Home Blog Page 413

Ra’iisal wasaare hamsa oo madaxweynaha Kenya kala hadlay fududeynta dal-ku galka Kenya iyo ciribtirka Khawaarijta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Daaresaalaam kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha Kenya William Ruto, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo isu socodka labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa isla gartay ahmiyadda uu leeyahay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaariijta, oo khatar ku ah guud ahaan amniga gobolka iyo dib u furista xuduudaha oo muhiim u ah isku socodka iyo ganacsiga labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kala hadlay Madaxweyne Ruto fududeynta Dal-ku galka (visa) arrintaasi oo looga ballamay in lagu dhameystiro kulamo loo ballansan yahay labada dhinac.

Iyadoo laga duulaayo tayeynta iyo awood siinta da’yarta iyo kor u qaadida waxbarashada, ayaa Madaxweyne Ruto waxa uu ka aqbalay Ra’iisul Wasaaraha in dowladda Kenya ay noo tababarto 1000 macallin oo wax ka dhigi doona heerarka kala duwan ee waxbarashada Soomaaliya.

Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgelinta Dastuurka oo maanta wareejiyay heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka

Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgelinta Dastuurka xildhibaan,  Xuseen Iidow ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyay Guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka nuqullada heshiisyadii Golaha wada tashiga Qaran iyo afarta cutub ee Dastuurka ugu horreeya oo kala ah, baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cutubka , xuquuqda Asaasiga Ah iyo waajibaadka muwaaddinka, dhulka, hantida iyo deeganka iyo matalaadda Shacabka.

Guddoomiyuhu wuxuu si xushmad leh uga codsaday Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka in ay si dhaqsa ah uga soo shaqeeyaan cutubyada lagu wareejiyay, ayagoo dib u eegistooda ku saleeynayo soo jeedimihii wax ka beddelka Dastuurka ee Baarlamaannadii 9-aad iyo 10aad, mudnaanna siinaya heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka , dibna ugu soo celiya isla Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgelinta Dastuurka.

Heshiisyada iyo soo jeedimaha lagu wareejiyay Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka ayaa kala ah:-

  1. Soo jeedimihii wax ka beddelka Dastuurka Baarlamaankii 9-aad iyo 10-aad
  2. Heshiiska hannaanka dooroshooyinka JFS 27 May 2023
  3. Heshiiska lahaanshaha maamulka iyo wadaagga dakhliga Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, sida shidaalka iyo macdanta ee lagu qabtay Baydhabo, 27/4/2018
  4. Heshiiska Federaaleeynta maaliyadda 15-17 March 2023
  5. Heshiiska astaynta awoodaha hay’adaha Dowladda Dec 28, 2022
  6. Heshiiska hannaanka Federaaleeynta Garsoorka Dec 28, 2022
  7. Heshiiska qaab- dismeedka amniga Qaranka 15-17 March 2023.

Waddamada Bariga Afrika oo Nairobi kaga arrinsanaya kor u qaadista wax soo saarka xoolaha

Wasiirrada Wasaaradaha xannaanada Xoolaha ee geeska Afrika ayaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kaga qeyb galay daah-furka Mashruuc kor loogu qaadayo wax soo saarka Xoolaha.

Mashruucan oo ay ka faa’ideysan doonaan waddamada Gobolka, gaar ahaan saddexda dal ee Somaliya, Kenya iyo itoobiya ayaa wuxuu xoola-dhaqatada dalalkan ka saacidi doonaa iskaashiga iyo kordhinta wax soo-saarka Xoolaha.

Daahfurka waxaa goob joog ahaa qaar kamid ah saaxiibbada Beesha caalamka ee dalalkan, gaar ahaan Safiirka dowladda Switzerland, wakiillo ka socda hay’adaha ka shaqeeya arrimaha xoolaha iyo marti sharaf kale.

Duqa Muqdisho oo furay shir weynaha caafimaadka Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ana Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay shir weynaha caafimaadka Caasimadda oo sanadkii laba mar la qabto, kaas oo ay isugu yimaaddaan hey’addaha caalamiga ah iyo kuwa gaarka ah ee bixiya adeegyada Caafimaadka la xariira ee ka howlgala Muqdisho.

