Home Blog Page 438

Gudoomiyaha degmada Buuloburte oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay fatahaadda Webiga Shabelle+Sawirro

Waxaa maanta innoo qabsoomay shir muhiim ah oo looga hadlayay Waxyeelada Fatahaada Gudaha degmada bulaburte iyo Tuuloyinka hoosyimada .

Shir aan caadi aheyn uu soo qaban qaabiyay maamulka Degmada bulaburte kana soo qeyb galeen, wakiilka wasarada gargaarka, mareynta iyo musiiboyinka Hirshabelle iyo Hey,adaha gargaarka  ka howlgala Degmada buloburte ee kala ah

Save the children, WFP, Wardi, ODHA,Mercy USA, VAD, Subaco,Hiwa .

ayaa lagu looga hadlay sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay saameysay Fatahaada iyo sidii xog sax ah looga heli lahaa Tirada dadka ay sameysay ee ku nool gudaha magalada, iyo Tuuloyinka, Tirada Dadka barakacay, goobaha ay u barakaceen, baahiya ay qabaan si loo gaarsiiyo gargaar dagdag .

Dood dheer kadib waxaa lawada qorsheeyay sidii loo aruurin lahaa Xogta Qoysaska ay sameysay fatahada, waxana loo xilsaaray Gudiga ka kooban Hey,adaha iyo maamulka .

Maamulka Degmada bulaburte waxuu marwalba ka go’an sidii qoysaskan loo gaarsiin lahaa Gargaar dagdag ah .

Muqdisho-Somalia

madaxweynaha dowladda galmudug oo la kulmey u qaabilsanaha UNHCR ee soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay

Magatte Guisse oo ah u qaabilsanahay UNHCR ee Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay xal u helidda barakacayaasha gudaha deegaannada Galmudug.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay furitaanka Kalfadhiga 3-aad ee jfs

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay furitaanka Kalfadhiga 3-aad ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu maanta furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Hadal jeedinta madaxweynaha ee furitaanka kal-fadhiga 3aad ee baarlamaaanka Jfs

0
  1. Guddoonka labada gole ee BFS;
  2. Ra’iisul Wasaaraha XFS
  3. Xildhibaanada labada gole ee BFS;
  4. Mudanayaal iyo marwooyin.

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu;

Ugu horreyn, waxaan u mahadcelinayaa ALLE SWT ee inoogu nimceeyay in si nabad ah isugu nimaanno goobtaan si aan u gudano waajib ka mid ah waajibaadyada ay shacabkeena inoo xilsaaray.

Marka xigta, waxaan doonayaa in aan si rasmi ah hortiina idin kugu boggaadiyo xilgudashadiinii xeerdejineed ee Kal-fadhigii 2aad kaasi oo aad ku ansixiseen kow iyo toban sharci oo muhiim u ah fulinta danaha Qaranka sida adkaynta amniga, korriinka dhaqaalaha iyo soo celinta iyo hagaajinta adeegyada asaasiga u ah shacabkeena oo uu ugu horreeyo aqoonsiga Qaranka. Sidoo kale, waxaan idinku boggaadinayaa dhisidda Guddiga Barlamaaniga ah ee u xilsaaran dib-u-eegista, la-socodka iyo hirgelinta Dastuurka iyo ansixinta xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo dhaqangelinta Dastuurka kuwaas oo hormuud u ah dedaalka dhammaystirka dib-u-eegista Dastuurka.

Hadaljeedintayda furidda Kal-fadhiga 3aad waxaan ku dul-istaagayaa arrimo ay ugu muhiimsan yihiin: amniga; qaabaynta nidaamkeena siyaasadeed iyo dhammaystirka arrimaha masiiriga u ah Qaran-dhiskeena iyo horumarrada laga sameeyay dhaqaalaha iyo kobcintiisa.

  1. AMNIGA:

Markii xilka dalka la ii doortay bishi May 2022, amniga dalka waxaa uu ku sugnaa xaalad aad u murugsan. Waxaan la kowsannay oo aan dhaxalnay ciidan si weyn u kala qaybsan oo faraha kula jira siyaasadda. Waxaan durbadiiba qaadannay tilaabooyin dhiig-joojin ah iyo kuwa ku saleysan istraatiijiyada mustaqbalka dhow iyo midka fogba.

Maanta oo aan xilka hayno muddo sannad ah, waxaan ku guuleysannay inaan xaalad middi hore aad uga wanaagsan oo lagu faani karo suurtagelinno. Waxaan dib u habaynay ciidamadda, waxaana dib u soo celinnay kala dambeyntooda iyo wada shaqayntooda kana fogeeynay in ay ku milmaan siyaasadda.

Dadaaladaas iyo kuwa kaleba, waxey inoo sahleen in howgallada dib-u-hanashada amniga dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al-shabaab laga soo hoyo guulo waaweyn wax ku ool ah. Waxaa dib loo hantay oo gacanta geesiyaalka ciidamadda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed soo galay dhul aad u ballaaran oo muddo toban sano ka badan ay ka talinayeen Khawaarijta Al-shabaab. Goor dhow, waxaa dib u billaanabanaa wejiga 2aad ee howlgalladaasi kaasi oo noqonayaa midka lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al-shabaab haddii ALLE oggolaado.

Khawaarijta Al-shabaab waa cudur daawadiisu tahay dabargoyn. Dowladda aan anigu hoggaamiyana waxaa ka go’an in la ciribtiro Al-shabaab, loogu tago goob iyo god kasta oo ay ku jiraan. Waxaan aamminsanahay in dagaalkoodu yahay waajib diini ah oo ay tahay inuu qof kasta oo muslim ah ka qaybqaato.

Annagoo aragtidaasi ka duuleyna ayaan abaabulnay culumaa’udiinka Soomaaliyeed, waxayna si geesinimo leh uga soo saareen fatwo diini ah oo ku aaddan Khawaarijnimada Al-shabaab. Waxaan, sidoo kale, taageero iyo garab istaag uga raadsanay cid kasta oo nala garabgeli karta dagaalka xaqa ah ee aan kula jirno khawaarijta sida arxanka darrada ah u hortaaggan in dadkeenu ku noolaadaan nolol karaama leh.

Waxaan rabaa in aan labada gole ee Barlamaankeena sharafta leh hortiisa hoosta uga xariiqo in dagaalka Al-shabaab uusan ahayn mid siyaasad geli kara. Dhiigga iyo amniga shacabka Soomaaliyeed ma ah mid siyaasad iyo gorgortankeeduba ka furan yihiin. Sidaa daraaddeed, waxaan aaminsanahay iney waajib tahay in laga fogaado isqabqabsi kasta oo siyaasadeed oo fursad looga mashquulo u abuuri kara Khawaaarijta Al-shabaab.

Haddii aan intaasi uga gudbo dedaalkeena ku aaddan ciribtirka Khawaarijta, waxaan doonayaa in aan idin la wadaago shaqada baaxadda leh ee ka qabsoontay sugidda amniga Caasimadda oo isbeddel badan laga dareemayo. Isbeddelkaas wuxuu ku yimid dib u habeyn iyo dib u eegis lagu sameeyay hay’addaha amniga ee caasimada ka howlgala iyo wadashaqayntooda. Waxaan sidoo kale la kordhiyay tirada ciidanka ee sugayo amniga caasimada kuwaas oo qaatay tababbar ciidan oo aad u sarreeya lehna anshax wanaagsan oo ay kula dhaqmaan shacabka ay ilaalinayaan sharaftooda iyo badqabkooda.

Sidoo kale, dhismaha iyo tayeynta ciidamada ayaan sii labo jibaarnay waxaana inoo suurtagashay in qaar kamid ah saaxiibada caalamka ay inaga saacideen tabobarka kumanaan ciidan ah oo la wareegi doono sugidda amniga iyo kala dambeynta dalka. Ciidamada cusub ee aan tababarnay mudada aan xafiiska joognay waa dhalinyaro Soomaaliyeed oo laga soo xulay dhammaan deegaanada dalka, waxeyna dhabbo cusub u jeexi doonaan soo celinta sharafka iyo karaamada dalkeena.

