Home Blog Page 450

Xuska maalinta Warbaahinta Soomaaliya ee 21-ka Janaayo

21-ka Janaayo waa maalin qaran oo ku weeyn quluubta bulshada,waxaana maanta oo kale loo dabbaldegaa munaasabadda maalinta warbaahinta Soomaaliya oo aasaaskeeda ama bud-dhigeeda uu ka soo wareegatay 50-sano.

Iyadooo laga duulayo qiimaha Warbaahinta iyo ahmiyaddda ay u leedahay bulshada, waxaa 21-kii Janaayo sanadkii 1973-dii, loo aqoonsaday maalinta Warfaafinta dalka,maadaama adeegyada warbaahintu ay yihiin kuwo toos u taabanaya ama diiradda u saaraya  horumarka dadka iyo dalka.

Ujeedka munaasabaddaan oo sanadkiiba mar la qabto,ayaa ah mid xambaarsan xasuusta dadkii wax ku oolka ah ee u soo dhabar adeygay jiritaanka saxaafadda Soomaaliyeed oo la tilmaamo in ay soo bilaabatay bartamihii qarnigii 20-aad.

Inkastoo burburkiii ka dhacay dalka uu saameyn xoogan ku yeeshay qeybaha warbaahinta dalka,haddana, labaatankii sano ee u dambeeyay ganacsato iyo aqoonyahanno kale oo soomaali ah , ayaa doorbiday in ay wax ka baddalaan warbaahinta dalka oo muddo badan ku soo jirtay caburin iyo cadaadis xad dhaaf ah.

Tallaabadaasi,waxa ay dhiirigalisay in gudaha dalka ay ka hanaqaadaan saxaafad xor ah oo kaalin wax ku ool ah ka qaadatay in qaybaha  bulshadu ay awood u helaan gudbinta fikradaha wax dhisa iyo kuwa dhaliisha ah ee loo jeediyo hoggaamiyaasha siyaasadda.

Waxaa shaki la’aan ah in Saxaaafaddu ay tahay seef laba afle ah oo loo adeegsan karo dhanka wanaagsan iyo dhanka xun,sidaa daraadeed, waxaa lagama maarmaan ah in qaybaha warbaahinta ay u howlgalaan meel marinta danaha dadka iyo dalka,isla markaana laga fogaado wax kasta oo carqalad ku ah dhameystirka geeddi-socodka loogu jiro dib u yagleelidda nidaam dowladnimo oo kaafiya dadka oo dhan.

Si loo helo Suxufiyiin howlkar ah oo ku wanaaagsan shaqada Warbaahinta, waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda maamulada warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi ah oo la xiriira xirfadda saxaafadda loo siin lahaa shaqaalaha  qaybaha warbaahinta dalka.

Waa muhiin in xasuus gaar ah loo yeesho dadkii haldoorka  u ahaa aasaaska iyo horumarka warbaahinta Soomaaliya,waxana ka mid ahaa:-Maxamuud Jaamac Uur-doox, Xaaji Cabdi Ducaale, Soogare Maxamed Cadde,Xuseen Cabdi Farmashiye,Aadan Isaaq Timacade, Daahir Ibrahim Cabdi, yaasiin xaaji ismaaciil, Cabdi xaaji Gobdoon, Axmed ismaaciil Samatar, Mustafa Xaaji Nuur, Max’ed Faarax Xalane Dhaashane, Faaduma Hiirad Qalyayax,Faaduma Xaaji Faarax iyo kuwo kale,kuwaas oo lagu tilmaamo in ay ahaayeen wariyayaashii ugu horeeyay ee  gala diiwaanka xasuusta saxaafadda Soomaaliya.

Haddaba,Wasiirka Warfaafinta XFS Daa’uud Aweys Jaamac,Wasiir ku xigeenka C/raxmaan Yuusuf Al-Caddaala iyo Agaasimaha Guud ee Warfaafinta iyagoo ka faa’ideysanaya xuska sanadguurada 50-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii warbaahinta,waxay dhambaal hambalyo ah u direen guud ahaan shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan shaqaalaha warbaahinta dalka.

Madaxdaasi waxay gabagabadii u rajeeyeen shaqaalaha warfaafinta in sanadkaan kiisa kale  ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Madaxweynaha Galmudug oo shir gudoomiyay Kulan looga hadlayay adkeynta amniga Degmada Xarardheere.

