Home Blog Page 407

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaarey  magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug, iyadoo degaannadaasi ay ka socdaan bilowga dhameystirka wejiga 1aad ee hawlgalada milateri ee lagu ciribtirayo Khawaarijta Al Shabab.

2-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagaga arrinsanayey dhammeystirka qorshaha xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta Al Shabaab.

3-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay wafdi ka socday Boqortooyada Sacuudiga, kuwaas oo soo gaarsiiyay dhambaal ay ka sideen Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis.

4-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka Galmudug, kalana hadlay sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dagaalka lagaga xoreynayo Khawaarijta Al Shabaab deegaannada ay kaga harsan yihiin Galmudug.

5-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka oo ay baahi weyn u qabeen bulshada Soomaaliyeed.

6-Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis, waxaana kulankooda ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

7-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay La Taliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa oo soo gaaray dalka.

8-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabad ay wasaaradda Waxbarashada ku soo bandhigaysay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee sannad dugsiyeedka 2022/2023.

9- Golaha Wasiirrada oo si aqlabiyad ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedka Shaqada Soomaaliya.

10-Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay falkii wuxuushnimada ahaa oo rag hubeysan ay ku laayeen carruur ku nooleyd Galguduud.

11-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibadoodooda caalamiga ayaa hawlgal lagu dilay 45 Khawaarita Al Shabab ah oo horjoogeyaal ay ku jiraan ka fuliyay degaanka Qoob Yaxaaas oo ku dhow Degmada Buule-Burde ee gobolka Hiiraan.

12-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbadooda caalamiga ayaa degaanka Mukayle ee Degmada Buula Burte ee Hiiraan ku burburiyay 4 gaadiid oo qaraxyo ay ku diyaariyeen Khawaarijta, halkaasina lagu laayay dhammaan kooxihii falkaasi faraha kula jiray.

13-Wasaaradda Amniga Qaranka oo Muqdisho ku qabatey kulan wacyigelin ah oo ku saabsan dagaalka dalka looga ciribtirayo argagixisada Khawaarijta Al Shabab.

14-Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo saxaafadda la hadley ayaa sheegay in Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay gacanta ku soo dhigtay 10 sarkaal oo basaasiin u ahaa Khawaarijta,kuwaas oo ku dhex jiray hay’adaha amniga.

15-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Qaranka ee Danab oo muddo tababar ku qaadanayay Dugsiga Ciidamada ee Balli-doogle.

16-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ku baaqay in laga waantoobo garab istaagga Khawaarijta iyo dacaayadahooda.

17- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose Xamar ayaa ka hadlay dhacdooyin dhulka la xariira oo maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa caasimadda.

18-Hanti-Dhowraha Guud ee qaranka Mudane, Axmed Ciise Guutaale ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho, uga hadlay warbixin sanadeedka hantidhawrka ee baarista hay’adaha dowladda.

19- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS oo kulan la qaatay Danjiraha  China u fadhiya Soomaaliya oo ay ka wadahadleen iskaashiga labada dal.

20-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle oo la kulmay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Somalia Fea Shengchao oo ay ka wadahadleen arrimaha gargaarka iyo ka hortagga masiibooyinka.

21-Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Dowlad Goboleedka Jubbaland oo tababar ku saabsan doorka gabdhaha ee maamulka hay’adaha warbaahinta Kismaayo ugu qabatay 30 gabdhood oo saxafiyiin ah.

22-Wasaaradaha Qorshaynta iyo Waxbarashada oo ka wada shaqaynaya horumarinta qorshaha waxbarasho ee dalka

23-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kulan kula qaatay Danjiraha Jaamacadda Carabta ee Arrimaha Soomaaliya Saalax Axmed Junaydi .

24-Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa wali wadda dhageysiga dacwad loo heysto saraakiil ka tirsan hay’adaha dowladda oo ku eedaysan musuq maasuq.

25-Maamulka Degmada Ceel Buur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay inay u diyaarsan yihiin xoraynta degmadaas oo Khawaarijtu muddo haysatay.

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorshaysan ku dilay 25 ka tirsan Khawaarijta

Howlgal qorsheysan oo ay ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibbada Caalamiga ah ka fuliyeen Gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay 25 dhagarqabe oo uu ku jiro horjooge magaciisa lagu sheegay Ibraahim Dheere oo katirsanaa qaybta gaadiidka ee argagixisada, sida uu SONNA u xaqiijiyay sargaal ka tirsan hay’adaha Amniga.

Hawlgalkan Qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Mukayle oo ka tirsan Degmada Buulo burte ayaa 8-dii bishan lala beegsaday duqayn Garaash wayn oo Khawaarijta ay dhigan jirtay gaadiidka dagaalka, gaadiidka ay ku qaataan malleeshiyaadka,kuwa ay ku adeegtaan iyo baabuur ay u isticmaalaan qarxyada.

Ciidanka Qaranka ayaa halkaas ku burburiyey afar Gaari oo Khawaarijtu ku rakibeen Qaraxyo si ay ugu waxyeelleeyaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaa kaloo howlgalkaasi lagu burburiyay 16 gaari oo isugu jiray gaadiidka la saaro qoryaha waaweyn sida suugga, Cabdi bilaha (Land Cruiser Pickup) iyo gawaarida loo yaqaano hoomayga (Homy Bus).

