Home Blog Page 437

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee dowladda Thailand u fadhin doonta dalkeenna Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan mira-dhal ah la qaatay Marwo Sasirit Tangulrat  oo ah Danjiraha cusub ee dowladda Thailand u fadhin doonta dalkeenna Soomaaliya.

Gudoomiye madaale oo dhagax dhigay wadada isku xirta kaxda iyo Ex-control.

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha Waddada isku xirta isgooska Kaxda iyo Ex-Control Afgooye, waxaana goob ka ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Maamulka Gobolka.

Guddoomiye Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa sheegay in dhismaha wadadaan ay qeyb weyn ka qaadan doonto isku socodka iyo isku xerka degmooyinka gobolka Banaadir iyo gobolka Shabeellaha Hoose, fududeynta Ganacsiga isaga kala goosha labada Gobol iyo in culeeska isku socod ee Magaalada Muqdisho uu aad u yaraado.

Waddadan oo aad u burbursan islamarkaana isticmaal keeda dhibaatooyin kala duwan lagu qabay ayaa waxaa ka mahadceliyay dhagax dhigga mashruucan qaar kamid ah bulshada ku nool degmooyinka Kaxda, Dharkeenley, Wadajir, Deyniile iyo Hodan ee gobalka Banaadir.

Khasaaraha dhulgariirka Turkiga iyo Syria oo kor u dhaafay 3,700 oo dhimasho ah

Waxaa sare u kacay khasaaraha dhimashada ee dhulgariirkii xoogganaa ee ku dhuftay qaybo ka mida dalalka Turkiga iyo Syria, subaxnimadii hore ee Isniintii, dhulgariirkaas oo cabbirkiisu gaadhayey illaa 7.8.

Madaxweyne Xasan Sheekh warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Turkiga, Burundi  iyo Thailand ee loo soo magacaabay Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Turkiga, Burundi  iyo Thailand ee loo soo magacaabay Soomaaliya.

Booliska Soomaliya oo Muqdisho xalay ku dilay dhagarqabe katirsanaa Argagixisada Al-Shabaab

0

Ciidanka booliska qeybta Bari ee gobolka Banaadir ayaa xalay  toogtay nin la sheegay inuu ka tirsanaa Argagaxisada Al-Shabaab, kadib markii isaga iyo labo nin oo kale ay weerar ku qaadeen Bar-control oo ciidan ka tirsan booliska ay ku leeyihiin degmada Heliwaa, gaar ahaan xaafadda Suuqa Xoolaha.

Duqa magaalada oo tababar aqoon korosi ah usoo xiray 111-qof

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tababar aqoon korosi ah usoo xiray 111-qof oo kamid ah dhallinyaro ka socotay degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka, Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa daah furay tababar ku saabsan habka oogista Dacwadaha Madaniga ah.

Munasaabadan oo ka dhacday xarunta dhaxe ee Dhallinyarada Gobolka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Iyo Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Amniga Iyo Siyaasada Gobolka Mudane Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare).

 

Golaha Shacabka BFS oo ansixiyay Hindise sharciyeedyada NISA iyo kan Korontada Dalka

Xildhibaanada Golaha shacabka BFS oo kulan  kuleh Xarunta Villa Hargeysa yaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Hindise sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka {NISA} oo maalmihii la soo dhaafay goluhu ka doodayay.

144 xildhibaan ayaa haa u codeysay, sedax ayaa ka aamustay, hal xildhibaane waa diidyay.

Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa Golaha shacabka uga mahadceliyay meel marinta Hindise Sharciyeedka Hay’adda.

Sidoo kale xildhibannada ayaa ansixiyay Sharciga Korontada dalka oo maalmihii la soo dhaafay ay xildhibaanadu ka doodayeen, 148 xildhibaan ayaa codka kolsoonida siiyay sharciga.

Halkan hoose waxaa ku lifaaqan bayaanka mahadcelinta ee Agaasimaha NISA.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo guddoomiyay Shirka Amniga oo lagu soo bandhigay tallaabooyin la xiriira ka hortagga maalgelinta Khawaarijta

0
Ra’iisul Wasaare Xamse oo guddoomiyay Shirka Amniga oo lagu soo bandhigay tallaabooyin la xiriira ka hortagga maalgelinta Khawaarijta
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Tiirka Amniga oo warbixinno looga dhageystay hay’addaha amniga dalka.
Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Talisyada Ciidamada Nabadsugidda, Xoogga dalka iyo Booliiska ayaa ka warbixiyey howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo xasillinta deegaannada la xoreeyey, si loo gaarsiiyo adeegyada dowladda.
Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed (FRC) ayaa kulanka ku soo bandhigtay tallaabooyinka la qaaday ee la xiriira ka hortagga maalgelinta argagixisada, iyadoo sheegtay in la xiray Akoonno bangi ee hor leh oo ay adeegsan jireen kooxaha argagixisada ah, taas oo qeyb ka ah saddex jiho oo ay xukuumaddu qorsheysay in lagula dagaallamo kooxaha Khawaarijta.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hoosta ka xarriiqay in ay sii socon doonaan tallaabooyin lagu beegsanayo ilaha kala duwan ee ay argagixisadu ku tiirsan tahay. Waxuuna faray dhammaan hey’adaha dowladda inay si dhow ula shaqeeeyaan Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee (FRC).
Xukuumadda Dan-Qaran ayaa ahmiyadda koowaad siinayso dib-u-xoraynta deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu, isagoo Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada qalabka sida.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la kulamay Hoggaamada iyo Fadhiyada Madaxa-banaan ee Ciidanka.

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Taliye xigeenadiisa, ayaa maanta xarunta Akadamiyada ee ciidanka Boliiska  Janeraal Kaahiye kula kulmay Taliyaasha Hoggaamada iyo Fadhiyada Madaxa-banaan ee Ciidanka.

Kulanka Taliyaha  uu la yeeshay sarakiisha ayaa iskugu jiray is Xog-wareysi ku aadan Xaalada Ciidanka iyo Howlaha Amaan ee Bulshada loogu adeegayo.

Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa dhawaan la wareegay xiligaasi isaga oo ballan qaaday in uu ka shaqeeyn doonno tayeenta ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

 

Boqolaal ruux oo ku dhintay dhulgariir ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya

Dhulgariir xooggan oo cabirkiisu yahay 7.8 ayaa sababay dhimashada in ku dhow lix boqol oo ruux oo ku kala sugnaa koonfur bari Turkiga iyo waqooyiga Suuriya.

ilaa 284 ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Dalka Turkiga, waxaana dhaawac uu ka soo garay in ka badan 2323 qof, halka sidoo kale 237 qof ay ku dhinteen Dalka Suuriya,dhaawacana uu gaarayo 639

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in “kooxaha raadinta iyo samatabbixinta ay isla markiiba u direen” goobihii uu dhulgariirku ku dhuftay.

Wasaaradda caafimaadka Suuriya ayaa sheegtay in Ilaa 237 qof ay dhimatay, 639 kalena ay ku dhaawacmeen dhulgariirkii xoogganaa ee ka dhacay dalka Suuriya, sida uu telefishinka qaranka u sheegay kaaliyaha wasiirka caafimaadka Axmed Dhamiriyeh.

Dhanka Waqooyi-galbeed ee Suuriya oo ay gacanta ku hayaan kooxaha difaaca madaniga , ayaa la soo sheegayaa in xaaladda gobolkaasi ay tahay mid Qatar ah, dadkuna ay ku hoos jiraan burburka dhismooyinku dumay.