Ra’iisul Wasaare Xamse oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan midnimo

Date:

Ra’isul wasaaraha XFS Mudane , Xamse Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Midnimada, Amniga iyo Hormarinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ka hadlayay munaasabad loogu mahad celiyay guddigii ka shaqeynayay toddobaadka Xorriyadda dalkeenna, ayaa sheegay in isbeddelka amni ee Caasimaddu uu horseeday in caawa ay degmada Yaaqshiid ku qabsoonto munaasabaddan.

“in aan caawa saacaddan joogno  degmada Yaaqshiid waxay ka tarjumaysaa isbaddelka amniga caasimadda. Waxaan ku soconnaa jidkii guusha gaar ahaan reer Muqdiisho, waxaa muuqata yididiilo in cabsida Khawaarijta ay ka baxday quluubteenna. Haddaan rabno Khawaarijta in aan ka guuleysano waa in aan qalbigeena ka saarno cabsidooda iyo Jacaylkooda.”Ayuu yiri R/Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalkeenna muddo 63 sanno ah waxa halkaas dhigay ay yihiin eex, Musuq iyo Siyaasadda qaloocan, haddana ay dowladdu waddo dadaallo xooggan oo lagu ciribtirayo musuqmaasuqa iyo maamul xumida.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaado iyo in xalka siyaasadda lagu raadiyo qori iyo qabyaalad, waxa uuna ku baaqay in la iska kaashado sidii loo dhammeyn lahaa khilaafaadka ka taagan Gedo, Puntland, Hiiraan, Laasacaanood iyo Koonfur-galbeed, iyadoo uu xusay in doorka ugu muhiimsan ee nabadda ay leeyihiin Odeyaasha dhaqanka oo soo samatabixiyey dalkeenna, xilliyadii burburka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadda Ruwaanda oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo dhinacyada waxbarashada

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Jaamacadda Ruwaanda (University of...

TALIYAHA CIIDANKA XDS OO SHIR GUDDOOMIYAY SHIRKA SUBAXLAHA EE TALISKA GUUD EE CIIDANKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Liibiya, Mudane Cabdifataax...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar Casho Sharaf ugu Sameeyay Saxafiyiinta iyo Hobollada Qaranka Waaberi

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe),...