Home Blog Page 4

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee Guddiga, isaga oo faahfaahin ka bixiyay xaaladda guud ee howlaha doorashooyinka iyo horumarka laga gaaray wajiyada muhiimka ah ee geeddi-socodka doorashada.

Guddoomiyaha oo hadalka ku billaabay warbixin ku saabsan hawlaha farsamo iyo kuwa habraac ee doorashada, ayaa hoosta ka xariiqay in Guddigu si buuxda u gudanayo waajibaadka uu u xil-saaray Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Shuruucda Doorashooyinka Qaranka, waxaana uu xusay in hawlaha diyaar-garowga ee doorashada degmooyinka Banaadir ay si hufan u socdaan, isla markaana Guddigu ku shaqeynayo jadwalkii doorashada ee uu hore u iclaamiyay.

Mudane Cabdikariim Axmed Xasan waxaa uu sidoo kale shaaciyay in 12 urur siyaasadeed ay si dhameystiran u soo gudbiyeen liiskooda , halka qaar kale ay soo gudbiyeen qeyb kamid ah liiska musharaxiintooda u tartamaya doorashada goleyaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Ururada Siyaasadda ee soo gudbiyay liiska ayaa kala ah:

1. Ramaas

2. Karaama

3. Towfiiq

4. Saab

5. Madalsan

6. Cadaaladda & Wadajirka

7. Horumar & Midnimo Qaran

8. Muwaadiniinta Soomaaliyeed

9. Midnimada Shacabka

10. Qaranka Dimuquraadiga ah

11. Qiimo Qaran

12. Dowlad Wanaaga Soomaaliyeed

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in soo gudbinta liiska musharaxiinta ay muujinayso diyaar-garow heer sare ah oo ka jira dhanka Ururada siyaasadda, isaga oo ku boorriyey ururada aan weli soo gudbin liiskooda inay ka faa’iidaystaan fursadaha sharcigu u oggol yahay ee ku saabsan gudbinta liisaska iyo dhammeystirka shuruudaha tartanka.

Ugu dambayn, Guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyeyaasha doorashooyinka Ururada siyaasadda, bulshada rayidka ah, dhallinyarada, haweenka iyo maamulka degmooyinka in si wadajir ah loola shaqeeyo Guddiga si loo xaqiijiyo doorasho xor ah, hufan, nabdoon oo waafaqsan sharciga.

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

0

Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada ma jiraa?” jawaabteedu tahay mid caddaan ah: Ma jirto wax ka qiimo badan nidaam dawladeed oo shaqeynaya. Dawladnimadu waa saldhigga iyo tiirka koowaad ee ay ku istaagto horumarka bulsho kasta.

Maalinta Caalamiga ah ee Duulista Hawada (International Civil Aviation Day) ee la xusay maanta, waxaa ka qeyb galay Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada, iyo mas’uuliyiin kale oo badan. Munaasabaddan ayaa ahayd tusaale cad oo muujinaya in marka hay’adaha dowladda ay si wadajir ah u shaqeeyaan ay gaari karaan guulo la taaban karo, isla markaana ay bulshada u soo bandhigi karaan adeegyo muhiim u ah dalka iyo dadka.

Qodobada Muhiimka ah ee Hannaanka Dawladnimo:

Nabadgelyo iyo Kala Dambeyn: Ujeedada ugu horreysa ee dawladnimadu waa in ay sugto amniga guud, taas oo u oggolaanaysa muwaadiniinta in ay si nabad ah u noolaadaan, una gutaan waajibaadkooda nololeed.

Saldhigga Horumarka Dhaqaale: Bulsho kasta oo hormartay, waxay ku hormartay adkeynta dawlad-dhiska. Nidaamka dawliga ah ee hanaqaada ayaa abuura jawi ganacsi, maalgashi, iyo shaqo abuur, iyadoo la raacayo sharciyo cadcad.

Bixinta Adeegyada Aasaasiga ah: Dawladdu waxay mas’uul ka tahay in ay bulshada gaarsiiso adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha nadiifta ah, iyo kaabayaasha dhaqaalaha (waddooyinka, dekadaha, garoomada diyaaradaha, iwm.).

Matalaad Caalami ah:

Dawladnimadu waxay dalka siisaa cod iyo meel uu ku yeesho masraxyada caalamka, taasoo u sahlaysa in uu ilaashado madaxbannaanidiisa, sharcigiisana uu ku difaacdo danihiisa diblomaasiyadeed.

Guusha ay Wasaaradda Gaadiidka iyo Hey’adda Duulista Hawadu gaareen Maalinta Caalamiga ah ee Duulista Hawada, waa tusaale nool oo dhiirrigelinaya in dadkeennu ay u ooman yihiin nidaam dawladeed oo dhammaystiran oo shaqeeya.

Rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa in Alle inoo suuragaliyo in aan si wadajir ah u adkeysanno oo aan u hagaajinno hannanka dawladnimo, si aan u gaarno mustaqbal ifaya oo horumar leh.

