Home Blog Page 408

Wasiirka Warfaafinta XFS Daa’uud Aweys oo faahfaahin ka bixiyay Shirka ka furmaya magaaladda Baydhabo

-Shirka Madasha wada tashiga qaranka ayaa magaalada Baydhabo maanta ka fumaya waxaan shir guddoominaya madaxweynaha jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyadoo ay ka qayb galayaan  madaxweynayaasha dowladda goboleedayada Soomaaliya.

“Waxaa diirada lagu saaraya shir arrimaha amniga ,midaynta maaliyadda maamul goboleedayada iyo dhowladda dhexe ay ku wada shaynayaan,arrimaha doorashooyinka iyo sameynta nidaamayo doorasho oo dalku yeesh taas oo qayb ka ah kulamadda ay yeelanayaan madaxweynaha XFS iyo kuwa maamul goboleedayadda oo ajandah shirka qayb ka ah.

Sidoo kale,madaxweynaha jamhuuriyadda iyo madaxda heer dowlad goboleed ayaa ka arrinsanaya qorsheyaasha muhiimka u ah geeddi socodka dowladnimada iyo horumarka dalka,shirkan ayaa ah shirkii shanaad ee madashan oo gabagabada Shirka madasha wada tashiga qaran laga filaya in ay natiijo wanaagsan ka soo baxdo,” waxaa sida yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys oo la hadlay warbaahinta qaranka.

 

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaal ah nuuca riddada dheer ka hor wadahadallada Japan iyo Kuuriyada Koonfureed

Kuuriyada Waqooyi ayaa  tijaabisay mid ka mid ah  gantaalada riddada dheer ee isaga gudbah qaaradaha oo loo yaqaan  (ICBM) saacado ka hor inta aysan wada-hadallo taariikhi ah  yeelan hoggaamiyeyaasha Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

Gantaalkaan ayaa noqonay kii afraad ee ay Pyongyang  tijaabiso  toddobaad gudihiis,waxaana uu ku soo beegmayaa xilli Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay si wadajir ah u sameynayaan dhoolatus ciidan oo  dhanka badda ah.

Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed waxa ay dhoolatusyo ka wadeen gacanka Kuuriya – oo ah xulafada ugu weyn muddo shan sano ah,Kuuriyada Waqooyi ayaa marar badan sheegtay in ay dhoolatusyada noocaan ah ay  u aragto daandaansi.

Gantaalka ayaa subaxnimadii hore ee Khamiista laga soo tuuray  Pyongyang oo ku taal xeebta bari ee Kuuriyada Waqooyi, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha ciidamada ee Kuuriyada Koonfureed.

Wasaaradda difaaca ee Japan ayaa xaqiijisay in nooca ICBM uu yahay,waxayna sheegtay in laga soo tijaabiyay meel ka sarreysa 6,000 km isagoona ku dhacay meel ka baxsan Aagga dhaqaalaha gaarka ah ee dalka Japan,Saraakiisha  ciidamada Japan ma aysan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay gantaalka.

Mr Yoon ayaa amar ku bixiyay in ay sii wadaan militariga dalkiisa dhoolatuska wadajirka ah ee Mareykanka ay la sameynayaan  sida loo qorsheeyay,gantaalka Kuuriyada waqooyi ee loo yaqaan ICBM oo ay tijaabisay ayaa abuuray kulan degeg ah oo ay iskugu yimaadan dalalka ku bahoobay G7 iyo Qaramada Midoobay waxaan lagu cabaariyay  falka ay Pyongyang ku dhaqaaqday ee tijaabada gantaalka  ICBM loo yaqaan,labada dal ayaa sheegay in ay isugu yeeri doonaah golayaasha Amniga ka dib markii Pyongyang ay hawada u dirtay toddobaad gudihiis gantaalkii afaraad oo tijaabo ah.

Kuuriyada Woqooyi ayaa horumarin ka sameysay istaraatiijiyadeeda hubka Nukliyeerka iyadoo u Kim Jong-un, kormeeray qaybo badan oo ka mid ahaa dhowr barnaamij oo lagu hormarinayay madaxyada xanbaarah  hubka Nukliyeerka.

 

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo ka qayb gashay shir ka furmay Mareykanka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaaliya Xildhibaan Fardawso Cismaan Cigaal ayaa magaalada Washintong DC ee dalka Mareykanka kaga qeyb gashay shirweynaha horumarinta gaadiidka Adduunka, kaas oo ka dhacay xarunta Bankiga Adduunka.

Maanta waxaa jiray dood-wadaag ay ka mid ahayd Wasiir Fardawso, iyadoo soo bandhigay horumarka iyo caqabadaha haysta Gaadiidka Soomaaliya haysto, saameynta isbeddelka cimilada iyo Covid 19, kuwaas oo dib u dhac wayn ugastay hannaanka Gaadiidka Dalkeennu.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga,ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray Wasiir Dowlaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta

0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Aqalka Sare, oo gacanta ku haaya Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta, ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray Wasiir Dowlaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, Mudane Axmed Cismaan Diiriye si uu uga jawaabo su’aalo dheeraad ah oo ay uga baahdeen sharciga.