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye ayaa shir gudoomiyay Kulanka looga hadlayay adkaynta ,xoojinta Amniga Degmada Xarardheere iyo xoraynta Deegaanada kale ee khawaarijta Al Shabaab ka joogaa Galmudug

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Gaashaandhigga JFS C/qaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen Maxamed Tahliil Biixi, Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidamada qeybahooda kala duwan

Madaxweynaha Galmudug ayaa xogdhagaystay Saraakiisha Amniga Degmada iyo qorshayaasha ka socda ee ku aadan Dagaalka Khawaarijta Al Shabaab looga sifaynaayo firxadka khawaarijta Al Shabaab ee wali ku dhuumaalaysanaya Deegaanada Galmudug

Zelenesky oo xulafadiisa ugu baaqay taageero hub oo degdeg ah iney dalkiisa la soo gaaraan

Madaxweyne Zelenesky ayaa ku baaqay in dalkiisa si degdeg ah loola soo gaaro tangiyada iyo hubka culus, xilli ay ugu yaraan 50 dal oo xulfa la ah Ukraine ay kulan ku leeyihiin dalka Jarmalka.

Askar ka afduubneyd ciidanka Djibouti oo lasii daayey

Taliska ciidanka Djibouti, ayaa sheegay in la soo daayey lix askari oo katirsan ciidanka Djibouti, kuwaasoo ay afduubteen jabhadda mucaaradka ah ee FRUD.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ciidamada Qalabka Sida uga tacsiyeeyey geerida Saraakiisha iyo ciidanka ku shahiiday Galcad

0

Baydhabo, Jannaayo 20, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ciidamada Qalabka Sida uga tacsiyeeyey geerida Saraakiisha iyo ciidanka ku shahiiday Galcad.

[DAAWO] Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Baydhabo kulan kula qaatay qaar ka mid ah culimaa’udiinka Koofur Galbeed

0

Badhabo, Jannaanyo 20, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  oo Baydhabo kulan kula qaatay qaar ka mid ah culimaa’udiinka Koofur Galbeed ayaa ka dalbaday in ay doorkooda ka qaataan dadaalada lagu xoojinayo Nabadda, dib u heshiisiinta iyo wadajirka bulshada deegaanka.

DFS oo tacsi u direysa shacabka,Ciidanka Xoogga Dalka, qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Gaashaanle Xasan Maxamed Xasan (Xasan Tuure)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u direysa shacabka, Ciidanka Xoogga Dalka, qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Gaashaanle Xasan Maxamed Xasan (Xasan Tuure) oo saaka ku shahiiday weerar naf la caari ah oo maleeshiyaadka Khawaarijta ku soo qaadeen magaalada Galcad ee Gobolka Galguduud.

Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay Daraasiin Khawaarij ah oo saaka lagu laayay Galcad

0

Muqdisho, 20 January 2023: In ka badan 100 maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ayaa saaka la dilay kadib markii ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku yaalla Magaalada Galcad ee Gobalka Galguduud halkaas oo ka mid ah goobihii dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta.

Dagaal culus oo halkaas ka dhacay ayaa lagu jabiyay Khawaarijta waxaana meydadkooda ay daadsan yihiin goobta dagaalka uu ka dhacay, iyadoo halkaasi looga gubay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa shan gaari, kuna jiro mid ka mid ah gawaarida gaashaaman oo ay khawaarijtu xilli hore ku qabsatay dagaalo dhacay.

Mujaahidiinta Xoogga Dalka waxaa dagaalka uga Shahiiday 7 askari oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa Guutada Danab. Goobta waxaa si buuxda gacanta ugu haya Ciidamada Xoogga Dalka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa Saaxiibada Caalamiga ah oo gacan ka gaystay jabinta Khawaarijta.

Dawladdu waxay Ilaahay uga rajeynaysaa in uu shahaadadooda u aqbalo Mujaahidiinta Xoogga Dalka ee goobtaas ku shahiiday, iyadoo dhanka kalena hambalyo u diraysa geesiyaasha halganka adag kula jira Khawaarijta.

Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay dalka ka ciribtirto Khawaarijta oo hadda maraysa marxalad naf la caarinimo ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dowlad Goboleedka Jubaland ku wareejisay 11goobood oo laga dayactiray jiinka webiga Juba

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamulka degmooyinka  Baardheere iyo Dooloow ee dowlad Goboleedka Jubaland ku wareejisay 11goobood oo laga dayactiray jiinka webiga Juba ee ku teedsan degmooyinkan, si looga hortago fatahaadaha muddada dheer dhibka ku hayay beeraleeyda, xoolaleeyda iyo dadka deegaanka.

