Home Blog Page 4

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

0

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah iyo booshkiisa, kana soo baxsaday weerarrada Ciidamada Qaranka ay deegaanka Ugunji ugu geysteen Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Horjoogaha isku soo dhiibay Ciidamada ayaa sheegay in Gobollada Hiiraan Sh/Hoose iyo Shabeellaha Dhexe uu ka soo dagaalamay intii uu ka tirsanaa Khawaarijta, iyadoo dhawaan gurmad ahaan loo keenay tuulada Ugunji, balse markii uu u adkeysan waayey howlgallada is dabajoogga ah ee Ciidamada Qaranka ayuu isku soo dhiibay Geesiyaasha Xoogga Dalka.

Wuxuu sheegay in noloshu ku adkaatay, cabsi badana ay kala kulmeen weerarrada lagu baacsanayo cadowga Khawaarijta ah ee Ciidamada Qaranku ay ku beegsanayaan goobaha ay ku dhuumaaleystaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka argagixisada, taasi oo ku kaliftay in maanta uu isku soo dhiibo Ciidamada Qaranka.

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare ah u soo agaasintay xuska Maalinta Afrika (African Day), oo lagu qabtay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Xafladdan ayaa waxaa ka soo qeyb galay safiirrada dalalka Afrika u fadhiya Shiinaha, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kala duwan.

Dalalka ka qeyb galay ayaa halkaas kusoo bandhigay hidde iyo dhaqanka kala duwan,ee uu leeyahay dalkasto,iyadoo la soo bandhigay ciyaaro dhaqameed, heeso, suugaan, cuntooyin iyo labbis matalaya dal walba.

Safaaradda Soomaaliya ayaa si gaar ah u soo bandhigtay dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed, kuwaas oo si weyn u soo jiitay ka soo qeyb galayaasha. Waxaa sidoo kale la muujiyay astaamo ka tarjumaya taariikhda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Xuskan ayaa sanad walba lagu qabtaa Shiinaha, waxaana muhiimaddu ay tahay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka dalalka Afrika iyo Shiinaha.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Hodan Osman Abdi “Ujeeddadu ma ahayn oo keliya xus taariikhi ah, balse waa in la abuuro fursad lagu baran karo qaaradda Afrika iyo dhaqamadooda.”

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha oo Ka Qeyb Galay Gabagabada Shirka Madrid Dialogue

0

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Fikradaha Xagjirka Rabshadaha Wata, Mudane Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar, ayaa ka qeyb galay gabagabada shirka caalamiga ahaa ee “Madrid Dialogue on Counterterrorism Cooperation in Africa” oo maalmahan ka socday magaalada Madrid ee dalka Spain.

Intii uu shirku socday, Ergeyga ayaa kulamo miro dhal ah la yeeshay masuuliyiin iyo wakiillo ka socday dowlado iyo hay’ado caalami ah, isagoo la wadaagay khibradda Soomaaliya ee dhinaca la dagaallanka argagixisada iyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku wajahday ka hortagga fikiradaha xagjirka rabshadaha wata.

Sidoo kale, Ergeyga ayaa uga mahadceliyay Dowladda Spain iyo qabanqaabiyeyaasha shirka dadaallada ay ku taageerayaan amniga, xasilloonida iyo iskaashiga caalamiga ah.

HALGANKA NOLOLEED EE XOOG-MAALATADA

0

Booqasho gaar ah ayaan ku tagay Kawaanka Malaayga ee ku yaalla degmada Xamarweyne, halkaas oo aan kula kulannay mid kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee maalin kasta u taagan raadinta nolol maalmeed sharaf leh.

Booqashadan waxay qeyb ka tahay dadaallada wacyi galinta ah ee lagu muujinayo sheekooyinka dhabta ah ee bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka u taagan shaqooyinka adag ee laf dhabarta u ah nolosha bulshada iyo dhaqaalaha dalka.

Mudane Maxamed Shariif Shiikha waa kalluumaysato iyo xoogmaale muddo dheer kasoo shaqeynayay kawaanka malaayga. Maxamed wuxuu sheegay inuu ku biiray shaqadan xilli hore oo dhalinyaranimadiisa ah kadib markii uu dareemay masuuliyadda ka saaran taageeridda qoyskiisa iyo daboolidda baahiyaha nololeed ee qoyska.

Tan iyo waqtigaas, wuxuu si joogto ah uga shaqeynayay suuqa iyo kawaanka malaayga, isagoo maalin kasta waaberiga kasoo toosa si uu uga qeyb qaato dejinta, kala saarista iyo rarista malaayga laga keenay badda.

