Madaxweynaha dalka oo boqolaal ka mid ah shacabka Muqdisho kula oogay Salaadda Ciidda Masjidka ishaysiga Islaamka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta salaadda Ciidul Adxa kula tukaday masjidka isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa digniin adag u diray dadka dhaqaalaha ku kaalmeeya Khawaarijta, wuxuuna sheegay in ay tahay nacasnimo, doqonnimo, caqiida xumo, dadnimo xumo, adduun iyo aaqiro beel, marka lacag aad siisay khawaarijta ay ku sameeyaan qarax uu ku waxyeelleeyo shaca Soomaaliyeed lagana yaabo in ehelkaagu uu ku jiro.

Mudane, Xasan Sheekh ayaa sheegay in dadka qaar ay lacag u siiyaan khawaarijta cabsi iyo caga jugleeyn kaga timaaddo argagixisada, wuxuuna sheegay in qof walba uu waqti leeyahay loona baahan yahay in ay Alle ku kalsoonaadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...