Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS oo furay Imtixaan loo gelayo garsoorka dalka

Date:

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta furay imtixaan garsooreyaal iyo xeer ilaaliyenimo oo loo qaadanayo maxkamadda gobolka iyo xafiiska xeer ilaaliyaha guud.

Tartameyaasha soo codsaday jagooyinkan oo gaadhayey 1500 oo qof, ayaa maanta waxa nasiib u yeeshay inay imtixaankan u fadhiistaan 487 qof, waxaana laga doonayaa inay ka soo baxaan 30 Garsoore oo ka hawlgeli doona Maxkamadaha gobalka Banaadir, iyo 30 Xeer Ilaaliye oo iyagu na ka hawlgeli doona Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Garsoorka iyo caddaaladda ay la mid yihiin jihaadka loogu jiro in dalka lagaga xorreeyo khawaarijta, dadka guuleystana ay kaalintooda ka qaadan doonaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ” Dadka ku soo baxa Imtixaankaan ee ku guuleysta waxaa ay ka qeyb noqon doonaan Jihaadka loogu jiro dib u soo celinta sharafka ummadda Soomaaliyeed ee Madaxweynaha Qaranku Tuutaha u xiran yahay”

Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in uu hadafkoodu yahay in ay Soomaaliya hesho garsoor hufan, madax bannaan, dhexdhexaad ah, bulshadana caddaalad ugu adeega, si taasi loo gaaro-na loo baahan yahay dadkii howshaasi gudan lahaa.

Wuxuu sheegay in ujeeddooyinkoodu ay ka mid tahay in dadka xirfadleyda sharcigu ay fursado siman ka helaan jagooyinka ka bannaanaada Garsoorka dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...