Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aqoon kororsi u furay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa sabitida maanta si rasmi ah u furay tababar aqoon kororsi ah oo loo qabanayo Xildhibaannada Golaha Deegaanka degmooyinka Gobolka Banaadir, kaas oo diiradda lagu saarayo sare u qaadidda karaanka hoggaamineed, ku shaqaynta qaanuunka, maamulka dowladaha hoose iyo dardargelinta adeegyada bulshada.

Munaasabadda furitaanka tababarka waxaa ka qeyb galay wasiirka Arrimaha Gudaha XFS,Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo jeediyay khudbadda furitaanka yaa sheegay in tababarkani uu qayb ka yahay qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo nidaamka dowladaha hoose iyo dhismaha hay’adaha dimuqraadiga ah, isagoo tilmaamay in xildhibaannada goleyaasha deegaanka ay laf-dhabar u yihiin horumarinta adeegyada aas-aasiga ah iyo matalaadda shacabka heer deegaan.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan, oo ka qeybgalay furitaan tababarkan ayaa sheegay in qeybta koowaad ee tababarka lagu baranayo sharciyada ay ku shaqeynayaan xubnaha Golaha Deegaanka iyo kuwa ururrada siyaasadda, kuwaasi oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada XFS.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in doorashooyinka qof iyo codka ah ee ka bilowday degmada Shangaani ay hadda gaareen deegaanada Koonfur Galbeed, isla markaana qorshuhu yahay in la gaarsiiyo dhammaan dowlad-goboleedyada dalka.

“Iftiinkii ka bilowday degmada Shangaani ee doorashooyinka qof iyo codka waxa ay hadda marayaan Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in tallaabo horumar leh ay tahay in maanta tababar loo furo Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo dhowaan ay doorteen shacabka Muqdisho.

“Waa talaabo hore loo qaaday in maanta tababar loo furo golihii deegaanka ee gobolka Banaadir ee dhowaan shacabku doorteen.”ayuu yiri Gudoomiye Muungaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dhul gariir ka dhcay dalka Indonesia

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi murugo leh u dirtay...