Home Blog Page 457

Howlgal qorsheysan oo lagu khaarijiyay koox katirsan Khawaarijta

0

Caawa Abaarihii 6:15 Maqribnimo ayaa Ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxaa ay  howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday koox Khawaarijta ka tirsan ka fuliyeen deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.

Howlgalka oo ah duqeyn ayaa lagu beegsaday goob uu shir uga socday Horjoogeyaal Khawaarijta ka tirsan waxaana halkaas ku gaaray Khasaare xoogleh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Saraakiil ka tirsan Taliska qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay howlgalka iyo Khasaaraha cadowga gaaray.

Waxii Faah Faahin ah ee kasoo kordha Dib ayaan idinkalasoo wadaagi Doonnaa.

Muqdisho-Somalia

Xubno ka socda BJFS oo ka qeybgaley shirka Baarlamaanka Aduunka

Xubnaha joogtada ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Adduunka oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka, ayaa ka qayb galay shirka Baarlamaanka Adduunka (IPU) ee lagu qabtay Magaalada Marakesh ee Dalka Morocco.

Shirkan oo socday muddo saddex maalmood ah islamarkaana ahaa fadhigii 147-aad ee Baarlamaanka Aduunka (Inter-Parliamentary Union) ayaa si wadajir ah u waxaa u qabtay Baarlamaanka dowladda Morocco iyo Baarlamaanka Adduunka.

Shirka waxaa Soomaaliya uga qayb galay Shanta Xildhibaan ee Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal ku matala Baarlamaanka Adduunka oo ay ka mid ahayd Senator Zamzam Daahir Maxamuud.

Muqdisho-Somalia

Akhriso: War murtiyeedka laga soo saaray Shirka Wadatashiga Wasaaraddaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada

0

Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo gebageboobey Shirka 4-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee XFS iyo Wasaaradaha Isgaarsiinta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Benaadir oo socdey 12ka illaa 16ka Juun 2023.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee DFS ayaa waxaa si rasmi ah u furay, soona xiray Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ujeedada shirkani waxay ahayd in wasaaradaha isku shaqada ah ee heer federal iyo dowladaha xubnaha ka ah DFS ay yeeshaan wadashaqayn iyo is-afgarad, waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif,Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Mudane Axmed Cismaan Diiriye,Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Koonfur Galbeed,Mudane C/llaahi Shiikh Daahir,Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Galmudug Mudane Muxyadiin Sh C/llaahi Osman, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee HirShabeelle,Mudane C/fitaax Xasan Faarax,Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Jubaland, ahna kusimaha Wasiirka Mudane Saacid C/llaahi Maxamed,Agaasimaha Guud ee WI&T Mudane Cabdi’asiis Duwane Isaaq, Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Agaasimaha Waaxda Teknoolajiyadda iyo Isgaarsiinta ee Gobolka Benaadir Mohamed Adirahman Yabarow,Lataliyeyaasha WI&T, Agaasimayaasha guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaha Isgaarsiinta ee heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah DFS,lataliyeyaal iyo hawlwadeenno kale.

Falanqayn iyo dood ka dib waxaa Shirka 4aad ee Wadatashiga laga soo saaray qodobadan hoos ku xusan.

Waxay wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS uga mahadceliyeen Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) kulankan wadatashiga ah waxayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulammada nuucan oo kale ah.

Waxay wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS ku bogaadiyeen horumarka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) ay ku tallaabsatay muddada kooban iyo howlaha qabsoomay.

 

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS iyo Wasaaradaha xubnaha ka ah in ay yeeshaan wadashaqeyn joogto ah lagana faa’iideysto dhammaan howlaha hor-yaalla.

In Mashaariicda iyo dhammaan Horumarka la hiigsanaayo laga wada shaqeeyo sida:- Mashruuca (EA-RDIP) oo maraya meel wanaagsan.

