Home Blog Page 437

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay caleemo-saarka madaxweyne Erdogan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan oo dhawaan dib loo doortay.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Rajab Dayib Ordogan, Xisbiga iyo isbahaysigiisa siyaasadeed, guusha taariikhiga ah ee ay ka soo hoyeen doorashooyinka dalkaas, waxa uuna soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu faraxsan yihiin hannaanka iyo xasilloonidii ay ku soo idlaadeen doorashooyinka Turkigu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo dowladda Turkiga horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayey Madaxweyne Ordogan, isaga oo u rajeeyay in ay sii amba-qaadaan qorsheyaashooda horumarineed ee heer Qaran iyo garab istaagga xasilloonida iyo horumarka dalalka walaalahood ah.

Muqdisho-Somalia

Madaxweynaha Galmudug oo dhagax dhigay xarunta Qaramada Midoobay ee Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowladda goboleedkaย  Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo ku xigeenka erygeyga gaarka ah ee Qarammada Midoobe ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha xarunta Qarammada Midoobe ee Dhuusamarreeb.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in kaddib dadaal dheer oo ay Dowladdu bixisay maanta ay tahay maalin u wanaagsan dhammaan reer Galmudug.

Shirka Golaha wasiiradda Hirshabeelle oo looga hadlay howlgalada lagu ciribtirayo Kooxda khawaarijta

-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirada ee Dowladda Hirshabeelle oo diiradda lagu saaray wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka Kooxda khawaarijta.

Shirka Golaha wasiirada ayaa maanta looga hadlay Arrimaha amniga, Wajiga labaad ee howlgalada lagu ciribtirayo Kooxda khawaarijta ee shabaab oo dhowaan bilaaban doono, Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran iyo Heshiiskii Siyaasadeed ee magaalada Muqdisho lagu soo gaaray iyo Dakhli kordhinta horumarinta hanaanka maaliyadeed ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee uu magaalada Muqdisho uga qeybgalay 24-27 bishii May, isagoo sheegay in muhiimada ugu wayn ee shirkaas uu ahaa dardargalinta howlgalada lagu baacsanayo khawaarijta iyo arrimaha doorashooyinka, waxa uuna xusay in dood dheer ay ka yeesheen hanaanka doorashooyinka dalka ay ugu dambeyn isla qaatay in la mideeyo doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo u dhici doonta doorasho qof iyo cod ah.

Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle ayaa Golaha hor keentay Hindise Sharciyeed Degmooyin loogu aqoonsanayo Deegaano soo buuxiyay shuruudihii Degmo-nimo kuwaas oo kala ah

  1. Moqokori
  2. Masaajid Cali Gaduud
  3. Raaga Ceelle
  4. Buurweyn
  5. Buq-aqable
  6. Xawaadley

Dood iyo falanqeyn dheer kadib, Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay degmooyinkaas.

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo furay shirweynaha aragti wadaagga xakamaynta wararka been abuurka ah

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Muqdisho ka furay shirweynaha aragti wadaagga xakamaynta wararka been abuurka ah iyo saameynta ay bulshada ku leeyihiin, kaas oo labada maalin ee uu socdo looga doodi doono sida uga wanaagsan ee looga hortagi karo fariimo been abuurka.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in shirweynahan uu qeybta ka yahay dadaallada Xukuumadda ku dooneyso sidii loo xakamayn lahaa wararka been abuurka ah, kuwaas oo bulshada dhib wayn ku haya, isagoo tilmaamay in dadaal xoogan la galin doono sidii looga hortagi lahaa, loona xakamayn lahaa dhaqanka xun ee faahfaahinta beenta ah.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in kooxaha argagixisada oo had iyo jeer fariimo been abuur ah sameeyo kana fog xaqiida laga fogaado marin-habaabintood, isagoo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in kaalintooda ka qaataan sidii looga hortagi lahaa wararka been abuurka ah.

Raโ€™iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku booriyay xirfadleyda Warbaahinta in ay xaqiijiyaan wararka inta aysan baahin oo dhinacyada uu quseeyo la xiriiraan si loo xakameeyo faahfaahinta wararka been abuurka ah, isagoo tilmaamay in dhanka dowladda ay qaadeyso talaabooyin xooggan oo looga hortagayo hanaan lagu xakameynayo been abuurkaas.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa dhankiisa sheegay in wararka been abuurka ah ay dalka ku hayaan dhibaato xooggan, isagoo tilmaamay in Warbaahinta Qaranka ay door wanaagsan ka qaadatay ka hortagga fariimaha been abuurka ee khawaarijta ku faahfaahiyaan baraha bulshada.

Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in kaalin xooggan ka qaataan sidii looga hortagi lahaa fariimaha been abuurka ee khawaarijta ku dhax faafiyaan dadka Soomaaliyeed.

Furitaanka shirweynahan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala, agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Bahda Warbaahinta iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya caleemo-saarka Madaxweynaha Turkiga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan ayaa xalay gaaray Maagalada Ankara.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxa ka dhexeeye xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi dhinacyada horumarka, ammaanka iyo dhaqaalaha.

Muqdisho-Somalia

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo daah-furtay daabulidda xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS Mukhtaar Robow Cali {Abuu-Mansuur} ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah uu maanta u bilowday duulimaadka Xujeyda Soomaaliyeed ay tagayaan xajka, iyadoo Muqdisho ay ka baxayaan 422 xujey ah, halka Hargeysa ay ka baxayso diyaarad sidda 165 Xijey ah taas oo tirada guud dadka maanta baxaya ka dhigeysa 587 muwaadin.

