Home Blog Page 459

Bulshada Ceeldheer oo u qalab qaatay Suulinta raadadkii Khawaarijta (Warbixin).

Dhallinyarada ku nool degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud oo is-xilqaamay ayaa bilaabay in ay qeyb weyn ka qaataan bilicda deegaanka oo muddo badan argagixisadu u diidaneyd in ay shacabka nabad iyo barwaaqo ku noolaadaan.

Waxaad arkeysaa Dhallinyaro badan oo u soo baxay jarista geedka loo yaqaan Geed” Yahuudka” ama Cali-Garoob oo halkaas ka baxay muddadii Khawaarijtu ay joogtay, kuwaas oo inta badan xiray waddooyinka laga soo galo iyo kuwa looga baxo degmada.

Sidoo kale, Dhallinyarada wiilasha ah waxaa bar bar taagnaa haween dhiirran oo iyagana qeyb ka ahaa dib u soo celinta bilicda iyo nadaafadda deegaanka, kuwaas oo caano qabow ku habayay da’yarta wiilasha ee dhabarka u xirtay howshan.

Tani ayaa muujineysa in shacabka Ceeldheer u bilaabatay nolol ku saleysan horumar iyo wax wada qabsi ka maqneyd muddadii 15-ka Sdano ee Khawaarijtu ay haysatay.

Guddoomiyaha KMG ah ee degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud Maxamed Cali Culusow ayaa ugu baaqay dhallinyarada iyo qeybaha kale ee Bulshada in ay soo baxaan kana qeybtaan dib u soo celinta nadaafadda, amniga iyo horumarka deegaanka si mar kale degmada oo la degtay Khawaarijta ula tar-tanto degmooyinka kale ee asaageeda ah.

” Aad iyo aad ayaa u mahadsan tihiin, haddaad maqashiin qofkaas waa waddani, waddani maanta oo kale adinka waaye, waddani hadaad maqashiin, ninka u dhashay dhulkiisa oo u dhididaaya oo u dhimahaayo oo maanta geedka cadowga ah oo isaga iyo Cali Dheere isla mid yihiin jaraaya, waa ninkaas ninka waddaniga ah,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Ceeldheer..

Guddooiyaha ayaa shacaka kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan danta guud, islamarkaana la dagaallamaan wax kasta oo ka hor imaanaya horumarka deegaanka.

Guddoomiyaha Dhalinyarada degmada Ceeldheer ayaa dhankiisa balan qaaday in ay ka shaqeynayaan sidii loo soo celin lahaa bilicda deegaanka lana dagaallamayaan dhammaan raadadkii Khawaarijta.

” Dhammaan waad u jeeddiin isku soo baxa aan sameynay wax badan ayaa qabanay,beri haddaan u soo noqon-nana wax badan ayaa qaban karnaa, marka waxaan idin ku boorinaa in dadaalka meesha laga sii wado oo aan la caajisin,”.

Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa muddo 15-sano ku siman hortaagneyd in ay Bulshada Ceeldheer ka shaqeeyaan horumarka iyo nabadda deegaanka, waxayn shacabka badeen nadaafad-daro iyo in ay asaagooda ka haraan 15-sano, balse hadda ayay bilaabeen shacabka in ay boorka iska jafaan ka dib markii ay arkeen neecowda iyo iftiinka Dowladnimada.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay hotel ku yaalla Muqdisho

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay dhowaan Hotelka Pearl ee magaalkada Muqdisho.

Mudane , Adel bin Abdul Rahman Al-Assoumi Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, ayaa uga tacsiyeeyay madaxda dowladda, baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliya dadkii ku dhintay weerarkii argagixisanimo ee lagu bartilmaameedsaday hotel ku yaalla Magaalada Muqdisho, kaas oo uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Al-Asuumi ayaa sheegay in Baarlamaanka Carabta ay garab taagan yihiin Soomaaliya, lana dareemayaan dhacdadan xanuunka badan, isagoo Alle uga baryay intii ku dhaawacantay inuu caafimaad deg deg ah siiyo, intii ku dhimatayna uu u naxariisto.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa mar kale sheegay mowqifkiisa adag ee ku aaddan in Soomaaliya laga taageero dagaalka ay kula jirto malleeshiyaadka Khawaarijta, isagoo dhanka kale bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dagaalka ay kula jirto argagixisada, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la taageero dedaalka dowladda Soomaaliya ee u aaddan cirib tirka khawaarirta.

