Horjoogayaal katirsan khawaarijta oo isu soo dhiibay Dowlad Gobolleedka Puntland

Date:

Ciidanka Booliiska Puntland ayaa soo bandhigay 9 Horjooge oo ka tirsanaa Kooxda Argagaxisada ah ee Daacish oo Ciidanku gacanta ku soo dhigeen.

Taliska qeybta Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Bari ayaa soo bandhigay Hor-joogayaal ka tirsanaa kooxda Argagixisada ISIS/Daacish kuwaas qaarkood isku soo dhiibeen Ciidamadda.

Dhawaan ayey aheyd  markii Ciidanka Difaaca Puntland, Guutada 9-aad ee Onkod oo kaashnaya Ciidanka Booliska Puntland howlgal ay fulliyeen ku guuleystay inay gacana ku dhigaan 9 Horjooge oo ka tirsan Kooxda Argagixisada ee ISIS/Daacish.

Hawl-galka oo laga fuliyey degaannada Camaamo iyo Siido ee Degmadda Balidhidhin Gobolka Bari.

Kooxdaani isa soo dhiibtay ee ka tirsanaa khawaarijta ayaa u kala dhashay dalalka Suudaan, Suuriya, Itoobiya kuwaas oo mudda ka tirsana khawaarijta.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...