Wasiirka Caafimaadka XFS oo New York kaga qayb galay kulan looga hadlayay nafaqo-darrada Carruurtada

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam oo ka qeybgalaya kalfadhiga 78-aad ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya magaalada New York ayaa ka qeyb-galay kulan doceed heer sare ah oo looga hadlayay sare u qaadida badbaadada caruurta la il daran Nafaqo-Darada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarey sidii loola dagaallami lahaa nafaqo-xumada ba’an ee ka jirta dalal badan oo dhaca gobolka oo ay ka mid tahay Soomaaliya iyo jihaynta istiraatijiyad dhammaystiran muddada dhow ee xalka looga heli lahaa Nafaqo darada iyadoo barnaamijka lacag-gudbinta ee loogu magac daray ‘Baxnaano uu ka socdo Soomaaliya taas oo lagu taageerayo qoysaska nugul ee Caruurtoodu haleeshay Nafaqo darada.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaakka Soomaaliya ayaa shir-duceedka ka jeediyey warbixin uu ku faahfaahinayey caqabadaha maalgelinta xaddidaya iyo wadashaqeynta lala yeeshay la-hawlgalayaasha Qaramada Midoobay ee gargaarka cuntada, oo ay ku jiraan cuntooyinka daweynta u diyaarsan (RUTF), taas oo lagu guuleystay in laga hirgeliyo 37 degmo oo looga hortagayo macluusha.

Waxaa sidoo kale uu soo hadal qaadey Wasiirka Mustaqbalka fog, taageerada ganacsiyada yaryar, beeraha, iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ee lama huraanka u ah bulshooyinka ay saamaysay Macluusha taas oo sabab u noqon karta maalgelinta joogtada ahi in ay dhaafto awoodda dawladda, waxayna Soomaaliya mudnaan siisaa maalgelinta cimilada taas oo ay ugu wacan tahay saameynta degdega ah ee isbedelka cimilada.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaliya Waxaa ka go’an Horumarinta Caafimaadka guud ee dalka iyo sidii bulsho waynta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo tayo leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...