Shir weynahaan Caafimaadka la xariira oo ay soo aggaasintay Waaxda Caafimaadka ee Dowalada Hoose Xamar ayaa intiisa badan ah mid islaxisaabtan ah oo ay hey’addaha Caafimaadka kusoo gudbiyaan adeegya ay bixiyaan tayadooda iyo sida ay bulshada ugu qidmeeyaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ana Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shirkan furay ayaa kula dardaarmay wakiillada ka socday hey’addaha Caafimaadka iyo madaxda waaxda caafimaadka Dowladda hoose ee Xamar in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan bixinta adeegyo caafimaad oo taya leh, islamarkaana loo dhimriyo dadweynaha Soomaaliyeed.

Shirweynaha Qaran ee wada shaqeynta Xeer ilaalinta iyo Booliska Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee wada shaqeynta Xeer ilaalinta iyo Booliska Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay Muqdisho, kaas oo socon doona labada maalmood 26-27- 2023.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Dr. Maxamed Axmed Sheikh Cali (Doodishe) oo shirka furay ayaa sheegay in kulankan loogu doodi doono wada shaqaynta Booliska iyo xeer ilaalinta, gaar ahaan barista dambiyada iyo oogista dacwadaha, isagoo xusay in sanadkii ugu dambeeyay ay aad usoo hagaagayaan wadashaqaynta ka dhexeysa laamahan.

Mudane, Doodishe ayaa sidoo kale sheegay in shirkan looga doodayo dib u eegis lagu sameeyay xeerka ciqaabta guud iyo kor u qaadista cadaaladda, si uu ula jaan qaado is-beddelada ka dhacaya caalamka oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Mahdi Cumar muumin ayaa sheegay in ay tahay muhiim wax ka badalka xeerka habka ciqaabta Soomaaliyeed si uusan dambiiluhu ugu dhex faa’iideysan booliska, xeer ilaalinta iyo garsoorka dhexdooda.

“Booliska Iyo Xeer Ilaalinta Kiisas waaweyn oo meel wanaagsan ku dhammaaday ayey iska kaashadeen, haddana weli shaqada ayaa socota”.

Taliyaha ayaa sheegay in wax ka beddelka xeerka ciqaabta aad loogu baahan yahay maaddaama ay bulshadu badatay, wadciguna is-beddelay, taas oo sababtay in ay soo baxaan dhaqanno fool xun oo aynaan hiddo u lahayn, anshaxa iyo diintuna aan ku habboonayn.

 

Taliyaha ciidan Booliska Soomaaliya oo Belgrade kula kulmay saraakiisha ammaanka ee dalka Serbiya

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen, Sulub Axmed Firin ayaa magaalada Belgrade kula kulmay madaxda ugu sarreysa dalka Serbia, iyagoo ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada, musuq maasuqa, dambiyada ka dhaca xudduudaha iyo dambi barista.

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Booliska Bratislav Gašić, Taliye ku xigeenka Booliska Serbia General, Miomir Pajić, Taliyaha Arrimaha dibedda iyo Taliyaha Booliska caalamiga Col. Miloš Andjić, taas oo ah tallaabo kale oo loo qaaday xiriirka dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Serbia.

Wada shaqeyntan ayaa qeyb ka ah 44 askari oo ka tirsan booliiska Soomaaliya oo a dhawaan tababar ku qaadan doona dalka Serbia.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Seerbiya ay tababar siiso ciidamada ammaanka Soomaaliya, iaydoo horay loogu soo tababaray ciidamada ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khudbad ka jeediyay kulanka iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane , Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay dowladdiisu ka go’an tahay wax ka qabashada dhibaatada cunto yarida ka jirta Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ka qeyb-galay a kulanka Iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Geeska Afrika ee ka socda Magaalada Rome ayaa intaa ku daray in ay lama huraan tahay in ay sameeyaan hannaan cunno oo adkaysi leh, kaas oo jiri doono muddo fog, si loo gaaro ajendaha mustaqbalka ee 2030-ka.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya si la mid ah waddamada kale ee Saxaraha ka hooseeya ay ka jiraan dhibaatooyin ku aaddan is-beddelka cimillada oo ay ka mid yihiin abaaro iyo fatahaado, musiibooyinkaas oo sababa xasillooni darrada, barakaca iyo tahriibka, taas oo kaga sii daraysa xaaladaha nafaqa darro iyo cunto yarida.

