Home Blog Page 3

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

0

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa hambalyo ku aaddan Maalinta Ciida Carafada u dirtay dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shaqaalaha Dowladda, shaqaalaha gaarka ah iyo kuwa hay’adaha aan Dowliga ahayn.

Ciida Carafo waa maalmo farxadeed oo kheyr badan xambaarsan, diinta islaamkana qiimo wayn ku leh, maadaama ay la xiriirto cibaadooyinka waaweyn ee Xajka iyo maalinta Carafo oo ah maalin fadligeeda badan yahay.

Sidoo kale waa maalmo fasax ah sida ku cad Sharci Lr. 36aad, Qodobka 65aad, Fasaxyada Qaranka Farqadiisa 4-aad, Xarafka [KH] oo qeexaya fasaxa ciida Carafo.

Haddaba Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay ku wargalinaysaa dhammaan hay’adaha Dowladda, kuwa aan Dowliga ahayn iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay in ay shaqaalaha fasax yihiin ciida awgeed muddo saddex (3) maalmood ah, laga bilaabo maalinta Arbacada, 27/05/2026, kuna eg maalinta Sabtida, 30/05/2026. Maadaama uu qabo xeerka shaqada in fasaxa ciida carafada yahay saddex maalmood.

 

Screenshot

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

0

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa shaaciyey liiska xubnaha ku guulaystay Golaha Wakiillada ee Dawlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS).

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xarunta safaaradda Dowladda Shacbiga ee Shiinaha kula kulmay Danjiraha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay muhiimadda iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa Dowladda Shacbiga ee Shiinaha uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal guud ahaan, gaar ahaan dhinacyada Warfaafinta, Warbaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska. Wasiirku waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda wadajirka labada dal ee ka hortagga xadgudubyada lagula kacayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee labada waddan.

Danjire Wang Yu ayaa dhankiisa si diirran u soo dhoweeyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta, isaga oo bogaadiyay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal. Danjiruhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Dowladda Shiinaha ay ka go’an tahay sii wadidda taageerada Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada mudnaanta u leh labada dal, oo ay ku jiraan Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Ugu dambayn, labada dhinac ayaa isku raacay in la dardargeliyo lana sii ambaqaado kor u qaadista xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Dowladda Shacbiga ee Shiinaha, si loo xoojiyo danaha wadaagga ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal.

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

0

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada Degdegga ah ee Caafimaadka Guud, kulan heer qaran ah oo ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasaaradda Amniga Gudaha, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Duulista Hawada, Wasaaradda Warfaafinta, Maareeyaha Guud ee Duulista Hawada, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Muhiimadda kulanka ayaa ah sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee la xiriirta ka hortagga iyo u-diyaargarowga cudurka Ebola.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

0

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cabdullaahi Xuseen Aadan (Ciro), ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga ee ka howlgala gobolkaasi.

Kulanka waxaa kasoo qeyb galay Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Bay, Taliyaha Qeybta Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee gobolka Bay, Taliyaha Asluubta gobolka Bay iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Intii uu socday shirka, waxaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga gobolka Bay, xoojinta wada shaqeynta ciidamada kala duwan ee qalabka sida iyo dardargelinta howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka XDS Jeneraal Cabdullaahi Xuseen Ciro, ayaa saraakiisha ku bogaadiyay doorkooda ku aaddan sugidda amniga, isagoo ku adkeeyay in la laba jibbaaro dadaallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee gobolka iyo la dagaallanka Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xarigga ka jaray Xarunta Maamulka Degmada Shingaani, oo dib-u-dhis iyo casriyeyn ballaaran lagu sameeyay, si’ loo xoojiyo hufnaanta maamulka, islamarkaana sare loogu qaado adeegyada dadweynaha.

Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab ayaa sheegay in dib-u-dhiska iyo tayeynta xarumaha dowladdu ay laf-dhabar u yihiin horumarinta adeegyada bulshada iyo dhisidda kalsoonida shacabka, isagoona xusay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in la sii xoojiyo dhismaha xarumaha adeegga dadweyne, taaso ka dhigan in dib loogu celinaayo canshuurta laga qaado shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhinaca kale faray hay’adaha ka shaqeeya Udxiyada (Gowraca Xoolaha ee Munaasabadda Ciidda) iyo dadka wax haysta in munaasabadda ciidul adxaa awgeed ay taageeraan, islamarkaana gargaaraan bulshada kuwooda nugul, isagoo geesta kale bogaadiyay guulaha laga gaaray amniga, waxa uuna ku baaqay in la xoojiyo wada-shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga.