  1. DHAMMAYSTIRKA HOWLAHA MASIIRIGA U AH QARAN-DHISKEENA

Mudanayaal iyo Marwooyin, sida aad ogtihiinba, tan iyo markii la ii doortay xilka Madaxweynaha JFS waxaan guddoomiyay lix kulan oo Golaha Wadatashiga Qaran oo ah madal lagu gorfeeyo heshiis-siyaasadeedna looga gaaro arrimaha masiiriga ah ee Qarankeena horyaalla oo ugu horreeyaan federaalaynta dalka iyo ilaalinta wadajirka iyo midnimada dalka iyo dadkaba.

Mahad haka gaartee ALLE SWT, kulamaddii u qabsoomay Golaha Wadatashiga Qaran, waxaa ka soo baxay heshiisyo siyaasadeed oo tobankii sano ee la soo dhaafay horay loo dhaqaajin waayay. Waxaa heshiis siyaasadeed laga gaaray arrimaha ay ka mid yihiin:

  1. Hannaanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
  2. Astaynta awoodaha hay’adaha dowladda ee heerarka kala duwan.
  3. Federaalaynta nidaamka garsoorka dalka.
  4. Federaalaynta aarimaha maaliyadda.
  5. Qaabaynta amniga Qaranka.

Heshiisyadaan waa kuwo siyaasadeed oo ay dhici karto, mararaka qaar, in Golaha Wadatashiga Qaranka ku kala aragti duwanaa. Hase yeeshee, Waxaanan la isku diidanayn oo aan la isku colaadinayn in qof ama hay’ad ay ka yeelan karto aragti gaar u ah. Hase yeeshe, waxaa muhiim ah in aragtidaasi noqon dabar ku xiran dhammeystirka howlaha masiiriga ah ee dowlad dhiska gaar ahaan Dastuurka JFS oo aan heshiis kunnahay in la qabyo tiro.

Mudanayaal iyo marwooyin;

Sida aad la socotaan, dhismaha jamhuuriyadda 3aad ee ka soo billawday Carta wuxuu jirsaday 23 sano isagoo soo maray duruufo iyo marxalado kala duwan. Muddadaasi 23ka sano ah talada dowladnimadu waxay marba gacanta ugu jirtay siyaasi, oday dhaqameed iyo ergo tiradoodu kooban tahay iyadoo mar kasta ay maqnayd kaalintii ay lahaayeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay ahayd in dowladoodu noqoto mid ku timid kuna shaqaysa rabitaankooda. Tani waxay keentay in dowladnimadeenna aan u maareyn weyno sida dadyowga kale ee dunida u maareeyaan dowladnimadooda.

Sidoo kale, Xaaladdaasi waxay sababtay in dowladnimadeenna iyo dadkeenuba noqdaan kuwo ku nool cabsi, argagax, gargaar iyo kaalmo dibadda uga timaada iyadoo dalkeenu lagu sheego inuu yahay dal hodan ah oo ALLE SWT ku mannaystay khayraad kala duwan.

Si arrimahaasi aan soo sheegay looga gudbo, waxaan u baahannahay in aan dib isu qiimayno oo aan guddoonsanno talo aan uga baxno hubanti la’aanta ku hareeraysan guud ahaan mustaqbalkeenna gaar ahaan dowladnimaadeena isla markaasna aan gaarsiinno in dadkeenu ka baxaan gacan hoorsiga iyo faqriga una dhaqaaqaan dhinaca horumarka, isku filnaanshaha iyo hodantinimada kuwaas oo ku imaan kara in dalkeenna u helno maalgelin gudaha iyo mid dibedda ahba kuwaas oo ku xiran in dowladnimadeenu tahay mid ku dhisan talada dadkeeda iyo sarraynta sharciga.

Sidaaa daraaddeed, Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) wuxuu gaaray go’aanno siyaasadeed oo billow wanaagsan u ah talo u dhaxaysa dadkoo dhan. Golaha Wadatashiga Qaranku wuxuu ku heshiiyay in la dhiso dowlad sharciyad leh, ku dhisan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo qaadi karta himiladooda.

