Home Blog Page 453

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Eng Maxamed Xuseen Rooble ayaa Bogaadiyay Howlgallada Ciidamada Qaranka

0

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Eng Maxamed Xuseen Rooble ayaa Bogaadiyay Howlgallada Ciidamada Qaranka iyo xooggaga deegaanku Khawaarijta uga xoreeyeen Xarardheere,Galcad iyo Ceeldheer.

“Waxaan bogaadin iyo hambalyo u dirayaa Ciidanka Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed guulaha waaweyn ee ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee ay ugu danbaysay Xoraynta Xarardheere, Ceel Dheer iyo Galcad” ayuu yiri Eng Rooble.

Waxaan sidoo kale bogaadinayaa Dowladda Fedraalka ah oo muujisay dadaal dheeri ah iyo Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle” ayuu sii raaciyay Hadalkiisa.

“Waxaan u soo jeedinayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo ciribtirka Khawaarijta Shabaab oo ah halista ugu wayn ee dalkeennu uu wajahayo.”

Madaxweynihii hore JFS Sheekh Shariif oo bogaadiyay dardarta uu ku socdo dagaalka lagula jira khawaarijta

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynihii hore ee JFS , Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa bogaadiyay halganka Khawaarijta looga xoreeyay degmooyinka Ceel-dheer, Galcad iyo Xarardheere ee gobollada Mudug iyo Galgaduud, kuwaas oo 24 kii saac ee la soo dhaafay laga fara maroojiyay cadowgii ummadda ee muddo haystay.

“Waxaan bogaaadinayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo Dadka deegaanka oo ku guulaystay dib u xoraynta Galcad, Ceeldheer iyo Xarardheere” ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Wasiirka wasaaradda cadaalada iyo arrimaha Garsoorka dowlad goboleedka Galmudug Cabdi Maxamed Fiidow ayaa xilalka ukala wareejiyey maareeyihii hore ee Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb

asiirka wasaaradda cadaalada iyo arrimaha Garsoorka dowlad goboleedka Galmudug Cabdi Maxamed Fiidow ayaa xilalka ukala wareejiyey maareeyihii hore ee Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb Cabdulaahi Xasan Nuur iyo maareeyaha cusub ee dhawaan uu garoonka caasimada u magacaabey wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Galmudug.

Munaasabadan oo ay ka qayb galeen xubno kamid ah gollaha wasiirada, mas’uuliyiinta shirkadaha Diyaaradaha iyo marti sharaf kale ayaa lagu faaqiday sida ay muhiimka u tahay in isbadalkani maamul ee garoonka uu horseedo in lala yimaado wax qabad muuqda.

Cabdulaahi Xasan Nuur maareeyaha xilka wareejiyey ayaa goobta ka sheegay in booskani loo magacaabay xili aysan jirin wax diyaarado ah oo Garoonka kasoo daga balse howshii ay soo bilaabeen isaga iyo ragii lasoo shaqeeyay ay soo gaartay meel uu filayo in ay kasii wadi karaan maamulka cusub ee xafiiska kala wareegaya.

Cabdiwali Cali Faarax maareeyaha cusub Garoonka Diyaaradaha ayaa dhankiisa uga mahad celiyey agaasimihii isaga ka horeeyay oo uu sheegay in uu noqon doono geed fadhi uu talada kula laaban doono.

Wasiirka wasaaradda cadaalada iyo arrimaha Garsoorka dowlad goboleedka Galmudug Cabdi Maxamed Fiidow ayaa ugu dambeyn tilmaamey in qori isku dhiibka maamul laga qaadan karo sii wadista shaqadii hore ay usoo dhaqaajiyeen agaasinkii hore.

Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb oo sugayaa bilaabida mashruuc balaaran oo dib u dhis iyo balaarinba leh ayaa iminka yeelanaya Maareeye cusub oo mudo dheer kamid  ahaa bahda shirkadaha Diyaaradaha ee garoonkan kala soo bilaabey furitaankiisii.

