Ciidamada Xoogga iyo Daraawiishta Galmudug oo howlgallo Qorsheysan ka fuliyay koonfurta mudug

Date:

Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ayaa saaka howlgallo Qorshaysan ka fuliyay dhulka miyiga ah ee u dhaxeeya Degaanada Qeycad iyo shabeeloow ee koonfurta Gobolka mudug.

Dhulkan miyiga ah ayaa ahaa meelo ay khawaarijtu ku dhuumaalaysanyeen ayana ku dhibaatayn jireen Shacabka Soomaaliyeed ee halkaasi degan.

Gaashaanle Cabdiraxmaan Nuur Sahal sheekeeye iyo Abaanduulaha Guutada 27 ee Abu-dujaana ee Ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Cabdulaahi Xuseen, ayaa howlgalka dib la hadlay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka, isagoo sheegay in maalmaha soo socda ay dardar galin doonaan howlgalada lagu ciribtiraya Khawaarijta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...