Home Blog Page 406

Ra’iisul wasaare Xamse oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka maraykanka

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Maraykanka,munaasabadan ayaa ka dhacday Gobolka Minnesota ayuu Ra’iisul wasaaruhu warbixin ka siiyey qurbejoogta Soomaalida ee ku nool dalka Maraykanka.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa Jaaliyadda Dalka  Maraykan wuxuu ku ammaaanay sida ay door muhiim ah uga qaataan dib u Dhiska dalka & sida ay uga hormar uga sameeyeen arrimaha Siyaasadda,caafimaadka,Ganacsiga & wax Barashada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in dowladdu ahmiyadda koowaad siisay ka sifaynta khawaarijta,isagoo Jaaliyadda ka codsaday in ay dowladda ku garab siiyaan sida ay dalka uga xorrayn lahayn kooxaha khawaarijta.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha ayaa Jaaliyadda war-bixin ka siiyey dayn cafinta & meesha ay marayso isagoo sheegay guulo wax ku ool ah laga gaaray.

Ciidamada xoogga iyo Macawisley oo Khawaarij ka sifeynaya Wabiga jiinkiisa.

Ciidamada xooga dalka iyo xoogagga deegaanka ayaa wabiga jiinkiisa Shabeellada dhexe ka wada howlgal lagu burburiyay fariisimo khawaarijta ay ku leheed deeganada Wabiga jiinkiisa ah ee Mahadaay hoostaga.
Dagaal ka dhacay deegaanada Ciid Ciidka, Oobaale iyo kuwa kale ayaa waxaa lagu dilay maleeshiyaad khawaarij ah iyadoo ay halkaas ku go’doomiyeen tiro dhagar qabeyaal ah.

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo New york kula kulmay Agaasimaha Fulinta WFP

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene ayaa kulan wax ku ool ah kula qaatay xarunta Qaramada Midoobay ee New york, Ku xigeenka Agaasimaha Fulinta iyo Madaxa Hawlgelinta ee WFP Carl Skau.
Labada mas’uul ayaa kulankooda waxa uu ku saabsanaa xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa WFP iyo hay’adaha kala duwan ee DFS, doorka WFP ee hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka, in taageerada bini’aadantinimo loo weeciyo dhinaca horumarka iyo dhisidda wada shaqaynta taasoo dalka u horseeda horumar waara.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo saaka tagay Daaru-nimca.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan BFS, kan Maamulka Hirshabelle, Saraakiil iyo Mas’uuliyiin kale ayaa gaaray Deegaanka Daaru-nicma ee Gobalka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ka mid ah deegaanada istiraatiijada ahaa ee laga saaray kooxaha Khawaarijta.
Masuuliyiinta ayaa deegaanka Daaru-Nicma ee hoostagta Degmada Ruunirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe u tagay sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladaha Nololeed iyo Amni, iyadoona goob fagaare ah kula hadlay Ciidamada Xooga dalka iyo kuwa difaaca shacabka ee howlgallada sifeynta Khawaarijta ka wada deegaanadaasi.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS oo daahfuray Imtixaan ay u fadhiisteen 1,766 qof.

0
Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS Mudane Baashe Y. Axmed, ayaa maanta daahfuray imtixaan ay u fadhiisteen 1,766 qof oo u tartamaayey jagooyin Kaaliyenimo oo ka banaanaaday hay’adaha Garsoorka ee dalka, gaar ahaan Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Maxkamadaha.
Guddoomiyaha, ayaa sidoo kale maalinkii shalay daahfuray imtixaan iyaga na laga qaadayey dad u tartamaayey jagooyin garsoorenimo oo ka banaaaday Garsoorka, waxaana ay tani qeyb ka tahay dedaalada dib-u-habaynta ee Garsoorka dalka si kor looggu qaado hufnaanta shaqada iyo aaminaada, sidoo kale na loo ballaadhiyo fidinka adeega cadaaladdeed ee hay’adaha garsoorku u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiye Baashe oo halkaas ka hadlay, ayaa la dardaarmay tartameyaasha oo uu ku booriyey inay naftooda ku kalsoonaadaan, sidoo kale na ay aaminaan aqoontooda isaga oo xusay in nidaamka loo qaadayo imtixaankani uu yahay mid ku dhisan habraac la hubiyey oo cadaaladdeed qof kasta na uu helaayo wixii uu shaqeysto.
Guddoomiyahu, wuxu sidoo kale tilmaamay in ujeedka ay imtixaanadan u qaadayaan ay tahay in la helo Garsooreyaal iyo Kaaliyeyaal ku yimi hanaan cadaaladdeed kuwaas oo laga filan karo inay si cadaalad ah ugu adeegi doonaan hay’adaha Garsoorka dalka.

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashi Caalamiga ah XFS oo kulan laba-geesood ah la yeeshay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Serbia

0

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashi Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jamaac “Huruuse” oo Ra’iisul Wasaaraha kala qeyb galaya shirkadda Todobaatan iyo Sideedaad ee Golaha Loo-dhan yahay ee Jimciyadda Quruumaha Ka-dhexeyso #UNGA78 ayaa kulan laba-geesood ah oo heerkiisu sareeyo Magaaladda New York kula qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane Ivica Dačić.

