Home Blog Page 447

Ciidanka xoogga dalka  ayaa inka badan konton khawaarij ah ku diley howgal maanta ka dhacay deegaanka miiroon ee gobalka mudug

Inka badan konton khawaarij ah ayaa lagu dilay hawlgalka maanta ka dhacay deegaanka Miiroon oo hoos taga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, Ciidanka Qaranka ayaana la wareegay deegaankaas  iyagoo ka cayriyay Khawaarijta.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah Weerar ku qaaday deegaanka waxaana la gaarsiiyay Jab weyn, Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Howgalkaas cadowga lagu naafeeyay.

Howgalka Sifeynta ayaa wali socda, hadaba faahfaahin dheeraad ah dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa Insha allaah.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo maanta daahfurey mashruuca barwaaqo.

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray Mashruuca BARWAAQO oo xoogga saaraya horumarinta  bulshadda ku dhaqan miigga ,Beeraha, Xoolaha iyo  Deegganka

Gudoomiyaha hayadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta

0

Gudoomiyaha hayadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi

Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaarada Imaaraad-ka carabta ee magaalada Mogadishu ayey Gudoomiyaha iyo Danjiraha kaga wada hadleen dowrka dowlada imaaraad-ka ee la tacaalida arimaha abaaraha iyo mashaariicda horumarinta

Gudoomiyaha ayaa ugu horeyn dowlada iyo Shacabka imaaraad-ka kaga mahadceliyay garab istaag shacabka Soomaaliyeed, waxaa uuna ka codsaday in ay sii wadaan dadaalkooda iyo garab istaagooda shacabka Soomaaliyeed, asigoo si gaar ah kaga codsaday dowlada imaaraad-ka in lagala shaqeeyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ku nool goobaha laga xureeyay kooxaha khawaarij-ta

Safiirka Imaarad-ka Carabta ee Soomaaliya danjire Axmed Jumca Al-rumeysi ayaa u balan qaaday Hayadda Maareynta Masiibooiyinka in ay sii wadi doonaan garab istaaga shacabka Soomaaliyeed

Gudoomiyaha ayaa markii uu kulanka dhamaaday ku wareejiyay  Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi warqad mahadnaq ah iyo hadiyad oo ka turjumeysa dhaqanka wanaagsan ee Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Ahmed Moallim Fiqi oo maanta warbixin ka dhageystay guddi howleedka wasaaradda ee arrimaha dowladaha hoose

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta warbixin ka dhageystay guddi howleedka wasaaradda ee arrimaha dowladaha hoose, iyada oo xoogga lagu saaray Dib u Eegista Hannaanka Dowlaha Hoose ee Wadajir.

[DAAWO] Wasiirka Warfaafinta XFS oo sheegay in 323 ka tirsan Al-shabaab ayey Ciidanka dowladu howlgal iyo dagaal ku dileen

0

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey guulihii ay todobaadkaan dowladdu ka gaartay dagaalka Khawaarijta.

 

Wasiirka oo uu garab joogay Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya waxaana uu sheegay Wasiirka in  Maalmihii u danbeeyey dagaalo ka dhacay gobolada dalka khawaarijta looga dilay in kabadan 323 khawaarij ah kuwaas oo ay ku jiraan Horjoogayaal sar sare oo katirsan Arggagixisada Al-shabaab.

 

Daawo warbixintaan oo dhameestiran

 

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed iyo Ajendayaasha Maalintii 3-aad.

0

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed iyo Ajendayaasha Maalintii 3-aad.

Wasiirka Arrimaha Dibadda soomaaliya  ayaa si rasmi ah Muqdisho uga furay shirka.

