Degaanadii laga xoreeyay Khawaarijta oo laga hirgaliyay adeegyada aas-aasiga ah

Date:

Hawlgalka Ciribtirka maleeshiyaadka Khawajirta ee ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay ka wadaan qeybo kamid ah gobalada dalka oo jab xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Khawaarijta, iyadoo sidoo kale laga saaray  degmooyin iyo degaanno  in muddo ah ku dhibateyn jireen Shacabka Soomaaliyeed.

Degmooyinka iyo deegaanada laga xorooyey khawaarijta waxaa laga hirgaliyay adeegyadii Aas-aasiga u ahaa noolasha dadka.

Shacabka ku nool degaanadaas ayaa la gaar siiyey Shixnado isugu jiray cunno iyo dawooyin, sidokale waxaa laga hirgaliyay adeegyada Garsoorka, waxbarashada iyo dhammaanba adeegyada bilowga u ah noolasha, kuwaasi oo ay degaanadaas u diideen arxan laawayaasha Al- Shabaab.

Dowladda ayaa dib u dayac tir ku sameeyasay ceelal fara badan oo kooxaha khawaarijta ay gubeen, halka kuwa kalana ay aaseen, hada dowladdu waxay ku howlan tahay xasilinta nabada iyo hormarka gooba laga xoreeyay Khawaarijta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...