“Mustaqbalka Ummadeenna qatar ayuu ku jiraa haddii aynaan isku keenin aragtiyo maan gal ah, isla markaana aynaan qaadin nidaam cunta oo waara, waa inaan mudnaanta siinnaa tallaabooyinka lagu horumarinayo wax soo saarka gudaha oo aan yaraynaa qasaaraha”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sanaddii 2021-kii ay Soomaaliya qeexday toddoba hannaan Qaran oo dhidabbada loogu aasayo ajendaha is beddelka ee ku wajahan hannaan cunto oo loo dhan yahay adkeysina leh, isla maraana waara.

Madaxweyne Xasan Sheekh, “Waa in aan qaadnaa tallaabooyin aan gargaarka Beni-aadannimo ugu baddalayno taageero lagu hormarinayo kaabayaasha dhaqaalaha.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in helidda kheyraadka biyaha oo kooban awgeed ay caqabad ku tahay wax soo saarka beeraha Soomaaliya, wuxuuna maal gashadayaasha u soo jeediyay in ay diiradda saaraan ka faa’iideysiga biyaha, iyada oo loo marayo kaabayaasha waraabka, ka hortagga fatahaadaha, helidda agabka casriga ah ee cimillada iyo tiknolojiyadda si loo kordhiyo wax soo saarka dalka.

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay shirka Qaramada Midoobey ee la dagaallanka cunto-yarida iyo ka hortagga macluusha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirto dalalka ay curyaamiyeen abaaraha soo noqnoqday.

2-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane ,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay kulanka Iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Geeska Afrika oo ay marti-gelisay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo, Giorgia Meloni.

3-Ku-Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa cambaareeyay weerarkii fulaynimada ahaa ee ka dhacay Xarunta Tababarka Ciidanka ee Jaalle Siyaad, waxaana uu saraakiisha ciidanka faray in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo.

4-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa dalka Tanzania kaga qeybgelaya shir madaxeed looga hadlayo horumarinta karaanka bulshada.

5-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qaybgalaya Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha, ayaa kulan doceed la yeeshay Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Adduunka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika.

6-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan casho sharaf iyo xog-wareysi isugu jira hoygiisa kula yeeshay xildhibaannada labada aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magaalada Daressalam kulan kula yeeshay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Tanzania.

8-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeeray isbitaalada ay ku jiraan askartii ku dhaawacantey weerarkii Khawaarijta ay ku qaadeen mid ka mid ah xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

9-Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo sheegay in horumar ballaaran laga sameeyay, lana xaliyay khilaafaadkii ka taagnaa Gobolka Gedo.

10-Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lagu gorfeeyay amniga guud ee dalka iyo dib u habeynta hannaanka maamulka dowladnimada casriga ah.

11-Guddiyada kala duwan ee Baarlamanka Federaalka oo wada xog wareysi ay la yeelanayaan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka.

12-Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa sheegay in dib looga soo celiyey lacagihii ay qaateen shirkadaha fulin waayay adeegga gaadiidka xajka.

13-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar kulan kula qaatay taliyaha militariga dalkaas General Saalim bin Xamad bin Maxamed Al-naab.

14-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Xildhibaan Biixi Iimaan ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka warbixin ka siiyay sharciga Hanti Dhowraha Guud,oo horyaal Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka.

15-Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa sheegay in uusan jirin wax xariir diblamaasiyadeed ah oo ka dhaxeeya  Soomaaliya iyo Iiraan.

16-Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa daahfuray dhaqan-gelinta heshiiska hubinta shixnadaha dalka yimaada.

17-Wasiirka Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) oo boqasho ku jooga Djibouti ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Djibouti Mudane Ilyas M. Dawaleh iyo Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD.

18-Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa tababar u furay 30 Saxafi oo ka kala socday wakiilada warbaahinta qaranka ee gobollada dalka iyo Gobolka Banaadir.

19-Wasiirka Dhallinyarada Soomaaliya Maxamed Barre ayaa hortagey Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Aqalka Sare Baarlamanka Soomaaliya.

20-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa aaladda fogaan-aragga kulan muhiim ah kula yeeshay Dr. Mahmoud Mohieldin, oo ah Agaasimaha Sare ee IMF u qaabilsan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

21-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xarigga ka jaray  suuq cusub oo laga hirgeliyay magaalada Dhuusamareeb.

22-Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka oo cambaareeyay ka weerarkii argagixisonimo ee Khawaarijtu ka geysatey xerada Ciidamada Xoogga Dalka ee magaalada Muqdisho.

23-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa xarunta Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si wadajir ah ugu daah furay Shirweynaha Wadatashiga iyo Wadashaqeynta Booliska iyo Bulshada.