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir cumar jaamac Haruse ayaa si rasmi ah Muqdisho uga furay shirka Hannaanka Xaqiijinta Shuruudaha looga baahanyahay Soomaaliya ee ku biirista Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Waxaa goordhaw furmi Raba shirka Hannaanka xaqiijinta shuruudaha looga baahanyahay

0

Waxaa goordhaw la filayaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo Shirka Hannaanka Xaqiijinta Shuruudaha looga baahan yahay Soomaaliya ee ku biiritaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, (EAC).

 

Dowladda iyo Culumada Soomaaliyeed oo u midoobay sidii loo ciribtiri lahaa fikirka gurracan ee xagjirka

Muqdisho-(SNTV)-Shirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo lagu gorfeynayo sidii loo ciribtiri lahaa fekerka gurracan ee xagjirnimada iyo waafajinta dowladnimada ayaa waxaa baaqyo mideysan kasoo jeediyay madaxda dowladda iyo Culimadii kasoo qeyb gashay kulanka.

Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa culimada u sheegay inuu ka rajeynayo in dadka loo bayaaniyo waxa ay shareecada Islaamku ka qabto dagaalka lagula jiro khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale usoo jeediyay Culimada in ay dowladda siiyaan talooyin ku aaddan ka mira dhalinta la dagaallanka xagjirka iyo in la dhiso Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, taas oo ka mid noqoneysa Hay’adaha ugu muhiimsan Dawladda, una xilsaaran ilaalinta diinta Islaamka iyaga oo wakiil uga ah Dawladda.

Sheekh Cismaan Usuuli oo ka mid ah Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay qaadanayaan soo jeedinta madaxweynaha mar walbana ay u taagan yihiin bayaaninta xaqa, haddii ay ka gaabiyaanna maalinta qiyaamo lagula xisaabtamayo.

Sheekh Cismaan Usuuli” dagaalka aan ku jirno waa mid xaq ah, Xaqa inaan caddeyno ayaan halkaan u joognaa, haddii aanaan caddeyn wallaahi waa nala weydiinaa”.

Sheekha ayaa sidoo kale sheegay in mideynta dowladnimada iyo diintu ay tahay mid wanaagsan, laguna daro dastuurkeenna mad-habta ay Soomaalidu haysato, dadkana loo fasiro waxyaabaha looga shaki gelinayo fahamka toosan.

Sheekh Maxamed Al Qudubi, ayaa ku baaqay in dagaalka Khawaarijtu ee dhanka Culimada uu noqdo mid ficil ah, haddii kale aan halkaa laga dhaqaaqi doonin.

”Dagaalka Khawaarijtu waa inuu ficil naga noqdaa, haddii kale halkaan ka dhaqaaqi meyno, waa halka qolo ee lagu murmo khawaarijtu ma islaambaa mise waa gaalo”

Maalinta Caalamiga ah ee Waxbarashada.

Dalalka caalamka ayaa maanta u dabbaaldegay xuska maalinta waxbarashada oo xambaarsan xuquuq aadane, dan guud iyo mas’uuliyad dadweyne.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay 24-ka Janaayo inay tahay maalinta caalamiga ah ee waxbarashada, iyadoo loo dabaaldegayo doorka waxbarashada ee nabadda iyo horumarka.

 

“Haddii aan la helin waxbarasho tayo leh oo loo siman yahay iyo fursadaha nolosha oo dhan, dal kasta kuma guuleysan doonaan inay gaaraan sinnaan iyo inay jabiyaan meertada faqriga ee ku habsaday malaayiin carruur, dhallinyaro iyo dad waaweyn”ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay UNESCO.

244 milyan oo carruur  ah ayaa ka maqan iskuullada, halka 771 milyan oo qaangaar ah ay  yihiin kuwa aan waxna akhriyin maanta.

“waa wax aan la aqbali Karin in la waayo Xaqa ay caruurta iyo dhallinyaradu u uleeyihiin inay helaan waxbarasho” ayaa lagu yiri warbixinta sanadkaan ee ay soo gudbiyeen maamulka hey’adda qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada iyo tacliinta sare (UNESCO).