowladaha waddamadaas iyo shucuubtooda.

Danjire, Ilyaas ayaa ka digay qatarta sii kordheysa ee fatahaadaha iyo abaaraha soo noqnoqday, taas oo ka dhalatay isbeddelka cimillada, wuxuuna xusay in dhibaatooyinkaasi ay yihiin kuwo ka baaxad weyn awoodda dowladda Soomaaliya loona baahan in ay garab istaag ka helaan walaalahooda Carbeed.