Dowladda Federaalka oo mashaariic horumarineed ka hirgelinaysa magaalada Baraawe

Date:

-Wafdi ballaaran oo ay hoggaaminayaan Wasiirka waxbarashada XFS, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka deegaanka iyo is-beddelka Cimillada, Khadiija Maxamed Al-Maqsuumi, wasiirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka koofur galbeed ayaa gaaray magaalada Baraawe ee xarunta maamulka koofur galbeed.

Wafdiga ayaa markii ay halkaasi tageen waxa ay dhagax dhigeen waddada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo magaalada Baraawe iyo xarunta TB-da (Qaaxada) ee Isbitalka degmada, taasi oo ay baahi weyn u qabeen dadka ku dhaqan magaalada Baraawe.

Guddoomiyaha degmada Baraawe, Dr; Liibaan Abuukar Cusmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in socdaalka wafdiga uu ujeedkiisu ahaa dhagax dhigga xarunta TB-da ee daryeelka Caafimaadka asaasiga, taas oo muhiimad weyn u leh shacabka ku dhaqan Caasimadda dowlad goboleedka koofur galbeed.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose, Maxamed Ibraahim Barre ayaa Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay mashaariicdan horumarineed oo ay ka mid yihiin wadda xiriirisa Garoonka diyaaradaha iyo gudaha magaalada Baraawe oo uu dhererkeedu yahay 8-KM iyo xarunta TB-da ee Isbitaalka Magaalada.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada XFS, Marwo, Khadiijo Maxamed Al-maqsuumi ayaa sheegtay in wasaaradeedu ay ka shaqayn doonto  sidii loo horumarin lahaa magaalada iyo bacaadka maalmihii ugu dambeeyay ku fidayay xaafadaha degmada.

Mashaariicda horumarineed ee laga hirgelinayo magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka koofur galbeed ayaa waxaa iska kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka koofur galbeed iyo Bankiga Adduunka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...