Labadda Wasiir ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka laba-gedood ka ah ee ka dhexeeya Labada dal iyo sidii loo taabagelin lahaa iskaashiga xagga tacliinta, farsamada iyo ganacsiga iyo dhaqaalaha.
Ugu Dambayn labadda Wasiir ayaa ku ballamay qaabeynta qariidadda iskaashiga labada dal iyo in ay derdergeliyaan Mashaariicda horumarineed ee wadaaga ah, si labada dal iyo shucuubtooda loogu jaheyn lahaa wax wadaqabsi.
Soomaaliya iyo Serbia waxaa ka dhexeeya xiriir qotto dheer oo soo bilowday dabayaaqadii 1960kii; waxaana uu yahay mid ku dhisan wax-wada qabsi, iskaashi iyo is-ixtiraam Gobannimada, Madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.
Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashi Caalamiga ah XFS oo kulan laba-geesood ah la yeeshay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Serbia.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga ayaa sheegay in loo baahanyahay in la furo doodaha ku saabsan Dib-u-habaynta Maaliyadda ee Yoolasha Horumarka Joogatada ah

0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sh. Faarax (Beene-Beene), ayaa sheegay in loo baahanyahay in la furo doodaha ku saabsan Dib-u-habaynta Maaliyadda ee Yoolasha Horumarka Joogatada ah (SDGs), xoojinta shabakada badbaadada maaliyadeed ee caalamiga ah; Horumarinta iskaashiga cashuuraha caalamiga ah iyo Uruurinta dhaqalaaha gudaha.

Qodobadan waxa ay ka mid ahaayeen khudbad uu Wasiirka maanta Ka jeediyay kulan heer sare ah oo dhinac socday kalfadhiga guud ee Qaramada Midoobay oo ku saabsanaa Maalgelinta Horumarinta kaasoo ujeeddadiisu tahay in la bixiyo talooyin siyaasadeed iyo hagitaan ku aaddan hirgelinta ajendaha waxqabad ee Addis Ababa.

Hirgelinta Ajendaha Addis Ababa ayaa ah Qaab-dhismeed ay Qaramada Midoobay ugu talagashay in lagu uruuriyo dhaqaalaha si loogu guuleysto yoolalka hurumarka joogtada ah iyo sidoo kale in la ogaado horumarka lagu talaabsaday iyo caqabadaha soo baxaya lana abaabulo waxqabadyo dheeraad ah.

guddoomiyaha golah shacabka iyo wafdi oo hogaaminaayo oo kulan la qaatey madaxweynaha jfs

0

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdixaashi Cabdullahi iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray magalaada Dhuusamareeb ayaa waxay Xarunta Howlgalinta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb kulan kula qaateen Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo bilooyinkii u dambeeyay Dhuusamareeb u joogay hagida howlagalda lagu ciribtiraayo Khawaarijta, ayaa guddonka uga warbixiyay guulaha ay gaareen Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa deegaanka, waxaana uu tilmamay in dhawaan guulo waaweyn laga gaari doono Khawaariijta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo marka hore Madaxweynaha ku bogaadiyay doorkiisa hogaamineed ee la dagaalanka Khawaarijta ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed leeyihiin hal cadow oo caqabad ku ah jiritaankooda, isla-markaana ay tahay in laga ciribtiro guud ahaan dalka. Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Baarlamaanka JFS oo ah matalayaasha shacabka ay si buuxda u garab taaganyihiin Ciidanka Xooga Dalka.

Wasiiro ,Xildhibaano, Ganacsato iyo maamulka Degmada ayaa ka qeyb galay Xarig jarka Garoonka diyaaradaha Degmada Hobyo

0

Wasiiro ,Xildhibaano, Ganacsato iyo maamulka Degmada ayaa ka qeyb galay Xarig jarka Dibu dayactir lagu sameeyay Garoonka diyaaradaha Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug

Garoonka oo bilihii la soo dhaafay u xayirnaa burbur iyo waxyeelo soo gaartay ayaa waxaa dayactiray Ganacsade Liibaan Ahmed Hassan oo ka mid ah Ganacsatada deegaanka.

Wasiirka Kalluumaysiga XFS Axmed Xasan Aadan,wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Alcadaala, Senator Duniyo ,Xildhibaan Dhabancad, Wasiir ku xigeenka Howlaha guud XFS iyo masuuliyiin kale ayaa dhammaantood dhiiri galiyey dib u dhiska garoonka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo kulan la yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan looga hadlayay taageerada arrimaha xasilnta, u-diyaar garowga Duufaanta El-Nino iyo xoojinta deeqaha iyo gargaarka la yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al-Rumaithi.

Dhinacyadu waxa ay isla garteen muhiimadda ay leedahay in deg-deg looga jawaabo baahiyaha bani’aadannimo ee ka jira goobaha laga xoreeyo khawaarijta, in wadajir loogu diyaar-garoobo ka hor tagga iyo ka daba-tagga saameynta la filayo ee Duufaanta El-Nino iyo in Dowladda Imaaraadka xoojiso dadaallada deeq-bixinta iyo maalgalinta mashaariicda adkeysiga iyo soo kabashada.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, wuxuu sidoo kale safiirka kala hadlay sidii ay nooga gacan siin lahaayen fududeynta kulama doceedka hay’adaha dhigeenna ee dunida marka la gaaro shirka COP28 oo dalkaas ka furmaya bisha November ee soo aaddan.
Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa dhankiisa ballan-qaaday u howl-galidda qodobbada laga wadahadlay wuxuuna xusay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay gacanta ku heyso qorshayaal maalgalin oo wax ka taraya la qabsiga iyo u adkeyga cilimida, isla-markaana mashaariicdaas la soo marin doono hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya.