Madaxweynaha Masar oo la kulmay taliyaha Ciidamada Suudaan

Date:

Madaxweynaha Masar Cabdi Fitaax Al-Siisii, ayaa la kulmay madaxa golaha sare ee dalkaasi Suudaan Cabdi Fitaax Al-Burhaan, oo booqasho ku tagay dalkaasi.

Bayaan maanta ka soo baxay golaha ku meel gaarka ah ee Suudaan, ayaa lagu sheegay in Taliyaha uu halkaasi u tagay si uu ula kulmo madaxweynaha Masar Cabdi Fitaax Al-Siisii, isagoo kala hadli doona deganaasha la’aanta ka jirta dalkiisa.

Safarka Al-Burhaan, ayaa ah kii ugu horreyay ee uu ku tago Masar tan iyo markii uu billaawday dagaalka u dhaxeeya Milatariga Suudaan iyo xoogaga Taageerada deg degga ah.

Dowladda Masar ayaa balanqaaday in ay sii wadayaan taageerada ay siinayaan ciidamada qalabka sida ee Suudaan, si ay u difacaan sharafka  muwaadiniinta reer Suudaan.

Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa Taageerada Degdegga ah ayaa galaya todobaadkii 20-aad, iyadoo intii ay socdeen dagaalada ay ku dhinteen muwadiniin farabadan ayna ku barakaceen malaayiin kale.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...