Goluhu wuxuu isku raacay in talada loo celiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed oo la siiyo fursad ay ku doortaan cidda ay ku aamminayaan dowladnimada ha noqoto heerka dowladaha hoose oo ay ka mid yihiin deegaannaddii laga xorreeyay ama, haddii Alla idmo, laga xoreyn doono khawaarijta Al-shabaab ee heerarka dowladaha hoose, DXDF ama golayaasha Dowladda Federaalka. Sidoo kale, Goluhu wuxuu isku raacay in jaanta isla helaan heerarka dowladeed ee aan kor ku soo sheegay. Intaa waxaa dheer in Goluhu ku talinayo in nidaamka xukun-hoggaamineed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya noqdo madaxtooyo oo gacan ka gaysan kara in isqabqabsiga siyaasadeed ee horay loo soo arki jiray looga gudbo.

Mudanayaal iyo marwooyin, Baarlammaanka sharafta leh;

Waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed ka meyro welwelka, walbahaarka iyo cabsida laga dhex tusiyay heshiisyada siyaasadeed ee Golaha Wadatashiga Qaranku gaaray. Waxaan rabaa inaan Shacabka Soomaaliyeed u caddeeyo in heshiisyadaani yihiin TALLABTII KOWWAAD EE LOO QAADAY DHANKA SAFAR KUN KM AH,. Heshiisyadaan Waxaa u dhimman talada Shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha dowliga ah ee matala shacabka Soomaaliyeed oo uu ugu horreeyo Barlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ma jirto cid dadka Soomaaliyeed ku xukumi karta xoog iyo dirqin. Ujeeddada go’aannada Goluhu gaaray ayaa ah in talada siyaasadeed ee dalka dib loogu celiyo Shacabka Soomaaliyeed.

Sidaa daraaddeed, waxaan rabaa inaan kula dardaarmo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in HAYAANKA LOOGA GUURAYO FADHIIDNIMADA SIYAASADEED ee DHISMAHA DOWLAD QARAN aan laga RAADIN dano siyaasadeed, balse lagu eego dareen u adeegaya dadaalkeena wadajirka ah ee an dib ugu yegleelayno dhismaha dowlad qaran ee si dhab ah u hanaqaadda.

Ugu dambayn, waxaan ka codsanayaa Barlamaanka Federaalka Soomaaliya in inta uu ku gudajiro Kal-fadhigiisa 3aad siiyo mudnaanta ugu sarraysa iskuna howlo dhammaystirka dib-u-eegista Dastuurka isagoo ku salaynaya heshiisyada siyaasadeed ee uu gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka, si fursad loo siiyo muwaadin kasta oo doonaya inuu taladiisa ku kordhiyo dhammaystirka dib-u-eegista Dastuurka iyo sidoo kale hortabin siinta sharciyada kale ee muhiimka u ah xoojinta qeybaha kala duwan ee horumarinta dowlad dhisidda sida sharciga XAFIISKA HANTI-DHOWRAHA GUUD EE DOWLADDA

  1. DHAQAALAHA

Mudanayaal iyo marwooyin;

Haddii aan u soo noqdo Dhinaca dhaqaalaha waxaa howl wanaagsan laga qabtay dhammaystirka daynt-cafinta dalkeena oo fure u noqon doonta in aan awood u yeelano kobcinta dhaqaalaheena sida fududeynta maalgashiga gudaha iyo kan dibaddaba ee khayraadka kala duwan ee dalkeenu leeyahay oo taniyo markii ALLE SWT nagu manaystay aynaan si waxtar leh uga faa’iidaysan.

Xildhibaannada sharafta lahoow, walaalayaa, Sida aad ogsoon tihiin, arrinka dayn-cafinta waa mid soo socday muddo toban sano ah oo saddax dowladood isaga kala dambeeyeen. Waxaan boggaadinayaa in geedi-socodka dayn-cafintu uu marwaliba ahaa mid ka caaggan siyaasad oo labada heer xukuumadeed oo Jamhuuriyadda ay si wadajir uga shaqaynayeen in nagala cafiyo daynta.

Arrinkaasi wuxuu suurageliyay in aan buuxinno sideetan boqolkiiba (80%) shuruudihii ku xirnaa dayn-cafinta, waxaana filaynaa in dabayaaqada sannadkaan, 2023, nalaga cafiyo deynta kaddib 10 sanno oo aan ku soo jirnay geeddi-socodka deyn cafinta.

