Home Blog Page 452

Wasiirka Warfaafinta oo hambalyo ku aaddan Ciidda u diray bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS Mudane Daa’ud Aweys Jaamac ayaa hambalyo ku aaddan dabbaal degga Ciidda Carrafo u diray bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan ummadda Soomaaliya iyo dhammaan Muslimiinta dunida ku nool ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidul Adxaa, Ilaahay ha inaga aqbalo dhammaan acmaasha aan ku weyneyno munaasabaddan weyn ee Xajka iyo soonka ay ka mid yihiin, fadliga ciidda awgeed waxaan Allaah ka baryayaa inuu nagu deeqo farxad iyo nabad waarta, isla markaana aan caawinno kuweenna gacan qabashada u baahan

Madaxweynaha dalka oo boqolaal ka mid ah shacabka Muqdisho kula oogay Salaadda Ciidda Masjidka ishaysiga Islaamka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta salaadda Ciidul Adxa kula tukaday masjidka isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa digniin adag u diray dadka dhaqaalaha ku kaalmeeya Khawaarijta, wuxuuna sheegay in ay tahay nacasnimo, doqonnimo, caqiida xumo, dadnimo xumo, adduun iyo aaqiro beel, marka lacag aad siisay khawaarijta ay ku sameeyaan qarax uu ku waxyeelleeyo shaca Soomaaliyeed lagana yaabo in ehelkaagu uu ku jiro.

Mudane, Xasan Sheekh ayaa sheegay in dadka qaar ay lacag u siiyaan khawaarijta cabsi iyo caga jugleeyn kaga timaaddo argagixisada, wuxuuna sheegay in qof walba uu waqti leeyahay loona baahan yahay in ay Alle ku kalsoonaadaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo madax iyo boqolaal dadweyne ah salaadda ciidda kula tukaday Masjidka isbaheysiga Islaamka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Masaajidka Isbaheysiga Islaamka salaada Ciida kula tukaday Madaxweynaha JFS, mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda iyo dadweyne aad u tira badan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalmahan barakaysan ee Ciiddul Adxa, asagoo shacabka Soomaaliyeed  Alle uga baryay in sannadkan kiisa xigga ay ku gaaraan, amni, barwaaqo iyo caafimaad.

Israel oo sheegtay in ay ciqaabi doonaan xagjirka weeraraya bulshada Falastiin

Wasiirka Difaaca Israa’iil Yoav Gallant iyo sarkaal sare oo Falastiin ah ayaa ka wada hadlay rabshadaha ka socda Daanta Galbeed ee la haysto,sida lagu xaqiijiyay war ka soo baxay xafiiska wasiirkaasi.

Hadal ka soo baxay xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in Israa’iil ay doonayso in ay la dagaalanto dadka deggan Israa’iil ee weeraray bulshooyinka Falastiiniyiinta,kadib markii uu la kulmay Hussein Al-Sheikh oo ah sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Falastiin.

Tallaabadaan ayaa ku soo beegmay xilli ay isa soo tarayaan walaaca uu Maraykanku ka qabo xaaladda Daanta Galbeed ee la haysto,iyadoo sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay  ay ugu baaqeen  dhinacyadaasi in ay ka shaqeeyaan sidii xiisadda loo qaboojin lahaa.

“Israa’iil waxay ciqaab buuxda marsiin doontaa dadka rabshadaha sameynaya,” ayuu yiri wasiirka difaaca Israa’iil,kaas oo uu ula jeeday canaasiirta xagjirka ah ee dadka Yuhuudda.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay xafiiska sarkaalka Falastiin ee lala kulmay .

Mashruuc sare loogu qaadayo waxbarashada carruurta oo laga hirgeliyay Gaalkacyo

Duqa koofurta degmada Gaalkacyo mudane, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale ayaa ka daahfuray Gaalkacyo Mashruuc sare loogu qaadayo waxbarshada carruurta.