Senator Ibraahim Owgaab Cismaan Guddoomiyaha Guddiga oo kulanka shirguddoominayay iyo Senator Layla, ayaa Wasiir dowlaha hor dhigay faalooyin iyo su’aalo ka soo noqday sharciga howrista Xogta Akhrintiisii labaad oo ay qabeen Sanatarrada Aqalka Sare, isaga oo wasiirkuna ka jawaabay dhammaan su’aalihii la waydiiyay.

Xubnaha guddiga iyo wasiirka oo isla gartay waxyaabihii ay sharciga dhowrista guddigu ka qabeen, ayaa ku ballamay wada shaqeyn dheeraad ah oo dhex marta labada dhinac.

Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare, ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray Wasiirka Kalluumeysiga

0

Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare, ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Mudane Axmed Xasan iyo xubno kale oo la socday.

Kulanka oo ay shir guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Khayraad Qaranka Aqalka Sare, Senator Saynab Ismaaciil Maxamed, ayaa u jeedadiisu ahayd turxaan bixin iyo ka jawaabista su’aalo dheeraad ah oo xubnaha guddigu ay uga baahdeen Hindise Sharciyeedka Horumarinta Iyo Maareynta Kaluumaysiga dalka.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan sagootin ah la qaatey Madaxa UNDp Soomaaliya

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa magaalada Muqdisho kulan sagootin ah kula qaatey Madaxa Xafiiska Horumarinta Barnaamijyada ee Qaramada Midoobay (UNDP) Mr Jocelyn Mason.

Wasiirka ayaa Wakiilka UNDP uga mahadceliyay waxqabadkiisii la xiriira taageerada dowlad dhiska Soomaaliya intii uu xafiiska joogay. Wasiirka ayaa sidoo kale u sharaxay Wakiilka UNDP taageerada ay Soomaaliya ka fileyso hay’adda xilli ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya xoogga saareyso barnaamijyada xasilinta ee goobaha laga xorreeyay Khawaarijta Al Shabab.

Wakiilka UNDP ee Soomaaliya Mr. Mason ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan wadashaqeyntii kala dhexeysa hay’adaha kala duwan ee Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta intii uu dalka joogay, waxaana uu sheegay in hay’adda UNDP ay sii wadeyso taageeradeeda joogtada ah ee Soomaaliya.

Hay’adda UNDP ayaa ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku hawlan mashaariic kala duwan oo dhinaca horumarinta ku saabsan.

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmey Ku-Xigeenka Safiirka Britain ee Soomaaliya

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ku-Xigeenka Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Mr. Ed Barnett.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wadahadley xaaladaha amniga, siyaasadda, dib u heshiisiinta, adeegyada bulshada iyo dhinacyada kala duwan ee labada dal ay iska kaashan karaan.

Wasiirka ayaa Ku-Xigeenka Safiirka uga warbixiyay horumarka laga sameeyay hawlgalada milateri ee ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab, barnaamijyada xasilinta iyo dib u heshiisiinta, iyo shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka dhacaya magaalada Baydhabo.

Ku-Xigeenka Danjiraha Britain ee Soomaaliya Mr Ed Barnett ayaa sheegay in UK ay si buuxda u taageersan tahay barnaamijyada siyaasadda, amniga iyo xasilinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka go’an tahay inay arkaan Soomaaliya oo dib cagaheeda isu taagta.

Wasiirka Warfaafinta ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal. Wasiirka Warfaafinta ayaa Danjiraha uga warbixiyey horumarka dhinacyada siyaasadda, amniga iyo adeegyada bulshada ee ay ku tallaabsatey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Danjire Vecchi ayaa xusay in Soomaaliya iyo Talyaaniga uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer, isla markaana haatan ay dowladdiisa ka shaqeyneyso sidii ay dib uga bilaabi lahayd iskaashigii ballaarnaa ee labada dal ka dhexeyn jiray, isagoo sidoo kale soo dhoweeyay horumarka iyo dib u soo kabashada ay Soomaaliya sameyneyso.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa sidoo kale ka wadahadley xoojinta iskaashiga dhina warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee labada dal, iyadoo la filayo in barnaamijyo dhowr ah oo dhinacyadaasi la xiriira ay Soomaaliya iyo Talyaaniga dhowaan isla bilaabi doonaan.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo, oo uu kaga qayb galayo shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku soo dhaweeyay garoonka dayaaradaha Shaati Gaduud Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasare ku xigeenka Salax Axmed Jaamac iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee XFS.

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa u ambabaxay magaalada Baydhab

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Saalax Jaamac iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yusuf Xuseen Jimcaale ayaa u ambabaxay magaalada Baydhabo oo ay kaga qayb galayaan shirka Golaha Wadataashiga Qaranka.