Home Blog Page 408

Howgal Qorsheysan oo saaka lagu burburiyey xarun Khawaarijtu ku lahayd gobolka Hiiraan.

Hawlgal Qorshaysan ayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibadooda caalamiga ah saaka ka fuliyeen xarun Khawaarijtu ku leedahay deegaanka Mukayle oo ka tirsan Degmada Buulo burde ee Gobalka Hiiraan.
Hawlgalku waxaa uu beegsaday Garaash wayn oo Khawaarijta u ahaa goob ay ku diyaariyaan Qaraxyada.
Ciidanka Qaranka ayaa halkaas ku burburiyey afar Gaari oo Khawaarijtu ku rakibeen Qaraxyo si ay ugu waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed.
Goobtaas waxaa ku halaagsamay Maleeshiyaad fara badan oo ah kuwa sida gaarka ah ugu tababaran sameynta Qaraxyada.
Geesiyaasha Qaranku waxa ay ku jiraan qiimaynta qasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray Khawaarijta.
Howlgalkaan waxa uu ka mid yahay howlgalada ay Ciidamada Qaranku ku burburinayaan Saldhigyada Khawaarijta, Maleyshiyaadkooda iyo xarumaha ay ku diyaariyaan dhagarta Shacabka si loo cuuryaamiyo awooddooda.

Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland oo la kulmay Lataliyaha sare ee dimuqraadiyada iyo Xuquuqul Insaanka Maraykanka

0

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta la kulmay Mudane Hamse Warfa oo ah Lataliyaha sare ee dimuqraadiyada iyo Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Mareykanka, kaas oo ay ka wadahadleyn Xaalada Guud ee Dalka gaar ahaan Arrimaha Somaliland.

 

Ergayga ayaa uga Mahadcelinayay Mudane XAMZE iyo dhammaan Masuuliyiinta Soomaaliyeed ee xilalka ka haaya dunida inteeda kale, Sida wanaagsan oo ay dadkooda iyo dalkooda u garab taagan yihiin, Indhaha caalamkana ugu soojeediyaan Markasta, si Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu guuleystaan dhismaha Qaran weyn oo Aduunka wax la qeybsada.

 

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa.

Lataliye Warfaa oo Guddoomiyaha ugu yimid booqasho iyo salaan, ayaa sidoo kale iska xog waraystay xaaladda guud ee dalka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, wuxuuna Guddoomiyuhu ku bogaadiyay Warfaa dadaalkiisa uu ku gaaray shaqadaan lagu aaminay.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullahi Cali Xersi Timacadde, Sanatarro iyo Xoghayaha guud ee Aqalka Sare.

guddoomiye sheekh aadan madoobe oo xafiiskiisa ku qaabilay lataliye xamse warfaa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa.

Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan uga mahad-celiyey soo dhaweynta loogu sameeyay Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso colaadihii sokeeye ee soomaray ayna cagta saartay dhabihii horumarka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa la Lataliye Warfaa ku ammaanay doorkiisa firfircoonida leh uu ka qaatay inuu ka soo muuqdo Dowladda Mareykanka, waxaana uu kula dardaarmay in dalka kaalintooda horumarineed ka qaatan, si ay ula jaanqaadaan dadyowga kala duwan ee dunida ku nool.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha XFS oo kulan la qaatay danjiraha dowladda China ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda China ee Soomaaliya mudane FeiShengchao.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga kallumeysiga labada dal, dib u eegidda heshiisyada Kalluuumeysi ee horay ugu dhexeeyey wasaaradda iyo shirkadaha Kalluumeysi ee Shiinaha, la dagaallanka Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo in dowlada China ay Soomaaliya ka taageerto horumarinta Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.

Sidoo kale waxaa kulankan looga hadlay dib u cusbooneysiinta Is-afgaradka (MoU) ee u dhexeeya wasaaradda iyo Iskaashatada Kalluumeysi ee Shiinaha (COFA), kaas oo horseedaya in dowladda Shiinaha ay si dhow ula shaqeyso dowladda Federaalka iyo in ay kaalin wax ku’ool ah ka qaataan horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya.

Danjiraha Dowladda China ee Soomaaliya mudane Fei Shengchao oo wasiirka uga mahadceliyey soo dhaweynta iyo sida ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, danjiraha ayaa u sheegay dowladdiisu ay tageero dhinac walba ah la garab taagan tahay Soomaaliya sidoo kale shirkadaha Kalluumeysi ee dalkiisana ay diyaar u yihiin in ay sifo waafaqsan shuruucda iyo habraacyada dalka uga Kalluumeystaan biyaha Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa u sheegay danjiraha in Soomaaliya ay diyaar u tahay in soo dhaweyso dhammaan dhinacyada daneynaya in ka Kalluumeystaan badeedda isaga oo xusay in ay waajib ku tahay dhammaan niyacyadaas in ay ilaaliyaan shuruucda dalkeenna uga yaalla Kalluumeysiga iyo la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darrada ah.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa goordhow Safar Shaqo kuso gaaray Degmada Buur-Hakaba

Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa goordhow Safar Shaqo kuso gaaray Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay .

Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Degmada, Saraakiisha Amniga iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa Wafdiga Madaxweynaha kuso dhoweyey Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay.

 

Ciidanka Xoogga Dalka oo 45 katirsan khawaarijta ku dilay howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibadoodooda Caalamiga ah oo hawlgal Qorshaysan 5-tii bishan ka fuliyay deegaanka Qoob Yaxaaas oo qiyaastii 80 km dhanka galbeed kaga beegan degmada Buule-Burde ee gobolka Hiiraan ayaa halkaas ku dilay 45 dhagarqabe oo ay ku jiraan horjoogayaal.

Sargaal ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo nala hadlay ayaa sheegay in Hawlgalka lagu beegsaday xarun wayn oo Khawaarijtu ay ku lahayd deegaanka, isagoo intaas ku daray in xilliga uu hawlgalku dhacayay Goobta uu shir uga socday Koox Khawaarij ah oo ay ku jiraan horjoogayaal.

Xaruntaan ayaa lagu daweynayey in ka badan 110 ka mid ahaa maleeshiyaad iyo horjoogayaal ku dhaawacmay howlgallada ka socda gobollada Hiiraan, Shabeellaha dhexe, Galgaduud iyo Mudug, kuwaas oo jiifay ilaa 30 teendho oo si KMG ah loogu dabiibayay sida aan xogta ku helnay.

Horjoogayaasha halkaas ku sugnaa oo gaaraya ilaa.10 Khawaarij ah ayaa la sheegay in ay ka arrinsanayeen maareynta dhaawacyada halkaas lagu haayay oo ay ku jireen kuwa qabo dhaawacyo halis ah un baahnaa gar-gaar ka badan kan meesha loogu haayay sida uu nala wadaagay sargaalka ka tirsan Xoogga Dalka ee nala hadlay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalin ka hor Dhuusamareeb u gaaray dhammeystirka dagaalka looga xoreynayo khawaarijta Al shabaab deegaannada Galmudug, iyadoo uu xoogga saari doona kormeerka furumaha dagaalka, abaabulka bulshada iyo dhiiragelinta ciidamada naftooda u huraya xoreynta Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb ka bilaabay kulamada Abaabulka Dadweynaha ee Xoreynta Dalka “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa kala hadlay sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dagaalka  lagaga xoreynayo khawaarijta Alshabaab deegaanada ay kaga harsan yihiin Galmudug.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in odayaasha dhaqanka Galmudug ay laf dhabar u yihiin qorshaha ciribtirka khawaarijta, isagoo ku adkeeyey in ay hormuud u noqdaan abaabulka bulshada, wacyagelinta, hoggaaminta iyo garab istaagga Ciidama Qalabka Sida.

Ra’iisul wasaare Xamse oo kulan la qaatay Lataliyaha Dimuqraadiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa oo soo gaaray dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xamsa Warfaa uu caddeyn u yahay firfircoonida iyo dad la dhaqanka ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay adduunka ka joogaan, waxa uuna sheegay in doorka muuqda ee ay ku leeyihiin dalalka horumaray looga baahan yahay in uu ka muuqdo dhulkooda hooyo.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Lataliye Warfaa ayaa iska xogwareystay xaaladda dalka, dagaalka ka dhanka argagixisada, qorsheyaasha horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul-iinsaanka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa  ayaa la wadaagay sida ay Xukuumadda Danqaran mudnaanta u siisay ilaalinta xurriyadda hadalka, madaxbannaanida saxaafadda iyo xaqiijinta xogsiinta shacabka ee arrimaha dowladnimada.

Dhankiisa, Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa ayaa uga mahad-celiyey Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta wanaagsan iyo kulanka miro-dhalka ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay ku xigeenka Ergayga QM ee Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho.

Ku-xigeenka QM ayaa Guddoomiyaha ku boggaadisay shaqada uu qabtay Baarlamaanka intii uu socday kalfadhiyadii la soo dhaafay iyo doorkiisa odaytanimada leh uu ka cayaaray dib u heshisiinta dalka.

Dhanka kale waxay kawada hadleen in Barlamaanka ay kala shaqayn doonaan dhanka hormarinta iyo tababarada Xildhibaannada. Sidoo kale waxay isla soo hadal qaadeen dhamaystirka Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda iyo dagaalka lagula jiro kooxda Khawaariijta ah.