Home Blog Page 417

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka

0

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka iyo waxa uu yahay is-afgaradkii ay kala saxiixdeen labada dal.

Wasiirka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhawaan tegey dalka Ruushka ayaa magaalada Mascow kula kulmay Sergey Lavrov oo ah wasiirka arrimaha dibadda dalkaas, waxayna labada wasiir ka wada hadleen arrimaha xoojinta xiriirka labada waddan, Deyn-cafinta, maaddama Ruushka uu ka mid yahay dalalka Deynta ugu badan ku leh Soomaaliya iyo in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya.

” Raashiya waa tagnay aniga iyo wafdi aan hoggaaminayo,waxaan la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, inaan tagno waxay ahayd waddanku waxayna leenahay xiriir diblomaasiyadeed, safiir ay leeyihiin baa ina cover-gareeya, safaaradda Raashka ee Jabuuti safiirka u jooga ayaa Soomaaliya safiir u ah, inagana safaarad ayaannu ku leenahay Ruushka, waan waddan ka mid ah shanta waddan ee awoodda ku leh security councilka, waa waddan aynu lahayn xiriir hore oo weyn inkastoo sanad-dahan dambe uusan active ahayn, ardayna inaga joogta sanad kastana ina siiya scholarship, waa waddan ka mid ah haddii uusan ahayn waddamada ugu badan ee deynta badan inagu leh ee hadda kala xaajooneyno in ay deynta naga cafiyaan, in nalaga qaado cunaqabateynta hubka, maaddaama ay na soo casuumeen inaan u tagno waanu ajiibnay waanu tagnay,” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, wasiir Huruuse ayaa sheegay inaanu u jirin warka heshiiska sida warbaahinta qaar u dhigeen, balse uu jiro heshiis ku kooban MOU oo ah iskaashiga xiriirka caalamiga ah, wuxuuna meesha ka saaray inuu jiro heshiis ciidan oo ay  Ruushka la galeen.

“Heshiiska ma jirto sida Medi-yuhu sheegay heshiis aanu galnay, heshiis ciidan,heshiis ganacsi iyo heshiis kale haba yaraatee,waxaannu saxiixnay MOU la yiraahdo Political consultation oo ah Standard caalami ah ama template lala galo waddan kasta oo ah macnaha iskaashiga, xiriiria caalamiga iyo wixii la mid ah oo caalami ah marka kaas ayuu ahaa, xiriirkeenuna waa xiriir wanaagsan,”.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa daddaalka xooggan ku bixineysa xoojinta xiriirka caalamiga ah ay Soomaaliya la leedahay dalalka intiisa kale.

Wasiirka Awqaafta XFS oo sheegay in Shirkadihii fulin waayay Adeega Xajka dib looga soo celiyey Lacagihii

0

Wasiirka Awqaafta XFS oo sheegay in Shirkadihii fulin waayay Adeega Xajka dib looga soo celiyey lacagihii.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow oo xalay ka hadlay munaasabadda soo xiritaanka Moosinka Xajka oo lagu qabtay magaalada Makka ee dalka Sucuudiga,wasiirka ayaa ku dhawaaqay in dib looga soo celiyey lacagihii ay qaateen shirkadaha fulin waayay adeegga xajka.

Shirkadahan ayaa qaabilsanaa Basaska lagu qaadayey xujayda Soomaaliyeed,munaasabadan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Awqaafta,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,Qunsuliyadda Guud iyo shirkadihii fulinayey Adeega Xajka

Sannadkaan ayaa waxa waajibaadka xajka soo gutay tiradii ugu badnad oo gaaraysa 11,500 oo xujay.

Ciidamada dowladda ee ku sugan Galcad oo lagu wareejiyay xoolo lagu dhiiragalinayo

0

 

Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa maanta lagu xoolo nool oo lagu dhiiragalinayo oo ka timid haweenka Soomaaliyeed.

Muno C/qaadir Hooleey oo mid ah Haweenka Soomaaliyeed ayaa xoollo lagu dhiirigelinayo ku wareejisay Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Magaalada Madagawaa ee Gobolka Galgaduud.

Muno oo deegaan ahaan ka soo jeedaa degmooyinka Galcad, Ceeldheere iyo Xaradheere ayaa maanta 20 neef oo ido ah ku wareejisay Ciidanka xoogga dalka ee ku jira furimaha hore dagaalka ee magaalada Masagawaa ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa uga mahadceliyay garab istaaga ay u muujisay Ciidamada utaagan difaaca dalka.

