Home Blog Page 439

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay Kulanka Guddiga Joogta aha ee golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn, oo ajandihiisu ahaa warbixin soo jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ajandeynta hindise sharciyeedyada horyaala Golaha Shacabka BJFS kalfadhiga 3-aad.

Guddoomiyaha ayaa warbixintiisa kaga hadlay shaqooyinkii muhiimka ahaa ee Golaha Shacabka u soo qabsoomay labadii kalfadhi ee uu shaqeeynayey Baarlamaanka, isla-markaana lagu ansixiyay shuruuc muhiim u ah dowladnimadda dalka, isagoo xusay in kalfadhigan berri furmaya Golaha ay horyaalaan shaqooyin muhiim u ah hannaanka geedi socodka dowladnimada dalka.

DOWLADDA QATAR IYO JAAMACADDA UPEACE OO SAXIIXDAY HESHIIS TAARIKHI AH OO LA XIRIIRA DEEQ WAXBARASHO OO HEERKA PHD.

Waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta waxa u soo hoyotay guul ballaaran ka dib markii hay’adda Qatar Charity iyo Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midioobe ee UPEACE ay kala saxiixdeen heshiis deeq waxbarasho loogu fidinayo Arday Soomaaliyadeed.

Deeqdan waxbarasho ayaa waxa loogu tala galay ardey la doonayo in qaataan shahaadada PhD, waxayna daba socotaa ballan-qaadkii uu sanadkii hore sameeyey Madaxweynaha Soomaaliya Dr Hassan Sheikh Mohamud, oo sheegay in dowladdiisa ay boqol arday oo Soomaali ah u fidin doonto deeq waxbarasho oo heerka PhD.

Hay’adda Qadar Charity oo laga leeyahay dalka Qadar ayaa iyadoo ka jawaabaysa baaqa Madaxweynaha  waxay magaalada Muqdisho kula saxiixatay Jaamacadda UPEACE heshiis ay ugu deeqeyso lacagtii lagu fulin lahaa wajiga hore deeqda waxbarasho oo la siin doono 40-ka arday ee ugu horeeya.

Xafladda saxiixa waxa goobjoog ka ahaa wasiirka waxbarashada Farax Sheikh Cabdiqaadir, Safiirka Qadar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi, madaxda sare ee Jaamaca Upeace ee Qaarada Africa Prof Samuel Kale Ewusi iyo madaxa hay’adda Qadar Charity ee Soomaaliya Cabdifitah Adan Macalin.

Cadifitaax oo sharaxaad ka bixiyey ujeedada laga leeyahay deeqdan waxbarasho waxa uu yiri “Waxa la doonayaa lagu xoojiyo tayeynta tacliinta sare ee Soomaaliya, maadaama Soomaaliya tahay wadan ka soo kabanaya burbur, waxbarashadana u baahantahay tayeyn xooggan”

Waxa uu intaasi raaciyey in la rajeynayo in ardeydaan ay gacan weyn ka geysan doonaan dhinaca cilmi-baarista.

Wasiirka waxbarashada Faarax Cabdiqaadir ayaa isna sheegay in loo saaray guddi maareeya qaabka loo bixinayo fursooyinka deeqdan waxbarasho.

“Guddiga waxa uu ka koobanyahay xubno matalaya wasaarada waxbarashada, madaxtooyada, hay’adda Qadar Charity iyo Jaamacadda UPEACE. Waxa la qaadi doonaa imtixaan lagu kala saari doona cidda soo dalbata fursooyinkan waxbarasho” ayuu yiri wasiirka.

Madaxa barnaamijada Upeace ee Qaaradda Afrika, Prof Samuel ayaa waxa uu sheegay in talaabadan tahay mid lagu doonayo in lagu xaliyo mushkiladaha haysta Soomaaliya.

“Waxaan doonaynaa in aan xallino dhibaatada dhinaca waxbarashada oo aan kordhinno tayada aqoonyahanada Soomaaliyeed, waana sababta aan bartilmaamayka uga dhiganay heerka waxbarashada sare” ayuu yiri Prof. Samuel.