Muqdisho-Somalia

Howlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka ay ka fuliyeen inta u dhexeysa Galcad iyo deegaanka Baraag shiikh Caamir ee gobolka Galgaduud

0
Howlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka ay ka fuliyeen inta u dhexeysa Galcad iyo deegaanka Baraag shiikh Caamir ee gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay sadax dhagar qabe oo Khawaarijta ka tirsan waxaana looga furtay Gaari NOAH ah iyo hubkii ay wateen.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ciidamadu sii wadayaan beegsiga Khawaarijta.

Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha xfs Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa looga hadlay amniga dalka

0

Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa         , ayaa looga hadlay amniga dalka, iyadoo lagu ansixiyay Heshiiska Dhismaha Xarunta Dhaxe ee Sanduuqa Caalamiga ah ee horumarinta iyo qorshaynta ee (WFDP) oo laga hirgelinayo Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo soo bandhigay guulihii ay ciidamada qaranka ka gaareen xasillinta iyo xoreynta goobaha ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan.

 

TALIYAHA CIIDANKA BOLIISKA OO KORMEERAY CIIDANKA TABABAR UGU JIRA DUGSIGA GENERAL KAAHIYE

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuuto. Sulub Axmed Firin iyo Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cusmaan Cabdulahi Maxamed (Kaniif), ayaa maanta Akademiyada Boliiska ee Sareeye Guuto. Kaahiye, Salaan Shafar uga qaatay Cutubyo katirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo tababar meheradeed ku jira, Ciidanka oo isagu jira kuwa dhawaan tababar Dalka Dibadiisa ah ka yimid iyo kuwa dhawana Ciidanka ku soo biiray oo tababar Dhibow ah ku jira.

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka oo Addis-Ababa kaga qeyb galay Shirweynaha Caafimaadka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr. Maxamed Xasan Maxamed ayaa magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethoipia uga qeyb galay shirwayne looga hadlay mashaariicda hormarineed ee Caafimaadka,isla markaana sare loogu qaadilahaa nidaamka maamulka maaliyadeed iyo dabagalka mashaariicdaas.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaarisay nimaad maaliyadeed oo hufan kaas oo lagu maamulo mashaariic aad u badan isla markaana ay ka go’an tahay in si mugleh loo gaarsiiyo dhammaan gobollada iyo deegaanada dalka oo idil.

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha maamulkaas.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha oo uu kala hadlay dardar galinta howlaha baaxada leh ee ay hayaan iyo hufnaanta shaqada Wasaaradaha.
Madaxweynaha ayaa agaasimayaasha guud kula dardaarmay in ay dardar galiyaan shaqooyinka muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan.
+21