Si la mid ah arrinka la dagaalanka Khawaarijta iyo adkaynta amniga dalka, waxaan rabaa in halkaan ka caddeeyo in dayn-cafintu tahay mid uu shacabkeennu ku dheefsan doonaan Ilaahey idinkiis. Sidaa daraaddeed, dayn-cafintu waa in ay noqotaa mid ka caaggan siyaasad oo aan lagu tolin rabitaannada siyaasadeed ee kala duwan ee siyaasiyiinta dhex oolli kara. Si kale haddii aan u dhigo, dayn-cafintu siyaasadayn ma geli karto.

Mudanayaal iyo marwooyin;

Waxaan doonayaa inaan boggaadiyo dedaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya billowday ee ku abbaaran la-dagaalanka musuq maasuqa iyo xatooyada xoolaha dadweynaha. Marna loo dulqaadan maayo in shillinka laga soo qaado wadaha bajaajta, gobadha jidka hareertiisa ku gadda shaahiga, ganacsadaha kale iyo qof kasta oo magaca dowladnimo looga qaado xoolo in qof ku dheefsado oo guryo iyo hanti ka sameeysto. Waxaa naga go’an in cid kasta oo xadda xoolaha dadweynaha la marsiiyo waxa uu sharcigu ka qabo oo aanan la isugu aabbayeelin. Fariintayda ayaa ah “ Xoolaha dadweynaha hala nabadgeliyo.”

Ugu dambayn, waxaan hadaljeedintayda ku soo gunnaanadayaa si waafaqsan qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in Kal-fadhiga 3aad ee Barlamaanka FS uu inoo furan yahay.

 

Kalfadhiga seddexaad ee baarlamaanka 11-aad ee JFS oo maanta si rasmi ah u furmey

0

Kalfadhiga seddaxaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Munaasabad ka dhacday Xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Guddoomiyaha Aqalka Sarre Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ku-xigeennada labada aqal.

Munaasabadda furitaanka kalfadhiga seddaxaad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo iyagana lagu casuumay munaasabadda.

Xoghayaha Xafiiska joogtada ah ee Baarlamaanka Jabuuti Xildhibaan Saleemaan Daahir Bile ayaa Golaha Baarlamaanka hortiisa ka jeediyay khudbad iskugu jirta mahadcelin iyo boggaadin ayaa sheegay in walaalaha Jabuuti ay diyaar la yihiin hiil iyo hooba si dalka loogu dhigo nabadgelyo iyo xasilooni Bulsho iyo mid Siyaasadeedba.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hadal ka jeediyay munaasabdda furitaanka kalfadhiga Seddaxaad ee Baarlamaanka labada aqal ayuu xildhibaannada hortooda uga warbixiyay shuruuc muhiim ah oo Baarlamaanka 11-aad ay ansixiyeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin arrimaha deyn cafinta, Guddiga Dib u Eegista Dastuurka iyo Guddiga la Socodka Dastuurka. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in si deg deg ah loo gudo galo dib u eegista Dastuurka, isagoo sheegay in laga baxo dastuur KMG ah, loona soo gudbiyo Xildhibaanada si ay Goluhu u helaan waqti ku filan.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlaayay dhisidda guddiga madax banan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa tilmaamay in dalka uu helo doorasho ku dhisan dimoqraadiyad iyo xorrnimo, Xildhiibanada soo socdana lagu soo doorto codeyn dadweyne, si taas loo gaaro ayuu gudoomiyuhu soo hadal qaaday in la soo gudbiyo Sharciga Doorashooyinka, isagoona Xildhibaanada kula dardaarmay in muhiimad gaar ah la siiyo dhameytirka iyo daadejinta dib u eegista Dastuurka. Waxaana uu adkeeyay in la dhiso Guddiga Xuduudaha madax banaan ee Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu dambeyn furay islamarkaana soo xiray kullanka maanta ayaa marka hore ka mahadceliyay Ansixinta 11-ka sharci ee Baarlamaanka meel mariyeen iyo guddiga KMG ee dib u eegista Dastuurka. Madaxweynaha ayaa sheegay in dastuurka lagu sameeyo dalka gudihiisa, waxaana uu ahmiyad gaar ah siiyay Federaaleeynta garsoorka dalka, qaabeynta Amniga iyo Doorashooyinka Qaranka, la dagaalka argagixisada, dhismaha Ciidanka iyo ka hortagida ku mil mida arrimaha Siyaasadda, isagoona tilmaamay in dib loo bilaabi doono wajiga labaad ee Dagaalka, iyo soo afjarida Khawaariijta.

