Home Blog Page 459

[DAAWO]Ciidanka Xoogga dalka oo maanta si buuxda ula wareegay deegaanka Ceel-Bacad ee gobalka Shabeellaha Dhexe

0

Ciidanka Xoogga dalka ayaa maanta si buuxda ula wareegay deegaanka Ceel-Bacad ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab oo deegaan u dhexeeya Maxaas iyo Wabxo si naxariis darro ah ugu laayay xoolo ay lahaayeen dadka reer guuraa ah

0
Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ayaa deegaan u dhexeeya Maxaas iyo Wabxo si naxariis darro ah ugu laayay xoolo ay lahaayeen dadka reer guuraaga ah ee deegaankaas.

[DAAWO] Wasiir Al-Cadaala “Reer Muqdisho oo kacay waxay qireysaa in kacdoonka uu marayo meel gabagabo ah oo Khawaarijta la jebiyay.”

0

Muqdisho Maanta waxaa ka socda Banaanbaxyo ka dhan ah khawaarijta Al-shabaab oo bulshada caasimada dhigayaan.

[SAWIRRO] Waddanka Afgaanistaan oo u dabaal degay Baabuurkii koowaad ee lagu Sameeyo Gudaha Dalkaas

Waddanka Afgaanistaan ayaa u dabaal degay baabuurkii koowaad ee lagu sameeyo gudaha dalkaas kaas oo guul laga gaadhey.

Sharci-dejiyayaasha Maraykanka iyo Brazil oo iska kaashanaya baaritaanka weerarkii baarlamaanka Brazil

WASHINGTON/BRASILIA – Kaaliyayaasha sharci-dejiyayaasha Maraykanka ee ka tirsan guddidii baadhaysay weerarkii 6-da January ee lagu qaaday aqalka baarlamaanka ee Maraykanka ayaa wadahadal hor-dhac ah la yeeshay baarlamaanka dalka Brazil, iyaga oo doonaya in la iska kaashado, baadhitaan lagu sameeyo, mudaharaadayaashii qabsaday aqalka baarlamaanka ee Brazil. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay laba qof oo arrintan si dhow ula socday.

Shacabka reer Muqdisho iyo Madaxda ugu sareysa dalka oo Maanta  ka qeyb-galaya isu-soobaxa la dagaalanka Khawaatijta

0

Shacabka Ku dhaqan magaalada Caasimada ah ee Muqdisho,Dhamaan shaqaalaha Dowladda iyo madaxda ugu sareysa dalka ayaa saaka u diyaar garoobaya isu soo baxa kacdoonka Shacabka ee lagaga soo horjeedo kooxda caadeesatay dhiiga dadka ee Khawaatijta Al shabaab oo maanta ka dhicidoona garoonka Gingineer Yariisow ee Dagmada Cabdicasiis.

Waxa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho shir ay isagu yimaadeen Wasiirrada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

0

Waxa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho shir ay isagu yimaadeen Wasiirrada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkaan oo muddo saddex maalin ah u socday Wasiirrada Maaliyadda heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir ayaa lagu gorfeeyay arrimaha Maaliyadda dalka, hannaanka mideynta canshuuraha,qeybsiga deeqaha kabka Miisaaniyadeed ee Saaxiibadda caalamka ay  Soomaaliya ku taageeraan. Shirkaan ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeyn ee ka dhexeeya Hey’adda Maaliyadda heer Federaal iyo Dowlad Goboleedyada.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo xiritaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in kulanka Wasiirrada Maaliyadda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir uu ku soo dhammaaday jawi is af-garad ah iyo si miradhal ah. Wasiirka ayaa sheegay in aad looga hadlay arrimaha Maaliyadda iyo hirgelinta mideynta canshuuraha dekkedaha dalka iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

Dhankooda, waxa sidoo kale shirka ka hadalo ka jeediyay Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in shir si miral dhal ku soo dhammaay. Wasiiradda Maaliyadda Dowlad Goboleedyada ayaa sheegay in la isku afgartay inta badan doodihii ay ka yeesheen hannaanka Maaliyadda dalka iyo arrimaha kale uu muhiim ah dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda dalka. Shirkaan ayaa waxa aan ka soo qeybgalin Wasiirka Maaliyadda Puntland oo la sheegay inuu arrimo shaqo uga cudurdaartay kulanka Wasiirrada Maaliyadda.

Gabagabadeydii shirkaan ayaa waxa laga soo saaray War-murtiyeedka ay saxiixeen Wasiirrada Maaliyadda DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY FURITAANKA SHIRKA SANNADLAHA AH EE GARSOORKA DALKA

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud oo furay shirka sannadlaha ah ee garsoorka dalka ayaa xusay muhiimadda ay u leedahay dowladnimada Soomaaliyeed mideynta hannaanka shaqo ee garsoorka iyo hirgelinta caddaaladda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay qaadday tallaabooyin muhiim u ah awoodsiinta garsoor hufan, iyadoo shirarkii Madasha Wadatashiga ee Muqdisho ku soo gabagaboobay bishii la soo dhaafay lagu ansixiyey hannaanka Federaaleynta Garsoorka, dowladdana ay ka go’an tahay adkeynta madax-bannaanida iyo kalsoonida shacabku ay ku qabaan hay’adaha caddaaladda.

“Garsoorku waa madax-bannaan yahay. Golaha Saree e Adeegga Garsoorka waxaa loo sameynayo waa in aan la faro gelin. Ma dooneyno dalka Soomaaliya guduhiisa in ay ku noolaadaan labo muwaadiniin oo kala xuquuq ah oo lakala faddilo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bahda caddaaladda kula dardaarmay in ay ku dadaalaan sugidda caddaaladda oo ay ka fogaadaan garab-siinta qofka dulmiga wada, isagoo hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay tayeynta iyo xoojinta awoodda iyo kartida hay’adaha fulinta caddaaladda.

“Labo Waxyaalood in aan laysku khaldin baan rabnaa, dalka in la federaaleeyo waa mid ku saleysan la isku hayo oo hal dal uu yahy. Midda kale, dalka in la federaaleeyo macnaheeda mahan in qofba Meesha uu rabo uu iska aadi karo oo dalku kala tago, maya taas”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in nabadda iyo caddaaladdu ay aas-aas u tahay nolasha iyo dowladdnimada waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan, codkooda iyo caqligoodana ay ku garab istaagaan xaqiijinta himiladooda ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay siyaasiyiin reer Koonfur Galbeed oo ka aragti duwan Maamulka Koonfur Galbeed.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay siyaasiyiin reer Koonfur Galbeed oo ka aragti duwan Maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhageystay xaalada deegaanka uu ku sugan yahay, iyagoo soo dhaweeyay ka qeyb galka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo gogoshiisa taalo magalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Gudoomiyay Shirka Banbaxa Maamulka Gobolka Banaadir

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Gudoomiyay Shirka Banbaxa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar oo maalintii labaad galay.

Madasha uu shirkan ka socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay doodo la xariira horumarin Caasimadda, sida Amniga, Nadaafada, Cadaaladda, Dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha,  Waxbarashada, Caafimaadka, Sports-ka, la dagaalanka Musuq Maasuqa iyo qodoba  kale oo ku saabsan in sida ugu haboon loo xaliyo caqabadaha kala duwan ee jira