Maxamed wuxuu si qiiro leh uga sheekeeyay duruufaha adag ee ay wajahayaan kalluumaysatada iyo xoogmaalatada ka shaqeeya kawaanka. Wuxuu xusay in shaqadani aysan ahayn mid sahlan balse ay u baahan tahay dulqaad, geesinimo iyo dadaal joogto ah. Shaqaalaha goobtan waxay la kulmaan xaalado adag oo isugu jira culays jireed, jawi shaqo oo adag iyo dakhli aan mar walba joogto ahayn.

Caqabadaha ugu waaweyn ee uu tilmaamay waxaa kamid ah:

• Shaqo adag oo mararka qaar halis leh

• Dhaqaale xumo iyo dakhli aan joogto ahayn

• Qabowga, urta iyo xaaladaha adag ee deegaanka shaqada

• Taageero iyo qalab shaqo oo kooban

Inkasta oo ay jiraan caqabado badan, Maxamed Shariif Shiikha wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu si xalaal ah u shaqeeyo islamarkaana uu bulshada Soomaaliyeed uga qeyb qaato horumarinta dhaqaalaha iyo kobcinta kalluumeysiga dalka.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay qiimeeyaan shaqada, kana fogaadaan quusashada iyo shaqo la’aanta.

Fariintiisa ugu dambeysa ee uu u dirayo shacabka Soomaaliyeed waxay ahayd:

“Shaqo kasta oo xalaal ah waa sharaf. Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan kula talinayaa inay ka fogaadaan quusashada, ayna ku dadaalaan shaqo iyo horumar.

Dalkeenna wuxuu u baahan yahay shaqo badan iyo isku duubni.”

Booqashadan waxay iftiimisay halganka nololeed ee ay wajahayaan xoogmaalatada Soomaaliyeed iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan bulshada. Waa sheeko muujinaysa adkeysi, dadaal iyo rajada ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed ee maalin kasta u taagan raadinta nolol sharaf leh. Sheeko Dhab ah. Dad Soomaaliyeed. Horumar Wadajir ah.

Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abukaate), ayaa ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum) oo lagu qabtay magaalada Rabat ee dalka Morocco. Hal-ku-dhigga madashu wuxuu ahaa “Qaabeynta Kobaca ka faa’iidaysiga hubanti la’aanta loona beddelo fursado” (“Structuring Growth: Turning Uncertainty into Opportunity”).

Madashan oo ay isugu yimaadeen wasiirro, diblomaasiyiin, khubaro dhanka dhaqaalaha ah, iyo xeel-dheereyaal siyaasadeed ayaa diiradda lagu saaray wada-hadallo ku saabsan kobaca dhaqaalaha, iskaashiga gobolka, maalgashiga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo sidoo kale caqabadaha iyo fursadaha ka jira dhaqaalaha caalamka ee si xawli ah isu beddelaya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha caalamiga ah iyo horumar waara oo lagu taageerayo kobaca dhaqaalaha dalka iyo xasilloonida gobolka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aqoon kororsi u furay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa sabitida maanta si rasmi ah u furay tababar aqoon kororsi ah oo loo qabanayo Xildhibaannada Golaha Deegaanka degmooyinka Gobolka Banaadir, kaas oo diiradda lagu saarayo sare u qaadidda karaanka hoggaamineed, ku shaqaynta qaanuunka, maamulka dowladaha hoose iyo dardargelinta adeegyada bulshada.

Munaasabadda furitaanka tababarka waxaa ka qeyb galay wasiirka Arrimaha Gudaha XFS,Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo jeediyay khudbadda furitaanka yaa sheegay in tababarkani uu qayb ka yahay qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo nidaamka dowladaha hoose iyo dhismaha hay’adaha dimuqraadiga ah, isagoo tilmaamay in xildhibaannada goleyaasha deegaanka ay laf-dhabar u yihiin horumarinta adeegyada aas-aasiga ah iyo matalaadda shacabka heer deegaan.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan, oo ka qeybgalay furitaan tababarkan ayaa sheegay in qeybta koowaad ee tababarka lagu baranayo sharciyada ay ku shaqeynayaan xubnaha Golaha Deegaanka iyo kuwa ururrada siyaasadda, kuwaasi oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada XFS.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in doorashooyinka qof iyo codka ah ee ka bilowday degmada Shangaani ay hadda gaareen deegaanada Koonfur Galbeed, isla markaana qorshuhu yahay in la gaarsiiyo dhammaan dowlad-goboleedyada dalka.

“Iftiinkii ka bilowday degmada Shangaani ee doorashooyinka qof iyo codka waxa ay hadda marayaan Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in tallaabo horumar leh ay tahay in maanta tababar loo furo Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo dhowaan ay doorteen shacabka Muqdisho.

