Horjooge baxsad ahaa oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Baydhabo

Date:

Ciidanka amaanka ee ka howgallo dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay dhagar qabe Cumar Maxamed Ismaaciil oo ka tirsanaa khawaarijta, kaas oo damacsanaa si dhuumaalaysi ah in uu uga baxo garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo.

Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ka hor ku biiristiisa khawaarijta uu ku sugnaa muqdisho, ahaana macalin dadka wax kubaro Alaadaha fogaan aragga ee (Online Internet).

Horjooge Cumar ayaa sida uu sheegay tababar ku soo qaatay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe, isagaa iyo in ku dhaw laba Boqol oo ahaa maleeshiyaadka ay khawaarijtu marin habaabiyeen, isagoo dowladda ka codsaday in la cafiyo.

Laamaha Amiga dowladda ayaa baaris ku bilaabay horjoogahan argagixisada ka soo tagay sida uu sheegtay, iyadoon taas xaqiijinteeda laga sugaya hay’adaha ku shaqada leh.

Horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab oo baxsad ka ah howgallada xoogan ee ka socda dalka ayaa qaarna isku soo dhiibayaan dowladda,halka qaar kale ay ku dhuumanayaan goobo ay is leeyihiin armaad kaga baxsan kartaan weerarada dhulka iyo cirrka ee Xoogga Dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...