Home Blog Page 416

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa howlgal ka sameeyay degaano dhowr ah oo gambaad u ahaa Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa howlgal ka sameeyay degaano dhowr ah oo gambaad u ahaa Khawaarijta kuwaas oo hoostaga dagmada Galcad ee gobolka Galgaduud .
Degaanada howlgallada laga sameeyey ayaa kala ahaa Ceel Hareeri, Baraagta Sheekh Caamir iyo Cowsweyne waxeyna Bariga kaga began yihiin degmada Galcad.
Ciidanka oo kaashanayey shacabka ayaa burburiyey fariisimo ay khawaarijtu ku lahaayeen deegaanadaas iyaga oo sidoo kale wadooyinka ka soo saaray Miinooyin deegaanada howlgallada laga sameeyey.
Saraakiisha hogaamineeysay howlgalkan ayaa sheegay inay kawar heleen dhagarta Khawaarijta ay u soo maleegayaan shacabka taasoo keentay in howlgaladaan la laga fuliyo deegaanadaan hoos yimaada Galcad.

Wasiiro ka tirsan XFS iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay kulan wacyigelin bulsho

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa caawa ka qeybgalay kulan Wacyigelin Bulsho oo lagu qabtay Degmada Xamar Jajab. kaasi oo ay isugu yimaadeen, Odayaasha, Haweenka, Dhalinyarada iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Xamar Jajab.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS, Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta, xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab, Saraakiisha Laamaha Amniga iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Taliyaha Ciidanka booliiska soomaaliyeed oo la kulmay madaxda howlgalka midowga afrika ee ATMIS

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa lakulmay Madaxada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, African Union Transition Mision in Somalia ( ATMS), Amb. Mohamed El-Amine Suoef, Taliyaha Ciidanka Military ATMIS, Sareeye Guud. Sam Okiding Iyo Taliyaha Boliiska ATMIS, Commissioner, Hillary Sao Kanu, kulanka ayeey ka wada hadleen horumarinta Ciidanka Boliiska iyo qorshayaaaha hortabinta u leh Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ka hor bixitaanka ATMIS.
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo tiir dhexaad u ah Ciidamada Qalabka Sida ee JFS, ayaa u diyaar garoobaya sidii loo hanan lahaa Amaanka Dalka. Maadaama’ ay masuuliyada sugida Amniga guud ee dalku dhawaan ay la wareegi doonaan Ciidamada JFS.

 

   

 

Saraakiil ciidan oo booqday ciidamo u diyaar garoobay wajiga labaad ee dagaalka khawaarijta looga cirib tirayo dalka

Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici ) oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Taliska xoogga dalka, ayna hormuud u tahay Madaxa isku xirka hoggaanka ciidanka iyo shacabka G/dhexe Iimaan Maxamuud Cali Elman ayaa maanta booqasho la xiriirta wadatashiga iyo la socodka xaaladohooda ugu tagtey saraakiisha iyo ciidamada deegaanka ee u diyaarsan ka qaybgalka wajiga labaad ee dagaalka khawaarijta looga cirib tirayo dalka.

Booqashadan oo ka dhacday fadhi Ciidanka deegaanka ee isku abaabuley ka qayb galka xoreynta deegaanada bari ee gobolka Galgaduud ay ku leeyihiin meel banaanka ka ah Magaalada Dhuusamareb ayay taliyaha qaybta iyo saraakiisha wehlisey xog dhameystiran kaga dhageysteen qaar kamid ah saraakiisha iyo siyaasiyiinta deegaanadaas,

waxayna uga warameen sida ay goor horeba dagaalkan ugu diyaar garoobeen, iyagoo ciidamo iyo gaadiid dagaal kasoo daabuley meelo Galmudug ka baxsan
Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici ) iyo saraakiisha kale ayaa u khudbeeyay naftood hurayaashan diyaarka u ah wajiga labaad ee howlgalka xoreynta dalka.

Madaxa isku xirka hoggaanka ciidanka iyo shacabka G/dhexe Iimaan Maxamuud Cali Elman ayaa balan qaadey in dowladu diyaar u tahay dhiirigelin walba oo ay u baahan yihiin Ciidankan, si gaar ahna ay u tixgelin doonaan macluumaadka ciidan ee ay saraakiishu la wadaageen.

 

 

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo hortegay Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Aqalka Sare BJFS  

 Guddiga horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani’aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah ee ka saaran la xisaabtanka hay’adaha dowladda, ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray mas’uuliyiinta wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha oo uu hogaaminayo Mudane Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiir ku xigeenka Marwo Fahmo Axmed Nuux.

Kulanka oo la isku dhaafsaday su’aalo, warbixinno iyo falanqayn ku saabsan howlaha shaqo ee Wasaaradda, ayaa si gaar ah Wasiirka wax looga waydiiyay qorshe howleedka wasaaradda, siyaasadda Qaran ee Wasaaradda uga taalla dhallinyarada, horumarinta ciyaaraha Dalka, garoomada ciyaaraha, xiriirka Wasaaradda iyo Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowlad Federaalka iyo su’aalo kale oo muhiim aha.

