Home Blog Page 447

Dowladda Federaalka oo mashaariic horumarineed ka hirgelinaysa magaalada Baraawe

-Wafdi ballaaran oo ay hoggaaminayaan Wasiirka waxbarashada XFS, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka deegaanka iyo is-beddelka Cimillada, Khadiija Maxamed Al-Maqsuumi, wasiirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka koofur galbeed ayaa gaaray magaalada Baraawe ee xarunta maamulka koofur galbeed.

Wafdiga ayaa markii ay halkaasi tageen waxa ay dhagax dhigeen waddada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo magaalada Baraawe iyo xarunta TB-da (Qaaxada) ee Isbitalka degmada, taasi oo ay baahi weyn u qabeen dadka ku dhaqan magaalada Baraawe.

Guddoomiyaha degmada Baraawe, Dr; Liibaan Abuukar Cusmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in socdaalka wafdiga uu ujeedkiisu ahaa dhagax dhigga xarunta TB-da ee daryeelka Caafimaadka asaasiga, taas oo muhiimad weyn u leh shacabka ku dhaqan Caasimadda dowlad goboleedka koofur galbeed.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose, Maxamed Ibraahim Barre ayaa Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay mashaariicdan horumarineed oo ay ka mid yihiin wadda xiriirisa Garoonka diyaaradaha iyo gudaha magaalada Baraawe oo uu dhererkeedu yahay 8-KM iyo xarunta TB-da ee Isbitaalka Magaalada.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada XFS, Marwo, Khadiijo Maxamed Al-maqsuumi ayaa sheegtay in wasaaradeedu ay ka shaqayn doonto  sidii loo horumarin lahaa magaalada iyo bacaadka maalmihii ugu dambeeyay ku fidayay xaafadaha degmada.

Mashaariicda horumarineed ee laga hirgelinayo magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka koofur galbeed ayaa waxaa iska kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka koofur galbeed iyo Bankiga Adduunka.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda WFP

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowladda Hirshabeelle ku qaabilay wafdi ay hoggaaminaysay Ku Xigeenka Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka WFP ee Soomaaliya Marwo Laura Turner.

Madaxweynaha oo kulankaan ay ku wehliyeen qaar kamid ah Golihiisa Wasiirrada ayaa looga hadlay dhibaatooyinka fatahaadaha uu wabiga shabeelle ka geysto deegaanada Hirshabeelle, Taageerada Beeraleyda si kor loogu qaado horumarinta wax-soosaarka beeraha, caawinta barakacayaasha, maalgelinta iskaashatooyinka beeraleyda, caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada, Shaqo Abuur dhalinyarada iyo Kaalinta Hay’adda WFP ee horumarinta Magaalooyinka laga xoreeyay kooxaha khawaarijta ah.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Hay’adda WFP garab istaagga ay siiyaan shacabka Hirshabeelle gaar ahaan ka jawaabista xaaladaha deg-dega ah isagoo ku adkeeyey xoojinta iyo sii wadista maalgashiga, horumarinta iyo wax soosaarka beeraha.

Wasiir Fiqi oo qurba joogta Soomaaliyeed ku ammaanay doorka ay ka qaateen maal gashiga dalka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta XFS Mudane, Axmed Macallim Fiqi oo ka qeybgalay meertada 2-aad ee shirwaynaha qurba joogta Soomaaliyeed  oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha dibedda ayaa khudbad uu kajeediyay waxaa uu sharraxay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha xoraynta dalka, la dagaallanka fikirka iyo maaliyadda ee kooxaha khawaarijta.

Mudane, Axmed Macallim Fiqi waxaa kale uu kala hadlay Arrimaha Xasilinta goobaha dhawaan laga xoreeyay khawaarijta, sarraynta sharciga iyo geeddi socodka Dowladnimada dalka oo ay hoggaanka ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

Ugu dambayn, Wasiir Fiqi ayaa si gaar ah uga mahadceliyay Qurba joogta Soomaaliyeed ee kasoo qaybgalay Shirwaynaha 2-aad ee Qurba joohgta Soomaaliyeed sida xoogga leh ee ay uga qayb qaateen maal gashiga dalkeenna hooyo ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Wiil Suuriyaan ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ,Xamse Cabdi Barre ayaa shahaada sharaf guddoonsiiyay Cali Saahir oo ah Wiil yar oo kasoo jeeda dalka Suuriya, kaas oo wacdaro ka dhigay xuska maalmaha xorriyadda Soomaaliya iyo is raacii labada gobol 1-da Luulyo.

Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa sheegay in wiilkani ay garab istaag iyo dhiirri gelin buuxda u sameeyn doonaan.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ugu mahad celiyay saacidaadda dhaqaale ee uu u fidiyay Wiilkan Suuriyaanka ah iyo shaqada uu u ballan qaaday marka uu qaan gaaro.

 

Ra’iisul Wasaare Xamse oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan midnimo

Ra’isul wasaaraha XFS Mudane , Xamse Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Midnimada, Amniga iyo Hormarinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ka hadlayay munaasabad loogu mahad celiyay guddigii ka shaqeynayay toddobaadka Xorriyadda dalkeenna, ayaa sheegay in isbeddelka amni ee Caasimaddu uu horseeday in caawa ay degmada Yaaqshiid ku qabsoonto munaasabaddan.