Wasiirada Diinta iyo Awqaafta Mukhtaar Roobow iyo Wasiirka Caafimaad Dr. Cli Xaaji ayaa garoonka Muqdidho kasoo sagootiyay Xujeydan.

Muqdisho-Somalia

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo daah-furay imtixaanadka Dugsiyada Dhexe ee Gobalka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa si rasmi ah u daahfuray qaadista imtixaanaadkaย  Dugsiyada Dhaxe ee Gobolka Banaadir oo ay soo maanta u fariisteen 31,688-Arday oo ka kala socda 76-xarumood iyo 1,592 fasal oo dhamaantood kamid ah dugsiyada Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Madaale ayaa mid mid u xogwareestay qaar kamid ah ardayda maanta u fadhiistay qaadista imtixaanadka Dugsiyada Dhaxe isaga oo u rajeeyay in uu Alla SWT u fududeeyo imtixaanka islamarkaana ay natiija wax kuโ€™ool ah ka keenaan.

Aggaasimaha guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir Dr Abdifitah Bare ayaa faahfaahiyay howlaha la xariira qaadista Dugsiyada Dhaxe ee Gobolka Banaadir, isagoo sheegay in sanadkii 4aad uu gobolku qaadayo imtixaanka oo ay maanta u fadhiisteen 31,688-arday oo isugu jira 17,751-Lab iyo 13,937-Dheddig kuwaas oo ka kala socday 76 xarumood iyo 1,592 fasal kuwaas oo dhamaantood katirsan Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Muqdisho-Somalia

Madaxweyneyaasha Soomaliya iyo Turkiga oo khadka Telefone-ka ku wada xiriiray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan ayaa ugu hambalyeeyey guushii taariikhiga ah ee uu ka gaaray doorashadii ka qabsoomtay dalka Turkiga.

Labada Madaxweyne ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal.

Muqdisho-Somalia

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ โ€œ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ถ ๐—ž๐—ฎ๐—บ๐—ฎ ๐˜€๐—ถ๐—ถ ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ผ ๐—บ๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ผ๐—ผ๐—ฑ๐—ฎโ€.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyey shirka golaha wasiiradda ayaa sheegay in Xukuumadda looga fadhiyo dhaqangalinta heshiiskii Hannaanka doorashooyinka oo fursad qaaliya u ah shacabka Soomaaliyeed in ay ku goโ€™aaminayaan hoggaankooda.

โ€œAnnaga ka Xukuumad ahaan waxaa waajib inagu ah xoreyntii dadka si ay u codeeyaan oo ay xuquuqdooda siyaasadeed fursad ugu helaanโ€. Ayuu yiri Raโ€™isul Wasaare Xamsa oo Wasaaradaha faray in ay qaataan doorka kaga aadan hirgelinta hannaanka doorashooyinka, iyadoo shacabka fasiraad buuxda laga siinayo ahmiyada uu heshiisku u leeyahay bulshada Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in amnigu yahay ajande qaran oo u baahan in la dardargaliyo, dhawaanna Xukuumaddu ay bilaabi doonto wajiga labaad ee dib u xoreynta goobaha Khawaariijtu kaga sugan tahay dalka, isagoo faray wasiiraddu inay hoggaan u noqdaan oo ay tagaan furimaha dagaalka.

Raโ€™iisul Wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri โ€œHadafka Xukuumadda DanQaran waa in aynaan noqon Kacaan siyaasadeed oo cusub laakiin aynu noqono Kacaan amniga suga oo dalkan nabad kusoo celiya, dayn cafis keena, dastuurka dhamaystira, oo geedi rays leh iyo deegaan barwaaqo ah dalka geeyaโ€.

Muqdisho-Somalia

Taliyaha Ciidanka Lugta oo gaaray Deegaan xeebeedka Mareeg

0

Taliyaha ciidanka Lugta ee xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa kormeer waxaa u ku tagay deegaan xeebeedka Mareeg ooย  hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud qiyaastiina u jira 28 kiilo Miter oo khawaajirta Al-shabaab ay u isticmali jireen in ay kala soo dagaan hubka iyo walxaha qarxa.

Deegaankaan ayaa qayb ka ah goobaha Khawaajirta lagala wareegay,halkaas oo ay ku sugan yihiin hatan ciidamada qaybahooda kala duwaan oo ay ugu horeyaan kuwa ilaalida xeebaha,kadiba markii gacanta ay ku dhigeen CXD.

Khawaarijta ayaa horay uga mabnuucday in dadka ay u dalxiis tagaan xeebtan,taas oo ay sabab u ahayd in ay halkaas kala soo dagi jireen hubka iyo walxaha qarxa oo ay ku dhibaateyaan dadka Shacabka ah.

Deegaankaan ayaa haatan ay u dalxiis tagaan shacab ka kala yimid deegaanno hoostaga degmada Ceeldheer iyo qaar ka mid ah goboladda dalka.

Kadib guulo muhiim ah oo laga gaaray dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabaab ayaaย  dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2022-kii ayaa deegaan xeebeedka Mareeg waxaa ay nasiib u yeeltay in ay qayb ka noqto deegaanadda laga dulqaaday heeryada xagjiriinta Khawaarijta Al-shabaab waxaana laga dareemay horumar dhanka dalxiiska iyo soo kabasho dhanka bilicda ah.

Muqdisho-Somalia