Munaasabadda xarig-ka-jarka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka XFS, Marwo Khadiijo Maxamed Al-Makhzuumi, Wasiir Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee XFS, Mudane Maxamed Xuseen Gaaraxo, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Guddoomiyaha Degmada Shingaani, Odayaasha dhaqanka, agaasimayaal heer gobol ah iyo marti-sharaf kale.

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo dhaweynayay Duqa cusub ee magaalada Bristol

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad ee bulshada caasimadda Muqdisho kusoo dhaweenayeen guushii uu gaaray Mudane Yassin Mohamoud oo loo doortay Duqa Magaalada Bristol ee dalka Britian.

Duqa Muqdisho ayaa munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirrada iskaashi iyo wada-shaqeynta heer caalami ee taageeraya horumarka caasimadda Muqdisho. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay doorka qurbo-joogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Muungaab ayaa xusay in laga filayo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee gaaray heerarka hoggaamineed inay dalkooda kusoo celiyaan aqoonta iyo waaya-aragnimada ay kasbadeen, si looga faa’iideysto dadaallada dib-u-dhiska, horumarinta iyo tayeynta adeegyada bulshada.

Dhankooda, waxgaradkii, siyaasiyiintii iyo marti-sharaftii munaasabadda ka hadlay ayaa muujiyay rajada weyn ee laga qabo kaalinta uu Yassin Mohamoud ka qaadan karo xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Muqdisho iyo Bristol, iyagoo tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay wax badan ka filayaan dadaalladiisa ku aaddan horumarinta magaalooyinka iyo taageeridda arrimaha bulshada.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare hore Cali Maxamed Geeddi, xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyihii hore ee Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), duubab dhaqameed, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Awqaafta oo kormeer ku tegay Hoteeladda Makka ee laga rarayo xujeyda Soomaaliyeed

0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa kormeer ku tegay Hoteeladda Makka ee caawa laga rarayo xujeyda Soomaaliyeed.

Wasiir Sheekh Mukhtaar Rooboow ayaa xog wareystay qaar ka mid ah xujeyda iyo howl-wadeenada rarayo, waxaana uu kula dar daarmay in si masuuliyad ah loo guuriyo xujeyda.

11615 xaaji Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah malaayiinta xujeyda ah ee sanadkaan 1447/2026 waxaana Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ay ku dadaaleysaa sidii ay xujeyda Soomaaliyeed si wanaagsan ay ugu gudan lahaayeen acmaasha iyo waajibaadka Xajka

 

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka billaha ah ee Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maxamed Cali Xagaa, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Jeneraal Sulub Axmed Firin, Agaasimaha Guud Maxamed H. Shire, iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha Wasaaradda, xoojinta wada-shaqeynta hoggaanka, kor u qaadidda isla xisaabtanka, iyo dib-u-eegista waxqabadka bilihii u dambeeyay. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa soo bandhigay warbixin guud oo ku saabsan howlaha Wasaaradda iyo horumarka laga sameeyay hawlaha muhiimka ah tan iyo bishii Abriil, halka Agaasimeyaasha Waaxyuhuna ay gudbiyeen warbixino la xiriira maamulka iyo maaliyadda, qorsheynta, siyaasadda, shaqaalaha, iyo mudnaanta howlaha bilaha soo socda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay horumarinta nidaamyada maamulka iyo maaliyadda, xoojinta nidaamka shaqaalaha, iyo dardargelinta qorsheyaasha iyo istaraatiijiyadda Wasaaradda.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta, isla xisaabtanka, iyo mideynta dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida, iyo horumarinta adeegyada Wasaaradda.

Dowladda oo si KMG ah u hakisay in Dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safar ee loo yaqaan (OK-to-Board)

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay in Dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safar ee loo yaqaan (OK-to-Board), War ka soo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu sheegay in Dowladdu si dhow ula socoto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u socdaalay Dalka Masar kuwaas oo caqabad ka soo wajahday inay garoonka diyaaradaha ka baxaan.