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay go’aanadii ka soo baxay shirka golaha Wadatashiga Qaranka ee ahaa in dalku aado doorasho qof iyo cod ah

0

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay go’aanadii ka soo baxay shirka golaha Wadatashiga Qaranka ee ahaa in dalku aado doorasho qof iyo cod ah.

“Waxaan soo dhoweynaynaa mabaadiida guud ee lifaaqa heshiiska hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka ay gaareen 27/5/2023, gaar ahaan arrimaha khuseeya doorashooyinka heer degmo, dowlad goboleed iyo heer federaal oo ay shacabku si toos ah u dooranayaan wakiilladooda, taas oo ah himilo muddo dheer shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen in ay mar kale arkaan madax iyo wakiillo ay codkooda ku doorteen, oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan”. Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

“Sida ku cad qodobada lifaaqa Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran waxaa uu xambaarsan yahay qodobbo masiiri ah oo si toos ah u taabanaya qodobbo dastuuri ah, waxna ka beddelaya haykalka ama qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaa lagama maar-maan ah nidaam kasta oo loo guurayo in uu noqdo mid looga heshiiyo wadatashi heer qaran ah (WADAR-OGGOL)”. ayuu sii raaciyay madaxweynaha

Taliye ku xigeenka Boliiska oo Jabuuti tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Boliiska. {SAWIRRO}

Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomalaiyeed, Sareeye Guuto. Cusmaan Cabdulahi Maxamed (Kaniif), ayaa Dalka Jabuuti tababar ugu soo xiray Dufcadii 18-aad (MIADIT 18) ee Daraawiishta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo in mudo ah tababar uga socday Boliiska Jabuuti gaar ahaan dugsiga Idris Farah Cabane.

Tabarkaan oo Karabinieriga (Carabieri) taliyaanigu ay ku tababaraan Jabuuti Daraawiishta Boliiska Soomalaiyeed ayeey ku caawiyaan nabad dhiska Dalka Soomaaliya. iyada oo Dowlada Jabuuti ay gacan ka geysato.

Ciidanka tabarka maanta loo xiray ayaa dhawaan dalka soo gaari doonaa, iyaga oo qeyb ka noqondoona dadaalada dib u xoreynta iyo Xasilinta Dalka oo Ciidanka Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed ay qeyb ka yihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Kal-fadhiga golaha Baarlamaanka

Kal-fadhigaan oo si rasmi ah u furay madaxweynaha Jamhuuriyada federalka Soomaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadiisa furitaanka ku bogaadiyay shaqada Baarlamaanka ka qabteen kala fadhigii labaad kaasi oo ay ku ansixiyeen 11 sharci.

Madaxweynaha ayaa sidookale faray, in golaha oo si deg deg ah ay u unkaan gudiyada ku shaqada leh dib u eegista sharciga ee Baarlamaaniga ah, madaxweynaha ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimada ay leedahay in la helo sharci dhamaystiran oo aan qabyo ahayn laguna qoray lagu diyaarayay dalka oo ay ka shaqeeyeen quburo Soomaali ah kana tarjumaya baahida ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa bogaadiyay Ciidamada Qaranka oo dagaalka kula jira khawaarijta Al-shabaab.

madaxweynaha ayaa wacad ku maray in uu ciribtirayo Al-shabaab, ” waxaa iga go’an oo balan ah in aan ciribtirno khawaarijta Al-shabaab,”

Madaxweynaha ayaa sheegay kaalinta culimada Soomaaliyeed ee iftooday in Al-shabaab ay khawaarij yihiin la dagaalankooda waajib yahay dhan malatari iyo dhan fikirba, waxaan raadinay dadaal aan u galnay cid walba oo naga saacidi karta dagaalka xaqqa ah ee aan kula jirno khawaarijta arxanka daran iyo ka ciribtir guud ahaanba dalka.