Ciidanka Booliska Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa ku guleystay in gacanta ku dhigaan Koox burcad ah

0

Ciidanka Booliska Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa ku guleystay in gacanta ku dhigaan Koox shabakad burcad ah oo 06/01/2023 abaara 02:00 Habeenimo gaari nuuca raaxda ah iyo dadkii saarnaa ka afduubtay meel u dhow Garoonka ciyaaraha Stadium Eng Yariisoow ee Degmada Cabdicasiis.

Kooxdaan burcadka ah oo ka kooban shan rag ah oo watay qoryaha AK47 ayaa gaariga ku joojiyay isgooska Ex control ah halkaas oo ay ku baarteen dadkii saarnaa gaariga iyaga oo ka qaatay dhamaan taleefanadii ay wateen, kadibna iska dajiyay dadkii shacabka ahaa.

Ciidanka Booliska oo xogta ragaan hayay wada shaqeena ka halaya dadka shacabka ah ayaa iyagoo baxsad ah ku qabtay Deegaanka Garasbaaley ee duuleedka Magaalada Muqdisho 12/01/2023 abaaro 08:00 subaxnimo.

Burcadaan hubaysan ayaa haatan ku jira gacanta ciidanka Ammniga waxaana la hor geenayaa Hey’adaha kale garsoorka si cadaallada loo marsiiyo.

Mahadsanidiin.

Taliyaha Qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka oo tababar u furay saraakiil ka tirsan qeybta 43-aad.

0

Taliyaha Qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa tababar ku saabsan ilaalinta xaquuqda aadanaha u furay ciidan iyo saraakiil ka tirsan qeybta 43-aad.

Taliyaha oo la hadlay ciidanka iyo saraakiishii tababarka loo furay ayaa kula dardaarmay  in ay ka faaideystaan fursadaan tababarka ah, asagoo kula dardaarmay in ay dhowraan xuquuqda shacabka ay u adeegaan.

Taliyaha ayaa xusay in lama huraan ay tahay in ciidanka ay ugu adeegaan bulshada si dabacsanaan ku jirto, Taliyaha ayaa sidoo kale kula dardaarmay ciidanka iyo saraakiisha tababarka loo furay in ay cilmigaas si wanaagsan usoo qaataan si ay tababarkaas u siiyaan ciidanka xooga dalka.

 

Magaalada Ceeldheer oo si buuxdo u gashay gacanta Ciidanka Xoogga Dalka.

0
Ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay Magaalada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud oo muddo gacanta ugu jirtay Khawaarijta.
Wasiirka Gaashaandhiga Xuukumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in si buuxdo gacanta loogu dhigay Magaalada  Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud.
Ciidanka Xooga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa kooxaha argagixisada ah ka saaray deegaano badan oo ay mudo dheer gacanta ku hayeen, waxaana deegaanadaas la gaarsiiyey adeegyadda Dowladnimo oo mudo dheer ka maqnaa.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac oo qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ms Tina Intelmann

0
Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha Ahna Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ms Tina Intelmann.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo kulan la qaatay guddiga qaran ee la dagaalanka lacagta sharci-darrada iyo maalgelinta argagixisada

0
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kulan la yeeshay guddiga qaran ee la dagaalanka lacagta sharci-darrada iyo maalgelinta argagixisada.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS oo qaabilay ergayga gaarka ah ee dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta Geeska Afrika

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta Geeska Afrika Suldaan Saciid Axmed, ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowladda Finland oo uu wehliyay Agaasimaha Geeska iyo Bariga Afrika u qaabilsan Finland Jukka Pajarinen.

Galmudug oo war ka soo saartay qabashada Magaalada xaradheere

0
Dowladd Goboleedka  Galmudug  ayaa bogaadisay howlgalka Ciidanka Xoogga Dalka, iyo ciidanka kacdoonka shacabka ay ku xoreeyeen deegaanada Bariga Galgaduud oo ay ugu horreyso Degmada Galcad.