Qore: Mohamed Abdi Osman “Faradheere”,

Agasimaha Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar oo Kalfadhigoodii Koowaad ku yeeshay Doha

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Doha kaga qayb-galay kalfadhigii koowaad ee Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

Labada dowladood ayaa guddigan u aasaasay in lagu xoojiyo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Intii lagu guda jiray kulanka, Wasiir Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali iyo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar, Mudane Soltan bin Saad Al-Muraikhi, ayaa kala saxiixday heshiisyo dhowr ah oo muhiim u ah horumarinta iskaashiga labada dal

1: Heshiiska Hidaha iyo Dhaqanka , ee Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare

Soomaaliya iyo Qatar waxay iska kaashan doonaan xoojinta iskaashiga maktabadaha iyo hay’adaha kaydka taariikhiga ah, abaabulka xafladaha dhaqanka iyo bandhigyada fannaaniinta, gudbinta iyo kobcinta aqoonta farshaxanka iyo dhaqanka, iyo ka qaybgalka bandhigyada buugaagta caalamiga ah ee ay wada qabtaan labada waddan.

2: Heshiiska Kastamada (Wasaaradda Maaliyadda)

Heshiisku wuxuu kor u qaadaya hirgelinta sharciga kastamka, xakamaynta iyo la dagaallanka dembiyada kastamka, hubinta qiimeynta saxda ah ee canshuuraha iyo kharashyada, ilaalinta habraacyada iyo xeerarka kastamka, iyo la dagaallanka xadgudubyada iyo tahriibinta, iyadoo la tixgelinayo heshiisyada heer gobol iyo caalami.

3: Heshiiska Dhalinyarada, Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha

Heshiisku wuxuu xoojin doonaa iskaashiga iyo is-dhaafsiga ka-qaybgalayaasha ururada dhalinyarada, ka qaybgalka shirarka iyo siminaarada, sahaminta xeryaha dhalinyarada, iyo tababarka maaraynta mashruuca iyo xirfadaha hoggaamineed.

4: Heshiiska Beeraha (Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka )

Soomaaliya iyo Qatar waxay iska kaashan doonaan xoojinta wax soo saarka beeraha iyo cuntada, is-dhaafsiga khibradaha iyo xogaha sayniska, abaabulka shirarka iyo siminaarada, isticmaalka teknoolojiyada casriga ah, bacriminta, iyo maareynta kaydinta iyo aqalka dhirta lagu koriyo(green House).

Heshiisyadani waxay astaan u yihiin go’aanka labada dowladood ee ku aaddan xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee dhinacyada dhaqanka, dhalinyarada, beeraha, iyo kastamka, iyagoo ka tarjumaya himilo wadajir iyo horumar waara.

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska iyo Dhismaha In teralooga oo lagu kor dhiyey xarunta lagu barbaariyo Caruurta Boliiska .

Dhismayaasha iyo dib u habeynta balaaran ee mudada kooban lagu sameeyey xaruntan ayaa saldhig u ah fulinta balan qaadkii Taliyaha ee la xiriiray in uu si buuxda daryeel iyo garab istaag u siinayo qoysaska Askartii Boliiska ee geeryootay.

 

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

0

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay degmooyinka ay ka socoto qaadashada kaarka codbixinta, iyagoo bulshada ku wacyigelinayey muhiimadda ay leedahay in la qaato kaarka si loogu diyaar garoobo doorashooyinka qof iyo cod ah.

Wasiirrada Warfaafinta, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Beeraha iyo Batroolka, ayaa booqday degmooyinka Kaaraan, Deyniile, Warta Nabadda iyo goobo kale. Waxay shacabka ugu baaqeen in ay ka faa’iideystaan fursadda oo ay qaataan kaarka codbixinta.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Saalim Caliyow Ibrow, ayaa sheegay inay Deyniile u tageen kormeerka qaadashada kaarka codbixinta ee doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys ayaa yiri “Doorashooyinkaan waa xor, qof kastana wuxuu xaq u leeyahay inuu u codeeyo xisbiga uu doonayo, dadka reer Kaaraan taariikhda qormeysa ee Soomaaliya ay ku taameyso ayey kaalin weyn ku leeyihiin.”

Wasiirka Wasaaradda Batroolka ee XFS, Daahir Shire Maxamed, “Reer Kaaraanow, kaararkiinna qaata oo soo doorta masuulka degmadiinna ee birito 25-ka December, ayaana noo ballan ah, waxaana rajeynayaa in degmadaan ay hormuud u noqoto gobolka Banaadir.”

Sidoo kale, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Cabid Xayir Mareeye, oo booqday degmada Deyniile, ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee u socota diyaar-garowga doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Maxamed Cabdullaahi Socdaal,ayaa sheegay in bulshada degmada Kaaraan ay diyaar u yihiin in codkooda ay ku ceel baxaan kana qeyb qaataan doorashada golaha degaanka.

“Bulshada degmada Kaaraan waxay diyaar u yihiin inay codkooda ku ciil baxaan oo ay soo doortaan golaha deegaanka iyo guddoomiyahooda mustaqabalka ee degmada”ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Cabdullaahi Socdaal.

