Muungaab : In Dowladnimada guulaysato cadowgana laga adkaado waa danta cid kasta

Date:

Guddoomiyehii hore ee gobolka Banaadir,Dr, Xasan Maxamed Xuseen {Muungaab) ayaa bogaadiyay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo goobaha laga saaray oo ay ugu dambaysay degmada Ceelbuur.

Dr, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in ay dowladdu guuleysato, lagana adkaado cadowga khawaarijta ay cid kasta dan ugu jirto.

“In Dowladnimada guulaysato cadowgana laga adkaado waa danta cid kasta”

Mudane, Muungaab ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in ay hiil iyo hoo la garab istaagaan Madaxweynaha JFS iyo Ciidamada qalabka sida ee ku howlan har iyo habeen xoraynta dalka  iyo ciribtirka cadowga Khawaarijta .

“Ciddii doonaysa in ay siyaasad ka dhex raadiso  xoraynta dalka iimaanka  Allaha geliyo ,waxaana leeyahay war hooy sidaasi geela looma kaxeeyo”

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...