Home Blog Page 406

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar usoo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka.{Sawirro}

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa tababbar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya Ciidamada Qalabka Side ee Soomaaliyeed oo muddo lagu diyaarinayey dalkaas.
Madaxweynaha ayaa khudbadda uu u jeediyay halyeeyadan u istaagay difaaca dalkooda, waxa uu tilmaamay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada.
Cutubyada ciidamadan ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay dhoolla-tus ay ku muujinayaan tayadooda iyo tababarrada ay qaateen, Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada Cutubyadan ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyey in uu dul istaago nolashooda iyo tababarrada ay qaateen, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay in ay safka hore ka galaan howlgallada xoreynta dalka.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladaha Uganda taageerada naf hurnimada leh ee ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale, dowladda Imaaraadka Carabta ayuu uga mahadceliyey bixinta qarashaka ku baxay Tababarka ciidanka.

Wasiiru-Dowlaha Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo shir muhiim ah uga qeyb galay dalka Zambia

Wasiiru-Dowladaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda xukuumadda federaalka Soomaaliya xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir Dhucle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Livingstone ee Dalka Zambia uga qeyb galay shirka 8-aad ee Wasiiradda Dekadaha iyo  Gaadiidka Badda ee urur goballeedka ISCOS.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray isku xirnaanta Gaadiidka Badda dalalka barriga iyo bartamaha Afrika, Kor uqaadida xirfadlayaasha Badda iyo ilaalinta badqabka gaadiidka Badaha.

Wasiirka ayaa shirka ku soo bandhigay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay sidii looga gacan siin lahaa ilaalinta badqabka gaadiidka Badda iyo kor u qaadida aqoonta xirfadlayaasha Badda.

4-ta Horjooge ee ugu awooda badan kooxda Khawaarijta? (WARBIXIN)

Bilihii ugu dambeeyay ayay Ciidamada Dowladda, kuwa Maamulada Gobolada iyo Kooxaha Iskood isku abaabulay ay ku guuleysteen inay ka xoreeyaan degaanno ka tirsan Gobolada Hiiraan, Sh/dhexe & Mudug, iyadoo Khubarada ku xeel dheer Arrimaha Amaanka ay ka digeen in la dhayelsado awoodaha Kooxaha argagixisada Shababka iyo Daacishta Somalia, waxeyna xiligaan awoodaan inay tiro Weeraro & Qaraxyo khasaare geysta ka fulin karaan Saldhigyada, Xarumaha Dowladda iyo kuwa Rayidka, waxayna xuseen in Kooxaha Argagixisada ay muddo dheer ay dhisnaayeen isla markaasna ku howlanaayeen qorista khasabka ah ee Caruurta iyo Dhalinyarada busaarada iyo shaqo la’aanta dilootay kuwaasoo tiradoodu lagu qiyaasay 20.000 Howlgalada ka hor.

Bal aan eegno Khataraha Daacish (ISIL) ee Buuraha Puntland:- Kooxdaan oo farsiimo ku leh Buuraha Cal-miskaad isla markaasna ka awood iyo tiro yar kooxda Shababka, ayaa todobaadkii tagay kula dagaalamay Kooxda Shababka, waxayna dirirtaan salka ku heysaa gacan ku heynta & Saameynta dhulka buuraleyda ah tan iyo dabayaaqadii 2018-kii, iyadoo la sheegay in kooxdani ay Baad joogto ah ka qaado Ganacsatada Puntland. Kooxdaan ayaa la sheegay inay bilaabeen in Xerayaha qaxootiga iyo goobaha laga abaabulo tahriibka ka qortaan Dhalinyarada Degaanada iyo kuwa Ethiopia, iyagoo bilaabay 20-kii ugu horreeyay ee qorista Ethiopianka sanadkii 2015-kii, waxayna xiligaan safafka kooxdaan ka tirsan tiro u dhaxeysa 250-300.

Haddaba maxaa ka Taqaan 4-Horjooge ee ugu awooda badan kooda Shababka?Sida laga soo xigtay ilo wareedyo loo qaateen ah oo ku dhow Sirdoonka USA & qeybta daba galka & la dagaalanka kooxaha Argagixisada ee Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay in kooxda Argagixisada Shababka ay u dalacday inay noqon Kooxda ugu qanisan shabakadaha & Faracyada Kooxda Al-Qa’ida..

