Qaramada Midoobay oo sheegtay in tirada barakacayaasha Caalamka ay gaartay heerkii ugu sarreeysay

Date:

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga, Filippo Grandi, ayaa sheegay in tirada dadka ku barakacay dagaalada ka socda qeybo ka mid ah caalamka ay gaartay 110 milyan oo qof, taasi oo uu sheegay in ay sabab u tahay xaaladda dagaal ee ka taagan dalalka Ukraine,  Suudaan  iyo meelo kale.

UNHCR , ayaa warbixin ay soo saartay maanta oo Arbaca ah, ku sheegtay in kororka ku yimid Qaxootiga Caalamka ay ka dhigantahay inuu gaaray heerkii ugu sareeyay abid, taasi oo uu Grandi, sheegay inay ugu wacan tahay colaadda  ka taagan Suudaan, Ukraine dalal kale.

Filippo Grandi, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Geneva,  ayaa  sheegay in asal ahaan Barakaca ay sababaan arrimo ay ka mid yahiin colaadda, cadaadisyada kala duwan, takooridda, rabshadaha joogtada ah iyo isbeddelka cimilada, balse tobankii sane ee la soo dhaafay uu korar ku yimid tirada barakaca yaasha Caalamka.

Warbixinta ayaa lagu xusay in qiyaastii kala bar tirada guud ee qaxootiga Caalamka ay ka kala yimaadeen dalalka Suuriya, Afgaanistaan, Ukraine iyo Suudaan.

Ugu danbeyntii, Grandi, ayaa walaac ka muujiyay sharciyada adag ee ka dhanka ah qaabilaadda Qaxootiga iyo dib u celinta, isagoo aan magacaabin dalal arrinkaasi ku eedeeysan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...