Soomaaliya iyo Talyaaniga oo iska kaashanaya arrimaha maaraynta musiibooyinka

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle oo ka mid ahaa Wafdiga Madaxweynaha oo ku sugan dalka Talyaaniga ayaa booqday xarunta hay’adda bad-baadinta bulshada Talyaaniga.

Guddoomiye Maxamuud ayaa la kulmay dhiggiisa iyo agaasimayaasha qeybaha kala duwan ee xarunta badbaadada shacabka Talyaaniga, Guddoomiyaha ayaa u kuur galay howsha baaxadda leh ee xarunta Talyaaniga, iyada oo hadda laga sheqeeynayo daminta dab qabsaday dhul keymo ah oo ku yaal dalkaas.

Guddoomiye Maxamuud iyo dhiggiisa ayaa ka wada hadlay in la billaabo heshiis is kaashi oo dhex maraya labada hay’adood, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga iyo Safiirkii hore ee wadankeenna u joogay dalkaas iyo xubno ka tirsan hay’adda SoDMA.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...