24-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa wadda dhageysiga dacwad musus-qmaasuq oo loo heysto saraakiil ka kala tirsan Wasaaradaha Maaliyadda, Shaqada, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Xafiiska Xisaabiyaha Guud  iyo Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

25-Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad loo heysto 36 ajaaniib ah.

26-Taliyaha Ciidanka Boliiska oo furay shirka saraakiisha booliska heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

27-Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa hawgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Soomaaliya waxa ay hawlgal cirka iyo dhulka ah oo ka dhacay Galcad oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ku dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.

28-Ciidanka Xoogga oo deegaanka Jameeco ee gobolka Baay ku dilay 15 Khawaarij ah.

29-Ciidanka Xoogga oo burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayeen degaanno hoos yimaada degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

30-Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgalo ay ka fuliyeen Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ku dilay 25 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.

31-Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay Degmada Qoryoolay ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo halkaa ku dilay laba xubnood oo sare oo Khawaarijta Al Shabab ka tirsanaa.

32-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo kaashanaysa Wasaaradda Warfaafinta Galmudug ayaa tababar ku saabsan kor u qaadista doorka gabdhaha ee maamulka hay’adaha warbaahinta ku qabatay magaalada Dhuusamareeb.

33-Agaasimaha Guud ee ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed (HSJ) Mudane Axmed Siciiid Maxamed ayaa kormeer shaqo oo uu ugu kuurgalayay habsami u socoshada howlaha iyo adeegyada bixinta Baasaboorka ku tagay Xarumaha ay hay’addu ku leedahay degmooyinka Hodan iyo Cabdicasiis ee Muqdisho.

34-Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabbilsan arrimaha Somaliland Mudane, Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa kulamo wadatashi ah la qaatay qaar ka mid ah ururrada bulshada rayidka iyo odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Mareykanka oo markale Ukraine u balan qaaday gargaar militari

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in Ukraine uu siinayo doono gargaar milateri oo ku kacaya Adduun  lacageed oo gaaraya 400 milyan oo dollar, si loogu dhiiri galiyo duullaanka Ruushka.

Gargaarkan ayaa isugu jira Rasaasta difaaca hawada ee loo yaqaanno Patriot, Gantaallada HIMARS, qeyb ka mid ah madaafiicda culus, baabuurta gaashaaman iyo qalab kale oo militari, sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Anthony Blinken, ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyay in gargaarkan uu yahay mid loogu talagalay in lagu caawiyo Ukraine, si ay ugu kaashato dagaalka ay kula jirto Ruushka, isaga oo sidookale cambaareeyay duqeymaha uu Ruushka ku bartilmaameedsanaayo xarumaha istiraatiijiga ah sida dekeddaha.

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo cambaareeyay qaraxii ka dhacay kulliyadda Jaalle Siyaad

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane , Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay qaraxii ay Khawaarijtu dhowaan ka geysatay kulliyadda Jaalle Siyaad oo uu tababar ugu socday dhallinyaro loo diyaarinayay ka mid noqoshada Ciidanka XDS.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania kaga qayb galaya shir madaxeedka horumarinta karaanka Aadanaha ee Afrika ayaa si weyn u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, xilli uu kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Mudane, Xamsa ayaa falkaasi ku tilmaamay mid fulaynimo ah, wuxuuna tacsi u diray ehelada askartii ku geeriyootay qaraxa naftii hallignimo ee ka dhacay kulliyadda Jaalle Siyaad, wuxuuna Alle uga baryay in uu samir iyo iimaan ka siiyo dadkii ay ka baxeen , Jannadana ka waraabiyo, intaa dhaawacana bogsiiyo.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ammaan u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Tanzania, wuxuuna sheegay in ay yihiin bulsho door wanaagsan ka qaadan karto dib u dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay dedaalladii ay xukuumaddu u martay samata bixinta dadkii ay saamaynta ku yeelatay abaarta, sidii ay ula wadaageen beesha caalamka, sugidda amniga, la dagaallanka argagixisada iyo kaalintii ay shacabku ka qaateen.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dedaalka ay dowladdu ugu jirto in ay kaga kaaftoonto deeqaha kaalmada ah ee Caalamku siiyo Soomaaliya iyo ku tiirsanaanta la dagaallanka khawaarijta, isagoo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzaniyana ku boorriyay in ay kaalintooda ka qaataan dib u dhiska dalka iyo isku tashiga ay hormuudka u yahay XFS.