Mashruucaan oo ah mid looga gol leeyahay kobcinta maskaxeed uu ubadka lana jaanqaadeysa waxbarshada casriga ah iyo Teknoolajiyadda ayaa waxaa ka daahfuray magaalada Gaalkacyo Duqa degmada Galkacyo.

Safiyo Yuusuf oo ah madaxa mashruucaan ayaa xustay in mashruucan ay ka faa’iideysan doonaan carruur Soomaaliyeed.

Isku duwaha Wasaaradda awqaafta Galmudug ee dagmada Gaalkacyo, Macallin Qaasim ayaa isna sheegay inuu ka mahadcelinayo cidkasta oo hirgelisay mashruucan.

Duqa degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa bogaadiyay mashruucaan isagoo sheegay in ay ku faraxsan yihiin in meeshii ugu horeeysay ee laga bilaabo dalka iney noqoto Gaalkacyo

Mashruucaan ayaa ah sida muuqata mid ahmiyad weyn u leh jiilka soo koraya maadaama dunidu ay usii badaneyso isticmaalka aalado casri ah marka loo eego bar biloowga mashruucaan oo markii u horeysay soo gaaray dalka.

Madaxweynaha dalka oo sheegay in ay u siman yihiin argagixisada iyo kuwa lunsada Canshuurta Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu ay isku si ula dagaalameyso argagixisada Al-Shabaab iyo kuwa lunsanaya canshuurta ay dowladdu ka qaadeyso shacabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri  “Dadka Soomaaliyeedow ogaada, Al-shabaab ka na qarxinaaya iyo kan tuuga ah ee canshuurta xadaaya nooma kala sokeeyaan”.

“Anaga kan dowlad ahaan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaan balan qaadayaa waxaasi inaan si xun loo isticmaalin, awoodkasta oo aan leenahay iyo karaamadeena waxaan dul dhigeynaa shillinka qofka Soomaaliga ah laga soo qaaday inaan si kale loo isticmaalin”. Ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu aysan ogolaan doonin lacag canshuur laga soo aruuriyay shacabka Soomaaliyeed in nin jeebka ku rito oo uu la baxsado, isla markaana ay dowladda talaabo adag ka qaadi doonto qofkii ay ku caddaato musuq maasuq.

Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti

Dadka reer Jabuuti waxa ay ka mid yihiin shucuubta Soomaalida ee nasiibka u helay in ay ku noolaadaan geeska Afrika,gaar ahaan deegaanada Soomaalida ee la isku oran jiray dhulkii udugga, waxayna halgan adag u soo galeem sidii ay u noqon lahaayeen dad xor ah oo leh dowlad madax-bannaan.

Taariikhda Halganii Jabuuti

Sanadki 1839-kii waa markii ugu horeysay ee gumeysiga Faransiiska uu sahan ku tagay dalka Jabuuti,isagoo ku andacoonaya in uu raadinayo goobo uu ka fushado danahiisa sida Xeebaha badda Cas ,wuxuuna waqtigaasi Jabuuti ugu magac-daray dhulka Faransiiska  ee Somaliland.

Sanadihii 1869-1888-dii Faransiisku,wuxuu heshiis la galay odoyasha beelaha ,si ay ugu ogolaadaan  in gacankaTajura uu ku darsado magaalooyin uu horay u heystay sida Obokh,Dikhil iyo  kuwo kale.

Dhanka kale,Xilligaasi waxaa Gobolada Woqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya ka jiray gumeysi la mid ah kan Faransiiska,oo ay horkacayeen Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxaana qabsashada dhulka Soomaalida ay  dhaliyeen in la mideeyo awoodda dadka, meelna looga soo wada jeesto quwadaha shisheeye ee geyiga u yimid in ay ka gurtaan kheyraadka dabiiciga ah ee dhaxalka umadda.

