Tiyaatarka Qaranka oo si rasmi ah uga furmay barnaamijka tartanka Hirgeli Hibadaada

Date:

Xarunta Wakaaladda Murtida iyo wacyigalinta Qaranka ee Tiyaatarka Qaranka waxaa maanta si rasmi ah uga furmay barnaamijka tartanka Hirgeli Hibadaada oo ka qeyb galayaan bahda Sugaanta qeybahooda kala duwan.

Tartanka oo uu horayn uu daah furay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa muddada uu soconayo  tartamayaasha ku soo bandhigi doonaan sugaan ka hadleeyso falalka guracan oo ay khawaarijtu ku heyso shacabka Soomaaliyeed iyo ka qayb qaadashada dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta.

Tartamayaashii saakay lagu daah-furay ayaa halkaas ku soo bandhigay heeso iyo gabayo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, iyo halista kooxaha argagixisada ah.

Mid kamid ah tartamayaasha hirgeli hibadaada oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Cabdullaahi  ayaa yiri “Madaxweyne geesi ah markuu talada miisaamay iska dila mariidkana na yiri ee midnimo duula milatari careysani markuu Miigga amar siiyey”

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa daah-furkii toddobaadkii hore ka sheegay in u jeedka yahay sidii kaalin weyn Abwaaniinta Soomaaliyeed uga qaadan lahaayeen dagaalka lagula jiro kooxda khawaarijta, noqdana wejiga saddexaad ee khawaarijta loogula dagaalamayo dhanka Fikirka.

Dagaalka ka dhanka ah  khawaarijta ayey Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed u midoobeen, iyadoo suugaantu ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee Soomaalidu fariimaha isku gaarsiiyaan,  barnaamijkan qayb ka noqonayo qorshaha dowladda ee lagu ciribtirayo fikirka xagjirka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...