Madaxweyne Xasan Sheekh” Inaan gob noqona waxaa naga xiga saddex waxyaabood oo muhiim ah”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeedinayay kumanaan shacab ah oo ka qeyb galay munaasabada 63 guurada 1-da Luuliyo oo ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho, ayaa tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed aanay gob ahayn ilaa laga helo saddex arrin oo muhiim u ah Dowladnimada iyo jiritaank ummadda.

” Shacabka Soomaaliyeedow ogaada gob ma ahin waxbaa naga maqan inaan gob noqonaa rabnaa, inaan gob noqono waxaa naga xigo saddex waxyaabood oo muhiim ah, Al-shabaab oo Dalka ka xoreysano oo xoriyad buuxda aan helno, dhaqaalaheenna iyo hay’adaheennu maaliyadda oo aan soo dhisno si deynta na looga cafiyo oo caalamka noo arko kuwo hore u socdo inaan nahay iyo qodobka saddexaad oo ah inaan Dastuurkeenna dhammeystirno, Dastuur aan qabyo ahayn inaan yeelanno”.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ka hadlay bixitaanka ciidamada ATMIS oo muddo ka badan 15-sano taageerayay Dowladda iyo shacabk Soomaaliya,kuwaas oo lagu wado in sanadka soo socda ka baxaan Dalka,iyadoo ciidamada Dowladda federaalka ay u diyaarsan yihiin in ay amniga guud ee Dalka la wareegaan.

” Walaalaheenna Afrikanka ee 15-sano, na garab taagnaa ee saaxo aan ku fikirno ama ku shaqeysano noo abuuray ee in badan na garab taagnaa ee wiilal badan oo wiilashooda ka mid ah ay Dalkan ku dhinteen, iyagoo mahadsan waxaan rabnaa markan waa soo xoogeysannay, annagaa amnigeynna qaadaneynee ee waa mahadsan tihiin inaan dhahno oo aan sagootinaa rabnaa,”. ayuu yiri madaxwyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in goobihii ugu horeeyay ee ay banneeyeen ciidanka ATMIS in ay durba la wareegeen ciidamada Xoogga Dalka, kuwaas oo ku filan sugidda iyo hanashada amniga guud ee Dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in 30 ilaa 31-ka bishan December 2024, Dalka laga macsalaameynayo askariga ugu dambeeyo ee ciidamada ATMIS.

Shacabka iyo Dowladda oo iskaashday ayaa suurageliyay in laga adkaado kooxda Khawaarijta A-shabaab, waxaanna hadda xor ah deegaanno iyo degmooyin badan oo muddo 15-sano ah gacanta ugu jiro argagixisada Al-shabaab oo dadka shacabka ah ay ku dhibaateyn jireen.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay howlgal qorshaysan

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Shirka maalgashiga qurbejoogta oo Muqdisho ka furmay

Shirka Isku-imaatinka Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa ka furmay maanta...

DHAMAYSTIRKA DASTUURKA WAA FURAHA XASILOONIDA DOWLADNIMADA

Qareen Mohamed Hassan Nur ayaa waxa uu ka qoray...