Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ee Sodma ayaa Maanta Toban gaari oo sida shexnad gargaar ah u diray Gobolka Galgaduud si gaar ah Degmooyinka Masagawaa,Ceeldheer,Degaano kale oo hoostaga magaaloyinkaas kuwaas oo dhawaan laga xoreeyey Al-shabaab.
Ciidamada xoogga dalka oo galabta Khawaarijta kala wareegay deegaano horleh oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug
Ciidamada xoogga dalka ayaa galabta Khawaarijta kala wareegay deegaano horleh oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Magacaabista Taliyaha cusub ee Booliiska Soomaaliya
Shirka Golaha Wasiirrada oo uu maanta guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyey iyo Magacaabista Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo heshiiska aasaasidda Ciidamada Bariga Afrika.
Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee amni iyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta, iyadoo toddobaadkan guulo waa wayn ay ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanku ka gaareen dagaalka khawaariijta, isla markaana jab wayn la gaarsiiyay.
Golaha waxa uu ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha oo u magacawday General Sulub Axmed Firin inuu noqdo Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed.
Dhinaca kale waxaa Goluhu ansixiyay Heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika oo ay ku jiraan sagaal waddan, oo kala ah Soomaaliya, Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Rwanda, Seychelles, Suudaan iyo Uganda.
Heshiiskan ayaa ujeedadiisu waxay tahay in la hirgeliyo hawlaha ilaalinta nabadda, ammaanka iyo xasilloonida gobolka.
Wasiirka Shaqada XFS oo dalka Qadar kula kulmay Wasiiradda arrimaha bulshada Sacuudiga iyo Qadar
Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kula kulmay dhiggiisa dalka Qatar Mudane Dr. Cali bin Samikh iyo wasiirka horumarinta arrimaha bulshada ee dalka Sacuudiga mudane Axmed Bin Suleymaan .
wasiirka ayaa kala hadlay wasiirada Qatar iyo Sacuudiga xoojinta xiriirka iyo ka wada shaqaynta arrimaha la xiriira dhinacyada shaqada, horumarinta xirfadaha shaqaalaha iyo is dhaafsiga khibradaha.
Wasiir Biihi ayaa magaalada Dooxa ugu qeyb galaya kalfadhiga 42-aad ee golaha wasiirada Carabta u qaabilsan arrimaha bulshada.
Ciidamada Israa’iil oo dilay afar Falastiin ah oo ay ku jirto haweeneey da’ ah.
Ciidamada Israel ayaa dilay ugu yaraan afar Falastiini ah, tiro kalena way dhaawaceen,kadib matkii weerar hubeysan ay ku qaadeen magaalada Jenin, oo ku taal waqooyiga daanta galbeed ee la haysto.
saraakiisha Falastiiniyiinta,dad goobjoogayaal ah iyo dhakhaatiirta caafimaad,ayaa sheegay in haweeney da’ ah ay ku jirto dadka dhintay.
Wasiirka caafimaadka ee Falastiin, Mai al-Kaila, ayaa sheegay in ciidamada Israel ay sidoo kale sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsadeen isbitaal ay ku jireen carruur, taasoo keentay in caruur badan ay ku neefqabatoomaan.
Milatariga Israel ayaa xaqiijiyay in howlgal ay ka sameeyeen Jenin maanta oo Khamiista ah, balse ma aysan bixin faah faahin dheeri ah.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Jeeniin.
Magaalada Jenin waxa ay ka mid tahay aagagga woqooyiga Daanta Galbeed ee ay ka dagaalamaan Kooxaha hubeysan ee Xamaas iyo Islamic Jihad ,waxayna Israa’ii; dooneysaa in ay ka hortagto wax iska caabinta Falastiin ee sii kordhaya.
Tirada Falastiiniyiinta ay dileen ciidamada Israel intii lagu guda jiray duulaanka ay ku qaadeen Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus bishaan ayaa hadda ah 24 dhimasho ah oo ay ku jiraan shan caruur ah,iyadoo sanadkii tagay ciidamada Israa’iil ay dileen 170 falastiiniyiin ah oo u badan rayid.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo sheegay inay guulo waa weyn ka gaareen siyaasadda arrimaha dibadda.
Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Haruuse oo shalay si rasmi ah u furay shirka Hannaanka Xaqiijinta Shuruudaha looga Baahan yahay Soomaaliya ee ku biirista Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa dhanka kale ka hadlay muhimadda shirkaan uu u leeyahay Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ay sameysay horumar ballaaran, iyadoo lagu hagayo hal ku dhigga ah “Soomali heshiis ah, dunidana heshiis la ah” si gaar ahna wasaaraddu mas’uul uga tahay qeybta Soomaaliya dunida heshiis la ah.
“ Muddada kooban ee dhan shanta bilood oo aan xafiiska joogo, haddii aan u dib milicsanno siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya, dhadhaqaaqayaga iyo dadaallada aynu sameynay wax weyn ayaa siyaasadda arrimaha dibadda ka qabsoomay.”