Barnaamijada PhD-ga ee la qorsheynayo in la maal-geliyo waxa ka mid noqon doona:

  1. PhD ee Nabadda, Maamulka, iyo Horumarinta
  2. PhD ee Hogaaminta iyo Horumarinta Joogtada ah
  3. PhD ee xaalufinta dhulka iyo xaalufinta
  4. Ph.D. ee dhaqaalaha buluuga ah, maamulka, iyo amniga badda.

Hindisahani waxa uu muujinayaa horumar la taaban karo oo lagu horumarinayo waxbarashada iyo cilmi baarista Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, dowladnimada, horumarka, hoggaaminta waarta, xaalufka dhulka, xaalufka, iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Barnaamijkan deeqda waxbarasho waxa uu shaki la’aan ka qayb qaadan doonaa garaadka iyo kobaca aqooneed ee dalka, isagoo kobcinaya jiil cusub oo aqoonyahanno iyo hoggaamiyeyaal ah oo u heellan horumarka Soomaaliya.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xubin ku yeeshay Baarlamaanka Pan-Afrika.

Baarlamaanka Pan-Afrika oo la aas aasay 2004-tii, ayaa waxaa ku mideysan 54 dal oo midkiiba uu shan xubin oo iskugu jira labada aqal ee baarlamaanada wadan kasta usoo diro.

Sanatar Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo matalaya Aqalka Aare ayaa markii ugu horraysay xubin ka noqday Baarlamaanka Pan-Afrika oo xilkaasna si rasmi ah loogu dhaariyay.

Sanatar Samatar ayaa markii ladhaariyay kadib warbaahinta uga warbixiyay wax yaabihii looga hadlay kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka lixaad ee Pan-Afrika maadaama uu ka mid ahaa mudanayaashii ka qeyb qaatay doodihii iyo ajandayaashii looga dooday.

Hannaanka Doorashooyinka Dalka oo go’aan mideysan laga gaaray

Shirka 6-aad ee golaha wadatashiga qaran oo uu shir-guddoominayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayn ka qeyb galeen, Ra’iisal wasaaraha dalka,Ra’iisal wasaare ku-xigeenka, madaxda maamul gobolleedyada Jubbaland,Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Bamaadir oo Muqdisho ka qabsoomay 24-27-Maajo 2023, ayaa xalay warmurtiyeed laga soo saaray.

Golaha watashiga Qaran ayaa kulankooda uga dooday ajendayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin hannaanka doorashooyinka Dalka, xaaladda amniga dalka gaar ahaan diyaargarowga wejiga labaad ee ciribtirka Khawaarijta, dhammeystirka Deyn cafinta, fulinta heshiisyadii hore goluhu u gaareen, fataahadaha iyo qodobo kale.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalk Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa saxaafadda u aqriyay qodobada ka soo shirka oo xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Goluhu wuxuu ka wada hadlay kuna wada heshiiyay qodobo badan oo muhiim u ah Dowlad dhiska Soomaaliyo iyo hannaanka dimuqraadiyadda, waxaana qodobka ugu weyn ee shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen ahaa in heshiis wadajir ah laga gaaray maamulka doorashooyinka Dalka, sida doorashada golaha shacabka, nidaamka madaxtinimada dalka, mideynta muddada Doorashada,Qoondada haweenka, Somaliland iyo gobolka Banaadir.

Golaha wadatashiga Qaran ayaa ku heshiiyay in Dalka oo dhan ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah oo ay ku tartamayaan labo xisbi qaran oo kaliya. Hannaanka Doorashooyink Dalka, wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isku-dheeli-tiran ee liiska xiran ( Proportional Representation Closed-List).

Si loo mideeyo hannaanka doorasho ee hoggaanka JFS, loona dardargeliyo habsami u socodka Dowladnimadeennu, wuxuu goluhu isku raacay in dalka qaato nidaam madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, waxaana hal warqad ku dooranaya shacabka Jamhuuriyadda Federaalka,iyadoo lagu saleynayo nidaamka Xisbiyada badan.

 

Waxaa kale oo goluhu ku heshiiyay in doorashooyinka heer federaal iyo heer DXDF noqdaan qof iyo Cod oo shantii sano halmar ah.Doorashada golaha wakiilada DXDF waxay dhici doonaan 30ka June 2024. halka doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ay dhici doonto 30 November 2024.

