Home Blog Page 458

Duulimaadyada Maraykanka oo caadi ku soo noqday ka dib cillad farsamo oo baajisay 11,000 oo duulimaad

0

Hay’adda duulimaadyada Federaaliga ah ee Maraykanka ayaa sheegtay Khamiistii in duulimaadyadii badankoodu ay caadi ku soo noqdeen, ka dib markii ay cilladi ku timi mid ka mida computer-ada laga hago diyaaradaha Maraykanka, taas oo saamaysay in ka badan 11,000 oo duulimaad oo qaarkoodna ay baajiyeen duulimaadyadii halka qaar kalena uu dib u dhac ku yimi duulimaadkoodii caadiga ahaa.

Barta dhinaca internetka ee FlightAware.com ayaa iyana ku warantay in duulimaadyadii la baajiyey iyo kuwii dib u dhacay, inay haatan ku soo noqdeen sidii caadiga ahayd.

Saraakiisha sarsare ee Hay’adda duulimaadyada ee Maraykanka ayaa sheegay in khalkhalka ku yimi duulimaadyada Maraykanka inuu sababay cillad farsamo oo la soo deristay mid ka mida nidaamyada xogta haya, taasoo saamayn ku yeelatay nidaamka ‘Ogaysiinta Hawlgallada Hawada’ ee loosoo gaabiyo NOTAMs, nidaamkan ayaa ah qayb muhiima oo ka mid ah, hannaanka lagu maamulo duulimaadyada ka dhoofaya garoon kasta oo Maraykanka ku yaalla.

Duuliyayaasha ayaa looga baahan yahay inay la tashadaan nidaamka Ogaysiinta Hawlgallada Hawada ama NOTAMs, ka hor inta aanay duulin.

Nidaamkan ayaa duuliyayaasha macluumaad badan ka siiya, arrimaha saamayn karaya duulimaadkooda, oo ay ku jiraan gegida duulimaadyada, haddii dhisme ka socdo qayb ka mida, haddii uu yaallo baraf, iyo macluumaad kale oo badan oo ay u baahan yihiin duuliyayaashu inay ogaadaan ka hor inta aanay duulin.

Nidaamkan ayaa berigii hore lagu wada xidhiidhi jiray telefoon, hase ahaatee haatan waxaa loo wareejiyey computer-ka.

Cilladdan ku timi Computerka ayaa soo bilaabantay habeenimadii Salaasada, iyada oo si weyn u saamaysay duulimaadyada maalintii Arbacada.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay AFP iyo AP

Madaxweyne Xasan Sheikh oo qaabilay Wasiirrada Maaliyadda ee Dawladda Federaalka iyo Wasiirada Maaliyadda ee Dawlad Goboleedyada

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Wasiirrada Maaliyadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirada Maaliyadda ee Dawlad Goboleedyada.

Ciidamada Puntland oo dilay Madaxii howl-galada ee khawaarijta Daacishta Soomaaliya

0

Ciidanka Ammaanka Puntland ayaa sheegay in la dilay Madaxii hawl-galada kooxda Khawaarijta Daacish ee gobolka Bari, Abu-Albara Al Amani.

Madaxweynaha JFS ” Muqdisho dadka ku noolow Khawaarijta marada ka hurgufta, iska bixiya guntigiinay ku jiraane”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay bannaan-baxa bulshada Caasimadda Muqdisho ay kaga soo horjeedaan argagixisada Alshabaab ayaa xusay gumaadkii iyo mahadhooyinkii ay khawaarijtu u geysteen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay qaraxyadii Hotel Shaamoow, Hargaha iyo Saamaha, Soobbe1 iyo Soobbe 2, Ex-afgooye iyo gumaad-wadeerdyo badan oo argagixisadu ay ku gumaadeen arday, culimmo, haween, dhakhaatiir iyo haldoor badan oo Soomaaliyeed oo waxtar u lahaa dalkeenna.

