Home Blog Page 457

DF oo tallaabo hormar leh u qaaday ku biirista Ururka EAC.

0

Muqdisho.(sntv):- Ergayga madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud u qaabilsan Ururka gobolleedka Iskaashiga dhaqaalaha ee Bariga Afrika {EAC} Cabdisalaan Cumar Hadliye oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa si qoto dheer kaga hadlay halka ay marayaan dadaallada ku biirista  Ururkaas.

Ergayga ayaa sheegay in tallaabo hormar leh ay tahay ku biirista Ururkan {EAC}, islamarkaana madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ay ka go’an tahay ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay Dalladdan oo ka kooban 7-dal.

Wuxuu sheegay in wafdi ka socda Ururka gobolleedka Iskaashiga dhaqaalaha ee Bariga Afrika {EAC} oo gaaraya 30 ilaa 40-xubnood ay imaanayaan magaalada Muqdisho 22-ka bishan ilaa iyo 3-da bisha dambe, kuwaas oo u kuurgalaya xaaladda dalka iyo sida ay u shaqeyso dowladda gaar ahaan xagga dhaqaalaha, siyaasadda iyo xagga wax soo saarka.

Sidoo kale, Ergayga madaxweynaha JFS u qaabilsan Ururka gobolleedka Iskaashiga dhaqaalaha ee Bariga Afrika {EAC} Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa tilmaamay in xilligan meel wanaagsan uu marayo hanaanka ay Soomaaliya ugu biireyso Ururka {EAC}, madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud uu dadaal xooggan geliyay dadaallada ku biirista  Ururkan.

“ Waxaa soo nooleeyay, eeg Soomaaliya labo labo jeer ayay codsi u dirsatay ururka {EAC}, wax daba raac ah ma jirin oo inta ay Soomaaliya u tagtay ururka isbaheysiga Afrikada Bari lama diidin Soomaaliya wali, laakiin waxaa muhiim ah iminka oo ay ka duwan tahay sidii hore, madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa la hadlay madaxda 7-dal oo yiri waxaan rabnaa inaan ku biirno,” ayuu yiri Mr. Hadliye.

Dowladda Federaalka oo xoojineysa hannaanka ansixinta codsiga dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta horumarineed ee ay ku yeelan karaan Gobolka.

Dowladda Ruushka oo sheegtay in uu la wareegay magaalada Soledar ee Uraine

Dowladda Ruushka ayaa sheegay in ciidamadooda ay soo afjareen qabsashada Soledar oo ah magaalo laga soo saaro milixda oo ku taal bariga Ukraine, halkaasoo uu ka socday dagaal xooggan.

Dowladda Shiinaha oo adduunka soo dhaweynaya kadib xayiraadihii Covid-19

Dowladda Shiinaha ayaa sheegay in adduunka u sheegay in uu u furan yahay kadib dhibaatada Covid ee ku habsatay dalka in kasta oo ay ka codsadeen macluumaad dheeri ah Ururka Caafimaadka Adduunka.

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee Danab & Gorgor oo ay Wehliyaan xooggaga kacdoonka dadweynaha oo wareegay degaanka Cali Heele oo hoos-taga degmadda Ceel dheer

0
Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee Danab & Gorgor oo ay Wehliyaan xooggaga kacdoonka dadweynaha, ayaa Galabtay Khawaarijta Alshabaab kala wareegay degaanka Cali Heele oo hoos-taga degmadda Ceel dheer ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

[DAAWO] Dad Konton ruux ka badan oo ku sumoobay Maqaaxi ay ka cunteeyeen oo ku taala Deegaanka Biya cadde ee gobolka Shabeellada dhexe

0
Dad Konton ruux ka badan ayaa ku sumoobay Maqaaxi ay ka cunteeyeen oo ku taala Deegaanka Biya cadde ee gobolka Shabeellada dhexe.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Isbitaalka ku booqday Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Hiiraan iyo dad kale oo ku soodhawacmay qaraxyadii degmada Maxaas

0

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane cali jeeyte Cismaan ayaa Isbitaalka Digfeer ee magaaladda Muqdisho ku booqday Dhaawacyadii ku Wax yeeloobay qaraxyadii khawaarijta Al-shabaab Iyo dagaaladii lala galay ee tooska ahaa asigoo Mid-mid uga wareeystay bukaanada xaaladooda Cafimaad ee guud.

[DAAWO] Shirka guud ee 42-aad ee ururka warbaahinta Carabta oo ka furmay caasimadda dalka Tunis

0
Shirka Guud ee Warbaahinta Carabta ayaa ka furmay dalka Tunis, iyadoo Soomaaliya uu uga qeyb galayo Wefdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Mudane Sharma’arke Maxamed Warsame.

Banaan-bax lagu taageerayay Kacdoonka Koofurta Gobolka Mudug looga sifeynayo Khawaarijta oo maanta lagu qabtay Magaalada Wisil

0

Banaan-bax lagu taageerayay Kacdoonka Koofurta Gobolka Mudug looga sifeynayo Khawaarijta ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Wisil ee Gobolkaas.

Duulimaadyada Maraykanka oo caadi ku soo noqday ka dib cillad farsamo oo baajisay 11,000 oo duulimaad

0

Hay’adda duulimaadyada Federaaliga ah ee Maraykanka ayaa sheegtay Khamiistii in duulimaadyadii badankoodu ay caadi ku soo noqdeen, ka dib markii ay cilladi ku timi mid ka mida computer-ada laga hago diyaaradaha Maraykanka, taas oo saamaysay in ka badan 11,000 oo duulimaad oo qaarkoodna ay baajiyeen duulimaadyadii halka qaar kalena uu dib u dhac ku yimi duulimaadkoodii caadiga ahaa.

Barta dhinaca internetka ee FlightAware.com ayaa iyana ku warantay in duulimaadyadii la baajiyey iyo kuwii dib u dhacay, inay haatan ku soo noqdeen sidii caadiga ahayd.

Saraakiisha sarsare ee Hay’adda duulimaadyada ee Maraykanka ayaa sheegay in khalkhalka ku yimi duulimaadyada Maraykanka inuu sababay cillad farsamo oo la soo deristay mid ka mida nidaamyada xogta haya, taasoo saamayn ku yeelatay nidaamka ‘Ogaysiinta Hawlgallada Hawada’ ee loosoo gaabiyo NOTAMs, nidaamkan ayaa ah qayb muhiima oo ka mid ah, hannaanka lagu maamulo duulimaadyada ka dhoofaya garoon kasta oo Maraykanka ku yaalla.

Duuliyayaasha ayaa looga baahan yahay inay la tashadaan nidaamka Ogaysiinta Hawlgallada Hawada ama NOTAMs, ka hor inta aanay duulin.

Nidaamkan ayaa duuliyayaasha macluumaad badan ka siiya, arrimaha saamayn karaya duulimaadkooda, oo ay ku jiraan gegida duulimaadyada, haddii dhisme ka socdo qayb ka mida, haddii uu yaallo baraf, iyo macluumaad kale oo badan oo ay u baahan yihiin duuliyayaashu inay ogaadaan ka hor inta aanay duulin.

Nidaamkan ayaa berigii hore lagu wada xidhiidhi jiray telefoon, hase ahaatee haatan waxaa loo wareejiyey computer-ka.

Cilladdan ku timi Computerka ayaa soo bilaabantay habeenimadii Salaasada, iyada oo si weyn u saamaysay duulimaadyada maalintii Arbacada.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay AFP iyo AP

Madaxweyne Xasan Sheikh oo qaabilay Wasiirrada Maaliyadda ee Dawladda Federaalka iyo Wasiirada Maaliyadda ee Dawlad Goboleedyada

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Wasiirrada Maaliyadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirada Maaliyadda ee Dawlad Goboleedyada.