“Waa talaabo hore loo qaaday in maanta tababar loo furo golihii deegaanka ee gobolka Banaadir ee dhowaan shacabku doorteen.”ayuu yiri Gudoomiye Muungaab.

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay

0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo ay wehliyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim, ayaa maanta safar shaqo ku gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Safarkan shaqo ayaa ahaa qiimeynta xaaladaha guud ee degmada, gaar ahaan dhinacyada amniga, arrimaha bini’aadanimada iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda degmada Diinsoor.

Masuuliyiinta ayaa kulan la yeeshay maamulka degmada, saraakiisha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo warbixinno ka dhageystay xaaladaha jira iyo baahiyaha mudnaanta leh ee degmada.

Safarka ayaa qeyb ka ah dadaallada KGS iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu kuurgelayaan xaaladaha deegaannada, si loo xoojiyo amniga, loo dardargeliyo adeegyada bulshada, loona taageero mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolka.

Kulan looga hadlay xoojinta amniga ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo

0

Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji,ayaa kulan la qaatay Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Maadeey Nuureey Sheekh Ufurow, oo uu wehliyo Taliyaha cusub ee Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka XDS, Korneyl Isaaq Bardaale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlgalada ka dhanka ah nabad-diidka iyo adkeynta amniga magaalada Baydhabo. Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta laamaha amniga iyo maamulka si loo xaqiijiyo xasilloonida guud ee deegaanada Koonfur Galbeed.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maalmihii u dambeeyay howlgallo lagu baacsanayo khawaarijta ka waday deegaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duqeyn Qorsheysan Ka Fuliyay Deegaanka Ugunji ee Shabeellaha Hoose

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maanta duqeyn qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo isku aruursanayay si ay u abaabulaan falal argagixiso oo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalka waxaa lagu dilay lix ka mid ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyadoo sidoo kale la burburiyay hub iyo agab ay adeegsanayeen.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay xaqiijinayaan in la sii xoojin doono hawlgallada lagu baacsanayo haraadiga argagixisada, laguna beegsan doono goob kasta oo ay ku dhuuntaan, si dalka looga ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha Afrika ayaa billowday inay natiijooyin muuqda dhaliso.

Arrintan waxaa shaaciyay Liu Yuxi, safiirka iskaashiga China iyo Afrika, intii lagu jiray shir jaraa’id oo lagu qabtay magaalada Beijing.

Liu Yuxi ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo horseedaysa horumar dhaqaale oo waara oo u dhexeeya China iyo Afrika. Wuxuu sheegay in ka dhaafista canshuuraha kastamku ay xoojinayso iskaashiga labada dhinac xilli cusub oo dhaqaale.

Siyaasaddan oo uu horay ugu dhawaaqay Madaxweynaha Xi Jinping ayaa dhaqan gashay 1-dii May 2026, waxayna khuseysaa 53 dal oo Afrikaan ah oo xiriir diblomaasiyadeed la leh China.

Sida uu sheegay safiirku, ganacsiga u dhexeeya China iyo Afrika ayaa kordhay 26.8% saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan marka loo barbar dhigo sanadkii hore. Sidoo kale, ganacsiga labada dhinac ayaa sanadkii 2025 gaaray rikoor dhan 348.08 bilyan oo doollar.

Dekedda Shenzhen ayaa noqotay goobtii ugu horreysay ee lagu arkay hirgelinta siyaasaddan cusub, kadib markii ay soo gaareen badeecooyin kala duwan oo Afrikaan ah, kuwaas oo ay kamid yihiin tufaax laga keenay South Africa, liin macaan oo ka yimid Egypt, gypsum-ka Morocco iyo hilib lo’aad oo laga keenay Nigeria.

Mas’uuliyiinta Shiinaha ayaa sheegay in canshuur dhaafkan uu dhiirrigelinayo maalgashiga shirkadaha Shiinaha ee Afrika, isagoo taageeraya casriyeynta beeraha, warshadaha iyo kordhinta qiimaha badeecadaha Afrika.

Safiirka ayaa sidoo kale xusay in siyaasaddani aysan ku koobneyn faa’iido dhaqaale oo keliya, balse ay xoojinayso xiriirka bulshada iyo iskaashiga bani’aadamnimo ee u dhexeeya China iyo Afrika.

Dhankiisa, Yusong Chen oo ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga China ayaa sheegay in siyaasaddan ay sare u qaadayso isdhaafsiga badeecooyinka iyo iskaashiga dhaqaale ee labada dhinac, taasoo uu ku tilmaamay faa’iido wadaag u horseedaysa mustaqbal wanaagsan oo ay yeeshaan China iyo Afrika.