 

Sidoo kale, goluhu ayaa ku heshiiyay in kuraasta lagu tartamayo lagu soo doorto hal deegaan doorasho  ( Single Constituency), sidoo kale, kuraasta golaha shacabka ee loo tartamayo oo ah 275-xubnood oo matalaya dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo meel walba ay joogaan ayaa waxaa si toos, madax bannaan oo qarsoodi ah u dooranaya shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xubnaha golaha deegaanka waxaa si toos ah u dooranaya Bulshada deegaanka , kuraasta golaha deegaanka waxaa ku tartamaya urur siyaasadeedyada, waxaana Dalka yeelan doona labada urur siyaasadeed ee ugu cododka badan.

Si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo leh hal been caalami ah, waxay Dowladda federaalka Soomaaliya xaqiijineysaa xaqa muwaadinka u leeyahay inuu wax doorto Lana doorto.

Heshiiskan, shacabka Soomaaliyeed wuxuu u dhoweynaya xukunka ayaa muddo la naawilayay, waxayna hadda shacabka Soomaaliyeed rejo buuxda ka qabaan in ay doortaan hoggaankooda si ay ula xisaabtamaan.

Waxaa la dhisayaa guddiga madaxa- bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo ah hay’ad madax bannaan oo u xilsaaran maamulidda iyo qabashada doorashooyinka kala duwan ee dalka iyo Soohdimaha.

Muqdisho-Somalia

Xildhibaanno katirsan BJFS oo ka qeybgalay kulanka labaad ee Baarlamaanka lixaad ee Pan-Afrika

Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ee ka midka ah Baarlamaanka Pan-Afrika oo ay ku mideysan yihiin wadamada midowga Afrika ayaa ka qeyb galay kulanka labaad ee Baarlamaanka lixaad ee Pan-Afrika ugu qabsoomay Xaruntiisa magaalada Johannesburg ee wadanka Koonfur Afrika.

Kulanka Baarlamaanka Afrika ayaa looga hadlay qodobo dhoor ah oo ay ka mid yihiin, halku dhiga sanadkaan ee midowga Afrika ee ah dardargelinta hirgelinta aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, Isbadalka Cimilada, Waxbarashada, socdaalka, dhaqaalaha iyo Amniga, Waxaana si gaar ah looga hadlay dagaalada iyo iska hor imaadyada ka socda qaar ka mid ah wadamada Afrika.

Muqdisho-Somalia

Historic agreement signed for presidential Phd. scholarship in somalia

A significant milestone in higher education leadership was achieved as the United Nations University for Peace (UPEACE) and Qatar Charity signed groundbreaking agreements to establish the first-ever presidential PhD. scholarship in Somalia.

The scholarship will be named after the current sitting president, H.E. Dr. Hassan Sheikh Mohamud, and will be known as the “H.E. Dr. Hassan Sheikh Mohamud Presidential PhD. Scholarship Programme.”

The primary objective of this prestigious scholarship is to transform higher education leadership institutions in Somalia by equipping them with doctoral skills, which will enhance local research and academic development. The scholarship will provide opportunities for 100 students to pursue their Ph.D. studies in various fields.

The initial phase of the program, which will fund 40 students, is a joint effort between Qatar Charity and UPEACE. Qatar Charity has generously contributed to support the first group of scholars, with UPEACE also providing financial assistance.

Speaking at the signing ceremony held in Mogadishu, Somalia’s Education Minister Farah Abdikadir said “We are aiming to improve the quality of Education and research at our higher learning institutions and that is why we are grateful to QadarCharity for taking the lead in supporting this initiative by our President”

Director of Upeace Africa regional Programs, Prof Samuel Kale Eusi said “this is the first step of resolving the challenges facing Somalia. With good education, many of the problems will be resolved easily”

 

The Ph.D. funded programs will cover four essential areas of study. These include:

  1. PhD in Peace, Governance, and Development

 

  1. PhD in Leadership and Sustainable Development

 

  1. PhD in Land Degradation and Desertification

 

  1. Ph.D. in Blue Economy, Governance, and Maritime Security.

 

President Hassan Sheikh Mohamud initially announced the scholarship during his graduation ceremony in December 2022. Since then, the necessary arrangements have been made to make this groundbreaking program a reality.

