Home Blog Page 3

𝐑/𝐖 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐨 𝐤𝐮 𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐪𝐮𝐮𝐪𝐝𝐚 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐮 𝐝𝐢𝐫𝐚𝐲 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.

0

Muqdisho, 10 December 2025:- Iyada oo maanta dunida oo dhan laga xusayo maalinta Xuquuqda Aadanaha ayuu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre waxaa uu hambalyo iyo boggaadin u direy guud ahaan bulshada Soomaaliyeed maadaamaa horumar ballaaran laga sameeyay u saldhigista arrimaha xuquuqda aadanaha.

“Soomaaliya waxaa ka go’an Geeddi-Socodka Xuquuqul Insaanka, waana jaangooyada siyaasadeed oo looga gudbayo xasaradaha looguna tallaabayo dhismaha dal sharci iyo kala dambeyn leh” ayuu yiri Mudane Xamsa.

Soomaaliya kaliya ma ahan mid ka mid ah saxiixayaasha heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha , ee waxa heshiisyadan ka dhigaysaa xeerar maxali ah oo la falgala nolol maalmeedka dadka heer degmo illaa heer federal, si hubanti looga dhigo illaalinta xaqa asaasiga ah ee muwaadhinka.

Xuska maalintan caalamiga ah ayaa sanadkan kusoo aadaysa iyada oo xukuumadda Dan Qaran ay dhistay guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, Ansixyay Baarlamaanka Federaalka ah, maantana kama dambeys uu saxiixay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ugu dambeyntii xusey in ka sokoow guddiga, dowladda ay xoojisay Xafiiska Xeer Illaaliyaha Guud, Taliska Ciidanka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Garsoorka si ay awood ugu yeeshaan in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan fal kasta oo xad gudub ku ah xuquuqul insaanka.

NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay 12 dhagar-qabe.

0

WAR SAXAAFADEED.

Muqdisho, December 10, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka (NISA) ayaa xalay howlgal qorsheysan ku dilay ilaa 12 dhagar-qabe, oo uu ku jiro Horjooge Ciidanka Sirdoonku ku raad-joogay, kuwaas oo si dhuumaaleysi ah falal argagixiso uga abaabulayay dhulka hawdka ah ee deegaanka Jambaluul, degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan oo lagu bartilmaameedsaday godad ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen iyo goobo ay ku diyaarinayeen qaraxyo, ayaa intii uu socday isu badalay dagaal fool-ka-fool ah, iyada oo uu cadawga Khawaarijta Hoobiyeyaal la beegsaday goobo ay dad shacab ah degan yihiin, isla markaana, waxay waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah iyo labo askari oo ka tirsan Ciidanka NISA, kuwaas oo Dowladdu ay gacanta ku heyso maareyntooda iyo daryeelkooda caafimaad.

Dowladda Soomaaliya waxay aad uga xuntahay waxyeellada dadka rayidka ah ka soo gaartay weerarka naf la caariga ah ee Khawaarijta, waxayna xoojinaysaa howlgallada lagu ciribtirayo argagixsada duulaanka ku ah nafta, hantida iyo dowladnimada Soomaaliya.

Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.

Madaxweynaha JFS oo saxiixay dhismaha Guddiga Xuquuqul Insaanka .

0

Muqdisho, Diseember 10, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay sharciga dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kaddib markii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen xubnaha Guddigan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha Guddigan uu ka tarjumayo sida Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta, isagoo bogaadiyey wada-shaqeynta Baarlamaanka iyo Xukuumadda taas oo aasaas u ahayd soo dhisidda iyo hubinta waafaqsanaanta sharciyadda iyo diinta ee xeerka Xuquul Insaanka iyo dhismaha Guddigan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka dadaalka ay ku hoggaamisay diyaarinta hannaanka sharci iyo farsamo ee suurta geliyay in la helo Guddigan oo u diyaarsan gudashada waajibaadkiisa qaran.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Alle uga baryey in uu shaqadooda u fududeeyo xubnaha Guddigan ayaa xusuusiyay waajibaadka laga sugayo ee ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo xoojinta nidaam dowladnimo ku dhisan caddaalad, isla xisaabtan iyo hufnaan.

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulankii 20-aad ee kalfadhiga 7-aad, waxaana shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo uu wehelinayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Amniga Gudaha. Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa mudanayaasha uga faallooday qodobada muhiimka ah ee ku jira hindisaha.

Sida uu dhigayo Xeer-hoosaadka Golaha, Hindise Sharciyeedku ma furmin dood rasmi ah, balse qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa su’aalo weydiiyey Wasiirka Amniga, iyaga oo diiradda saaray mabaadi’da guud ee hindisaha.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa faray Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga in ay la wareegaan Hindise Sharciyeedka, islamarkaana ay diyaariyaan akhrintiisa labaad si dood rasmi ah loogu furo Golaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

0

Muqdisho, Arboco, 10 Diseembar 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo sii wada kulamada uu la leeyahay ergada diblumaasiyadda fadhigoodu yahay dalka ayaa maanta qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Ruushka Mudane Makhail Golovanov.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa safiirka uga xog waramay xaaladda guud ee dalka sida amniga iyo horumarada laga sameeyay dowlad-dhiska, baahinta adeegyada dowladda iyo kaalinta sii kordhaysa ee dowladda Soomaaliya ku yeelatay qeyb ka noqoshada maslaxada adduunka.