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha iyo Wasiir ku xigeenka ayaa masuuliyinta Guddiga arrimaha Bulshada Aqalka Sare, waxay faahfaahin dhamaystiran ka siyeen dhammaan su’aalihii ay ka qabeen howl-qabadka Wasaaradda.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare Senator Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle) oo kulanka su’aalo waydiinta ah soo xiray ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha, sida ay warbixinta uga siiyeen su’aalihii ay qabeen.

Wasiirka Gaashaandhigga Dalka oo booqday Xarumaha Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Qatar.

Wasiirka Gaashaandhigga XJFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo booqasho shaqo ku jooga caasimadda dowladda Qatar ee DOHA ayaa maanta soo booqday Kulyadda Ciidamada ee Axmed Bin Muxammad iyo Machadka luqadaha ee Axmed Bin Muxammad iyo Machadka luqadaha ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Qatar.
Booqashooyinka wasiirka iyo wafdigiisa ay booqdeen kuliyadda iyo machadka ayaa daaran sidi loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka tacliinta ciidamada ee Wasaaradaha Difaaca labada Dal.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed oo kormeeray xarumaha bixinta adeegyadda Baasaboorka

Agaasimaha Guud ee ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed (HSJ) Mudane Axmed Siciiid Maxamed ayaa kormeer shaqo oo uu ugu kuurgalayay habsami u socodka howlaha iyo adeegyada bixinta Baasaboorka ku tagay Xarumaha ay Hay’addu ku leedahay Degmooyinka Hodan iyo Cabdicasiis.

Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Axmed Siciiid Maxamed ayaa dhamaan xaafiisyada uu booqday waxa uu warbixino kaga dhegeystay Agaasimayaasha waaxyaha, kuwaas oo Warbixino ka siiyay sida ay u socdaan shaqada ay u qaabilsanyihiin Hay’adda ee ah bixinta adeegga Baasaboorka Shacabka, kaas oo laga bixiyo labada degmo ee ay ku yaalaan Xafiisyadaas.

Sidoo kale mudadii uu Agaasimuhu ku guda jiray kormeerkiisa shaqo waxa uu mid mid isku dul taagay shaqaalaha ka howlgala Xafiisyada uu kormeerka ku marayay, si uu waxbadan uga ogaado shaqooyinka ka socda xaafiisyadooda iyo caqabadaha shaqo ee ka jira halkaas.

Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Axmed Siciiid Maxamed, ayaa sidoo kale ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la fududeeyo adeegga dadweynaha isla markaana la wanaajiyo xiriirka ka dhaxeeya Shacabka yimaada xarumaha adeegga Baasaboorka laga bixiyo iyo Saraakiisha ka howlgala Xafiisyada Degmooyinka Hodan iyo Cabdicasiis.

Ugu dambeyn, kormeerka Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Axmed Siciiid Maxamed, ayaa waxaa kormeer kiisa ku wehlinayay, Madaxa Kaalinka Agaasinka Guud, Agaasimaha Waaxda Baarista iyo Ku-simaha Agaasimaha Waaxda Jinsiyadda iyo Diiwaangelinta.

Soomaaliya iyo Bakistan oo iska kaashanaya horumarinta Barnaamijka Teknoloojiyadda

0

Barnaamijka Comsec oo ah Barnaamij ay iska kaashanayaan safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Bakistan iyo wasaaraddaha kala ah arrimaha dibadda iyo Seyniska iyo Teknoloojiyadda waddamkaas, ayaa laga daah-furay magaalada caasimadda ah ee Islamabad.

Daah-furka Barnaamijka muhiimka ah waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay labada wasaaraddood iyo sii-hayaha safiirka safaaradda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka Barta Dalkaas.

Ugu horeyn, Dr. Maxamed Iqbaal , agaasimaha guud ee Barnaamijka Comsec ayaa sheegay in loo baahan yahay sare u qaadista xiriirka waddamada ku mideysan ururka iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo (OIC), si xalal waara looga gaaro baahiya markaas taagan.

Sidoo kale, sii-hayaha safiirka Safaaradda JFS ee Dalka Bakistan Mudame Shirwac Cabdullaahi Ibraahim ayaa sheegay in ay jirto baahi weyn oo loo qabo dhinaca Teknoloojiyadda, isagoo agaasinka Comsec uga mahadceliyay daah-furka Barnaamijkan muhiimka u ah Soomaaliya.

Barnaamijkan ayaa bixin doonna ilaa 10-deeq waxbarasho (chollarship),seminaaro iyo tababaro la xiriira cilmi-baarista seyniska iyo Teknoloojiyadda, kuwaas oo looga faa’ideyn doonna ardayda Soomaaliyeed ee daneyneysa Barnaamijkan.