Home Blog Page 446

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa ansixiyay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo la magacaabey

0

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ansixiyay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo loo magacaabay Mudane, Axmed Saciid Maxamed, kaddib soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee magacaabista xubnaha Golaha Maamulka Hay’adda Korontada oo laf-dhabar u noqon doonta kor-joogtaynta farsamo iyo dhaqan-galinta Sharciga Korontada, xubnaha oo ka kooban sagaal xubnood ayaa lagu soo xushay khibraddooda.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Hubka Soomaaliya iyo Xeerka Amniga iyo Bedqabka Xurumaha Dowladda, Amniga Hotellada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha adeegyada Bulshada.

Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta iyo Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa goluhu ka dhageystay warbixinno muhiim ah oo ku saabsan Amniga, Waxbarashada iyo Hirgalinta Nidaamka Aqoonsiga dadweynaha.

Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Serbia waxaa kulan ku yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Dhiggiisa Rugta Ganacsiga Serbia

0

Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Jamhuuriyadda Serbia,waxaa kulan ku yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdikariin Cali Gabayre iyo Dhiggiisa Rugta Ganacsiga Serbia oo ay wehliyaan qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga ee dalkaas, iyadoo uu kulanka goobjoog ka ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Serbia Danjire Maxamed Cabdullahi Maxamed.

Shirkadaha Ganacsiga ee labada dal Somalia iyo Serbia ayaa rajeynaya in ay ka wada Faa’iideystaan xeebta dheer ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Barigga Africa oo dhan u noqon karta marin Ganacsi iyo Serbia oo ah dal wax soo saar fiican leh weliba dhinac Macdanta, Beeraha Tiknoolajiyadda iyo Warshadaha.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashaan lahaa Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Serbia iyo sidoo kale Ganacsiga gobolka Geeska Afrika iyo marin-biyood badda Cas.

kulanka wadatashiga madaxdii hore iyo siyaasiyiinta oo maalintii labaad ka socda Magaalada Muqdisho.

0

Shirka Wadatashiga Madaxda Qaranka, Madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta ayaa maalintii labaad ka socda Magaalada Muqdisho waxaana maanta kulanka ku biiray Guddoomiyaasha labada gole ee Baarlamaanka iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoominaya shirka oo qorshuhu yahay in ay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah Masiirka Ummadda.

 

Shiinaha ayaa lagu eedeeyay inay jabsadeen emailada dowladda Mareykanka

Budhcad  fadhigoodu yahay Shiinaha ayaa galaangal u yeeshay xisaabaadka iimaylka ee ku dhawaad ​​25 hay’adood, oo ay ku jiraan hay’ado dawladeed, Microsoft ayaa sidaas leh.

Shirkadda weyn ee software-ka ayaan faahfaahin ka bixin halka ay ku sugan yihiin hay’adaha dowladda. Si kastaba ha ahaatee, waaxda ganacsiga ee Mareykanka ayaa BBC-da u xaqiijisay in Microsoft ay ku wargelisay weerarka.

Xoghayaha ganacsiga Gina Raimondo ayaa ka mid ahaa  shaqsiyaadka uu saameeyay jebinta, sida ay wararku sheegayaan.

“Microsoft waxa ay ogaysiisey waaxda tanaasulka nidaamka Microsoft Office 365, wasaaradduna waxa ay qaaday tillaabo degdeg ah oo ay kaga jawaabayso,” afhayeen u hadlay waaxda ganacsiga ee Maraykanka ayaa u sheegay BBC. “Waan la soconaa nidaamyadayada waxaanan si degdeg ah uga jawaabi doonnaa haddii dhaqdhaqaaq kale la ogaado  ayay raaciyeen.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warantay in wasaaradda arrimaha dibadda ay sidoo kale bartilmaameed ka dhigteen burcadda.Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa isla markiiba ka jawaabin.

Safaaradda Shiinaha ee London oo la hadashay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in eedeyntaasi ay tahay “war been abuur ah”, waxayna dowladda Mareykanka ku tilmaamtey

Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah u furay shirweynaha Wadatashiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Wadatashiga Madaxdii Hore iyo Siyaasiyiinta.

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shirkani uu muhiimad weyn u leeyahay masiirka Umadda Soomaaliyeed, samaynta go’aamada wadar oggolka ah ee ku salaysan siyaasadda dowladda Soomaaliya.

“Waa markii ugu horreysay ee shirkan oo kale lagu qabto Soomaaliya, taas oo ka dhalatay dowladda oo dooneysa in ay fuliso siyaasaddeeda ku salaysan in wada tashi lala yeesho dhammaanba qeybaha bulshada, si ay aragtidooda ugu dhiibtaan arrimaha masiiriga ah eek u saabsan dowlad dhiska iyo ka samata bixinta waddanka dhibaatooyinkii uu soo maray”.

Wasiir Aweys ayaa sheegay in wada tashigan uu sal u yahay in aragti mideysan laga yeesho dhinacyada dowlad dhiska, horumarinta, la dagaallanka khawaarijta, amniga, dib u qaabaynta dhaqaalaha Soomaaliya, si uu dalku u noqdo mid horumarsan isla markaana ah mid nabdoon.

