Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Ruushka
Guddoomiyaha Aqalka sare oo qaabilay safiirka Ruushka
Guddoomiyaga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ruushka u fadhiya Soomaaliya Mikhail Golovanov.
Danjire Mikhail Golovanov ayaa ugu horreyn Guddoomiyaha la wadaagagay warbixin ku saabsan halka uu marayao xiriirka labadal, isagoo xusay in dowladda Raashiya Soomaaliya ay u tahay saaxiib dhow oo istaraatiiji ah, kana go’an tahay xoojinta xiriirka labadal iyo iskaashi dhexmara golayaasha Baarlamaanka labada dal.
Dhankiisa, Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Danjiraha la wadaagay xiriirkii soo jireenka ah oo ay lahaayeen Soomaaliya Raashiya iyo sida ay uga go’an tahay Soomaaliya inay dalalka caalamka la yeelato iskaashi miradhal ah oo ku dhisan is-qaddarin iyo wax-wada-qabsi aan mugdi ku jirin.
Wasiiru dowlaha Tamarta XFS oo Geel ku dhiiri galiyay Ciidanka xasilinta Caasimadda.
Wasiirudowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa maanta ka jawaabay go’aankiii Golaha Wasiirada ee ahaa taageerista Ciidanka Xasilinta, waxaana Wasaaraddu Taliska Ciidamada Booliiska gaarsiisay laba Neef oo Geel ah oo eey Wasaaraddu ugu talo-gashay Ciidanka.
Wasiirka oo halkaas ka hadlay, ayaa wuxuu Ciidamada ku ammaanay shaqada wanaagsan ee eey u hayaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu ku dhiirigeliyey inay sii laba-laabaan dedaalka ay wadaan ee ay ku sugayaan amniga Caasimadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Goob-Fagaare Ah Kaga Jawaabay Su’Aalaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed
Ciidanka Xoogga dalka iyo xooggaga deegaanka oo howlgal ku dilay 60 ka tirsan Maleyshiyaadka Khawaarijta.
Soomaaliya oo ka qeyb galeysa shirka Rotterdam Convention ee Geneva
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya Dr. Aadan Ibraahim Aw Xirsi iyo wefti khubaro ah oo uu hoggaaminayo ayaa gaarey Magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Wasiirka iyo weftigiisa ayaa ka qayb-geli doona Shirar caalami ah oo khuseeya kiimikooyinka iyo sunta kala duwan ee saamaynta ku yeelata caafimaadka aadamiga iyo deegaanka.
Shirarka ay Wasiirka iyo weftigiisu ka qayb-geli doonaan ayaa waxaa ugu horreeya Shirweynaha Sixiixayaasha 11aad ee Axdiga Rotterdam (RC COP 11.) oo berri magaalada Geneva ka furmi doona.
Axdiga Rotterdan (Rotterdam Convention) oo ku qotoma Hannaanka Afeef iyo Oggolaansho ee maareeya ka ganacsiga caalamiga ah ee kiimikooyinka halista leh iyo sunta cayayaanka ayaa ah mid kordhiya hufnaanta mas’uuliyad wadareedka ku gedaaman oggolaanshaha dalalka wax loo iib-geeyo iyo shuruucda caalamiga ah ee xakamaysa waddanada iyagu kiimikadaa soo saara iyo shrkadaha ka ganacsada.
Axdigan ayaa Soomaaliya iyo dalalka la shalalka ah siiya awood sharci oo ay go’aan uga gaari karaan kiimikooyinka ay rabaan in loo waarido iyo kuwa ay diiddan yihiin oo aysan inta badan si bed qabta u maarayn karin.
Muqdisho-Somalia
Wasiirka Caafimaadka XFS oo agab caafimaad ku wareejiyay dowlad goboleedyada
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta Xarumaha Caafimaadka ee guurguura oo loogu talagalay in wax loogu qabto Hooyada iyo Dhallaanka ku wareejiyey Qaar ka mid ah Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Munaasabdda lagu wareejinayey Gawaaridan u samaysan isla markaana u qalabaysan sida Xarumaha Caafimaad waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirada Caafimaadka Maamulada Jubbaland ,Koonfurgalbeed, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir, Madax ka socotey Hay’adda UNFPA iyo marti Sharaf.
