Home Blog Page 438

Ra”iisul wasaare ku xigeenka XFS oo daah furay Shirka madasha Arimaha Bin’adanimada

0

Raisulwasaare ku ku xigeenka XFS Mudane Saalax Ahmed Jaamac ayaa maanta furay Shirka madasha Arimaha Bin’adanimada oo maanta Muqdisho ka furmay.

Shirkaan oo soo agaasintay Hey’adda maareynta masiiboyinka Qaranka waxaa Goobjoog ka ah Guddoomiyaha Hey’adda maareynta Mudane Maxamuud Macalin,Wasiirada Gargaarka Dowladd Goboledyada dalka ka jira,iyo Hey’addaha deeqda bixiya,iyo masuuliyiin katirsan Qaramada Madoobay.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa xaladaha arimaha Bin’adanimada ee dalka ka jira .

Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka?

Muqdisho(SNTV):-Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in ay yeshaan mid kamid ah kulamadooda caadiga ahaa kaas oo goordhaw ka furmayo Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xalay ku wargeliyay Xildhibaannada in uu Maanta jiro Kulanka Golaha Shacabka, isla markaana ajandayaasha Maanta kulanka ay yihiin:.

  1. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka
  2. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Korantada

Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa la filayaa in kulanka maanta ku ansixiyaan Hindise sharciyeedyada Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Korantada oo maalmihii la soo dhaafay xilidhibaanadu dood adag ka yeesheen

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galay xafladda xiritaanka shirka dib u heshiisiinta koofur galbeed

Baydhabo(SNTV):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay ka qeyb galay Xafladda Xiritaanka Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda Dowlad-goboleedka KGS.

Mas’uuliyiin isugu jiray Odayaal dhaqameed, wasiiro, Xildhibaano iyo Bulshada rayidka, ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ugu mahadceliyay siduu u maareeyay islamarkaana ku soo dhammeeyeen isfahan iyo wadajir si loo gaaro Koonfur Galbeed oo mid ah, madaxda dhammaantood ayaa waxay tilmaameen inta uu socday Shirka labada dhinacba ay muujiyeen xasilooni iyo degannaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe oo Hormuud u ahaa gogoshii ka fidsaneyd Baydhabo oo uu caawa si rasmi ah u soo xiray ayuu uga mahadceliyay qofkastoo ka shaqeeyay una dulqaatay inuu si nabad iyo xasilooni leh uu ku soo dhammaado Shirka dib u heshiisiinta KGS, isagoo xusay inta uu Shirka socday lala kulmay caqabado kala duwan, kuwaas oo uu sheegay in dhammaan culeyskaasi la xaliyay laguna soo gabagabeeyay jawi wanaagsan.

Hogaamiyaha Sare ee dalka Iran oo cafis u fidiyey tobanaan kun oo maxaabiis ah

Bannaanbaxyo ayaa ka dillaacay bishii September ee sanadkii hore dalka Iran kuwaas oo ka dhashay markii Mahsa Amini ay ku dhimatay xabsiga iyadoo ay hayaan iidanka anshaxa ee dalkaasi.

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo qaabilay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka

0

Muqdisho Febraayo 05, 2023;  Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka Qeybta Bariga iyo Koonfurta Afrika Marwo Victoria Kwakwa iyo wafdi ay hogaamineysay.

[DAAWO] Ra’iisul Wasaare Hamse oo qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka oo ay hoggaamineysay Madaxweyne Ku Xigeenka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa.

Kulanka waxaa si qoto dheer looga dooday mashaariicda horumarineed ee Baanka Adduunka uu ka fuliyo iyo sidii loo waafajin lahaa baahida dhabta ee dadka Soomaaliyeed ay qabaan iyo inay noqdaan kuwo ay ka muuqato in umaddu ay leedahay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa sheegay in marka ay dowladda Soomaaliyeed dhameystirto hannaanka deyn cafinta ay u jeesaneysa fulinta mashaariicda waaweyn ee Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo in laga faa’iideysto Kheyraadka badan ee Alle ku manaystay dalka.

Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in dowladda ay dib u eegis ku sameyn doonto Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP 9), iyadoo ay halkaas ka iman doonto buu yiri, meelaha ay ahmiyadda saareyso dowladda, Bangiga Adduunkana laga rabo inuu la jaanqaado.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo maanta kulan la qaatay Wasiirada gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Dowlada Gobaleedyada

0

Madaxda Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ugu horeeyo Gudoomiyaha hayadda Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Gudoomiye ku xigeenka Mudane Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa kulan la qaatay Wasiirada wasaaradaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Dowlada Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Qaabilay Siyaasiyiin, ganacsato, Sanataro iyo Xildhibaan hore

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta xafiiskiisa booqasho iyo salaam waxaa ugu yimid Siyaasiyiin, ganacsato, Sanataro iyo Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaanka Kenya.

Maxay kawada Hadleen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Iyo Safiirka Qatar ee Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay safiirka Qatar ee Soomaaliya Mudane Dr.Abdollah bin salem Alnuaimi

[SAWIRRO] Taliyaha Cusub ee  ciidanka Booliska Soomaaliyed oo maanta xariga ka jaray Saldhigga Cusub ee Degmada waabari oo loo dhisay qaab casri ah

0

Taliyaha Cusub ee  ciidanka Booliska Soomaaliyed oo wehliyaan ku xigeenadiiisa iyo wasiir dowlaha Wasaaradda Amniga XFS, Agaasimaha Guud ee Wasaraada Amniga, Wakiila hay’ada UNOPS, Taliyaha Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir iyo Afhayeenka Ciidanka Boliiska, ayaa xariga ka jaray Saldhigga Cusub ee Degmada waabari oo loo dhisay qaab casri.