

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Jaamac Xasan Khaliif, ayaa ka qeybgalay shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana Shirka ku wehlinaya Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka mudane Mustafa Yaasiin Sheekh.
Shirka 26-aad ee Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Carbeed ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen adkeynta xiriirka iskaashi ee dhinaca Teknolojiyada ah ee dalalka Carabta, ansixinta istraatiijiyada Carbeed ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, xoojinta addeegyda boostada, ganacsiga Elektronic-ga ah, hubinta amniga internet-ka iyo is-dhaafsiga khibradaha maamulka Teknolojiyada cusub.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya, mudane Jaamac Xasan Khaliif, inta uu ku suganyahay Magaalada Qaahira waxa uu kulamo doceedyo la qaadan doonaa Wasiirada dhigiisa ee dalalka carbeed ee ka soo qeybgalay shirka iyo Dowladda Masar oo ay kawada hadli doobaan xoojinta xiriirka labada Dal.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad, ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu u magacaabay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda, ergeyga cusub ee arrimaha xuquuqul insaanka ee Kuuriyada Waqooyi.
Magacaabista Julie Turner, ayaa timid ka dib markii jagadan ay bannaaneed muddo Lix sano ah, haba ugu badnatee xilligii uu talada hayay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kaasi oo wada hadallo heer sare ah la yeeshay Xukuumadda Pyongyang.
Turner, oo ah Diblamaasi ku hadla Afka Kuuriyaanka, sidokalana madax ka ahaa Xafiiska Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka Bariga Aasiya iyo Baasifigga ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayuu Joe Biden, u xushay inuu noqda ergeyga xuquuqul insaanka ee Kuuriyada Waqooyi.
Aqalka Cad ayaa sheegay in Turner, uu xafiiska Bariga Aasiya iyo Baasifigga, u adeegay in ka badan 16 sano, waxaana hadda looga fadhiyaa inuu diiradda saaro dadaallada la xiriira horumarinta xuquuqda aadanaha ee Waqooyiga Kuuriya.
Xilkan ayaa bannaanaa tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii 2017-kii markaas oo uu xilka iska casilay Robert King, oo uu magacaabay madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama.
Muqdisho-Shir weynaha Culimada Soomaaliyeed oo maalintii 2-aad ka socda Muqdisho ayaa maanta diiradda lagu saarayaa sharciyadda dagaalka lagula jiro Khawaariijta.
Shirka ayaa sidoo kale ku qotoma doorka culimada ee la dagaallanka fikirka gurrucan ee Khawaarijta iyo caddeynta haboow-sanaantooda, waxa uuna si qoto-dheer u dul-istaagayaa.
2.Sharciyad-siinta Dawladda: xukunka Islaamka iyo Dowladnimada casriga ah.
3. Dhisidda golaha sare ee Culimada Soomaaliyeed: muhiimaddiisa iyo sharciyadiisa.
Dowladda iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa u midoobay sidii meesha looga saari lahaa in laga been abuurto Diinta Islaamka, tallaabadaas oo meesha ka saaraysa in cid kasta oo sheegata magac diimeed aan si fudud lagu aaminin
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya, Amb. Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad, iyagoo ka wada-hadlay qorshaha loogu diyaar garoobayo duulimaadyada Xajka, iskaashiga horumarinta dhinacyada gaadiidka iyo duulista Hawada.
Ciidanka Booliska Taliska Qeybta guud ee Gobalka Banaadir gaar ahaan ciidanka Saldhigga Degmada Heliwaa ayaa maanta gacanta ku dhigay eedeysane Abukar Xuseen Culusoow oo Degmada Dharkinley dil ugu geestay gabar yar uu dhalay 14-kii 1aad 2023 Sidookalana dhaawacay xaaskiisii.
Burkina Faso ayaa weydiisatay France inay ciidankeeda dalkaas ugala baxdo muddo bil gudaheed ah, sida ku cad warqad diblomaasi oo mas’uuliyiinta ay u direen Paris, taasi oo ay heshay wakaaladda wararka AFP.
Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa Axaddii sheegay in Paris ay sharaxaad ka sugeyso Burkina Faso kadib markii militariga xukuma dalka ay sheegeen inay doonayaan in ciidamada Faransiiska ay ku baxan bil gudaheed.
Macron ayaa ku baaqay “taxaddar badan” isaga oo sheegay inuu jiray “jahwareer badan” oo ku saabsan hadallo ay warbaabinta sheegeen inuu jeediyey hoggaamiyaha militariga Ibrahim Traore.
“Waxaan sharaxaad ka sugeynaa Mr Traore,” ayuu Macron u sheegay wariyeyaasha.
Warqad kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibedda, oo ku taariikheysan Arbacadii, ayaa soo afjareysaa heshiikii 2018 ee ciidamada Faransiiska lagu geeyey halkaas, waxayna u qabatay muddo bil ah bixitaankooda.
AFP ayaa warqadda ka heshay ilo-diblomaasiyadeed oo Burkina Faso ah, kuwaas oo aan xaqiijin in Faransiiska ay qireen helitaanka warqadda iyo in kale.
Mar wax laga weydiiyey warqadda, xafiiska madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay inay weli sugayaan xaqiijinta mowqifka Burkina Faso.
Wakaaladda Wararka Burkina Faso ayaa Sabtidii werisay faah-faahinta codsiga, islamarkaana ilo-wareedyo ku dhow dowladda ayaa u xaqiijiyey AFP.
Ilo-wareedka ayaa sheegay in tani aysan ka dhigneyn “in xiriirka loo jarayo Faransiiska balse wargelinta ay quseyso kaliya soo afjaridda iskaashiga militariga.”
Faransiiska ayaa waxaa Burkina Faso ka jooga 400 oo askari si ay ula dagaalamaan jihaadiyiinta, hase yeeshee xiriirka labada dal ayaa xumaaday bilihii dhowaa.
Tan iyo markii militariga ay xukunka qabsadeen September, waxaa jiray dibadbaxyo dhowr ah oo ku baaqaya inay dalka ka baxaan safiirka iyo ciidamada Faransiiska.
Waxaa jira astaamo muujinaya in Burkina Faso, ay si la mid ah dalka deriska la ah ee Mali, ay u weecanayaan iskaashiga Ruushka.
AFP
Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo khubad ka jeediyey munaasibadda daah-furka dhammaystirka wejiga 2-aad iyo dhagax dhigga bilawga wejiga 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso, ayaa boggaadiyay sida ay u socoto Horumarinta Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.
Ciidanka xoogga dalka ayaa weerar ku qaaday Deeganka Beer-faarax oo dhaca waqooyi galbeed Degmada Xarardheere ee koonfurta Gobolka Mudug.
Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamuladda Gobollada iyo Amniga Ee Golaha Shacabka BJFS, Ayaa kulan ku yeeshay. Xarrunta Guddiyada ee Villa Hargeysa.