Home Blog Page 452

Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay oo xabaalo wadareedyo ka helay bariga DR Congo

Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ayaa helay tobanaan meydad ah oo ku jira xabaalo wadareedyo.

[SAWIRRO] 49 Katirsan Khawaarijta Al-shabaab oo lagu dilay Tuulo hoostagta Deegaanka Xawaadleey

0
Inta la xaqiijiyay 49 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Tuulada Dhagaxow oo hoostagta deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS oo qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadaha ee dalka Yemen oo booqasho ku jooga Dalka

0
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Senator Abdi Hashi Abdullahi, ayaa hoygiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadaha ee dalka Yemen Dr. Axmed Cawad bin Mubarak, oo booqasho ku jooga Dalka.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KORMEERAY HOSBITALKA GOBOLKA BAAY IYO GOOBO BARAKACAYAAL

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa kormeeray Hosbital-goboleedka Baay, halkaas oo uu dul istaagay adeegayda caafimaad, baahiyaha jira iyo xaaladda bukaannada ku jira.
Madaxweynaha oo warbixinno ka dhageysaty bahda caafimaadka iyo maamulka Gobolka ayaa faray Xukuumadda in ay ka shaqeyso xal u helista baahiyaha caafimaad ee ka jira xaruntan, waxa uuna xusay in dowladdu ay mudnaan siineyso daadejinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxa uu booqday Kaamka Barakacayaasha oo ay ku jiraan boqollaal qoys oo ka soo cararay dhibaatada argagixisada, ayna saameeyeen Abaaraha ka jira gobolka, iyadoo Madaxweynuhu uu la wadaagay sida ay dowladdu dadaal ugu bixisay gurmadkooda, ayna socoto abaabulka xoreynta deegaannada ay uga soo barakaceen dhibaatada iyo arxan-darrada argagixisada awgeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray qeybaha dugsiga Quraanka iyo iskuulka Hoose Dhexe ee kaamkan oo uu ballan-qaaday dhismihiisa booqashadii hore ee uu ku tagay Baydhabo, haatanna labaduba ay shaqeynayaan, iyadoo Madaxweynuhu uu xoojiyey in uu ka shaqeyn doono sidii loo sii ballaarin lahaa adeegyada waxbrasho ee dadka barakaca ku ah kaamkan iyo horumarinta xarrumahan aqooneed ee uu u hirgeliyey.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo madaxweynaha KG ayaa dhagax dhigay dhismo cusub

0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed mudane cabdi casiis xasan maxamed  ayaa dhagax dhigay dhismaha Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaaladda Baydhabo.

Madaxweyanaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay Madaxtooyada Qaranka ee laga dhisayo magaalada baydhabo ee Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Koonfur-galbeed, waxa uuna sidoo kale kormeeray Garoonka Kubadda cagta ee dhawaan la dhisay iyo goobo muhiim u ah adeegyada bulshada

Gudiga arimaha dibada ,iskaashiga caalamiga qorsheynta iyo hormarinta dhaqaalaha aqalka sare  ayaa suaalo weydiiyey wasiirka qorsheynta xfd.

0

Guddiga Arimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga, Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Aqalka Sare oo gudanaya Waajibkiisa Dastuuriga ah ayaa su’aalo weydiiyay Wasiirka Qorsheynta XFS.
Doodihii dhexmaray Guddiga iyo Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha waxaa ay xoogga saarayeen howlaha shaqo ee wasaaradda iyo mashaariicda waxaana
Kulanka guddoominaysay Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda Aqalka Sare Senator Maryan Farah Kahiye.

Howgal ay wadjir u fulinayaan ciidamada xooga dalka, sirdoonka qaranka Nisa iyo ciidamadda deegaanka ayaa ka socda nawaaxiga deegaanka xawaadleey

0

Howlgal ay Wadajir u fulinayaan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sirdoonka Qaranka NISA, Ciidammada deegaanka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa ka socda nawaaxiga deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Howlgalkan ayaa si gaar ah uga socda Beerta Sheekh Qaasim Tuullada Dhagaxoow ee hoos tagta deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Ilaa hada waxaa la xaqiijiyey in Howlgalkan lagu dilay in ka badan 25 Maleeshiyaad ah oo ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayadoo sidoo kalena lagu soo furtay hub iyo gaadiid dagaal.

Howlgalka oo weli socda wixii warar ah ee kusoo kordha dib ayaan idiin kaga soo gudbin doonnaa insha Allah

Taliska booliska degmada xamar Wayne ayaa howgal kusoo qabtey labo maleeshiyo oo dhac ka geysan jirey degmada.

0

Taliska Boliiska Degmada Xamar weyne ayaa howlgal ku qabtay labadaan Maleyshiyo oo talisku sheegay in ay dhacayeen Shacabka degmadaas.

Labada nin ayaa ku hubeysnaa qori AK47 ah iyo Mooto Bajaaj ay dadka ku dhacayeen, Taleefano badan oo ay shacabka ka dhaceen ayaana lagu qabtay.

Taliska Qeybta guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa maalmahaan dambe aad u kordhiyay Baacsiga Kooxaha burcadda hubeysan ah ee ka shaqeynaya dhibaateynta shacabka Caasimadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta deegaanka ee ka aragtida duwan maamulka.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyadda Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed u leeyahay Nabadda, Wadajirka iyo Horumarka deegaanka isaga oo xusuusiyay Madaxda ka qayb galeysa in ay Shacabku ka sugayaan natiijo wax-tar u leh mustaqbalkooda.

Kulanka waxaa ka qayb galay Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Fargeeti iyo Wasiirkii hore ee Dekadaha Xukuumadda Federaalka Mudane Yuusuf Macallin Aamiin (Baadiyo)

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug iyo wafdi u hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Nairobi ayaa kulamo la qaatay Beesha Caalamka

0
Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya waxaa manta ka dhacay kulan uu shir gudominayay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid, waxaa shirkan ka qayb galey Wakiilo ka socday Beesha Caalamka oo ay ka mid ahayeen Safiiro iyo Gudoomiye Kuxigeenka Gudiga Madaxa banaan Doorashooyinka Galmudug Dr Yasiin Abdi Jama.