Kooxdaan ayaa la qiray in Sanadihii ugu dambeeyay ay sare kac ku yimid Dhaqaalaha (Baad’da) ay uruuriyaan, iyagoo u suurto gashay inay dhaqaale ku maalgeliyaan Kooxaha Boca Haram kuwa ka dagaalama Mozambique iyo DRC, talabadaan oo u fududeysa inay tababaraan Boqolal Maleeshiyaad cusub, weliba dakhli u helaan in ka badan 100-Millions US$, waxayna ka faa’iideysteen Habacsanaantii iyo Maamul xumadii Maamulkii 5-ta sano ee la soo dhaafay.

Xiligaan Maleeshiyaadka kooxdan, markii uu yimid Maamulka cusub ee Villa Somalia ayaa ku guuleystay inuu dib u bilaabo dagaalada lagu hayo Kooxdaan kana saaray degaanno badan, ayna haatan ku socoto dib u dhis dhinacyada kala duwan ah oo lagu horumarinayaayo degaannadaasi.

Waa kuwee Horjoogayaasha ugu Awooda Badan Xiligaan gudaha kooxda Khawaarijta

-Horjoogaha Guud Abuu Cubeyda aka Axmed Diiriye, wuxuu xilkaasi qabtay sanadkii 2014-kii, ka horna wuxuu madax ka ahaa Waaxda Arrimaha Gudaha, isagoo sidoo kale xubin sare ka ah Ururka Al-Qa’ida, wuxuuna ka soo jeeda Beesha Degta Gobolada Waqooyi.

–Ku xigeenka Horjoogaha Guud:- Horjoogahaan ayaa lagu magacaaba Abuukar Cali Aadan, wuxuuna ka soo jeeda Gobolka Hiiraan, wuxuuna u xil saaran yahay isku dabaridka Qorshayaasha Maleeshiyo & Amniga kooxda, isagoo Wakiil ka ah Horjoogaha guud.

–Horjooge Mahad Qaley (karatee), Horjoogahaan oo ka soo jeeda Deegaanka dhuusamareeb, wuxuu ku fadhiya Golaha ugu weyn Hogaanka kooxda, wuxuu u xil saaran yahay Howlgelinta Amniyaadka iyo Qeybta Maaliyada.

-Horjooge Jehad Serwan Mostafa.:- Aka Al-Anwar Al-Ameiiki alias Amir Anwar, Horjoogahaan ayaa ka soo jeeda Dalka USA, wuxuuna Madax ka yahay Qeybta Muhaajiriinta (Ajaaniibta) Ee hoos taga Kooxda Shababka, wuxuuna xiligaan u xil saaran yahay Howlgelinta iyo dejinta Qorshaha weerarada, isagoo la tilmaamo inay hoos yimadaan qeybta farsamada Qaraxyada, isagoo horey u soo maray qeybaha Tababarada, qorista muhaajiriinta & Warbaahinta, wuxuu mar soo noqday Wakiilka Al-Qa’ida ee Somalia.

Warbixintaasi kooban waxaa Magaalada Helsinki ee Wadanka Finland nooga soo diray Sarkaal ku xeel dheer arrimaha la xariira Warbixinnada iyo Falanqeynta dhinaca Ammaanka Ciise Xasan.

Waxaa kaloo aan rabnaa inaan idinla wadaagnno Warbixinta Machadka Daraasaadka amniga (ISS) ay ka qortay Majaldda Madasha Difaaca Afrika oo ay cinwaan uga dhigtay  Dowladda Iran oo Hubeynasa Kooxaha Xagjirka ah ee Geeska Afrika, waxayna qormadeeda ay ku bilowday, Muddo sanado ah, hubka Iran ayaa lagu dhibaateynayay Soomaaliya, halkaa soo laga iibiyo kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab iyo Daacish, dhinaca Dhiirigelinta dhaqaalaha, Iran ayaa Soomaaliya ka sameysatay shabakad Wakiil ka ah waxayna dalkaas u isticmaashay inay hub siiso maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen tan iyo qiyaastii 2016-kii.

Warbixin cusub oo uu soo saaray machadka daraasaadka amniga (ISS) ayaa shaaca ka qaaday in shabakada hubka koontarabaanka ah ay sidoo kale u badan tahay in ay gaarto kooxaha xiriirka la leh Al-Shabaab ee Itoobiya, Kenya iyo Mozambique, taasoo sii hurineysa amni darrada Geeska Afrika. Hubka Iran ayaa sidoo kale si caadi ah loo geeyaa Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Koonfurta Suudaan iyo Tanzania, sida ay sheegtay majaladda Foreign Policy.

