Taxanaha Taariikhda Tacliinta Soomaaliya (qeybtii 2-aad)

Date:

Waxaan qeybtii hore kaga soo hadalnay Taxanaha Taariikheed ee Tacliinta Soomaalida ee Xilliyadii Gumeysiga, haddana waxaan ku soo qaadanayaa qormadaan Tacliinta Soomaaliya ee Xilligii Xukuumadaha Rayidka ahaa:-

Tacliinta Soomaaliya Xilligii Xorriyadda

Waxbarashada iyo xilligii ka dambeeyay gobannimada Horumarinta Waxbarashada ayaa markiiba noqotay waxa ugu horreeyay ee la dardargaliyay markii xornimada la qaatay ee dhidibbada loo taagay Jamhuuriyadda Soomaaliya sannadii 1960-kii. Fikradda ah kaalinta Waxbarashadu ay ka gali karto horumarka shakhsiyeed iyo tan bulshaba-ba ayaa markiiba lagu muujiyay hees wadani ah oo uu allifay gabayaagi waynaa ee Soomaaliyeed Cabdullaahi Qarshe, miraheedana ay ka mid ahaayeen “Aqoon la’aani waa iftiin la’aane”, hase ahaatee, isbedallada dhabta ah ayaa ahaa kuwa ishu aysan qaban oo aad nuxuus u ah, horumar koobanna waxaa lagu sameeyay aqoontii yareyd ee laga dhaxlay gumaysiga .

Sababaha ay dawlaaddii cusbayd dib u habeyn ugu samayn weyday una ballaarin weyday Waxbarashada Waddanka ayaa loo tiirin karaa dhowr caqabadood:-

1– iyada oo ay Waddanka ka hirgashanaayeen labo nidaam oo Waxbarasho oo kala duwan ayna kala keeneen laba gumeeyste oo waawayn, Ingiriiska iyo Talyaaniga, oo ku kala gaddisnaa luqadda wax ku qoran yihiin.

 2– Manhajka la baranayo oo aan wax shaqo isku lahayn, waxayna ahayd howl aan marnaba sahlanayn midayntooda.

Waxbarashada iyo xilligii ka dambeeyay gobannimada Horumarinta Waxbarashada ayaa markiiba noqotay waxa ugu horreeyay ee la dardar galiyay markii xornimada la qaatay ee dhidibbada loo taagay Jamhuuriyadda Soomaaliya sannadii 1960-kii. Fikradda ah kaalinta Waxbarashadu ay ka gali karto horumarka shakhsiyeed iyo tan bulsha-ba ayaa markiiba lagu muujiyay hees wadani ah oo uu allifay gabayaagi waynaa ee Soomaaliyeed Cabdullaahi Qarshe, miraheedana ay kamid ahaayeen “Aqoon la’aani waa iftiin la’aane”, hase ahaatee, isbedallada dhabta ah ayaa ahaa kuwa ishu aysan qaban oo aad nuxuus u ah, horumar koobanna waxaa lagu sameeyay aqoontii yarayd ee laga dhaxlay gumaysiga.

Sababaha ay dawlaaddii cusbayd dib u habayn ugu samayn weyday una ballaarin wayday waxbarashada waddanka ayaa loo tiirin karaa dhowr caqabadood:

(1)- Iyada oo ay waddanka ka hirgashanaayeen labo nidaam oo waxbarasho oo kala duwan ayna kala keeneen laba gumeeyste oo waawayn, Ingiriiska iyo Talyaaniga.

(2)- ku kala gaaddisnaanta luqadda wax ku qoran yihiin.

(3)- manhajka la baranayo, oo aan wax shaqo isku lahayn, waxayna ahayd howl aan marnaba sahlanayn midayntooda, waxaana aad u adkaatay in la helo istiraatijiyad wax ku ool ah oo bulsho aad u ballaaran oo reer miyi u badan lagu gaarsiin karo Waxbarasho.

Xornimada ka dib waxaa jiray dugsiyo ay dawladdu maamusho oo ay ka mid ahaayeen (Scoula media centerale) oo ku yaallay Magaalada Muqdisho walina jira oo hadda loo yaqaan Dugsiga Bartamaha Xamar, sidoo kale waxa jiray Machadka daraasaadka Islaamka, Machadka Macallimiinta iyo dugsiyo farsamo oo lagu baran jiray Ganacsiga, Warshadaha iyo Culuunta Badda.

Xilligaasi dugsiyada Sare ee Jamhuuriyadda ka jiray waxaa lagu qiyaasay ilaa 25 dugsi oo luuqadaha wax lagu bartana ahaayeen Ingiriis, Talyaani iyo Carabi, ma aysan jirin wax jaamacad ah dalka oo dhan, sidaasi darteed ayay Ardayda Soomaaliyeed dibadda Waxbarasho ugu baqooli jireen, tusaale ahaan Sanad dugsiyeedkii 1962/1963 Ardayda Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa wax ku baranayay waxay gaarayeen 1.500 oo Arday, intooda badanna waxay ku sugnaayeen dalalka Masar, Talyaaniga iyo Ruushka, taasoo markii dambe laga dhaxlay kala duwanaansho dhanka aqoonta iyo dhaqanka ah, waxayna ka dhex muuqatay Xisbigii leegada ama SYL oo markaas talada hayey.

La soco qeybta 3-aad

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxkamada Gobolka Banaadir oo xukuno kala duwan ka soo saartay Saraakiil ku Eedaysanaa Musuq maasuq

Maxakmadda gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada Xukunka...

Wasiirka arrimaha Guddaha oo Shir guddoomiyey kulanka Gudidda Qaban qaabada Maalmaha Xoriyadda

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane...

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqi doonto go’aanka dacwad loo heysto masuuliyiin

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta oo Sabti ah mudeysay...

Wasiiru Dolwaha Wasaaradda Biyaha XFS ayaa ka qayb galay madashii 10 ee biyaha oo lagu qabtay Indonesia

-Wasiiru Dolwaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheeyraadka Biyaha XFS Maxamed...