Gidaarkan oo laga dhisay goobaha jooggooda hooseeyo iyo leexooyinka webiga ayaa dheerar ahaan gaaraya 1,176.2 Mitir oo u qeybsan 11 goobood oo 4 kamid ah ay dhacaan Dooloow, halka 7 kamid ahna ay ku yaallaan Baardheere. Goobahaan ayaa loo asteeyay inay yihiin kuwa ugu halista badan.

Isku duwaha mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya (SCRP) mudane Cali Xaaji Aadan oo guddoonka degmooyinkan ku wareejiyay goobaha la dayactiray kadib kormeer lagu sameeyay dhammaan dhismayaasha ayaa maamulka kula dardaarmay xil iska saaridda ilaalinta, la socoshada iyo dayactirka gidaarradan maadaama ay tahay mas’uuliyad weyn oo ay bulshada u qaadeen.

“Waa baahi bulshada ka timid, dowladda Soomaaliyeed oo heer degmo, dowlad Goboleed ilaa dowlad Federaal ahna ka wada shaqeeyeen, maantana aan bulshadii ku wareejinnay, waxaan rajeyneynaa in inay wax weyn ka tari doonto xal waare sidii loogu heli lahaa nidaamka cuntada dalkeena”. Ayuu yiri Cali Xaaji.

Daadadka ayaa saameyn taban ku leh wax soo saarka dalka iyada daadadku baabi’yaan sanad walba kumannaan heektar oo la beeray. Ka so koow khasaaraha ay bulshada beerealeeyda ah u geystaan waxay niyad jeb ku abuuraan bulshada wax beerata, taas oo mustaqblak halis gelin karta nidaamka cunto ee dalka.

Guddoomiyaha Degmada Baardheere mudane Maxamed Wali Yuusuf Cabdulaahi (Qorax) ayaa dowladda uga mahadceliyay hal abuuridda xal joogto ah oo ka duwan kii hore ee ku koobnaa la tacaalidda xaaladaha degdedegga ah ee markaas taagan.

“Looma baran in laga hadlo in dadku isku filnaadaan oo la maalgeliyo mashaariic na gaarsiinaya isku filnaansho cunto, webiga oo aan mushkilad sababin abaar iyo aaranba waxay ka dhigan tahay waxsoo saar dheeri ah iyo degganaansho bulsho” ayuu yiri.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Dooloow Mudane Aadan Barre Cali (Aadan Madoobe) oo la wareegay 4 goobood oo la xeydaab looga dhisay webiga ayaa isna xusay mashruucaan uu muhiimmad weyn u leeyahay dadka deegaanka, maadaama uu xal joogta ah u keenay maareynta biyaha webiga oo udub dhexaad u ah noloshooda.

Isku duwaha mashruucan ee Jubaland Cismaan Xassan Cabdi ayaa bulshada deegaan ku boorriyay muhiimmadda ay leedahay ilaalinta iyo la socoshada dhismayaasha la hirgeliyay maadaama ay ku xirantahay nolosha dadka iyo deegaanka.

“Maamulka Degmayooyinka Bardheere iyo Doolow, gudiyada beeralayda iyo dad waynaha kale waxa muhiim ah inay ilaashadaan adeegyadan ladhamaystirey si looga hortago fataadaha kayimaada wabiga ee dhibaateeya dalagga beeraha iyo kaabayaasha kale ee nolosha oo xataa gaysta khasaare nafeed wakhti roobaadka” ayuu yiri Cismaan Xassan Cabdi.

Howlashan oo uu fuliyay Mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya (SCRP) ee hoosyimaada wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha dowladda dowladda Federaalka Soomaaliya, halka uu bangiga adduunku Soomaaliya ugu deeqay maalgelinta mashruuca.

Dhameystirka xeydaabyadan webija loo sameeyay ayaa ku soo beegmeysa xilli jiilaal ah taas oo fursad wey u siineysa beeraleeyda u diyaar garoowga xilli roobaadka gu’ga iyo ka faa’ideysigiisa.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay qaar ka mid ah Midowga Musharraxiinta KGS iyo Madasha Samatabixinta

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay kulan la qaatay qaar ka mid ah Midowga Musharraxiinta KGS iyo Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed, waxaana uu kala hadlay arrimaha shirka dib u heshiisiinta.