Socodka sharci darrada ah ee hubku ma muujinayaan calaamado gaabis ah?. Horraantii bishii Janaayo, ciidamada Mareykanka ayaa qabtay Doon si qarsoodi ah ugu soo tahriibineysay in ka badan 2,000 oo qoriga AK-47 ah, xilli ay marayeen biyaha caalamiga ah ee u dhaxeeya Iran iyo Yemen, Waddadaas oo taariikh ahaan loo isticmaali jiray in hubka loo geeyo maleeshiyada Xuutiyiinta. Qabashadan ayaa ahayd tii ugu dambaysay ee ay ciidamada Maraykanku ku soo qabteen hub u socday Soomaaliya sannadihii u dambeeyay.

“Laakiin ciribtirka masiibada waxay u baahan doontaa wax ka badan caawinta ciidamada caalamiga ah”, warbixinta ISS ayaa ku doodday.

Waddamada Geeska Afrika waxa ay horeyba isaga kaashan karaan amniga badda iyaga oo u maraya guddi-hawleedka urur-goboleedka IGAD ee badda cas iyo gacanka cadmeed. Waxayna Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika ay kordhiyeen dadaallada ay ku joojinayaan ka ganacsiga hubka,  iyadoo Xeeladahaas, ay warbixintu ku doodday, waa in ay la jaanqaadaan siyaasadda badda ee heer Qaran iyo heer gobol, taas oo u baahan in la sameeyo koox la-talin ah oo ka tirsan guddiga Midowga Afrika.

Warbixintu waxay soo jeedinaysaa talooyin kale oo gacan ka geysan kara sugidda amniga badda ee gobolka. Hal fikrad ayaa ah in la ballaariyo shaqada kooxda xiriirka ee burcad badeeda xeebaha Soomaaliya (CGPCS) si loogu daro dambiyo badan oo dhanka badda ah. CGPCS waa hab maamul oo caalami ah oo la aas aasay 2009-kii, si loola dagaallamo burcad-badeedda,. taas iyo hindisayaasha kale waxay noqdeen kuwo waxtar leh. Laga soo bilaabo 2016-kii ilaa 2021-kii, kaliya sideed weerar oo burcad badeed ah ayaa laga soo sheegay xeebaha Soomaaliya, marka la barbar dhigo 358 weerar intii u dhaxeysay 2010 iyo 2015-kii.

Talo soo jeedin kale ayaa ah in la waafajiyo hab-maamuuska Nairobi ee ka hortagga, xakameynta iyo dhimista hubka fudud ee gobolka harooyinka waaweyn, Geeska Afrika iyo dalalka xuduudka la leh hindisaha Midowga Afrika ee Xaddida Qoryaha, kaas oo ka hadlaya dembiyada badda. Talaabadan ayaa ka caawin karta dowladaha inay iska kaashadaan arrimaha amniga badda.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaan dalalka Geeska Afrika iyo harooyinka waaweyn maaha kuwo qayb ka ah hab-maamuuska.”Tani dhab ahaantii waxay la macno tahay in qodobbada hab-maamuuska aysan ku xirneyn xisbiyada aan dawliga ahayn,” qorayaasha warbixinta ISS David Willima iyo Tshegofatso Ramachela ayaa email ugu sheegay ADF. “Tani waxay abuureysaa farqiga iskaashiga heer gobol iyo dadaallada la xiriira ka-hortagga hubka fudud iyo wax-soo-saarka, ka ganacsiga iyo isticmaalka.”

Warbixinta ISS waxa kale oo ay ku baaqaysaa in la sameeyo guddi hawleed ka socda bariga Afrika oo ay hogaaminayaan AU iyo IGAD. “Waqtigan xaadirka ah, ma muuqato wadahadal rasmi ah oo socda oo lagu dhisayo ciidamada ammaanka badda ee Bariga Afrika,” Willima iyo Ramachela ayaa yiri. “Dabcan, wada-hadallada ku saabsan samaynta ciidan hawleed oo amniga badda ee Bariga Afrika waa in ay noqdaan kuwo sare u kaca ajandaha Midowga Afrika iyo IGAD labadaba”.

Sannadka 2019-ka, dalalka xubnaha ka ah IGAD ee Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Uganda, Soomaaliya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan waxay samaysteen guddi-hawleed si ay u noqdaan gogol wada-hadal iyo isku-dubarid faragelinta gobolka. Ciidankaas hawl-galka ahi waxa ay la jaan-qaadayaan dhawr hindise oo kale oo gobolka ah, sida Isku-dhafka Ciidammada Badda oo aas aasay ciidan cusub oo ciidammada badda ah oo caalami ah sannadkii 2022-kii si kor loogu qaado ammaanka badda ee Badda Cas.

