Guddoomiyaha Gobolka Banaadir : Waa inaan muujinaa midnimadeena ku aadan ladagaalanka Khawaarijta iyo in dalkaan laga sifeeyo

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),oo ka qeybgalayay kulan lagu taageerayey howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta ayaa sheegay in dhammaan shacabka gobolka Banaadir looga baahanyahay in ay si wadajir ah uga qeyb galaan dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

“Waa inaan muujinaa midnimadeena ku aadan ladagaalanka Khawaarijta iyo in dalkaan laga sifeeyo”,Guddoomiye Madaale

Duqa muqdisho waxa uu bogaadiyay guulaha geesiyaasha xoogga iyo kuwa degaanka ay kasoo hoyeen howlgalka socda,waxa una Ganacasatada,odayaasha dhaqanka iyo dhallinyarada faray in ay muujiyaan kaalintooda ku aaddan dagaalka dalka looga xoreeynayo khawaarijta,cid laga yeelayana aysan jirin in cabsi AlShabaab ay ugu harto howlgallada dalka ka socdo.

“Dadka kulamada looga arrinsanayo ka qeybgalka dagaalka aan imaan ama ka dhuumanayo cabsi Shabaab awgeed,waxaan tuseenaa in sida cadawaga ay uga cabsanayaan si lamid ah nooga cabsadaan,Xabsiga ayana la dhigayaa”,sidaa waxaa yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Dalka waxaa ka soconayo howlgallo dhulka iyo circa ah kaa oo ay wadaan geesiyaasha xoogga dalka oo kaashanayo kuwa degaanka,iyadoo degaanno badan laga saaray khawaarijta,waxana xusid mudan in madaxweynaha JFS Xasan Sheekh,uu muddo ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb halkaa oo uu kawado dar-dargalinta dagaallada dalka looga xoreynayo khawaarijta.

Muqdisho-Somalia

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...