Waxa sidoo kale kulanka looga hadlay xiriirka diblumaasiyadeed iyo kan iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal. Sidoo kale Mudane Xamse ayaa ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dadka ay abaaraha saameeyeen, iyo jawaabaha ugu habboon ee laga bixin karo.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Ruushka Mudane Makhail Golovanov ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha iyo dowladda Soomaaliya sida diirran ee xiriirka ku socdo, isaga oo intaas ku daray in ay sii balaarin doonaan xiriirada.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha waxaa joog-boog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo warbixin tirakoobyo leh diyaariyay, iyo sidoo kale Xoghayeyaasha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Daahir Guutaale,

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS oo daah-furay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka.  

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daah-furay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, oo sanad kasta la xuso 10-ka Diseembar.

Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka, Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, ayaa sanadkan lagu soo bandhigay guulaha la taaban karo ee laga gaaray horumarinta xuquuqda aadanaha Soomaaliya. Waxaa ka mid ah:

– Dib u soo celinta waajibaadka Xuquuqul Insaanka oo dalka ka maqnaa ku dhawaad 30 sano.

– Meel marinta sharciyo muhiim u ah difaaca xuquuqda aadanaha.

– Dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Xuska ayaa sidoo kale xasuusin u ah 77 guuradii kasoo wareegtay markii la ansixiyay Qaraarkii Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay sanadkii 1948. Soomaaliya waxa ay ka mid tahay 193 waddan oo maanta si rasmi ah u xusaya maalintan muhiimka ah.

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

0

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka (10-ka December) ayaa sanadkan si gaar ah diiradda u saaraysa kor u qaadista wacyiga bulshada ee ku aaddan ilaalinta xuquuqda aadanaha, sinnaanta, cadaaladda iyo xorriyadaha aas-aasiga ah.

Xuska Muqdisho ka dhacaya waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, hay’adaha xuquuqda aadanaha, ururada bulshada rayidka ah, arday, haween iyo dad matalaya qeybaha kala duwan ee bulshada. Waxaa lagu wadaa in lagu soo bandhigo khudbado, doodo iyo baaqyo ku aaddan xoojinta ilaalinta xuquuqda bini’aadamka iyo la dagaalanka takoor iyo dulmi.

Maalintan waxa ay xasuusin tahay muhiimadda ay leedahay in la dhowro xuquuqda qof kasta oo bini’aadam ah, iyadoo Soomaaliya ay weli wajahaysa caqabado dhinaca xuquuqda aadanaha ah, haddana waxaa jira dadaallo socda oo lagu horumarinayo nidaamka cadaaladda iyo xorriyadaha muwaadiniinta.

Wasiir Arrimaha gudaha XFS oo soo dhaweeyay muwaadiniin dib loogu soo celiyay dalka.

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh, ayaa kulan soo-dhoweyn, xog-wareysi, iyo dardaaran ah la qaatay 148 muwaadin oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u fududeysay in dalkooda dib ugu soo noqdaan.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali-Xoosh siiyey warbixin ku saabsan howsha soo-gurya noqoshada muwaadiniintaasi.

Muwaadiniinta ayaa laga keenay dalka Yemen, waxaana ka koobnaa in ka badan 80 qoys, iyadoo diiwaangelin iyo soo-dhoweyn u samaysay Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed.

Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe

0

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ka fuliyey deegaanka Towfiiq ee hoos taga degmada Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkan waxaa lagu soo qabtay labo dhagar-qabe oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta argagixisada, kuwaas oo ku howlanaa baad iyo dhibaateynta shacabka deegaanka.

Mid ka mid ah dhagar-qabayaashan, oo lagu magacaabo Sakariye, ayaa baaritaan kadib lagu ogaaday inuu yahay wiil uu dhalay Macallin Cabdirahmaan, oo ka mid ah horjoogayaasha Khawaarijta ee ay Ciidamada Qaranku ku raad joogaan.

Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay mooto ay argagixisadu u adeegsan jireen gaadiid ahaan, hub iyo agab kale oo muujinaya maleegidda falal argagixiso oo ka dhan ah dadka rayidka ah.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo canaasirta Khawaarijta, laguna xaqiijinayo nabadda iyo amniga shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya oo u Diyaargarowday Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

0

Soomaaliya waxa ay si weyn ugu diyaargarowday xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, oo sanad kasta lagu xuso 10-ka December. Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkan martigelinaysa munaasabaddan muhiimka ah, iyadoo Soomaaliya soo bandhigi doonta guulaha ay Wasaaraddu ka gaartay horumarinta xuquuqda aadanaha inta lagu guda jiray sanadkan dhammaanaya ee 2025.

Sanadkan, Soomaaliya waxa ay waqti, xoog iyo maskaxba gelisay sidii loo xoojin lahaa ilaalinta iyo horumarinta Xuquuqul Insaanka. Dadaalladan joogtada ah ayaa horseeday in guulo la taaban karo laga sameeyo kobcinta xuquuqda aadanaha ee dalka.

Munaasabadda berri ee 10-ka December ayaa lagu wadaa inay ka duwanaato kuwii hore, iyadoo la filayo in ay noqoto mid heer sare ah, haddii Eebbe idmo.