Muqdisho-Somalia

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS oo khudbad ka jeediyay shir looga hadlayay hormarinta Caafimadka dalka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa khudbad ka jeediyay shir-doceed looga hadlayay sidii loogu heli lahaa xarumaha Caafimaadka koronto ku shaqaysa cadceedda.

Shir-doceedka oo ka mid ah shirar doceedka ka garab dhacaya shirka Madasha Caafimaadka Adduunka ee ka socda Xarrunta Qaramadda Midoobay ee magaalada Geneva ayaa waxaa soo abaabulay Haayada UNOPS.

Waxaa shirkan kasoo qayb galay Wasiiro Caafimaad oo ka kala socday Wadamada kala ah Ethiopia iyo Sierra Leone. Waxaa dhanka kale shirka kasoo qayb galay Hey’ado farabadan oo ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka.

Shirkan ayaa wadankeena Soomaaliya wuxuu u lahaa muhiimad gaar ah, waayo wuxuu indhaha beesha Caalamka kusoo jeediyay doorka tamarta qoraxdu ay ka qaadan karto horrumarinta bixinta adeegga Caafimaadka, iyadoo Wasaaradda Caafimaadka waayadii u danbeeyay ay waday dadaalo xarrumaha Caafimaadka lagu gaadhsiinayo korantada laga dhalliyo tamarta qoraxda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa shirka ka sheegay in Dawlada Soomaaliya ay ka go’antahay in la horumariyo nidaam Caafimaad oo kor u qaada bixinta adeeg Caafimaad oo aan saamayn xun ku reebin shacabka iyo deegaanada Soomaaliyeed, waxa uuna sidoo kale Wasiirku sheegay in ay ka go’antahay Wasaaradda Caafimaadka in xarrumaha Caafimaadka dalka lawada gaadhsiiyo korontada laga dhalliyo tamarka qoraxda.

Muqdisho-Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay in dalku u guuray doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda  Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa si wadajir ah u qabtay war-saxaafadeed ay  faahfaahin dheraad ah kaga bixiyeen qodobada kasoo baxay war-murtiyeedka shirkii Golaha watashiga Qaran ee la soo gaba gabeeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in  muhiim tahay in laga gudbo doorashooyinkii dalka dhaci jiray,islamarakana shacabka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah si loog gudbo caqabadaha dalka muddada dheer uu ku soo jiray.

Madaxwenaha ayaa tilmaamay in muddada sanadka ah ee dowladda ay jirtay lagu guuleeystay horumar dhinacyo badan taabanayo oo ay kamid tahay xoreynta degaanno badan oo argagixisada laga saaray,arrimaha Deyn cafinta dalka oo u sheegay in heer gaba-gaba ah ay mareyso,sidoo kalana dalka uu heli doonno fursado maalgashi iyo in dowladda ay qaadan karto lacago deyn ah oo qeyb wey ka qaadan doono dib u dhiska iyo kaabayasha dhaqaale ee dalka.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyada dowladda ee ah in dadka Soomaaliyeed ee ayahooda ka tashtaan oo cida ay rabaan si doorasho qof iyo cod ah ay ku doortaan,dowladuna ay arintaa fududayn  doonto,sidoo kale waxa uu ka hadalay Madaxweynaha xoreynta degaannada dhiman, iyo qorshaha dowladda oo uu sheegay in loo baahan yahay nidaam xukun ah oo dalka dhan ku baahsan laga hirgaliyo degaanadaasi,si bulshada ay u hesho adeega dowladnimo ee ay u baahanyihiin.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrimaha gar-gaar ee xiliyada abaaraha iyo fatahaadaha ee bulshda ay sameeynta ku yeshaan,waxa u sheegay in loo baahan yahay in dalkeenno uu ka guuro caawinaad wadamada shisheeye oo ay dadka soomaaliyeed isku filnaadaan ,Soomaaliya dadkeeda sababa ay u baahnaadaan ma jirto ayuu madaxweynu yiri