
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo giddoomiyay kulan looga hadlayey amniga

Madaxweyne Xasan Sheikh oo kormeeray xeryaha ciidamada DANAB ee magaalada Kismaayo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xeryaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danabee magaalada Kismaayo.
Madaxweyne Xasan ayaa ku bogaadiyey ciidamada nafhurnimada ay u sameynayaan dadkooda iyo guullaha waaweyn ee ay ka soo hoyeen dagaalka ka dhanka Khawaarijta Alshabaab ee cadawga ku ah horumarka, nabadda iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray qaar ka mid ah saldhigyada Booliska gobolka Banaadir
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaliyeed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa kormeeray Qeybta Boliiska Bartamaha ee gobolka Banaadir, gaar ahaan saldhigyada Boliiska degmooyinka Xamar-jajab, Xamar-weyne, Cabdicasis iyo Shangaani.
Ujeedka Kormeerka taliyaha ayaa ku qotomay ukuurgelida xaaladaha ay ciidanka ku shaqeeyaan iyo hannaanka adeegga dadweynaha ee saldhigyadaas, wuxuu si gaar ah u kormeeray OP-ga.
Taliyaha ayaa kula dardaarmay dhammaan saraakiisha ciidamada goobaha uu booqday in ay adkeeyaan amniga iyo wada shaqeynta ay lala leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada gobolka Banaadir oo ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay.

Qorshaha qaran ee Soomaaliya cagaaran oo dardar ku socda
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Dowlada Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Dhir ku beeray Aqalka Martida Jubaland ee magaalada Kismaayo.
Si loo adkeeyo in loo midoobo badbaadada deegaanka waxaa magaalooyinka dalka si dardar ah kaga socda abuuridda dhirta si uu u guuleysto qorshaha Qaran ee Soomaaliya Cagaaran,kaas oo madaxweynahu horay ugu dhawaaqay.
Madaxweynaha ayaa dul istaagay ahmiyadda dhirtu ay u leedahay dhulkeenna iyo khatarta ay dalka ku hayaan Nabaad guurka iyo Xaalufinta deegaanka. Dhireynta Aqalka Martida Jubbaland iyo guud ahaan Jubbaland iyo in ay noqoto deegaan Cagaaran ayaa waxa ay qeyb ka qaadaneysaa bilicda iyo wax ka qabashada isbadalka cimillada ee Adduunka saameynta xooggan ku yeeshay.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo arrimo muhiim ah kala hadlay dhiggiisa Itoobiya
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa magaalada Adis Ababa kula kulmay Wasiirka Shaqada iyo Xirfadaha ee Dowladda Federaalka Itoobiya H.E Mrs.Muferihat Kamil.
Labadan Mas’uul ayaa ka wada hadlay fursadaha iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada TVET, shaqada iyo hal abuurka.
Sidoo kale, Wasiir Biixi iyo H.E Mrs.Muferihat Kamil ayaa isla gartay Qorshayaasha dib-u-habaynta iyo kor u qaadista hal-abuurka dhalinyarada si loo sahmiyo fursadaha iskaashi ee labada dal. Wasiir Biixi ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay.


Madaxweynaha JFS oo bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda Jubbaland
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay howlgallada dib u xoraynta ee ay wadaan Ciidamada qaranka oo kaashanaya kuwa Jubaland kuwaas oo laga gaaray natiijooyin wanaagsan.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ammaanay dadaalka maamulka Jubaland ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan dib u dhiska iyo horumarka oo guulo wax ku ool ah laga gaaray.
“Waan bogaadinayaa ciidamada qaranka iyo daraawiishta Jubaland guulihii ay kasoo hooyeen Dagaalkii ay shalay la galeen Khawaarijta. DFS waa ay sii xoojinaysaa doorkeeda howlgallada socda” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.
Madaxweynaha ayaa soo gabagabeeyay booqasho gaaban oo uu ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland, wuxuuna muddada uu ku sugnaa halkaas kullamo mira dhal ah la qaatay madaxda Jubbaland, waxgaradka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan oo uu kala hadlay horumarka socda iyo howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta.
13 ka mid ah Khawaarijta oo uu ku jiro horjooge oo lagu dilay Gobolka Jubbada Hoose
Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab oo ay wehliyaan ciidanka Nabad sugidda jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Turdho iyo deegaanada ku xeeran wabiga jinkiisa ee gobolka Jubbada hoose ku Dilay tiro maleyshiyaad ka tirsan Khawaarijta.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday deegaanka Malleeyleey oo hoostaga degmada Jamaame ee Gobolka Jubada hoose
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira safar shaqo oo uu ku joogo dowlad-goboleedka Jubaland ayaa maanta booqday deegaanka Malleeyleey oo hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose.
[DAAWO] Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay xaaladda dalka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta shacabka kula tukaday salaaddii Jimcada Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan amniga caasimadda iyo falalkii ka dhacay maalmihii la soo dhaafay.