Dhaq-dhaqaaqyo xornimo doonka ah oo loogu magac daray xoreynta xeebaha jabuuti ,ayna horkacayaan dhallinyaro isku baheystay Ururka Somal Pan ayaa bartamihii qarnigii 19-aad ka bilowday gudaha dalka Jabuut,,iyagoo taageero ka helay Ururkii Dhallinyarada Soomaaliya ee SYL, tallaabadaasina waxa ay noqotay bilow wanaagsan oo loo qaaday raadinta xornimo taam ah oo dhameystiram.

Sanadihii1958-dii dowladda Faransiiska oo taageero ka heystay qaar ka mid ah odayaasha beelaha iyo kuwo daba-dhilif ah ,ayaa qabtay afti dadweyne oo ku saabsan in Jabuuti ay ku sii jirto maamulkii Fransiiska iyo in ay qaataan madaxbannaani,waxaana arintaasi ay ku dhamaatay in dadka Jabuti ay ku sii jiraan maamulkaasi.

Codeynta aftidaasi oo lagu tilmaamay in ay ku dhacday qaab ku shubasho ah oo ay daneynaayeen Faransiiska waxay kalliftay in shacbiga Jabuuti ay colaad iyo naceyb u qaadaan maamulkii Jabuuti ee taabacsanaa gumeysigii Faransiiska,

Siyaasiyiin badan oo uu kamid ahaa Maxamuud Xarbi ayaa dadaal u galay in Jabuuti ay la midowdo Soomaali,isagoo xilligaasi ahaa  ku xigeenkii golaha xukuumadda ee maamulka dhulka Faransiiska,wuxuuna  sanadkii 1960- ku dhintay shil diyaarad oo lagu micneeyay in uu ahaa shirqool ay maleegeen cadowgii shisheeye.

Maxamuud Xarbi oo ahaa siyaasi jeclaa midowga dadka Soomaaliyeed,kana horjeeday gumeysiigii Faransiiska ee qabsaday Jabuuri waxa uu muteystay oo abaal ahaan uu u helay in lagu qoro diiwaanka halgamayaasha Soomaliya,isagoo si gaar ah  loogu magac daray dugsi ka mid ah kuwa ku yaalla Muqdisho .

Dhinaca kale,Cali Caarif Burhaan ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii ku caanbaxay naceybka midowgii dadka Soomaaliyeed,wuxuuna sanadihii u dhaxeeyay 1960-66-dii ,isagoo la safan maamulkii gumeysiga Faransiiska uu si cad u muujiyay sida uu uga horjeedo in lagu biro bahweyntii Soomaaliyeed.

Sanadkii 1967-dii Faransiiska iyo maamulkii been abuurka ahaa ee loo sameeyay Jabuuti waxaa,iyagoo raadinaya kalsoonida shacabka ay magacii dhulka Faransiska ee Soomaaliland ku baddaleen dhulka Faransiiska ee Canfarta iyo Ciisaha.

Toban sano ka dib,afti la qabtay 8-dii May 1977-dii  dadka reer Jabuuti,ayaa u codeeyay in ay doonayaan madax-bannaani,waxaana bil kadib 27-kii June 1977-dii loo dareeray doorashooyin uu ku soo baxay madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Jabuuti Mudane Xasan Guuleed Abtidoon oo talada ka dagay sanadkii 1999-kii.

Wafdi ka socday Dowladii Mileteriga ee Soomaaliyeed oo uu hoggaaminaayey Xuseen Kulmiye Afrax oo ahaa Madaxweyne ku xigeen ayaa ka qeybgalay xafladdii caleeemo saarka madaxweynihii Jabuuti ,waxayna shacabka dalkaasi la qeybsadeen farxadda iyo dabbaaldegyada loo sameeyay maalinta xoriyadda iyo dhalashada dowladda cusub.

Inkastoo lagu guuleystay helitaanka xornimo taam ah iyo dowlad cusub oo ay heleen Jabuuti,haddana,waxaa halkaasi ku soo gabagabobay dadaal socday 1960-77-dii oo Dowladdii Rayidka iyo Dowladdii Mileteriga ee Soomaaliya ay u galeen sidii dadka Jabuuti ay wax ula qeybsan lahaayeen bulsh weynta Soomaaliya.

