Taliska Ciidanka Booliska Maamulka Puntland ee Gobolka Mudug ayaa soo bandhigay Magaca iyo Sawirka Nin ku eedeysan dilka laba qof oo mas’uuliyiin ahaa, kuwaas oo Maalmo ka hor lagu dilay degaanka Bursalax ee Gobolka Mudug.
Faah-faahino ka soo baxaya 70 qof oo qabow ugu dhintay dalka Afqaanistaan
In kabadan 70 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay qabow ba’an ugu dhinteen gudaha dalka Afqaanistaan oo hadda uu ku dhuftay baqow ba’an.
[DAAWO] Xogayaha Guud ee Golaha Aqalka Sare ayaa kulan la qaatay Xoghayeyaasha Baarlamaannada Dowlad goboleedyada
Xogayaha Guud ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa xarunta Aqalka Sare kulan kula qaatay Xogayaasha Baarlamaannada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada Aqalka Sare oo la kulmay Guddiga madaxa bannaan ee dib u heshiisiinta Qaran
Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada Aqalka Sare, oo ay shir guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Senator Deeqa Xasan Xuseen, ayaa xafiskooda ku qaabilay xubnaha Guddiga madaxa bannaan ee dib u heshiisiinta Qaran.
[DAAWO] Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku sugan Magaaladda Baydhabo oo kormeeray goobihii dhawaan shaqaaqooyinku ka dhaceen ee magaaladaas
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku guda jira xalinta tabashooyinka siyaasiyiinta ka aragti duwan maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta waxaa uu kormeeray qeybo ka mid ah meelihii ay shaqaaqooyinka ka dhaceen isagoo warbixin ka dhageystay baraha ay degan yihiin ciidamada KGS iyo guryaha siyaasiyiinta ka aragti duwan maamulka KGS.
[DAAWO 𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗫𝗙𝗦 𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮 𝗺𝗲𝗲𝗹 𝗺𝗮𝗿𝗶𝘆𝗲𝘆 𝗵𝗲𝘀𝗵𝗶𝗶𝘀 𝗶𝘆𝗼 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗰𝗶 𝗺𝘂𝗵𝗶𝗶𝗺 𝗮𝗵
Muqdisho, Janaayo, 19 2023— Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa maanta waxaa shir guddoomiyey ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedka dhawrista maal-gashadatada iyo maal-gashiga.
Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale meel mariyey heshiiska is af-garad ee iskaashiga Tiknoolajiyadda iyo Boostada ee dhawaan ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Masar, kaasi oo qayb wayn ka qaadan doona dib u dhiska hay’adaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Dhinaca kale wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amniga iyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta, iyadoo tododbaadkan guulo waawayn ay ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanku ka gaareen dagaalka khawaariijta.
Golaha ayaa boggaadiyey guulaha isdaba joogaa ee laga gaaray howlgallada xoreynta ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.
Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Deegaanka iyo Isbeddalka Cimilada ayaa golaha Wasiiradda u qaybiyey siyaasadda qaran ee maaraynta deegaanka, hindise sharciyeedka maaraynta deegaanka iyo heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ee Bariga Afrika.
Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS oo maanta si rasmi ah ula wareegtay Xarunta 2aad ee Taleefanada dalka oo ku taala degmada Boondheere
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo guddoomiyay kulanka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ka dhacay xarunta Degmada Kaxda
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa guddoomiyay kulanka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ka dhacay xarunta Degmada Kaxda, kaas oo looga hadlay dhowr qodob ku saabsan horumarrinta Caasimadda.
Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayaha Guud ee Gobolka, Taliyaha Ciidanka ilaalinta Deeganka, Taliyaasha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska iyo Nabad-Sugidda, Agaasimayaal iyo Guddoomiyaasha degmooyinka.
Qodobada looga hadlay Shirka Degmooyinka waxaa kamid ahaa dardargalin Sugida Amniga, fulinta baaqii Madaxweynaha JFS ee la xariiray barnaamijka ‘Garanwaa’ oo lagu hubinayo badqabka iyo amniga qoysaska, horumarrinta Nadaafada, la dagaalanka Maandooriyaha, Buracada iyo kor u qaadida Kobaca Dhaqaalaha.
Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa shirka kadib warbaahinta kula hadlay Xarunta Degmada Kaxda oo uu shirka ku qabsoomay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Yemen oo muqdisho kulan soodhaweyn ah loogu sameeyey.
Shirkii Deyn-Cafinta Soomaaliya iyo IMF oo lagu soo gaba-gabeeyay Nairobi.
Nairobi,Janaayo, 19, 2023- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta soo xiray shir muddo toddobaad ah uga socday Magaalada Nairobi qaar kamid ah hey’adaha Dowladda iyo hey’adda Lacagta Adduuunka iyo Bangiga Adduunka.