 

The scholarship program will be based in Somalia, with multi-campus overseas studies planned to offer a global perspective to the students. UPEACE, a UN Mandated University headquartered in Costa Rica, is renowned for its global programs and flagship initiatives across Africa, Asia, China, the European Union, and North, Central, and South America.

This initiative marks a significant step forward in advancing education and research in Somalia, particularly in the areas of peace, governance, development, sustainable leadership, land degradation, desertification, and the blue economy. The scholarship program will undoubtedly contribute to the intellectual and academic growth of the country, fostering a new generation of scholars and leaders committed to Somalia’s progress.

The signing of these historical agreements between UPEACE and Qatar Charity showcases the international collaboration and support for Somalia’s education sector, paving the way for a brighter future for higher education in the country.

I𝗺𝘁𝗶𝘅𝗮𝗮𝗻𝗱𝗸𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗵a𝗮𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗱𝘂𝗴𝘀𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝘀𝗮𝗿𝗲 oo maanta ka bilowday dalka

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, kaas oo ka bilawday magaalada Muqdisho iyo Dowlad gobaleedyada dalka.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannadkan ayaa waxaa u fariistay arday gaaraysa 33,700,  kuwaas oo ku kala galaya 114 xarumood oo ku yaalla gobollada dalka, sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa guul u rajeeyey ardayda u fariisanaya imtixaanka shahaaadiga ah, waxuuna ku bogaadiyey wasaaradda  iyo macallimiinta dadaalka ay galiyeen ilaalinta imtixaanka dowliga ah.

Xukuumadda #DanQaran oo ahmiyad gaar ah siineyso kor u qaadidda tayada waxbarashada, ayaa  dhawaan howlgelisay 3,000 oo macallim,  waxaana ardayda Soomaaliyeed laga dhaafay dhaqaalihii ay ka qaadi jirtay hoon-nanbarka imtixaanadka dalka.

Muqdisho-Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay 30 ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab

Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo isugu jiray Cirka iyo Dhulka ayaa laga sameeyay ilaa iyo Afar deegaan oo hoos taga degmada Kuntuwaaray ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka waxaa lagu laayay in ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab waxaana lagu bur-buriyay Gaadiid waday Saanad Ciidan oo kala duwan iyo qoryo culus oo ah kuwa dagaalka ee duqaymaha loo isticmaalo.

Wuxuu daba socday Howlgalkaan weerar nafla caarinimo ah oo ay saaka Khawaarijta ku qaadeen xero ciidanka ATMIS ku leeyihiin magaalada Buulamareer ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Uruurinta xogta howlgalkaan oo wali socota awgeed, waxaan dib ka soo gudbin doonaa faah-faahinka howlgalka oo dhamaytiran.

Muqdisho-Somalia

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Moscow kula kulmay Dhiggiisa Ruushka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac oo booqasho rasmi ah ku gaaray magaalada Moscow ee dalka Ruusha ayaa maanta kulan la qaatay dhiggiisa dalkaasi Mudane Sergey Lavrov.

Mudane Abshir Cumar Huruuse iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ruushka ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

“Waxaan ka wada hadalnay wasiirka xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa una ahaan lahaa mid mar walba ku dhisan Iskaashi, is-qadarin iyo wax wada qabsi” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Cumar Jaamac.

Soomaaliya iyo Ruushka ayaa leh xiriir saaxibtinimo oo qota dheer, iyada oo dalka Ruushka uu kamid ahaa dalalka Soomaaliya ka caawin jiray dhanka Militariga.

Muqdisho-Somalia

Shirkii Madasha Maayarada Soomaaliya oo Warmurtiyeed laga soo saaray .

Wasaaradda Arrimaha gudaha XFS ayaa Warmurtiyeed kasoo saartay Shirkii Muqdisho ugu soo dhamaaday Madasha Maayarada Soomaaliya kaas oo Wasaaraddu qabatay.