Dad badan ayaa  naftooda ku waayay intii uu socdayhalgankii reer Jabuuti ,kuwo kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo naafeeyay xubno kamid ah jirkooda,halka  sidoo kale ay jireen  kumanaan ruux oo laga masaafuriyay dalka Jabuuti iyo qaar kale oo laga buuxiyay xabsiyo gaar ah oo ay maamulayeen gumeysiga Faransiiska.

Xuskaan oo ah kii 46-aad ee ka soo wareegay markii dalka Jabuuti uu qaatay xoriyaddiisa,waxaa dabbaaldegyo iyo xaflado lagu maamuusaayo maalintaasi ay ka kala dhaceen gudaha Dalka Jabuuti, Soomaaliya iyo dalal kale.

Haddaba,anagoo ka faa’odeysaneyna xuskaan waxaan dhambaal hambalyo ah u direynaa shacbiga Soomaaliya,gaar ahaan dadka  reer Jabuuti ee ku kala nool gudaha dalka iyo dibadda.

 

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗸𝘂𝗹𝗮𝗻 𝗹𝗮 𝗾𝗮𝗮𝘁𝗮𝘆 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗣𝗮𝗸𝗶𝘀𝘁𝗮𝗻 𝗔𝗿𝗶𝗳 𝗔𝗹𝘃𝗶

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya kula kulmay Madaxweynaha dalka Pakistan, Mudane Arif Alvi, oo isna sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka sanadkan.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Pakistan iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, kalluumeysiga, tamarta iyo xoolaha.

Waxaa sidoo kale Mudane Xamsa iyo Mudane Arif ay isla soo qaadeen qaabkii ay labada dhinac isaga gacan siin lahaayeen la dagaallanka argagixisada, waxaana ay isla qaateen in la diyaariyo wufuud labada dhinac oo ay kala hoggaaminayaan wasiirrada arrimaha dibedda, si loo sii ambaqaado dhaqangelinta qodobada muhiimka ah ee ay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha.

Booliska oo soo bandhigay dhagarqabe isku dayay inuu qalqal geliyo amniga Caasimadda

Taliska qeybta Guud ee Booliska gobalka Banaadir oo soo bandhigay dhagarqabihii hoggaaminayay weerar loo adeegsaday gentaallo macmal ah oo la doonayay in lagu qalqal geliyo Shacabka magaalada Muqdisho.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska bobalka Banaadir ayaa lagu yiri 25-6-2023 abaaro 11:30 am, ayaa Khawaarijtu waxay weerar gentaallo macmal ah ku qal qal galiyeen Shacabka Caasimadda, kuwaas oo aan wax dhibaato ah geysan.

Kadib howlgal degdeg ah oo ay qaadeen Ciidamada qaabbilsan sugidda amniga Caasimadda ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen dhagarqabe hoggaaminayay malleeshiyaadka weerarka soo qaaday, kaas oo magaciisa ku sheegay, Xuseen Cali Deerow Buulle waxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda ku shaqada leh danbiyada noocaan oo kale ah.

Sidoo kale ciidamadu waxa ay ka hortageen gentaallo rakiban oo aan wali laridin, waxaana lagu burburiyay isla goobtaas halka baaris ay ku socoto dhagarqabihii la soo qabtay.

 

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa Ubax dhigay Taalada Dhagax tuur.

0

Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weynaynaya Todobaadka Xorriyadda, midnimada iyo geesiyaashii naftooda u huray halgankii gobonnimo doonka dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur oo ka mid ah xusuusaha halgankii dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa Ubax dhigay Taalada Dhagax tuur, kaas oo lagu maamuusayay halgamayaashii Soomaaliyeed ee Naftoodii iyo Hantidoodii u horay halgankii dheeraa ee Xorriyada iyo in dhul Soomaaliyeed oo xor ah laga taago Calanka Qaranka JS, waxaana ubax dhigaasi goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).