Gawaaridan loogu talagaley hanaanka cusub ee Caafimaadka guurguura oo gaaraya ilaa Shan (5) Gaari ayaa waxbadan ka geysan doona yareytna xaaladaha dhimasho ee dhaca xilliga dhalmada ee Hooyada iyo waliba wax kaqabashada xilliyada ay dhacaan tacadiyada iyo kufsiyadda ka dhanka ah Haweenka Soomaaliyeed taasoo lagula tacaali doono dhibaatadda soo gaarta.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr Ali Haji Aden ayaa sheegey in Gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka gaar ahaan goobaha lagaynayo sida magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Doolow Beladwayne iyo Gobolka Banaadir.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka ee Dowladda.
Muqdisho-Somalia
Xuska 1-da May ee maalinta Shaqaalaha Dunida
Shucuuubta dalalka dunida ee ku mideysan hey’adda Qaramada Midoobay ayaa maantta u dabbaaldegaya munaasabadda 1-da May oo ku beegan xuska sanadguurada 104-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka caalamiga ah ee shaqaalaha dunida ILO (International labour Organisation) .
1-da May waa maalin weyn oo caalamka oo dhan ay u dabbaaldegaan maalinta shaqaalaha dunida oo ah maalin si gaar ah u xambaarsan aasaaskii ururada xoogsatada,tacadiyadii lala beegsaday iyo halgankii ay u soo galeen xoriyad dhameystiran oo lagu wadaago shaqada.
1919-kii, dalal ka mid ah Galbeedka oo ku jiray Jimciyaddii qarumaha ka dhaxeysay,ayaa ku dhawaaqay dhismaha urur shaqaale oo u howlgala danta xoogsatada,isla markaa ka qeybqaata dejinta xeerarka iyo siyaasadda lagu kala hago shaqaalaha iyo milkilayaasha warshadaha iyo beeraha.
Iyadoo la eegayo muhiimadda xoogsatada iyo kororka dalalka ka xoroobay gumeysiga ee qaatay dowladnimada, dagaalkii labaad ee dunida ka dib, Ururka Shaqaalaha Dunida ee ILO waxa ay soo saareen in lagu dhaqmo qodobo aasaas u ah dhismaha ururkaasi,waxaana ka mid ahaa:-
1-in si wadajir ah looga hortago shaqada khasabka ah , ku-shaqaynta carruurta, takoorka xagga shaqada iyo shaqaalaha a.
2- kor u qaadidda horumarka caddaaladda bulshada, iyada oo loo marayo nidaamka heerarka caalamiga ah ee shaqada.
3-xaqiijinta iyo dhowrista xaaladaha xorriyadda shaqaalaha, sinnaanta, amniga iyo sharafta shaqaalaha iyo in la heli karo shaqo wax soo saar leh oo waarta.
4-Hirgalinta qaab-dhismeed saddex geesood ah oo ka kooban wakiillada dawladaha, loo shaqeeyaha, iyo shaqaalaha.
5-in sanad kasta xarunta shaqaalaha Gineva ee dalka Austria lagu qabto shir weyne caalami ah oo looga hadlo danaha shaqada iyo shaqaalaha.
Haddaba, Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka caalamka ee maanta u dabbaaldegaya xuska sanadguurada 103-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka shaqaalaha dunida,iyo muunaasabadda 68-aad ee aasaaska ururka shaqaalaha Soomaaliya.
waxaa xaqiiqo ah in shaqaalaha ay yihiin kuwo qayb ka ah maamulka dowladnimo ee ka dhisan dalka,marka loo eego kaalinta ay ka qaataan kobcinta dhaqaalaha iyo guud ahaan horumarka dadka iyo dalka .