Ciidanka xoogga Dalka oo dilay Horjoogayaal katirsan khawaarijta

Ciidanka kumaandooska Danab ee Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgalo dhowr ah ka sameeyay deegaanka Weel-Maaroow iyo goobo kale saldhig u aheyd xubno ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

40 ka tirsan Khawaarijta oo ay kamid yihiin horjoogayaal iyo madaxii Qaraxyada Jubbooyinka Farxaan iyo ku-xigeenkiisii Cabdi Mahad ayaa lagu kharajiyey howlgalka, sidookale khawaarijta waxaa lagu dilay madaxii Maaliyadda ee deegaanka Weel-Maaroow.

Degaanka Weel-Maaroow ayaa 42-KM u jirta dagmada Jilib oo ay ku sugan yihiin horjoogayaal sare sare ee Kooxaha Khawaarijta ah, iyadoo uu dhawaan bilaaban doono howlgalka wajiga labaad ee dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Madaxweyne Biden iyo Zelensky oo ku kulmaya Vilnius

Aqalka Cad, ee looga arrimiyo Mareykanka, ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, uu la kulmi doono dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky, inta lagu guda jiro shir madaxeedka NATO ee ka dhacaya Vilnius, maanta oo Arbaco ah.

Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan, ayaa u sheegay suxufiyiinta in Madaxweyne Biden, uu la kulmi doona dhigiisa Ukraine, uuna kala hadlo sida Mareykanka iyo  xulafadiisa ay diyaar ugu yihiin inay ka dhabeyaan ballanqaadyadodii ku aaddanaa in Ukraine laga caawiyo sidii ay isaga difaaci laheed dagaalka uu Ruushka ku soo qaaday.

Sullivan, waxa uu intaa ku daray in waxii hadda ka danbeeya isbaheysiga NATO, ay dejin doonaan qorshahooda dib u habeynta difaacidda Ukraine.

Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, wuxuu tilmaamay in si guud shirarka NATO looga wadahadlayo kordhinta iyo dadajinta  ballanqaadyadii loo sameeyay Ukraine.

Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ku shir guddoominaya shir wadatashi oo ay ka soo qeybgelayaan madaxda hadda talada haysa iyo kuwii hore.

2- Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan midnimada, amniga iyo hormarinta dalka.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad uu ku sharaxay xaaladda dalka iyo muhimadda taageerada dowlad dhiska Soomaaliyeed ka jeediyay Xarunta Degmada Yaaqshiidka oo lagu qabtey munaasabad loogu mahad celiyay guddigii ka shaqeynayay munaasabadaha toddobaadka xorriyadda dalka.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo taageeray dadaalada ay wadaan odayaasha  dhaqanka ee Puntland ee la xiriira xal u helista xurgufta siyaasadeed ee dhowaan halkaasi ka dhacdey.

5- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyey kulan ballaaran oo looga hadlayey u diyaargarowga wadahadallada ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Bariga Afrika ee (EAC).

6- Ra”iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ku baaqey muhiimad siinta xuquuqda Shacabka Soomaaliyeed ee helidda biyo nadiif ah iyo koronto jaban.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo isku shaandheyn kooban ku sameeyay Golaha Wasiirada, isagoo wasiiro cusub u magacaabey wasaaradaha Maaliyadda, iyo Shaqada iyo Shaqaalaha.

8- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay guddi gaar ah oo ka soo talabixiya heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhexmarey Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada .

9- Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Degga ah.

10- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Suleymaan Maxamed Maxamuud oo shaaciyay liiska 18- qof oo isugu jira mas’uuliyiin iyo hawl-wadeeno ka tirsan hay’adaha dowladda oo loo haysto eedaymo musuq maasuq, qaarkoodna ay baxsad ka yihiin caddaaladda.

11- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac oo Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha Qurba Joogta Soomaaliyeed.

12-  Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Muqdisho ka sagootiyay Guutada 24-aad ee Khaalid Bin-waliid ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ku biiraya jiidaha hore ee dagaalka ee ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab.

13- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa shir guddoomiyay kulan wadareedka farsamo ee dhaqan gelinta heshiiska Golaha Wadatashiga ee Hannaanka Doorashooyinka Qaran.

14-  Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daauud Aweys oo ka qeyb galay dood lagu qabtay Twitter Space-ka Telefashinka Qaranka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay soo ceshato doorkii ay ku lahayd siyaasadda gobolka iyo xoojinta siyaasadda arrimaha dibedda.

15-  Wasiirka  Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa kormeeray xarunta Akademiyadda Generaal Kaahiye oo ay ka socoto sixidda imtixaanka qaranka ee dugsiyada sare, sannad dugsiyeedka 2022/2023.

16-  Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaas Eng. Cabdiraxmaan bin Cabdulmuxsin Al-Fadhly.

17-  Wasiirka Amniga ee Soomaaliya Dr Maxamed Cali Doodishe ayaa Mudane Axmed Siciid Maxamed u Magacaabay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

18- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan kaga qaybgalay shirka Ururka Dalalka Dhexdhexaadka ee (Non-Aligned Movement).

19- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku dhawaaqay in ciidanka qaranku si buuxda ula wareegay xarumihii ay banneeyeen ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS.

20- Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha  Soomaaliya oo kaashanaysa hay’adda UNDP iyo hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Sweden (SIDA) ayaa ka hirgelisay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed waxbarashada heerka 2-aad ee takahsuska isku-dhafka maareynta kheyraadka biyaha (Master of Science in Integrated Water Resources Management) oo ah takhasuskii u horeeyey ee noociisa ah oo Soomaaliya laga hirgeliyo.

21- Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka oo xaqiijiyey in 40 eedaysane loo qabtay eedo la xiriira musuqmaasuq.

22- Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Kenya Mudane Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa Muqdisho yimid kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Soomaaliya Mudane Mahad  Maxamed Salaad, si ay uga wada hadlaan iskaashiga labada dal ee dhinaca sirdoonka iyo la dagaalanka Khawaarijta Al Shabab.

23- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Muqdisho ka hirgalisay xarun lagula tacaalayo cudurka cagaarshowga.

24- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga.

25- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo talo-bixin dadweyne gelineysa qabyo-qoraalka qorshaha hay’adda ee 2023-2027.

26-  Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab hawlgal ka dhacay deegaanka Welmarow  ee Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

27-  Ciidanka kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliya ee Gorgor ayaa burburiyay fariisimo ay Khawaarijtu ku lahaayeen deegaano hoos taga Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

28- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal lagu baacsanayo Khawaarijta Al Shabab ka fuliyay degaano isku xira gobollada Banaadir, Shabeellahe Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

29-  Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo ciidanka degaanka Bajeela ayaa duleedka degaanka Baraag-Ciise ku dilay xubin ka mid ah maleeshiyaadka  Khawaarijta halka mid kalena  nolasha lagu soo qabtay.

30-  Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal lagu baacsanayo firxadka khawaarijta ka sameeyay Gobolka Shabeellaha Hoose,gaar ahaan degaanada deexda ah ee Ceel-maracade, Gaacal-yaabar, Isgoyska Jiirley iyo Garasqaajo.

31- Ciidamada ATMIS ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan degaanka Baladul-Amiin ayaa dilay xubno ka mid ah kooxaha Khawaarijta oo doonayey inay weerar gaadmo ah halkaasi ka geystaan.

32- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal  amni oo lagu baacsanayo Khawaarijta Al Shabab ka fuliyay inta u dhexeeysa Degmooyinka Afmadow iyo Kismaayo.

33- Awoodda Khawaarijta Al Shabab ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose oo si weyn loo wiiqay muddadii sannadka ahayd ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga weerarada isdaba jooga ku wadeen Khawaarijta. Hawlgaladaasi Shabeellaha Hoose waxaa Khawaarijta looga dilay 800 oo maleeshiyaad, kuwo kale oo badanna waa lagu dhaawacay

34- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo fadhigooda yahay degaanka Danoow ayaa  fashiliyay weerar ay Khawaarijta Al Shabab damacsanayeen inay ka fuliyaan degaannadda Kabtaanka,Waagade iyo Seddax Buundo oo ka tirsan Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha hoose.

 

Soomaaliya iyo Jordan oo ka wada hadlay la dagaallanka argagixisada

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa kulan miro dhan ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Dalka Jordan Sarreeye Gaas,Yousef Huneiti iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dowladood ee dhanka difaaca.

Wasiirka ayaa markii uu gaaray Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga dalka Jordan (JAF) waxaa la guddoonsiiyay shahaado-sharaf ciidan oo dhameystiran, waxaana salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka mid ah ciidanka Jordan.

Wasiirka iyo taliye Huneiti ayaa ka wada hadlay iskaashiga milateri ee u dhexeeya ciidamada labada dal , iyagoo hoosta ka wada xarriiqay in Jordan iyo Soomaaliya ay leeyihiin dan guud oo lagu xoojinayo ammaanka, nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in dalkiisa uu sanado badan wajahayay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, taas oo caqabad ku ah amniga iyo xasilloonida.

Mudane, Jaamac ayaa taliyaha Ciidanka Dalka Jordan Sarreeye Gaas,Yousef Huneiti la wadaagay in Soomaaliya ay baahi degdeg ah u qabto in ay ka faa’ideysato khibradda Ciidamadooda ee ku aaddan la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta awooda ciidanka xoogga dalka, si loo cirib tiro kooxaha khawaarijta ee ragaadiyay nabadda Soomaaliya.

Shirka wada tashiga oo maanta ka furmaya Muqdisho

Shir wata tashi Qaran ah oo uu iclaamiyay Madaxweynaha dalka mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay ka qeyb geli doonaan madaxda hadda haysa hoggaanka iyo madaxdii hore ee dalka ayaa looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka, iyadoo lays weydaarsan doono talooyin ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee Qaranka.

Shirkan waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya, kaas oo socon doono muddo laba maalmood ah.