Wakiilka dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee degmada Kaaraan Dubad Barre “Kaarka codeynta waxaa qaadatay 22 kun oo dadka baahiyaha gaarka ah qaba kamid ah, waxayna dooran doonaan qofka ay ka dhex arkaan inuu masuuliyadooda qaadi karo.”

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kala wareegay Hey’adda UNDP gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa sheegay in gaadiidkan ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan xoojinta iyo tayeynta hay’adaha amniga dalka, isla markaana loogu adeegayo shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu uga mahadceliyey Hey’adda UNDP taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta amniga.

Gaadiidkan oo tiradoodu gaareyso lix gaari, ayaa qeyb ka ah qorshaha horumarinta hay’adaha amniga dalka, iyadoo loo marayo mashruuca JPP Phase-2, oo ay maalgeliso Midowga Yurub (EU), ayna fuliyaan UNDP iyo hay’adaha amniga dalka. Barnaamijkan ayaa diiradda saaraya tayeynta adeegyada Booliska, tababarrada iyo xirfadaha amni, casriyeynta qalabka iyo gaadiidka, iyo hirgelinta adeeg boolis oo bulshada u dhow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa shacabka caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta, si ay uga qeyb qaataan doorashada golaha degaanka ee lagu wadaa inay dhacdo 25-ka bishan.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in qof kasta oo hore u qaatay shahaadada is-diiwaan gelinta laga rabo inuu qaato kaarka codbixinta, maadaama uu kaarkani yahay kan u oggolaanaya inuu codkiisa dhiibto maalinta doorashada.

“Qof kasta oo haysta shahaadada is-diiwaan-gelinta waxaan ugu baaqayaa inuu qaato kaarka codbixinta, si uu 25-ka bishan u gudato waajibiisa codbixineed. Guddiga Doorashada iyo ururrada siyaasaddana waxaan u fududeyn doonaa dhammaan howlaha ay u adeegayaan bulshada,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in awoodda dib loogu celiyo shacabka, si ay u soo doortaan ciddii matali lahayd una hoggaamin lahayd. Wuxuu xusay in muddo dheer ay bulshada Gobolka Banaadir ka maqneyd xuquuqdan, isla markaana doorashadan ay dib u soo celinayso xaqa codbixinta ee muwaadiniinta caasimadda.

Dhanka kale, wuxuu ururrada siyaasadda ee diiwaangashan u sheegay inay si xor ah u soo bandhigi karaan ololahooda doorashada, isaga oo xusay in maamulka gobolka uu la shaqeyn doono Guddiga Doorashooyinka, si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorashada golaha degaanka ee Gobolka Banaadir.

Maamulka Gobolka Banaadir oo kulan wacyigelin ah ku qabtay degmooyinka bartamaha Muqdisho

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa caawa hoggaamiyay kulan wacyigelin bulsho oo lagu qabtay Degmada Boondheere, kaas oo loogu diyaar-garoobayo doorashada qof iyo codka iyo qaadashada kaarka codbixinta.

Kulanka oo qayb ka ah ololaha wacyigelinta bulshada ayaa waxaa ka qaybgalay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, guddoomiyeyaal degmo iyo marti sharaf kale.

Intii kulanka lagu jiray waxaa diiradda lagu saaray:

wacyigelinta doorashada iyo qaadashada kaarka codbixinta, sugidda amniga caasimadda, doorka bulshada ee xasillinta magaalada.

Xildhibaanada ayaa ammaanay hoggaanka hufan iyo waxqabadka Dr. Muungaab ee horumarinta Muqdisho.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay dardargelinta howlaha wacyigelinta, isaga oo tilmaamay in qaadashada kaarka codbixinta ay u tahay shacabka fursad taariikhi ah.

Ugu dambeyn, Dr. Muungaab ayaa xusay in maamulka iyo shacabka Muqdisho ay ku mideysan yihiin dhismaha caasimad nabdoon, mideysan oo horumar leh, taasoo ku saleysan wadatashi iyo wacyigelin joogto ah.

 

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo mideyn lahaa taageerada caalamiga ah, kaas oo qeyb ka ahaa Madasha Dooxa ee siyaasadda iyo amniga.

Madaxweynaha ayaa kulanka ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgalay ee Soomaaliya ay ku xaqiijinayso xasilloonida, amniga iyo dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, isagoo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay dagaal dhanka milatariga, dhaqaalaha iyo fikirka ah kula jiraan argagixiso caalami ah oo ku soo duushay dalkeenna.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka hadlay hirgelinta doorashooyinka tooska ah oo meel wanaagsan maraya iyo muhiimadda ay leedahay dhammaystirka Dastuurka dalka oo aas-aas u ah dowladnimada, waxa uuna ku boorriyay beesha caalamka in taageeradooda ay noqoto mid isku duuban oo waafaqsan Qorshaha Qaran ee Soomaaliya.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyey sida shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay dhismaha dowlad adkaysi leh oo ku dhisan sharciyad, amni iyo horumar, isagoo uga mahadceliyey saaxiibada caalamka taageeradooda joogtada ah.

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Salaax Keshtah, iyadoo uu kulanka goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, kobcinta iskaashiga istiraatiijiga ah, iyo fursadaha lagu horumarin karo wada-shaqeynta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Masar.