“Shabaab waa Kalluun ay biyihii ka gureen, waxa ay ku dhex dhuumanayeen shacabka Soomaaliyeed, iyagiina waa diideen oo intaas ka badan uma dulqaadan karaan gumaad, baad iyo cabburin. Nimankan Alshabaab ah ilaa aad iska dhiciso kuuma arkayaan dad in aad tahay ee waxay kuu haystaan badeecad yar oo iyagu leeyihiin in aad tahay.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay duruufaha amni ee u gaarka ah Caasimadda Muqdisho iyo dadaalka dowladdu ay ku bixinayso sidii ay nabad iyo xasillooni ugu noolaan lahaayeen bulshada caasimadda ayaa ku boorriyey baraarugga ay muujiyeen ee ka dhan ah argagixisada Alshabaab iyo garab istaagga halganka xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo dadka Caasimadda in ay la shaqeeyaan laamaha amniga, soona gudbiyaan xogta argagixisada ku dhex dhuumaaleysanaysa guryahooda iyo ganacsiyadooda, si looga hortago gumaadka iyo falalka arxan darrada ah ee khawaarijtu ay soo maleegayaan.

Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Heliwaa oo qabtay kooxo burcad ah

0

Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa maanta soo qabtay kooxdaan hubeysan oo la sheegay inay ahaayeen burcad dadka dhaceysay.

Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo maanta meelmariyey dhowr Hindise Sharciyeed

0

Golaha wasiiradda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ansiixiyay hindise sharciyeedka hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya, Hindise-Sharciyeedka dhiiri-gellinta Maalgashiga Soomaaliya, Hindise sharciyeedka Hey’adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed iyo magaabista Guddiga xaqiijinta dadaallada Cunagabateynta Hubka looga qaadayo Soomaaliya

 

 

Golaha Wasiirada ayaa maanta yeeshay shirkooda todobaadlaha ah oo uu guddoomiyay Ku-simaha Ra’iiisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac

 

 

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amniga iyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah. Golaha ayaa boggaadiyey guulaha isdaba joogaa  ee laga gaaray howlgallada xoreynta ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.

Maxkamadda Ciidamada sida oo maanta Dil toogasha ah ku Xukuntay Kabtan Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle, taliye Urur ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka kaas oo lagu helay la shaqeynta kooxda Khawaarijta

0
Maxkamadda Ciidamada sida ayaa maanta Dil toogasha ah ku Xukuntay Kabtan Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle, taliye Urur ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka kaas oo lagu helay la shaqeynta kooxda Khawaarijta.
Barkhadle oo Da’diisu tahay 53 jir ku dhashay degmada Wisil ee gobolka Mudug ayay hay’adaha amnigu soo xireen 19 November Sanadkii tegay.
Ilaa 27 qof inta la xaqiijiyay ee Diiwaan Dowladda galay ayaa ku dhintay Qaraxyo uu dhigay goobo dadweyne.

[DAAWO]Ciidanka Xoogga dalka oo maanta si buuxda ula wareegay deegaanka Ceel-Bacad ee gobalka Shabeellaha Dhexe

0

Ciidanka Xoogga dalka ayaa maanta si buuxda ula wareegay deegaanka Ceel-Bacad ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab oo deegaan u dhexeeya Maxaas iyo Wabxo si naxariis darro ah ugu laayay xoolo ay lahaayeen dadka reer guuraa ah

0
Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ayaa deegaan u dhexeeya Maxaas iyo Wabxo si naxariis darro ah ugu laayay xoolo ay lahaayeen dadka reer guuraaga ah ee deegaankaas.

[DAAWO] Wasiir Al-Cadaala “Reer Muqdisho oo kacay waxay qireysaa in kacdoonka uu marayo meel gabagabo ah oo Khawaarijta la jebiyay.”

0

Muqdisho Maanta waxaa ka socda Banaanbaxyo ka dhan ah khawaarijta Al-shabaab oo bulshada caasimada dhigayaan.