Sargaalka ka tirsan hay’adaha Amaanka ayaa innoo sheegay in xarunta ay ciidanku howlgalka ka fuliyeen ay ahayd halka ay isugu yimaadaan gaadiidka gaarka ah iyo midka dagaalka oo ay adeegsadaan khawaarijta ku dhuumaalaysanaysa goballada Hiiraan,Galgaduud, iyo Shabeellaha dhexe.

Howlgalkan waxa uu ka mid yahay howlgalada ay Ciidamada Qaranku ku burburinayaan Saldhigyada Khawaarijta, Malleeyshiyaadkooda iyo xarumaha ay ku diyaariyaan dhagarta Shacabka si loo cuuryaamiyo awooddooda.

 

Xubin ka tirsanaa khawaarijta oo isu soo dhiibay ciidanka xoogga dalka

Maxamed Coloow Maxamed oo magaciisu afagarashadu yahay Mascuud ayaa goordhow isku soo dhiibay guutada Khaalid binu waliid ee Ciidanka xoogga dalka.

Maxamed waxaa uu ka mid ahaa Khawaarijta ku dhuumaalaysanaysa deeganada miyiga ah ee gobolada Galgaduud.

Waxaa isa soo taraya xubnaha horay ugu tirsanaa khawaarijta ee isu soo dhiibaya Ciidanka xoogga dalka, ka dib markii uu soo food saaray culeys iyo guluf lagu cirib tirayo argagixisada.

 

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo afjarayo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Madaxweyne ku xigeenka dowlad-goboleedka Galmudug mudane, Cali Daahir Ciid ayaa xalay ka qayb galay Kulan dadweyne oo shacabka magaalada Dhuusamareeb ay ku weydiiyeen su’aalo ku saabsan dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Mudane, Ciid ayaa sheegay in DFS iyo Galmudug ay isla garteen in la sameeyo howlgal ka baaxad weyn kii hore, hadafkooduna uu yahay in argagixisada laga sifeeyo, si gaar ah degmooyinka Gal-hareeri, Ceel- buur, Bacaad weyn, Shabeelloow, Caad iyo Camaara.

Cali Daahir Ciid, Maxaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in hadafkooda koobaad, labaad iyo Saddexaadba uu yahay amniga, nabad gelyao la’aanna uusan jirin wax horumar ah, isagoo dul istaagay in dagaalka khawaarijta dalka ay iyagu hormuud u yihiin, dhul baaxad leh oo ay ka mid tahay Caasimaddana ay ka xoreeyeen argagixisada iyagoo kaashanaya dadka deegaanka.

Mudane, Ciid ayaa sheegay in ay socdaan dedaallo ay beeluhu ku garab istaagayaan Ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug, iyagoo soo bandhigaya malleeshiyaad ka qayb qaata cirib tirka khawaarijta, isagoo xusay in degaannadii la xoreeyayna ay ka hirgeliyeen laamahii namniga iyo adeegyadii bulshada, si ay dib ugu soo laabato noloshii caadiga ahayd ee bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad-goboleedka Galmudug mudane, Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in Khawaarijtu ay isaga baxeen deegaanno badan markii ay maqleen howlgalka xooggan ee iyaga kusoo wajahan, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Qaranka , isagoo intaa raaciyay inuusan wax badan ku qaadan doonin soo afjaridda nabad-diidka.

 

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka oo Shahaado Sharaf Guddoonsiisay Agaasimaha Hay’ada (ICAO)

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Fardowso Cusmaan Cigaal ayaa shahaado sharaf guddoonsiisay Agaasimaha Hay’ada (ICAO) , Jorge Vargas.

Wasiirka ayaa ku tilmaantay Guul Soomaaliya u soo hoyatay howsha Agaasimaha horumarinta Hay’adda Duulista Adduunka ee ICAO, isaga oo boggaadiyay dedaallada wax ku-oolka ah ee Duulista Rayidka.

Hay’adda Duulista Rayidka oo dhammeystirtay sharciyada caalamiga ah iyo shuruucda kale maamulka Duulista Rayidka,taas oo ka dhigan guul weyn oo u soo hoyatay xiriirka iskaashi ee u dhaxeeya ICAO iyo Soomaaliya, sida uu sheegay Agaasimaha Horumarinta iyo Hirgelinta ee Hay’adda Duulista Adduunka ee ICAO , Jorge Vargas.

Toddobaadkii hore , Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka , Axmed Macallin Xasan iyo xubno kale oo ka socda HDR, ayaa socdaal shaqo ku tagay caasimadda Dalka Georgia ee Tblisi , halkaas oo kulan saddex-geesood ah ay kula yeesheen ICAO Iyo IOS Parner, kaaso lagu soo gabagabeeyay mashruuca guddiga hagidda SOM18801, iyadoo lagu boggaadiyay  kulanka intaa uu socday iskaashiga ICAO iyo in si- guul ah sare loogu qaaday hawada Soomaaliya,casriyaynta maamulka hawada, iyo nidaamka ilaalinta badbaadada oo wax ku ool ah.

