Israel oo sheegtay in ay ciqaabi doonaan xagjirka weeraraya bulshada Falastiin

Date:

Wasiirka Difaaca Israa’iil Yoav Gallant iyo sarkaal sare oo Falastiin ah ayaa ka wada hadlay rabshadaha ka socda Daanta Galbeed ee la haysto,sida lagu xaqiijiyay war ka soo baxay xafiiska wasiirkaasi.

Hadal ka soo baxay xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in Israa’iil ay doonayso in ay la dagaalanto dadka deggan Israa’iil ee weeraray bulshooyinka Falastiiniyiinta,kadib markii uu la kulmay Hussein Al-Sheikh oo ah sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Falastiin.

Tallaabadaan ayaa ku soo beegmay xilli ay isa soo tarayaan walaaca uu Maraykanku ka qabo xaaladda Daanta Galbeed ee la haysto,iyadoo sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay  ay ugu baaqeen  dhinacyadaasi in ay ka shaqeeyaan sidii xiisadda loo qaboojin lahaa.

“Israa’iil waxay ciqaab buuxda marsiin doontaa dadka rabshadaha sameynaya,” ayuu yiri wasiirka difaaca Israa’iil,kaas oo uu ula jeeday canaasiirta xagjirka ah ee dadka Yuhuudda.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay xafiiska sarkaalka Falastiin ee lala kulmay .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...