Ujeedku waa in maamulka Ururka Shaqaalaha uu noqdo mid u shaqeeya si caddaalad ah oo wax ka qaban kara xaaladaha kala duwan ee la soo dersa shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah ee hoostaga shirkadaha ,hey’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah .
Maanta waxaa muuqata in Shaqaalaha ay yihiin kuwo door ama kaalin firfircoon ku yeelan kara geedi socodka loogu jiro gaaritaanka horumar wanaagsan oo ifitiimiya mustaqbalka dadka iyo dalka.
Gabagabadii ,waxaan halkaan hambalyo uga direynaa shaqaalaha dunida,gaar ahaan shaqaalaha Soomaaliya,waxaana u rajeyneynaa guul iyo horumar.
Muqdisho-Somalia
Horjoogayal khawaarij ah oo Carruurtooda kala baxsanaya goobaha kooxdu joogto
Tan iyo markii dagaalka ka dhanka ah Kooxda Khawaarijta Al-shabaab uu ka billawday dalka, waxaa sii kordhayay cabsida iyo argagaxa ka jira goobaha ka taliso Maleeshiyadka khawaarijta.
Warbaahinta Qaranka ayaa waxaa ay heshay magacyada horjoogayaasha caruurtooda kala baxay deegaanada ay dalka ka joogaa khawaarijta, iyaga oo geeyay deegaannada iyo Dowlad Goboleedyada kale.
Waa kuwan magacyada qaar kamid ah Horjoogeyaasha carruurtooda la baxsaday
- horjooge Axmed Diiriye oo ah horjoogaha ugu sareeya kooxda khawaarijta,kaas oo markii hore ba carruurtiisa aanay ku noolayn deegaanada ay khawaarijtu ku dhuumalaysato.
2.horjooge Xasan Afgooye oo kasoo jeeda degmada Afmadow ayaa isaguna carruurtiisa kala cararay deegaanka Kuunyo Barow isagoo la aaday deegaano ka tirsan Koonfur-galbeed.
3.horjooge Abu-muslim oo kasoo jeeda degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay ayaa isaguna la xaqiijiyey in Carruurtiisa oo hore ugu kala nool degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe iyo degaanka Kuunya-barow ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa isaguna la xaqiijiyey inuu carruurtiisa ula cararay magaalooyinka Nabdoon ee aanay khawaarijta ka joogin deeganada Koonfur-galbeed.
4.horjoogayaasha kala ah Maxamed Mire iyo Buli oo kasoo kala jeefa degmada Eyl ee gobolka Bari iyo degmada Boosaaso ayaa iyagana la xaqiijiyey in ay carruurtooda ula kala baxsadeen magaalooyin aanay khawaarinta ku sugnan oo ka kala tirsan dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland.
Dagaalka ka dhanka Kooxda Khawaarijta ayaa galay wajigii labaad, waxaana iska garabsanaya Ciidamada Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Muqdisho-Somalia
Safaaradda Soomaliya ee dalka Sudan oo xaqiijisay tirada Soomaalida ee kasoo samata baxday colaada Sudan
Safiir kuxigeenka safaaradda Soomaliya ee dalka Sudan Amb Axmed Cabdi Xasan oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiradooda gaarayso 1,500 oo qof ku bara baxeen dagaalada ka socda Dalka Sudan,safiirka ayaa sheegay in dadkan isugu jiraan Arday iyo dad kale oo siyaabo kala duwan ugu noolaa dalka Sudan.
Safiir kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegay in safaaraddaha Soomaliya ee dalalka Sudan, Ethiopia iyo Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaliya iska kaashadeen gurmad u fidinta dadka Soomaaliyeed ee waxyeeladu kasoo gaartay dagaalka ka qarxay dalka Sudan.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal weyn ugu jirta sidii loo soo samatabixin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay dagaalka ka socda dalka Sudan,dadka Soomaaliyeed ee ku bara baxay dagaalada Sudan ayaa u kala baxay dalalka South Sudan iyo Ethiopia.
Muqdisho-Somalia