“in aan caawa saacaddan joogno  degmada Yaaqshiid waxay ka tarjumaysaa isbaddelka amniga caasimadda. Waxaan ku soconnaa jidkii guusha gaar ahaan reer Muqdiisho, waxaa muuqata yididiilo in cabsida Khawaarijta ay ka baxday quluubteenna. Haddaan rabno Khawaarijta in aan ka guuleysano waa in aan qalbigeena ka saarno cabsidooda iyo Jacaylkooda.”Ayuu yiri R/Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalkeenna muddo 63 sanno ah waxa halkaas dhigay ay yihiin eex, Musuq iyo Siyaasadda qaloocan, haddana ay dowladdu waddo dadaallo xooggan oo lagu ciribtirayo musuqmaasuqa iyo maamul xumida.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaado iyo in xalka siyaasadda lagu raadiyo qori iyo qabyaalad, waxa uuna ku baaqay in la iska kaashado sidii loo dhammeyn lahaa khilaafaadka ka taagan Gedo, Puntland, Hiiraan, Laasacaanood iyo Koonfur-galbeed, iyadoo uu xusay in doorka ugu muhiimsan ee nabadda ay leeyihiin Odeyaasha dhaqanka oo soo samatabixiyey dalkeenna, xilliyadii burburka.

 

Duqa Muqdisho oo tabarucaad dhaqaale u ballan qaday Wiil Suuriyaan ah

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in guusha iyo amniga ay bulshada Caasimadda ku naallooneyso ay ku timid iskaashiga iyo wada jirka Ciidamada ammaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

” Amniga Muqdisho in uu hagaago Shacabka Caasimada iyo laamaha amniga ayaa si wadajir ah iskaga kaashaday waana mahadsanyihiin.”

Guddoomiye Madaale ayaa xusay in dadka ka dhex muuqday dabaal deggii maalmaha xorriyadda uu ka mid ahaa wiil yar oo Suuriyaan ah, kaas oo door weyn ka qaatay sare u qaadidda xamaasaddaiyo shucuurta ka qeyb galayaasha munaasabadda.

Cali Saahir oo ka soo jeeda dalka Suuriya ayaa hees guubaabo ah  ka qaaday Xafladda Mahadcelinta guddigii ka shaqeeyay Todabaadka Xoriyadda, taas oo weyn u gilgishay qalbiyada dadkii goobta ku sugnaa.

Mudane, Madaale ayaa sheegay in wiilkan yar ay siin doonaan tabarucaad dhaqaale oo bille ah marka uu qaan gaarana la siin doono shaqo maaddaama uu ka mid ahaa dadkii qurxiyay ama boorka ka jafay munaasabaddii 1-da Luulyo.

Cali Saahir oo ah dhowr iyo toban jir kana mid ah qaxootiga Suuriyaanka ee ku nool Muqdisho ayaa ka mid ahaa dadkii sida weyn ugu dhex muuqday xuska maalinta xorriyadda Soomaaliya iyo midowgii labada gobol ee Soomaaliya, isagoo si weyn usoo jiitay indhaha warbaahinta gudaha iyo tan Caalamka.

 

Maxkamadda Gobolka Banaadir Waxaa ay Baafineysaa Masuuliyiin dhawaan Xeer ilaalintu ku soo eedeysay Musuq Maasuq.

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir Waxaa ay Baafineysaa Masuuliyiin dhawaan Xeer ilaalintu ku soo eedeysay Musuq Maasuq.

Qorshaha Wasiirka Magacaaban ee wasaaradda Maaliyadda Biixi Iimaan Cige.

0

Mudane biixi iiman cige ayaa ra’iisal wasaaruhu  u magacaabey  wasiirka maaliyada xukuumadda federaalka soomaaliya 8dii luulyo 2023 kadib hoggaamintiisii saameynta laheyd  ee wasaarada  shaqadda iyo arimaha  bulshadda .

Mudadii uu ahaa wasiirka  shaqada iyo  arimaha bulshada  waxa uu hormood ka haa hindiseyaal dhowr ah  oo ay kamid yihiin  dib-u-habeynta ha’ayadaha dowladda, diyaarinta sharciga cusub  shaqaalaha iyo siyaasado  lagu hormarinaayo xaaladaha shaqaalaha  iyo fursadaha shaqaaleysiinta  ee loo siman yahay

Ka wasiirk maaliyada ahaan, waxa uu  mudane biixi hogaamin donaa howlo muhiim ah oo ay ku jiraan hannaanka deyn-cafinta iyo  dib u habeynta nidaamka maaliyadda dalka  si loo hubiyo  wax ku oolnimada balanqaadka dowlada hirgalinta hufnaanta, isla xisaabtanka kobaca dhaqaalaha.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka xukuntay Yusuf Duqow Xuseen Dhicisow, oo Khawaarijta ka tirsanaa.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka 15 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Yusuf Duqow Xuseen Dhicisow, oo Khawaarijta ka tirsanaa.

Duqow ayaa Khawaarijta kaga biiray Buur-Eylo oo Buur-Hakaba hoos tagta, waxa uu mushaar ahaan u qaadan jiray Bishii Lacag $70 ah.

Ceeltimir, Dayniile ayaa lala dajiyay Haweeney si’uu uga fuliyo Muqdisho Dilal iyo Qaraxyo.

14 May sanadkaan ayaa Yusuf la soo qabtay isaga oo Bom F1 ku tuuray Waaxda Labaad ee degmada Hodan.

𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorayaasha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dhawaaqay xukunka dhagar qabaha.

Howlgal lagu baacsanayo firxadka Khawaarijta ayaa laga sameeyay Gobalka Shabeellada Hoose

0

Howlgal lagu baacsanayo firxadka Khawaarijta ayaa laga sameeyay Gobalka Shabeellada Hoose,gaar ahaan deganada deexda ah ee Ceel-maracade, Gaacal-yaabar, Isgoyska Jiirley iyo Garasqaajo, waxaana lagu soo qabqabtay tiro dad ah oo lagu tuhmay inay la shaqeynayeen Khawaarijta, waxaana lagu burburiyay fariimo si qarsoodi ah ay halkaas uga sameysteen Khawaarijtu.