“Tan iyo markii la asaasay heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee Dawladda  Soomaaliya iyo ICAO sanadkii 2013-kii, ICAO waxa ay ku hawlaneyd mashaariic horumarineed oo lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo nidaamka duulista rayidka ah ee Soomaaliya.” ayuu yiri Jorge Vargas oo intaa ku daray “ICAO waxay uga mahadcelinaysaa Soomaaliya dadaalkeeda, waxayna rajaynaysaa ka qayb qaadashada howlaha mustaqbalka si kor loogu qaado nidaamka Duulista.”

Gabagabada, kulankaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa shahaado sharaf ku guddoonsiisay maareeyaha Xafiiska Horumarinta iyo Hirgelinta ICAO, Mudane , Jorge Vargas.

Koox hubeysan oo dad ku laayay bariga Burkina Faso

laamaha ammaanka dalka Burkina Faso, ayaa sheegay in 20 qof lagu dilay weerar ay Rag hubeysan ka geysteen meel u dhow magaalada Beto ee dhacda xuduudka dalkani uu la wadaago waddanka Togo.

Ilo dhanka ammaanka ayaa xaqiijiyay in weerarkan oo dhacay galinkii danbe ee shalay ay ku dhinteen 20 qof, oo u badan Ganacsato, halka tobaneeyo kalana ay ku dhaawacmeen.

In ka badan 5,000 oo qof oo isugu jira Rayid iyo Askar, ayaa lagu dilay weeraro ay geysteen kooxahan hubeysan, sida lagu sheegay tirakoob ay sameyeen hay’ad aan dowli ahayn oo ka howl-galo gudaha Burkina Faso.

Weerarradan ayaa sidoo kale barakiciyey in ka badan laba milyan oo qof, taasi oo lagu tilmaamay mid kamid ah dhibaatooyinka barakaca ee ugu xun Afrika.

 

Mareykanka: Tani waa habka ugu wanaagsan ee lagu xallin karo dhibaatada Niger

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka, Anthony Blinken, ayaa ku dhawaaqay in dublamaasiyadu ay tahay sida ugu wanaagsan ee lagu xallin karo qalalaasaha ka dhashay afgambigii ka dhacay dalka Niger.

Anthony Blinken, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, ayaa Wareysi uu siiyey Radio France International, ku sheegay in Diplomaasiyadu ay tahay sida ugu wanaagsan ee lagu xallin karo qalalaasaha ka dhashay afgambigii ka dhacay dalka Niger.

 

“Waxaan taageeraynaa dadaallada hoggaamiyaasha ECOWAS, ee lagu soo celinayo nidaamka dastuuriga ah eeNiger ” ayuu yir Anthony Blinken.

Afgambiga ka dhacay Niger, ayaa noqonaya Afganbigii ugu danbeeyay ee dhaca Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Dalkan oo marin istiraatijiyadeed u ah ganacsiga Maraykanka, Yurub, Shiinaha iyo Ruushka, ayaa dhawaan dib u bilaabay duullimaadyadii Afrika, kadib waanwaan halkaas ka dhacay.

 

Soomaaliya iyo Maraykanka oo ka wada hadlay wejiga labaad ee la dagaallanka Khawaarijta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Siihayaha Safiirka ahna Safiir ku-xigeenka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Shane Dixon, oo ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo wajiga labaad ee howlgalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta, amniga, la dagaallanka Khawaariijta iyo arrimaha bani’aadamminimada.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda DanQaran dadaallada ku qotoma ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah iyo guud ahaan in dalka looga sifeeyo muddo gaaban maliishiyaadka dadka Soomaaliyeed ka hortaagan nabadda iyo horumarka.

Dhankiisa, Danjire Dixon ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya dardargelinta dagaalka ka dhanka Khawaarijta iyo qorshayaasha la xiriira barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya.

Duqa muqdisho oo digniin u jeediyay dadka ka macaasha gargaarka loogu tala galay barakacayaasha

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane , Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa shir guddoomiyay Shirka Madasha Xiriirinta Gargaarka ee Gobaalka Banaadir oo ay soo agaasintay waaxda Gargaarka  iyo Maareynta Musiibooyinka ee Maamulka Gobolka Benaadir.

Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa isla-xisaabtan la xariira in sharciga lala tiigsan doono hey’addaaha iyo shaqsiyaadka ka macaasha deeqaha gargaarka ah ee loogu talagalay in lagu taageero dadka barakacayaasha ah iyo kuwa danta yar ee ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir.

Aggaasimaha waaxda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Gobalka Banaadir, mudane, Muxudiin Maxamuud Cabdullaahi (Oogle) ayaa tilmaamay in waaxda ay diyaarisay nidaam daahfuran oo u baahan in la dhaqan geliyo islamarkaana fududeyn doono ka hortaga musuqa gargaarka la xariira.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa digniina adag u diray dalaaleyda iyo shaqsiyaadka ka macaasha deeqaaha gargaarka ah ee loogu tala galay dadka nugul iyo Barakacayaasha.