Taliye ku-xigeenka Ciidanka Lugta oo shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha Khawaarijtu joogto

Date:

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Lugta xoogga dalka General Cabduaahi Aadan Xuseen (Cirro ) ayaa Shacabka ay afduubka u haystaan Al-shabaab ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha Khawaarijtu joogto si aan dhibaato u gaarin, maaddaama Dowladda Federaalka oo kaashaneysa dadka deegaanka ay dagaal  kula jirto kooxdu oo hadda gabalkooda sii dhacayo.

Sidoo kale, Generaal Cirro ayaa shacabka uga digay in ay wax ku darsadaan kana ag-dhawaadaan Khawaarijta. Dowladda Federaalka ayaa dooneyso in ay qaaddo tallaabadii ugu dambeysay oo lagu ciribtirayo argagixisada dhiigyo cabka ah.

” Waxaan leenahay shacabka ay afduubka u hasytaan nimankaan Khawaarijta ah, waxaan idin kaga digeynaa ka dheeraada, wax hakim darsanina Ilaahey bey ka dheeraadeen, Dowladnimadii bey diideen, islaam-nimadii bey diideen, ciidamada guud ayaan waxay diyaar u yihiin in ay la dagaallamaan,” ayuu yiri Generaal Cirro.

Dhanka kale, Taliye ku-xigeenka ciidamada Lugta Xoogga Dalka Generaal Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay qaadi doonaan howlgal cir iyo dhul ah oo lagu soo afjarayo jiritaanka iyo gumeysiga ay ummadda Soomaaliyeed ku hayeen Khawaarijta Al-shabaab, kuwaas oo muddo 15-sanno ka badan shacabka Soomaaliyeed gumaadayay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hormuud ah oo howlgalkan guuleystay ayaa ballan qaaday in mardhow la arki doono Soomaaliya oo xor ka ah Khawaarijta, waddooyinka Dalka oo isku furan iyo shacabka oo si nabad ah isku dhex mushaaxaya (Alle idimkii).

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...