Wasiir Haruuse ayaa xusay in tallabo wanaagsan loo qaaday marka ay timaaddo iskaashiga iyo wada shaqeynta Soomaaliya kala dhaxeysa wadammada caalamka iyo kuwa gobolkaba ee xariirku uu kala dhaxeeyo, ururada aan wada shaqeynta la leenahay iyo dhammaan hey’adaha caalamiga, iyadoo loo marayo siyaasad arrimo dibadeed oo ku dhisan isqaadasho, is ixtiraam iyo iskaashi, taas oo sahashay in siyaasad ahaan ay isku furmaan Soomaaliya iyo Caalamka, dalalka dariska ah, kuwa Qaaradda Afrika oo dhan iyo dhammaan urur goboleedyada ay Soomaaliya qeybta ka tahay
“Aad bay u horumarsan tahay, wax weyn ayaana runtii iska bedalay siyaasadda arrimaha dibadda, horay ayaana u sii soconeynaa” ayuu hadalkiisa ku soo xiray wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Haruuse oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Dowladda

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa S/Guuto Sulub Axmed u magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
Golaha wasiirada Somalia oo Ganaraal Sulub Axmed Firin u magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,
Taliyaha cusub ayaa horay u ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Duulista Xukuumadda Soomaaliya, waxaana uu bedelay Taliyihii Booliska Soomaaliya Janeraal Xijaar.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo booqday Saafaradda Soomaaliya ee Masar.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo booqday Saafaradda Soomaaliya ee Masar.
(Qahira, Masar – Janaayo 26, 2023) Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif iyo wefdi uu hoggaaminaayey oo Booqasho rasmi ah ku joogay Magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar ayaa booqday Saafaradda Dowladda Soomaaliya ee Masar, waxaana si diiran ugu soo dhaweeyey Danjire Ilyaas Sheikh Cumar Safiirka Soomaaliya ee Masar.
Wasiirka ayaa la kulmay diblomaasiyiinta iyo howlwadeennada Safaaradda, waxaana la siiyey warbixino ku saabsan qaabka ay u shaqeyso safaarada iyo howlaha ay u heyso Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan Dalka Masar.
Wasiir Jaamac Xasan Khaliif ayaa si weyn ugu Mahadceliyey Danjire Ilyaas Sheikh Cumar…”Waxaan u Mahadceliyaa safiirka soomaliya ujooga Dalka Masar, Danjire Ilyas Cumar iyo howlwadeenada Safaarada oo aad noogu soo dhaweeyey intii aan ku gudo jirnay hawlihii aan utagnay Magaalada Qaahira, sidoo kale kaalin weyn ayuuna ka qaatay Safriirka hishiishka is afgradka ee aan wada saxiixanay Masar iyo Soomaaliya”..ayuu yiri Wasiir Jaamac.
Ugu danbeyn Booqashada Wasiirka ku tagay Saafaradda Soomaaliya ee Masar waxaa ku wehliyey Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh iyo Lataliyaha Wasaaradda Mudane Sakariye Ismaaciil

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo sheegey rasaastii laga maqley caasimada Mogadisho ay aheyd dabrid iyo carbis ay sameyeen cutubyo ka tirsan ciidanka
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa uu dhamaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku sugan caasimmada Dalka ee Muqdisho la socodsiinaya in rasaastii maanta ay maqlayeen ay tahay dabrid iyo carbis ay sameynayeen cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuna sameenayeen guddaha Dugsiga Tababarka General Goordan XDS.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS , Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyey Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tiirka Horumarinta Arrimaha bulshada
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyey Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tiirka Horumarinta Arrimaha bulshada kaasi oo warbixinno kala duwan oo ahmiyad gaar ah u leh barnaamijka xukuumadda uu kaga dhagaystay Wasiirrada iyo Guddiyada u xilsaaran Tiirka Horumarinta Arrimaha Bulshada.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa,uud Aweys ayaa soo jeediyey warbixin la xiriirta xafiiska isku xirka iyo jihaynta macluumaadka hay’adaha dowladda, kaasi oo midayn kara fariimaha ay dowladdu la dawaagayso bulshada Soomaaliyeed.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddalka Cimilada, Saciid Maxamed Cali ayaa isna kulanka ku soo bandhigay warbixin kooban oo la xiriirta hindise sharciyeedka maaraynta deegaanka kaasi oo horyaala golaha wasiiradda Xukuumadda Federaalka.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa faray Guddiyada Heer Wasiir ee Barnaamijka Xukuumadda ee Tiirka Horumarinta Arrimaha bulshada in ay dedejiyaan qorshaha xasilinta goobihii dhawaan laga xoreeyey Khawaariijta, isla markaana bulshada ku dhaqan deeganadaa la gaarsiiyo adeegyada aasaasiga sida goobo caafimaad, waxbarasho iy saldhigyo booliis, si bulshadaasi u hesho xuquuqdoodii dowladnimo.





