Home Blog Page 415

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Dooxa ee dalka Qatar Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii hore ee dalka, dedaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee Khawaarijta Al-shabaab lagu cirib tirayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Dooxa ee dalka Qatar Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii hore ee dalka, dedaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee Khawaarijta Al-shabaab lagu cirib tirayo.

 

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubaland oo Madaxtooyada ku soo dhaweyay taliyaha ciidanka booliska

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubaland Mudane Ahmed Mohamed Islaam ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Maamulkaas ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo wafti uu hoggaaminayo oo maanta gaaray Magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa marti galinaysa shirka Golaha Taliyeyaasha Booliska Dalka oo looga arrinsanayo hanaanka cusub ee Booliska dalka labadiis heer iyo wada shaqaynta Hay’adaha Booliska dalka.

[DAAWO] Wasaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo magacaawday Guddiga Tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023

0

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta XFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali  ayaa Maanta ku dhawaaqday Guddiga Adeegga Xajka oo ka  kooban Sagaal xubnood.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Doxa kula kulmay Dhiggiisa Qatar

0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta magaalda Doha ee Dalka Qatar kulan miro-dhal ah kula yeeshay dhiggiisa Wasiirka Maaliyadda Qatar mudane Ali bin Ahmed Al Kuwari.

Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo soo saaary Go’aano quseeya Hey’addaha Dowladda

0

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa ku wargaliyay dhammaan hay’adaha dowladda inay si buuxda u dhaqangaliyaan talooyinka uu Xafiisku horay ugu soo saaray warbixinnada sanadlaha iyo kuwa gaarka ah.

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin ayaa lagu soo dhoweeyay Magalada Kismaayo

0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degay magaalada Kismaayo.

Safarka Taliyaha  ayaa daaran ujeedooyin kala ah.

1- Golaha Taliyeyaasha Booliska Dalka oo halkaas ku yeelanaya shir looga arrinsanayo hanaanka cusub ee Boliiska dalka labadiis heer (Boliiska Federaalka ah iyo Boliiska Dowlad Goboleedyada)

2- Mideynta mashruuca taakuleynta iyo jaangoynta baahiyaha booliiska dalka.

3- Arrimaha amniga dalka sida maareynta qaraxyada, isisoo dhiibayaasha ka yimaada argagixisada iyo arrimaha socdaalka.

Inta uu shirku socdo Taliyaha iyo wafdigiisu waxay booqa doonaan, una kuur-geli doonaan hanaanka shaqo ee booliska dowlad goboleedka Jubbaland.

Wasiirka Gaadiidka iyo Guddomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray Barxada Baarkinka Airport-ka Aadan Cade

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale)  ayaa maanta xariga ka jaray Barxada Baarkinka Airport-ka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho oo la filaya in uu xal u noqda saxmada badan ee ka jirtay Airport-ka.

Xarigjarkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, saraakiisha Amniga Airport-ka Aadan Cade iyo xubna ka socday beesha Caalamka.

Golaha Shacabka BFS oo ansixiyay hindise sharciyeedka Socdaalka

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Socdaalka, waxaana ogolaatay 145-xildhibaan, hal ayaa  diiday, lix xildhibaan ayaa ka aamustay.

Golaha Shacabka BFS oo Maanta leh mid kamid ah kulamadooda caadiga ah

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa lagu wadaa in Maanta Xarunta Villa Hargeysa ku yeshaan mid kamid ah kulamadooda caadiga ah

Madaxweyne Dani oo Bosaaso uga Qeybgalay kulan looga hadlayey Qorshaha Horumarinta Degmada Boosaaso ee Hiigsiga 2030

0

Magaalada Boosaaso waxa xalay lagu soo bandhigey Qorshaha Horumarinta Degmada Boosaaso ee Hiigsiga 2030, iyo Habka loo horumarinayo magaalada, adeegyada dowliga ah, Kuwa Bulshada iyo nashaqadeynta magaalada.