Waxaa maanta Magaalada Nairobi ka furmay shirka hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya iyo hey’adda Lacagta Adduunka/Bangiga Adduunka.
Sacuudi Carabiya iyo Iran oo dib usoo celiyey xiriirka diblomaasi
Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey in dib loo soo celiyo xiriirkii go’ay 2016-kii, islamarkaana dib loo furo safaaradaha labada dal, waxaa sidaas maanta shaaciyey warbaahinta labada dal
Wasiirka Awqaafta dalka Masar oo tababar u furay wafuud ka kala socotay Warbaahinta Dalalka Islaamka oo ay Soomaaliya ku jirto
Wasiirka Awqaafta dalka Masar ayaa tababar u furay wafuud ka kala socotay Warbaahinta Dalalka Islaamka oo ay Soomaaliya ku jirto.
[DAAWO] Guddoomiyaha BFS oo guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah ee golaha oo looga hadlay nidaaminta hindise sharciyeedyada golaha
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa shir guddoomiyay kulanka 19-aad ee Guddiga Joogta ah ee Golaha Shacabka BJFS oo maanta ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa.
𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝘀𝗵𝗲𝗲𝗴𝗮𝘆 𝗶𝗻 𝗫𝘂𝗸𝘂𝘂𝗺𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶𝘀𝘂 𝗮𝘆 𝘅𝗼𝗼𝗴𝗴𝗮 𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆𝘀𝗼 𝗵𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗮𝗱𝗲𝗲𝗴𝗴𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗗𝗮𝗹𝗸𝗮
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta kormeer ku tegay Wasaaradda Caafimaadka si uu u kuur galo habsami u socodka howlaha ay qaranka ugu igman tahay iyo qorsheyaasha horutabinta u leh, taasi oo ay saldhig u tahay isla xisaabtan iyo in bulshada loogu adeego si hufnaan leh .
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo soo xiray Shirka Taliyayaasha Boliiska ee kismaayo ka socday
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa maanta Soo Xerey Shirka Taliyayaasha Boliiska Heerarkiisa, Wasaaradda Amniga Guddaha iyo Wasaaradaha Amniga Dowlad Goboleedyada oo shalay ka furmay Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qaadaysa talaabooyin qeyb ka ah fulinta go’aannada NAMLC
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa Shirkadaha Isgaarsiinta u gudbisay liiska go’aannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC) ee soo baxay 14-kii Febraayo 2023, kuwaas oo qaar ka mid ah ay khuseeyeen Shirkadaha Isgaarsiina dalka, lagana doonayo in ay si degdeg ah u fuliyaan.
Diyaaradda Fly Dubai ayaa maanta si rasmi ah u bilowday Duulimaad toos ah oo Dubai Muqdisho ah
Duulimaadyada Fly Dubai ayaa la ballaarin doonaa 1-da bisha June ee sanadkaan waxaana ay duulimaadyo ku tagi doontaa Magaalooyinka Muqdisho, Hargeisa, Alexandria, Asmara, Dar es Salaam, Djibouti, Entebbe, Khartoum, Jubba, Asmara iyo Addis ababa.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka oo maanta Muqdisho kula kulmay wafdi sare oo ka socday hey’adda hormarinta Sweden
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka oo maanta la kulmay Wafdi sare oo ka socday Hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Sweden, Swedish international Development Agency oo loo soo gaabiyo SIDA horana dhismaha casriga ah ee xarunta Qaran ee gurmadka deg-deg ah ka saaciday dhismaheeda dowladda Soomaaliya.
Gudoomiye sheekh Aadan oo shir gudoomiyey kalfadhiga labaad kulankiisa 27-aad ee golaha shacabka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 27-aad oo ajandihiisu ahaa:
1-Akhrinta 3-aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada.
2-Akhrinta 3-aad iyo u codeynta Hindisa Sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Deegaanka.
3-Akhrinta 3-aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta.
4-Qeybinta warbixinta iyo akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeeysiga Soomaaliyeed.
Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS ayaa si qota-dheer uga dooday Hindisa Sharciyeedka La-dagaallanka Argagixisada, iyadoo xildhibaannadu ay sheegeen in wax badan laga badalay qodobo u baahnaa in faafreeb lagu sameeyo si loo kala saaro cida ah argagaxiso. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xildhibaannadda u soo jeediyay in la ansixiyo Sharciga La-dagaallanka Argagaxisada, waxaa na u codeysay 133, waxaa ka aamustay 7 xildhibaan waxaa diiday 3 xildhibaan, waxaana soo xaadiray 143 Mudane.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xil. Maxamed Cali Xagaa ayaa ka mahadceliyay ansixinta Hindise Sharciyeedka La-dagaallanka Argagixisada, waxaana uu wasiirku sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo Baarlamaanka 11-aad meel mariyeen sharci muhiim u ah ka hortaga iyo dabar goynta argagaxisada.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Baarlamaanka 11aad uu ku aamananyahay Ansixinta sharcigan la dagaallanka argagaxisada maadama marar badan la horkeenay baarlamaanadii ka horeeyay Baarlamaanka 11aad.
Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Deegaanka, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS ayay xildhibaannadu ansixiyeen waxaana u codeysay 143 xildhibaan wax diiday iyo wax ka aamusay ma jiraan, sidaasi darteed Guddoomiyaha waxaa uu sheegay inuu ansax yahay.
Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda XFS oo maray akhrintiisa sadexaad ayaa xildhibaannadda Golaha Shacabka waxa ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen 143 xildhibaan wax diiday iyo wax ka aamusay ma jiraan.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif, ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS uga mahadceliyay sida ay u meel mariyeen hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta Qaranka iyo Muwaadinka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ugu dambeyn soo xiray kulanka maanta ayaa sheegay in la qeybiyo isla-markaana la keeno warbixinta iyo Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeeysiga Soomaaliya, isagoo xusay in Baarlamaanka 11-aad uu ansixiyay shuruuc badan oo muhiim u ah dalka.

