Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo ku baaqay in la garab istaago ciidanka Qaranka

Date:

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo warabaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in la garab istaago ciidamada Qaranka ee ku jira howlgallada ka dhanka ah kawaarijta

Maxamed Mursal ayaa sheegay in la joogo dhammaadkii khawaarijta sida wadajir ahna lagu dhamaystiri karo,dhammaana shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in aan loo kala harin dagaalka ka dhanka khawaarijta si dalka looga xoreeyo degaannada fara kutirska ah ay gacanta ku hayaan cadawga.

Guddoomiyihii hore dalka ayaa bogaadiyay geesiyaasha ciidanka Qaranka guulaha ay ka keeneyn howlgallada dalka looga xoreeynayo khawaarijta,madaxweynaha JFS ayuu guddoomiyahuย  ku ammaanay sid ay uga goโ€™antahay ciribtirka khawaarijta guud ahaana dalka ,waxa una Shacabka Soomaaliyeed ย ugu baaqay in aan loo midoobo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Dhanka kale Maxamed Mursal waxa uu baaq u diray shacabka koonfur galbeed oo uu sheegay in ay u istagaan sidii ay isaga dul qaadi lahayeen cadawaga muddada dheer dhibaatada ku hayay shacabka ku nool degaanada koonfur galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...