Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya oo xulka 17 jirrada ee dalkeenna oo natiijo ah (1-0) kaga adkaaday xulka Ethiopia ugu hambalyeeyay guushaas ay ka gareen
Guddoomiye Sheekh Aadan madoobe oo maanta shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya
Muqdisho Oktoober 03,2022, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, ayaa Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka u magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ka dib markii uu xilka iska casilay Xog-hayihi hore ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux, Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa xog-hayaha cusub cod gacantaag ah ku ansixiyey.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa xoghayahii hore Golaha Shacabka is casilaadiisa ka aqbalay isagoona sheegay in Cabdikariim Buux uu ahaa nin aqoon u leh shaqada Baarlamaanka islamarkaana taladiisa iyo waayo aragnimadiisa ku biiriyo Golaha Shacabka.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa xoghayaha cusub kula dardaarmay in uu dardar geliyo shaqada baaxada leh ee hortaala isla markaana looga baahan yahay in masuuliyada culus ee loo igmaday uu u guto si hufan oo daacadnimo ku jirto.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo guddoomiyey shir looga hadlayay amniga oo si gaar ah loogu lafaguray xaaladda magaalada Beledweyne
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay amniga oo si gaar ah loogu lafaguray xaaladda magaalada Beledweyne oo maanta argagixisadu ka gaysteen qaraxyo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.
Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir gaar ah kula yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya Madaxda Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi M. Nur oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ayaa shir gaar ah kula yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Madaxda Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo ay hoggaaminayso #Laura_Jaramillo oo ah Madaxa IMF ee Soomaaliya.
Shirkaan ayaa looga hadlay dib-u-eegista hufnaanta Maaliyadda iyo hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa hiigsanaysa horumar Maaliyadeed iyo isku filnaansho dhaqaale iyadoo xoogga la saarayo kor qaadista dakhliga gudaha dalka.
Aqoon Isweydaarsi ay ka soo qeyb galeen Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda, Guddiyadda Shaqaalaha heer Federaal, heer Maamul Goboleed & Gobolka Banaadir oo furmay
Aqoon Isweydaarsigaa oo ay ka soo qeyb gashey Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda, Guddiyadda Shaqaalaha heer Federaal, heer Maamul Goboleed & Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin ka socoto qeybaha kala duwan ee Hay’adaha Dowladda.
Ugu horreyn Agaasimaha Guud ee Guddiga Qaranka Shaqaalaha ayaa ka qeybgalayaasha ku soo dhaweeyey Aqoon Isweydaarsiga. Intaas ka dib, Wasiiradda Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Aadanaha DFS marwo,Hon Khadija Mohamed Diriye ayaa aqoon isweydaarsiga si rasmi ah si u furtay iyada oo sheegtay Wasaaradda Haweenka ahmiyaddeeda ugu horreysa ay tahay awoodsiinta iyo kobcinta haweenka waxa ayna Guddiga Shaqalaaha uga mahadcelisay in ay soo qaban qaabiyaan kulankaan muhiimka u ah haweenka soomaaliyeed
Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga Shaqaalaha Mudane Cali Muumin ayaa (Ali Korufule)ka hadlay ujeeddada kulankan iyo Sababta Guddiga u soo qaban qaabiyey Aqoon Isweydaarsiga. Kusimaha Guddoomiyaha ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay awoodsiinta iyo kobcinta haweenka ku jira shaqaalaha dowladda heerar keeda kala duwan. Guddoomiyaha ayaa xusay in haweenka ku jira shaqaalaha dowladda aanan lagu aqoonin qiyaano isla markaasna ay markasta safka hore uga jiraaan adeeg bixinta iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.
Intaas ka dib, waxa kalimadahooda qaatay iyaga oo si qoto dheer uga hadlay awoodsiinta iyo kobcinta Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha JFS, Guddoomiyaha Akadeemiyada, Guddoomiyaasha Guddiyada Shaqaalaha heer Dowlad Goboleed.
Aqoon Isweydaarsigan oo ah midkii seddaxaad oo uu Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa socon doono muddo seddax maalin iyada oo lagu soo bandhigi doono xogta haweenka ku jira Shaqaalaha heer federaal, heer dowlad goboleed. Sidoo kale, inta uu socdo kulanka waxa lagu soo bandhigi doonaa guulaha laga gaaray barnaamijkan, caqabadaha iyo soo jeedinnada ku aaddan kobcinta iyo awoodsiinta Haweenka ku jira Shaqaalaha heerarka kala duwan.
Ugu dambayn, geba-gabada aqoon isweydaarsigan ayaa laga soo saari doona sidii kor loogu qaadi lahaa Haweenka Shaqaalaha Dowladda heerarkooda kala duwan.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo qaabbilay Agaasimaha ILO ee Geeska Afrika
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo qaabbilay Agaasimaha ILO ee Geeska Afrik
Muqdisho , October, 2, 2022- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa maanta la kulmay Mudane Alexio Musindo , Agaasimaha xafiiska ILO ee waddamada Soomaaliya , Itoobiya , Jabuuti iyo Koonfurta Suudaan.
Kulanka ayaa looga hadlay qorshaha sannadeedka Hay’adda ee Soomaaliya , halkaa oo warbixin la xiriirta ay ku soo bandhigeen ILO, iyadoo sidoo kale laga hadlay xoojinta iskaashiga, taageerrada dadaallada Wasaaradda ee la xiriira horumarinta Shaqada , shuruucda iyo badqabka Shaqada iyo shaqaalaha.
“ Hay’adan ILO , waxay muhiimad u leedahay dadaalladeenna horumarinta leh ee Shaqada iyo Shaqaalaha .” ayuu yiri Wasiir Biixi.
Agaasimaha Hay’adda Shaqada Adduunka ILO ee waddamada Geeska Afrika , Alexio Musindo oo boggaadiyay sida ay uga go’antahay hoggaanka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada horumarinta wada-shaqeynta labada dhinac , ayaa sidoo kale sheegay inay ka go’antahay dhammeystirka iyo fulinta qorshayaasha shaqo ee wasaaradda.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog u ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS oo maanta Xafiiska ku qaabiley wafdi ka socdey World Bank iyo Global Financing Facility (GFF)
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo maanta Xafiiska ku qaabiley wafdi ka socdey World Bank iyo Global Financing Facility (GFF)
Boqortooda Ingiriiska oo sheegtay in ay taageerayso dadka ku wax yeeloobay Abaarta Dalka ka jirta.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay danjiraha Dalka Ingiriiska Marwo Kate Foster.
Nairobi waxaa maanta ka furmay shirka Dowladda Soomaaliya iyo Hay,adda IMF ee hannaanka dib-u-eegista iyo horumarinta maaliyadda Dalka
Wasiirka Arimaha Gudaha XFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daahfuray Shirweyne looga hadlaayo Nidaamka Casriga ah ee Diiwaangelinta Madaniga
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa daah-furay shirweyne looga hadlaayo Nidaamka Casriga ah ee Diiwaangelinta Madaniga taasi oo ay ka qeybgalayaan Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.