Hay’ado dhinacyo badan leh sida Golaha Badda Cas ayaa sidoo kale loo aas aasay inay kobciyaan iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga oo ay ku jiraan ka ganacsiga hubka ee u dhexeeya dalalka Carabta iyo Afrika. Xubnaheeda waxaa ka mid ah Djibouti, Masar, Eritrea, Jordan, Saudi Arabia, Somalia, Sudan iyo Yemen. “Waxay ahayd hindise soo dhawayn leh,” Willima iyo Ramachela ayaa yiri. Si kastaba ha ahaatee, waxa ay la soo deristay dhaqdhaqaaqyo awood-siyaasadeed oo mararka qaarkood loo arko mid ka baxsan dalalka kale ee gobolka sida Itoobiya, Turkiga,iyo Imaaraadka Carabta, taas oo wiiqaysa faa’iidooyinka ay sabab u tahay dabeecadda caalamiga ah ee dambiyada badda, ayay Majaladdu qoraalkeeda ku soo gagabeysay.

 

Sheekh Aadan Madoobe” Ilmaha beenta loo sheegay ee isqarxinaya iyo ciyaal weerada aqoontaa ku yar,”

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka hadlay ahmiyadda ay waxbasrahada u leedahay Bulshada, qeyb muhiim ahna ka qaadato koritaanka iyo horumarka Bulshada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ilmaha is qarxinaayo ee sida qaldan loogu fasiray Diinteenna Suuban, ciyaal weerada dhibaatada ku haya shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo kuwa jidadka taagan ee Koolada (Xabagta) dhuuqaya ay aqoontu ku yar tahay loogana baahan yahay in wasaaradda waxbarashada aad u hubiso Manhajka waxbarashada dalka.

“ Ilmahan hadda isqarxinaya inta been loo sheegay, Diinta lagu qiyaameeyay, aqoontoodana yar tahay naftooda in ay haligaan oo isqarxiyaan gaaray aqoontaa ku yar, kuwa hadda la sheegaayo ee ciyaal weerada loo bixiyay oo dadka nafta u keenay aqoontaa ku yar, kuwa jidadka dhooban oo koolada (Xabagta) dhuuqa sidaas oo kale, dhinaac inaan xoogga saaro, wasaaradda waxaan u soo jeedinayaa in Manhajka waxbarashada dalka aad loo hubiyo”.

Sidoo kale, guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ugu baaqay waalidiinta in ay ka warqabaan carruurtooda lana socdaan dhaq dhaqaaqooda si aanay ugu dhicin gacanta cadowga ka been sheegaya Diinteenna Islaamka ee gaaray in ay haligaan naftooda isna qarxiyaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hadalkan ka jeediyay xafladda soo xiritaanka Shirweynaha Waxbarashada Qaranka oo lagu soo gunnaanaday Muqdisho.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay horumarka laga gaaray dagaalka Khawaarijta lagula jiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay Khubad ka jeediyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay dowlad dhiska, dagaalka lagu cirib tirayo Khawaarijta dalka iyo xaaladda Laascaanood.

Madaxweynaha ayaa sheegay in horumar la taaban karo laga gaaray arrimaha dowlad dhiska, adeegyada Bulshada iyo waliba dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

“ Waxaa meel fiican mareysa dib u xoreynta dalka oo runtii howl culus laga qabtay oo dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u istaageen, ma jiro qof Soomaaliyeed oo aan door ku lahayn dib-u-xoreynta dalka, dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalkana waa ay ku wada jiraan, kuwo hadda dagaalka si xoog leh uga dhacaya oo gabagabo ayay marayaan, kuwana hadda ay bilow yihiin,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, madaxweynaha oo ka hadlayay xaflad sagootin ah oo xalay magaalada Baydhabo loogu sameeyay madaxda Dowlada Federaalka,Dowlad Goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa markale soo hadal qaaday arrinta Laascaanood iyo dhibaatada ka jirto.

“Beryahan waaad la socotaan dhibaato ayaa ka taagan magaalada Laascaanood iyo deegaannada ku xeeran, in badan oo horena waa ka hadalnay waxaasi in ay na gubayaan na dhibayaan aanan raali ka ahayn, kuna faraxsaneyn kuna qanacsaneyn, dadkii dhintay oo Soomaaliyeedna oo qaaliga ahaa inaan ka xunahay oo aan in badan ku baaqnay nabadda,”.

Magaalada Baydhabo waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka Golaha Wada-tashiga Qaran oo muddo labo maalmood ah magaaladaas uga socday madaxda dowladda federaalka,Dowlad Gobolleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, kaas oo laga soo saaray warmurtiyeed.

Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday is-afgarad dhanka horumarinta ciidanka Xoogga dalka

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Safiirka Maraykanka ee u fadhiya Soomaaliya Mudane Larry André ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixay is-afgarad ku aadan horumarinta iyo garab istaagga ciidanka Xoogga Dalka iyo xoojinta dagaalka Khawaarijta.

“Waxaan maanta aniga iyo Danjiraha Mareykanka Mudane Larry André is-afgarad ku kala saxiixanay magaalada Muqdisho, kaas oo gundhiggiisu yahay dhisidda ciidamada XDS ee Danab. Waxaan Isku afgaraney xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS.

Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ahmiyadda is-afgaradkan uu yahay in tababbar iyo qalabeyn loo sameeyo ciidanka Danab, si loo gaaro isku filnaansho ay ciidanka xoogga dalka kula wareegi karaan guud ahaan amniga dalka.

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Danab, isagoo intaa ku daray Wasiirku in dowladda Soomaaliya ayka go’antahay dhismaha iyo tayeynta ciidamada xoogga dalka.

Munaasabadda ay heshiiska ku kala saxiixanayeen wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliye ku-xigeenka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabaas Amiin.

Mareykanka oo Niger ka taageeraya dagaalada ay kula jirto kooxaha jihaad doonka ah

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa booqanaya dalka Niger ,lugtii labaad ee booqashadiisa kooban ee uu ku marayo wadamada Afrika.

Waxaa la filayaa in uu ku dhawaaqo taageero dheeraad ah oo uu Maraykanku siinayo dagaalka ay Niger kula jirto jabhadda jihaad doonka ah oo malaayiin qof ku qasbay in ay ka qaxaan guryahoodii gobolka Saaxil.

Mr Blinken ayaa ka mid ah saraakiil badan oo Mareykan ah oo booqasho ku tagay qaaradda Afrika bilihii la soo dhaafay,waxayna doonayaan Maraykanku waxa uu meesha ka saaro saamaynta Shiinaha iyo Ruushka ay ku leetihiin Afrika.

Madaxweynaha dalka Niger Mohamed Bazoum ayaa dhigiisa Mareykanka waxa uu sanadkii hore ku amaanay dhismaha dimoqraadiyada dalkaasi oo marar badan ay ka dhaceen afgambi militari.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray xarunta fadhiga Ciidanka gaarka ah ee Goodir

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa kormeeray Taliska Qeybta La-dagaalanka Argagixisada gaar ahaan fadhiga Ciidanka gaarka ah ee Goodir (RRT).

Kormeeka taliyaha ayaa ku saabsan u kuurgelidda xaaladaha shaqo ee taliska iyada oo Bishii Ramadaan fooda nagu soo hayso,taliyaha ayaa dhanka kale kormeeray Ciidan dhawaan koorso tababar meheradeed loogu furay Akademiyada Booliiska ee Sareeye Guuto Kaahiye.

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo furay shirka golaha madasha wadatashiga qaran

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta ku meelgaarka Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed ka furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Baydhabo waxaa lagu lafo-guri doona qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.
Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Wasiirka Warfaafinta XFS Daa’uud Aweys oo faahfaahin ka bixiyay Shirka ka furmaya magaaladda Baydhabo

-Shirka Madasha wada tashiga qaranka ayaa magaalada Baydhabo maanta ka fumaya waxaan shir guddoominaya madaxweynaha jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyadoo ay ka qayb galayaan  madaxweynayaasha dowladda goboleedayada Soomaaliya.

“Waxaa diirada lagu saaraya shir arrimaha amniga ,midaynta maaliyadda maamul goboleedayada iyo dhowladda dhexe ay ku wada shaynayaan,arrimaha doorashooyinka iyo sameynta nidaamayo doorasho oo dalku yeesh taas oo qayb ka ah kulamadda ay yeelanayaan madaxweynaha XFS iyo kuwa maamul goboleedayadda oo ajandah shirka qayb ka ah.

Sidoo kale,madaxweynaha jamhuuriyadda iyo madaxda heer dowlad goboleed ayaa ka arrinsanaya qorsheyaasha muhiimka u ah geeddi socodka dowladnimada iyo horumarka dalka,shirkan ayaa ah shirkii shanaad ee madashan oo gabagabada Shirka madasha wada tashiga qaran laga filaya in ay natiijo wanaagsan ka soo baxdo,” waxaa sida yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys oo la hadlay warbaahinta qaranka.