 

 

Wasaaradda Howlaha guud oo wadda Qorshe Warshado looga dhisayo meelo ka baxsan magaalada Muqdisho

0

Wasiirka wasaaradda howlaha guud & dib u dhiska iyo guriyeynta Soomaaliya ayaa sheegay in ay waddaan qorshayaal looga dhisayo Warshado meelo ka baxsan caasimada Muqdisho.

Wasaaradda howlaha guud ayaa wadda istaatijiy cad oo ay ku doonayso in ay ku hirgaliso xaruumo loogu tala galay in laga dhiso Warshado wax soo saar oo u yeesho dalka.

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ka tacsiyeeyay Geerida Xildhibaan Cabdiraxmaan Jubba.

Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Cumar (Jubba) oo ku geeriyooday magalada Nairobi ee dalka Kenya.
“Waxaan xanuunka iyo murugada la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Cumar (Jubba) oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.”
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo iimaan ka siiyo qoyskiisa, xildhibaannadda Golaha Shacabka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Ergayga Madaxweynaha ee Arrimaha Somaliland oo Baydhabo kula kulmay qeybaha Bulshada.

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa kulamo wadatashi ah la qaatay qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka iyo Odayaasha Dhaqanka Dowladd Goboleedka Koofur galbeed kuwaas oo uu ka dhageystay arragtiyooyinka iyo fikradaha ay ka qabaan dib u billaabidda hanaanka Wadahadallada DFS iyo Somaliland.
Ergayga ayaa xubnaha ka qeybgalay kulanka uga warbixiyay sooyaalka Wadahadallada iyo Muhiimadda ay ugu fadhiyaan Umadda Soomaaliyeed, waxaana intaasi ka dib uu ka dhageystay arragtiyadooda, ayagoona soo gudbiyay tallooyin aad u wanaagsan oo wax tar u leh Qorshaha Wadahadallada DFS iyo maamulka Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 25-aad ee Guddiga Joogtada

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 25-aad ee Guddiga Joogtada oo looga hadlaayay ajandeynta hindise sharciyeedyadda iyo heshiisyadda horyaala Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BJFS oo uu goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad iyo dhammaan xubnaha guddiga ayaa waxaa uu guddiga cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ajendeynta hindise sharciyeedyaddii iyo heshiiskii la horkeenay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa booqday xarunta Gaadiidka Ciidanka Boliiska

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed General Sulub Axmed Firin ayaa booqday xarunta Gaadiidka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska ee General Kaahiye oo ay ku diyaarsan yihiin cutubyo cusub oo dhawaan kusoo biiraya Ciidanka Boliiska iyo Ciidanka ILaalinta Deegaanka ee Dowladda Hoose Xamar.

Ciidankan cusub oo ah dhallinyaro ay da’dooda ka hooseyso 30-sano ayaa ah kuwa wax bartay oo kasoo aflaxay Dugsiga sare iyo Jaamacadaha ayaa dhawaan la filayaa in ay si rasmi ah uga mid noqdaan ciidamada Boliiska iyo kuwa Ilaalinta Deegaanka ee Dowladda Hoose si ay qeyb uga noqdaan sugidda Amniga iyo bilicda Caasimadda.

Ciidamada Israa’iil ayaa dilay qof Falastiini, afar kalena ku dhaawacay Daanta Galbeed ee la haysto

Ciidamada Israa’iil ayaa toogasho ku dilay qof Falastiini ah kuna dhaawacay ugu yaraan afar kale , oo labo kale ay xaaladoodu halis tahay –

magaalada la haysto ee Daanta Galbeed ee Nablus, sida ay sheegeen wasaaradda caafimaadka Falastiiniyiinta iyo Bisha Cas.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in qof la toogtay ka hor waaberigii Khamiista, iyadoo dagaalyahannada Falastiiniyiinta ay sheegeen in ay iska hor imanayaan ciidamada Israa’iil iyo dadka deggan deegaanka Nablus, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ugu yaraan afar falastiiniyiin ah ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo rasaas ah halka laba kalana ay xaaladoodu halis tahay, hay’adda bisha cas ee Falastiin ayaa sheegtay in wax ay ku tilmaantay iska horimaad ay ciidamada Israa’iil kula galeen bariga Nablus, oo ah magaalo ku taal waqooyiga la haysto ee Daanta Galbeed, taas oo ahayd xarun dhaqameed falastiiniyiintu iska caabiyeen qabsashada Israa’iil.

Maxkamadeynta Masuuliyiin ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne

Maxkamadeynta Masuuliyiin ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne ayaa saaka ka bilaabaneysa Maxkamadda gobolka Banaadir.

Warbaahinta Qaranka ayaad si toos ah ugala socon doontaan Maxkamadeynta.