Khawaarijta oo qarax Miino ku laysay dad Shacab ah deegaanka Ceel-lahelay

Date:

-Haweeney iyo labo Carruur ah ayaa ku geeryooday Qarax Miino oo maleeshiyada Khawaarijta ah ay ku qariyeen guri ay ku noolaayeen oo ku yaalla nawaaxuga Deegaanka Ceel-lahelay oo shalay laga xoreeyay Khawaarijta.

Ciidanka Qaranka ayaa u gurmaday qooyskaas ay dhibaatadu ka soo gaartay iyagoo goobta kasoo qaaday labo ruux oo Shacab ah kuwaas oo ku dhaawacmay Miinada Khawaarijta Al-shabaab ay ku qariyeen guriga.
Gulufka dagaalka ee ka dhanka ah maleeshiyad Khawaarijta Al- shabaab oo ay ku jabeen muddadii u socday waxaan ay ciidamada xoogga dalka ay kala wareegeen goobo badan oo ay ku dhumaaleysan jireen dadka shacabka ahna ay ku waxyeeleen jireen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...