 

Boosaaso: Eedeysanayaal Maanta Maxkamad la horgeeyay

Maxkamadda Boosaaso, waxaa hadda ka socota dhegeysiga gar-maqalka Shan eedaysan oo loo haysto gabood-fal lagu sameeyay qoys danyar ah.
Kooxdan ayaa lagu haystaa in ay qoyska gurigooda ugu dhaceen xilli habeen ah oo la hurday, islamarkaana dil iyo gubis ugu hanjabeen, si ay u cabsi geliyaan.
Dhammaan shanta eedaysane ayaa sida la caddeeyay qiraal ku ah kiiskan, kadib baaritaan ay ku samaysay waaxda C.I.D, ka hor inta loo gudbin maxkamadda.

Kenya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhiggiisa Kenya, William Ruto, ayaa kulan muhiim ah oo ay yesheen kaga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo labada shacab.

Wada-hadalladan ay yesheen madaxda Dowladaha Kenya iyo Jabuuti ayaa lagu gaaray heshiis muhiim ah oo ku saabsan isku socodka shacabka labada dal , kaa oo meesha ka saaraya shuruudihii dal ku galka ee muwaadiniinta labada dal horey loogu xiri jiray.

Heshiiskan ay gaareen madaxda labada dal ee Jabuuti iyo Kenya waxaa soo dhaweeyay shacabka labada dal, oo dhibaato ku qabay shuruudaha ku xiran dal ku galka ama viisaha dalalkaasi lagu tago.

Askar Maraykan ah oo ay waxyeello ka soo gartay shil diyaaradeed

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in 22 Askari oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa ku dhaawacmay shil diyaaradeed oo ka dhacay waqooyiga Suuriya gabal dhacii shay.

Sidokale, Taliska dhexe waxuu sheegay in baaritaan lagu hayo sababta shilka keentay, isagoo intaa ku daray in goobta ay ku sugneyd diyaaraddaha helicopter-ka aysan ka dhicin wax rasaas ah xilliga uu shilku dhacayay.

Askarta dhaawacantay ayaa intooda badan lagu dabiibayaa gudaha Suuriya, halka 10 ka mid ah la sheegay in gudaha dalkaasi waxba looga qaban waayay loona wareejiyay waddamo ka baxsan bariga dhexe.

Dalka Suuriya ayaa waxaa ku sugan ilaa 900 oo ka mid ah Askarta Mareykanka, kuwaasi oo saldhigyo ku leh gobollada waqooyi bari ee Suuriya, si ay ula dagaalamaan maleeshiyaadka Daacish.

Bishii Maarso ee la soo dhaafay, 23 Askari oo Mareykan ah ayaa dhaawac ka soo gaaray labo weerar oo ay geysteen maleeshiyaadka Daacish, sida uu sheegay militariga Mareykanka.

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay shacabka ku dhaqan Afmadow

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa gargaar Beni’aadannimo waxa ay gaarsiisay degmada Af-madow ee gobolka Jubbada hoose.

Gargaarkan ayaa loogu talagalay dadka abaaraha ay ku saameesay degaannada iyo baadiyaha fog ee gobolka, kuwaas oo la daalaa dhacaya xaalado beni’aadannimo.

Deeqdan oo Hay’adda SoDMA maanta ka daabushay Muqdisho ayaa waxaa horkacayay Madaxa Qeybta Caafimaadka Xarunta Howlgalka Degdega ee Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Dr. Cabdullaahi  Muuse Axmed, kaasi oo ku wareejiyay Maamulka Degmadda Afmadow.

Madaxa Qeybta Caafimaadka Hay’adda SoDMA oo ugu horeyn faahfaahin ka bixiyay gargaarkan ayaa sheegay in Hay’addu mar waliba ay ka go’antahay u gurmashada dadka dhibaataysan.

Guddoomiyaha Degmade Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose Mudane Maxamed Amiin ayaa u mahadceliyay Hay’adda SoDMA, isaga oo sheegay in gargaarkan uu ku soo aaday xiligii loogu talagalay.

 

Wasiirka Amniga XFS oo kulan la qaatay Danjire Souef Mohamed El-Amine

0

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Gaarka ah ee Gudoomiyaha Golaha Midowga Africa ahna Madaxa ATMIS, Danjire Souef Mohamed El-Amine.

Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo Danjire Souef Mohamed El-Amine ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqaynta, taageerada joogtada ah iyo tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed inta lagu jiro marxaladda kala guurka ah ee ATMIS.

“Waxaan u kuur-galnay arrinta amniga Muqdisho, kaas oo looga gol-leeyahay in kor loogu qaado ammaanka guud ee magaalada Muqdisho” ayuu yiri Wasiirka Amniga XFS Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe).

Muqdisho-Somalia

Ciidamada Xoogga Dalka oo Khaarijiyay Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta ( Warbixin)

0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwooda sida gaarka ah u tababaran ee DANAB, ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay howlgallo kala duwan ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose, howlgalkaas oo lagu baacsanayay maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab.

Howlgalka qeybtiisa koowaad ayaa ka dhacay tuulada lagu magacaabo Aboodan oo hoostagta magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada hoose, bartilmaameedka howlgalkaas ayaa ahaa shan gaari oo ay la socdeen maleeshiyaadka ka tirsan argagixisada Al-shabaab.

Ciidankii fuliyay howlgalkaas ayaa bur buriyay dhammaan gaadiidkii beegsigu ahaa, waxaa kale oo la dilay maleeshiyaadkii saarnaa gawaarida ka dib markii ay dagaallameen.

Dhanka kale, ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorysheysan ku dilay horjooge magaciisu lagu soo gaabiyay “Abuu Sahal” iyo Shan maleeshiyo oo ilaalo u ahaa,kuwaas oo qeyb ka ahaa dhibaateynta shacabk ku nool gobolka jubbada hoose.

Howlgalkaas lagu dilay horjoogahan iyo maleeshiyaadka la socday ayaa ka dhacay deegaanka Kaam-jaroon oo hoostaga magaalada Kismaayo, halkaas oo dhagar qabahan ku dhuumaaleysanayay

 

Gobollada Jubbooyinka waxaa la xoojiyay howlgallada lagu beegsanayo maaleeshiyaad, horjoogayaasha iyo gaadiidka ay u adeegsadaan dhagarta ay u maleegaan shacabka Soomaaliyeed.

Muqdisho-Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jabuuti ugu qeyb galaya shir madaxeedka IGAD

0

Shir madaxeedka Meertada 14-aad ee Urur goboleedka IGAD oo sannadkan diirradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka Gobolka ayaa maanta ka furmaya dalka Jabuuti,shirkan ayaa waxa ka qayb gelaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Hoggaamiyaasha dowladdaha xubnaha ka ah IGAD ayaa xoogga saaraya xal u helidda dagaalka ka socda dalka Sudaan.

Sidoo kale shirkan ayaa looga hadlayaa mideynta dadaallada heer gobol ee ciribtirka argagixisada, xoojinta is dhexgalka gobolka, nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

Muqdisho-Somalia

Ra’isul Wasaare Xamse oo dhagax dhigay xarunta gurmadka Deg-degga ee Isbitaal Madiino

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay Xarunta Gurmadka Deg-degga ah ee Isbitaalka Madiina, oo loogu talagalay  in lagula tacaalo muwaadiniinta  ku waxyeelooba musiibooyinka dalka ka dhaca.

Xaruntan oo loo dhisayo qaab casri ah, ayaa waxaa ku baxaya lacag gaaraysa hal milyan, laba boqol iyo konton kun oo dollar, oo ka imaanaysa shacabka iyo  dowladda Soomaaliyeed, iyadoo  ka koobnaan doonta xaruntan 47 sariirood oo lagu qaabilo dadka qaba xaaladaha deg-degga ah, halka ay horey u yaaleen Isbitaal Madiina 3 sariirood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xaruntani marka la dhameystiro ay dabooli doonto baahi weyn oo dhanka caafimaadka ah oo ay qabeen shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran oo ka duuleysa baahida bulshada  ee dhinacyada Caafimaadka iyo Waxbarashada ay qaaday tallaabooyin wax looga qabanayo soo celinta adeegyada bulshada ee asaasiga ahaa.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha oo kormeerey qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Madiina, ayaa warbixinno ka dhageystay Maamulka Isbitaalka, isaga oo ku bogaadiyey howlaha baxaadda leh ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.