Mashruuc sare loogu qaadayo waxbarashada carruurta oo laga hirgeliyay Gaalkacyo

Date:

Duqa koofurta degmada Gaalkacyo mudane, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale ayaa ka daahfuray Gaalkacyo Mashruuc sare loogu qaadayo waxbarshada carruurta.

Mashruucaan oo ah mid looga gol leeyahay kobcinta maskaxeed uu ubadka lana jaanqaadeysa waxbarshada casriga ah iyo Teknoolajiyadda ayaa waxaa ka daahfuray magaalada Gaalkacyo Duqa degmada Galkacyo.

Safiyo Yuusuf oo ah madaxa mashruucaan ayaa xustay in mashruucan ay ka faa’iideysan doonaan carruur Soomaaliyeed.

Isku duwaha Wasaaradda awqaafta Galmudug ee dagmada Gaalkacyo, Macallin Qaasim ayaa isna sheegay inuu ka mahadcelinayo cidkasta oo hirgelisay mashruucan.

Duqa degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa bogaadiyay mashruucaan isagoo sheegay in ay ku faraxsan yihiin in meeshii ugu horeeysay ee laga bilaabo dalka iney noqoto Gaalkacyo

Mashruucaan ayaa ah sida muuqata mid ahmiyad weyn u leh jiilka soo koraya maadaama dunidu ay usii badaneyso isticmaalka aalado casri ah marka loo eego bar biloowga mashruucaan oo markii u horeysay soo gaaray dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...