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Muqdisho, Arbaco, 14 June, 2023
1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Jabuuti ugu qeyb galay Shir Madaxeedkii 14-aad ee Urur Gobeleedka IGAD oo sannadkan diirradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka gobolka.
2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatey qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ka qeybgaley Shir Madaxeedkii 14-aad ee Urur Goboleedka IGAD oo ka dhacay Djibouti.
3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la yeeshay Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing oo ay ka wadahadleen xoojinta taageerada Soomaaliya.
4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay General Muhoozi Kainerugaba oo ah La Taliyaha Madaxweynaha Uganda, kaas oo Muqdisho keenay dhambaal uu ka siday Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni.
5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Wakiilka Gaarka ah Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef oo uu wehliyo Taliyaha Guud ee Ciidamada ATMIS Sam Okiding , iyagoo ka wadahadley habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo la filayo inay bishan bilaabato.
6- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa mar kale kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka Gobolka Sool oo ay ka wadahadleen sidii nabad loogu soo afjari lahaa colaadda ka taagan Laas Caanood.
7- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoonsiiyey lacag dhan 20 kun oo dollar muwaadin Soomaaliyeed oo ciidanka amniga la wadaagey xog ku saabsan weerar ay argagixisadu doonayeen inay ku waxyeeleeyaan shacab.
8- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay barnaamij waxtar u leh dhaqaalaha Soomaaliya oo ah dhoofinta hilibka xoolaha Soomaaliya oo la geynayo Boqortooyada Sacuudi Caraabiya.
9- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo kulan la yeeshay Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing.
10- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hortagay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya waxayna ka wadahadleen xoojinta wadashaqeynta labada dhinac.,
11- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre xarunta Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ka furay Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha oo shacabku cabashooyinkooda ku soo gudbin karaan, laguna xoojinaya kalsoonida shacabka.
12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax dhigay Xarunta Gurmadka Deg-Degga ee Isbitaalka Madiina.
13- Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyay Jiheynta Hannaanka Doorashooyinka, dib-u-eegista ku- talagalka Miisaaniyadda Dowladda 2023 iyo qodobo kale oo muhiim ah.
14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Lusaka ee dalka Zambia kaga qeybgaley Shir Madaxeedkii 22aad ee Suuqa Iskaashiga Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA.
15- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Lusaka kula kulmay jaaliyadda Soomaaliya ee ku dhaqan dalka Zambia.
16- Guddoomiyaha Guddiga Dib u Eegista iyo La Socodka Hirgelinta Dastuurka Xildhibaan Xuseen Iidow oo uu wehliyo Xoghayaha Guddiga Senator Siciid Cabdi Xuseen {Cawke}, ayaa Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin ka guddoomay heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.
17- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Riyaad kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Sacuudiga Amiir Khalid bin Salmaan bin Cabdulcasiis .
18- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xarigga ka jarey xarunta labaad ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda ku yeelaneyso magaalada Kismaayo.
19- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay bilaabashada wajiga koowaad ee ka bixitaanka ciidanka ATMIS ee Soomaaliya.
20- Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa tababar ku saabsan xoojinta iyo tayeynta Afka Soomaaliga u furay qaar ka mid ah wariyayaasha ka hawlgala warbaahinta qaranka.
21- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Muqdisho ka furay tababar ku saabsa tebinta wararka goobaha dagaalka, oo ay ka qeybgalayaan xubno ka socday warbaahinta qaranka.
22- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ka furay tababar la xiriira tebinta wararka xuquuqda carruurta.
23- Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing oo booqatey caasimadaha dowlad goboleedyada Puntland, HirShabelle iyo Koonfuur Galbeed, wadahadalna la yeelatey hoggaanka maamuladaas.
24- Khawaarijta oo weerarey Hotel Pearl Beach oo ku yaalla Muqdisho, iyadoo ciidamada amaanka ay halkaasi ka fuliyeen hawlgal deg-deg ah oo lagu soo afjarey weerarka, soona badbaadiyay shacab badan.
25- Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Cismaan Cabdulahi Maxamuud (Kaniif), ayaa Akademiyadda Booliiska ee Jeneral Kaahiye tababar xirfadeed uga furay saraakiil ka tirsan ciidanka nabadgelyada waddooyinka ee taraafikada.
26- Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa ka dhacay Tuulada Buulla Maxamed Cabdalla oo hoos tagta degmada Awdheegle ee gobalka Shabeellaha Hoose.
27- Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa hawlgal ay ka fuliyeen Gobolka Jubbada Hoose waxay ku dileen lix xubnood oo ka tirsan Khawaarijta oo uu ku jiro horjooge.
28- Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa gargaar aadminimo waxa ay gaarsiisay degmada Af-Madow ee Gobolka Jubbada Hoose.
.
29- Shir looga hadlayo hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo ka dhacaya Nairobi, waxaana ka qeybgalaya Soomaaliya, Bankiga Adduunka, Hay/adda Lacagta Adduunka iyo xubno kale.
30- Booliska Gobolka Banaadir oo soo xiray Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdullaahi Maxamed Cali oo loo haysto eedeymo la xiriira musuqmaasuq.
========DHAMMAAD==========

Kulanka Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta furmay

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS ayaa maanta ka furmay xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah hadal-jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo bandhigaya warbixinta kulamadii dhacay ee guddiga joogtada ah.

Akhrinta 1-aad ee hindise sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.